danyare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyare
-ha: (magac, lab, keli) qof hanti yar ama caydhba ah oo aan wax badan haysan. Kol haddaan danyare ahay, duunyo ii dareerayn; deldellaadi waa adi. Dh: danlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danyar
danyar¹: m.dh.u Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax nolol maalmeedkiisa dhaafsiisan. la-mid: dabyar.
danyar²: f.mg4 (-raa, -rayd) Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax dhaafsiisan nolol maalmeedka ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danyar
m.dh.u Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax nolol maalmeedkiisa dhaafsiisan. la-mid: dabyar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danyar
f. n., [collective] the poor, people of modest economic circumstances
danyar [compound] adj., (ie. n., adj.): poor, economically weak
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danyar
-ta: (n) poor (puur) person; economically poor person ~ reer tabareed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyar
-ta: (magacwadareed) dadka inta haynta yar ee saboolka ah. Dh: danlay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabyare
-ha: (magac, lab, keli) marka qofku cidda uu ku tiirsanyahay ama qolodiisu aanay tiro badneyn. Dabyareha aan ahay waa waxa la igu duudsiyey. Dh: bahyare, laangaab. Li: laandheere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danyari
m.dh la-mid: danyaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyari
-da: (magac, dhedig, keli) saboolnimo iyo hantiyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danyaro
m.dh la-mid: danyaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyaro
-da: (magacwadareed) dad aan xoolo badan haysan ama caydhba ah. Dh: danlay, caydh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
danzare
v.tr. - qoob ka cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqaare
m.l la-mid: danqaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaare
-ha: (magac, lab, keli) taabasho la taabto wax kolka horeba aan luga adag ku joogin. Dh: dangaro, danqaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danyar_1
de: the poor, people of modest economic circumstances
hm: 1
lx: danyar
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: danyar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danyar_2
de: poor, economically weak
hm: 2
lx: danyar
pd: (danyaraa)
ps: adj-cmp
key: danyar_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danya
-da: (magac, dhedig, keli) geed cawsaad laga sameeyo rarada oo u eg maadha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayre
(timaame) xoolo halkay degenaayeen caws ka waayey oo dabadeed isaga tegay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Afyare
magac ama naanays loo baxsho qof afkiisu yar yahay. Li: afweyne.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
andare
v.intr. - aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'yar
da'yar¹: m.dh.u Dhallinyaro. la-mid: da'yaro.
da'yar²: f.mg4 (-raa, -rayd) Wax muddo yar jiray ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
da'yar
m.dh.u Dhallinyaro. la-mid: da'yaro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
da'yar
-ta: (n) young (yaang); youth (yuuth) ~ dhallinyaro —da'yar -ah: (adj) young (yaang). Ex: gabadh da 'yar; a young girl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'yar
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallinta soo koraysa ee ay bulsho leedahay. Li: da'roon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabyar
m.dh la-mid: danyar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danbar
(Danbar-ka)
Caanaha hore oo cawlka ah oo adag oo xoolaha dhalay candhadooda laga liso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbar
-ka: (magac, lab, keli) caanaha u horreeya ee neefka dhalