daqaqamis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqaqamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daqaqamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaqamis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqdha- qaaq ay gaabin iyo tabaryari ku jirto sida kan carruurta iyo duqayda. Dh: daqaqamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqaqamid
(Daqaqamid-da)
Dhaqdhaqaaqid ama socosho yar sida tan carruurta yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqaqamid
m.f.dh eeg daqaqan². la-mid: daqaqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqaqamid
-da: (magac, dhedig, keli) smeel aan fogayn u dhaqaaqif oo faalalid.
daqaqamid-da: (magac, dhedig, keli) si ay haliilid ku jirto wax u doonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaqamid
-da: (magac, dhedig, keli) si tukube ah wax ugu dhaqaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqaqam
(fal) meel aan fogayn u dhaqaaq oo faalal.
daqaqam: (fal) si ay haliilid ku jirto wax u doon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqramis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaawac ama nabar qofka madaxa ka soo gaara. Dh: daqramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqamis
m.l la-mid: qaaqamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) daaqidda tigaadda iyo dhirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqami
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka d.: qof wax uu ogyahay in uu sheego ku khasbid. 2. Ku d.: si qasab ah cid afka wax uga siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqaqan
(Daqaqan-ka)
Dhaqdhaqaaq gaabin iyo tabar yariyi ku jirto sida kan carruurta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqaqan
daqaqan¹: m.l Socod meel aan guriga ka fogeyn lagu gaaro; faalal. la-mid: daqaqamid.
daqaqan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) U d.: Meel aan guriga ka fogeyn socod ku gaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqaqan
v. toddle, walk haltingly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqaqan
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaq ay gaabin iyo tabaryari ku jirto sida ka carruurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqaqan
de: toddle, walk haltingly
lx: daqaqan
pd: (daqaqamay)
ps: v1=
key: daqaqan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamis
m.l la-mid: dhaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaamis
-ka: (magac, lab, keli) biyo soo gurid; ceel biyo ka keenid oo cid harraadan u geyn. Dh: aroor.
dhaamis-ta: (magac, dhedig, keli) ka roonaanshaha cid kale. Dh: dhaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dab u dhawayn si loogu diiriyo ama engejiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaqami
(fal) wax dab u dhawayn si loogu diiriyo ama engejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balqamis
m.l la-mid: balqamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bayaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daa'imis
(Daa'imis-ka)
Weligiis ah; daa'in ah; lagu waaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daa'imis
m.l la-mid: daa'imin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daa'imis
-ta: (n) habituation (habi-ju-weey-shiny, conditioned reflex
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'imis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad samayntiisa caadaysatid. Daa'imis ma leh doog hadduu roobku heliwaayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daa'imis
de: permanence
lx: daa'imis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: daa'imis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabacis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wixii la mid ah, xaradh ama daabacaad kale u yeelis. Daabacistii shalmadaha buufiskaan ku daalay oo aan ilaa xalay dul fadhiyey.
daabacis -ta: (magac, dhedig, keli) buug iyo wixii la mid ah, madbacad ku daabicis. Daabicistii buugga ayaa lagu guda jiraa weli oo dibadda uma soo bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafacis
-ta: (magac, dhedig, keli) cadaw ama waxyeello ka ilaalis. Difaacista danyartaan isu taagay. Dh: dhawris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsiis
m.l la-mid: daajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsiis
-ka: (magac, lab, keli) foofinta xoolo lagu soofiyo meel baad leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayimis
m.dh la-mid: daa'imin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayimis
-ta: (magac, dhedig, keli) caado ka dhigasho oo wax ad had iyo goor samayso ka dhigid. Daa'imista runtu waa sharaf. Dh: daa'imid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabdamis
m.l Ciidan qaabbilsan la dagaalanka dabka. la-mid: debdemis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabdamis
m.l Ciidan qaabbilsan la dagaalanka dabka. la-mid: debdemis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabdamis
m. n., [compound] fireman, fire fighter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabdamis
-ka: (n) fire extinguisher (ikistin-guwisher) ~ damin, bakhtiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabdamis
-ka: (magac, lab, keli) wixii ku shaqo leh bakhtiinta dabka iyo joojinta masiibooyinka dabka ka bilaabma. Ciidammo dabdemis ayaa la noo soo tababaray. Dh: demdemis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabdamis
de: fireman, fire fighter Alt sp: dabdemis
lx: dabdamis
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: dabdamis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku dahaarid. Dh: dahaadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dakaamid
(Dakaamid-da)
(fardo) dakaan noqosho; tabargabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakaamid
m.f.dh eeg dakaan². la-mid: dakaamo (2), dakaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakaamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo dekaan. noqosho oo daalid. Dh: digleyn, dekaamid, tabargabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalqamid
(Dalqamid-da)
Hadal badan shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqamid
m.f.dh eeg dalqan². la-mid: dalqan¹ (2), dulqami, dulqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqamid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi amal xummad darteed oo qofku war badan fiirsasho la'aan iska sheego. Xummaddu dalqamid bay qofka ku riddaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqamin
m.f.dh eeg dalqami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqamin
-ta: (magac, dhedig, keli) tabanta'id oo xanuun darteed la hadhadlid. Dalqaminta illaa xalayba wuu waday wiilka bukaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaanis
-ka: (magac, lab, keli) garabsiinta iyo u hiilinta qof aad saaxiibbo tihiin. Dh: hiilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaqam
(fal) si tukube ah, u dhaqaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqramid
(Daqramid-da)
Madax ka lafoobid, dhaawac ama nabar ku dhacay darti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqramid
m.f.dh eeg daqran¹. la-mid: dakhramid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqramid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa oo uu qofka dhaawac ka gaadho. Dh: dakhramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayaamid
(Dayaamid-da)
Dayaan ka yeerid; daryaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaamid
m.f.dh eeg dayaan². la-mid: daryaamid, diryaamid, diyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dayaan iyo qaylo samayn. Buuraha ayaa dayaamiddu xoog ugu soo baxdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacamis
m.l la-mid: dhacmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamis
galaamis¹: m.l la-mid: galaamin.
galaamis²: m.dh la-mid: galaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaamis
m.l la-mid: gawaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hayaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqaafis
m.l la-mid: jaqaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaqaqari
(Jaqaqari-da)
Geedo intay biyo aad u cabbeen, jilcay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqaqari
m.dh (botani) Dhir roob iyo xareed badan heshay oo laamo curdun ah iyo caleen hamash ah leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaqaqari
m.dh (botani) Dhir roob iyo xareed badan heshay oo laamo curdun ah iyo caleen hamash ah leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaqaqari
f. n. lush grass after rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqaqari
-da: (magac, dhedig, keli) cosobka iyo nabaadka ku baxa roobka iyo biyaha badan.
jaqaqari -da: (magac, dhedig, keli) geedo biyo badan ku baxay oo jirrid jilicsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaqaqari
de: lush grass after rain
lx: jaqaqari
pd: (-da)
ps: n-f
key: jaqaqari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqamid
m.f.dh eeg qaaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqamin
m.f.dh eeg qaaqami. la-mid: qaaqamis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dab damis
-ka: (n) fire extinguisher;
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dabqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalqamiso
(Dalqamisa-da)
Wax lagu sameeyo qofkii la doonayo inuu hadlo oo waxa uu og yahay oo dhan sheego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqamiso
m.dh (-ooyin, m.l) Sixir lagu sameeyo qof la doonayo wax uu ogyahay in uu sheego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalqamiso
f. n. inducement to someone to talk; put one's finger into the mouth to make oneself vomit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqamiso
-da: (magac, dhedig, keli) sixir iyo fal lagu akhriyo qofkii la doonaayo inuu hadlo oo wuxuu ogyahay oo dhan sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalqamiso
de: inducement to s.o. to talk; put one's finger into the mouth to make oneself vomit
lx: dalqamiso
pd: (/da)
ps: n-f
key: dalqamiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaajis
m.l la-mid: dhaqaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhaqaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqaris
m.l Cabbir da'mada roobka lagu cabbiro oo rays-qotonku faraha dhexdooda le'egyahay. la-mid: faraqarrar¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaqaris
m.l M. ah: biyo meel fadhiya oo aan jilibka soo gaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) tabarbeelis ku ridis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaqadin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoyan ku maliiqid oo ku dhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabacsamid
m.dh la-mid: debecsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabacsamid
-da: (magac, dhedig, keli) debeecad wanaagsanaan. Dabacsamidu dadkay kugu dartaa. Dh: dabeecadwanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaqaadid
m.f.dh eeg dabaqaad². la-mid: dabaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax ka dhacay ka dabaqaadid oo ka daba xadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalamid
-da: (magac, dhedig, keli) dirir galid. Askarta dagaalamid ayaa loo tababaraa. Dh: diririd, dagaallamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dalandalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqabatin
-ka: (magac, lab, keli) waddan aanad hore u aqoon la qabsigiisa. Dh: dalqabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darayamuus
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah marooyinkii hablihii hore xidhan jireen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhamis
m.l la-mid: dhadhamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) filka wax lagu hanan karo gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaqoris
m.dh la-mid: shaqaqorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqajaajis
-ka: (magac, lab, keli) nooc shimbiraha ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadami
m.l.u 1. Dadka Eebahay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. 2. Aadami ahaan. la-mid: aadane, aadmi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aadami
m.l.u 1. Dadka Eebahay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. 2. Aadami ahaan. la-mid: aadane, aadmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aadami
m. n. (adj.): humanity; human being, person; human
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aadami
-ga: (n) human being (hiyuuman biing) ~ aadane
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aadami
a: aadane
de: humanity; human being, person; [atr.] human
lx: aadami
pd: (-ga Pl: aadamiyiin)
ps: n8-m
key: aadami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaami
-ga: (magacwadareed) xoolo tebis ah oo an sannado dhalin. Haddaan dirir xalan, oon nin xidid ahi, amaamiga xagan. Dh: dabaax, dammaan.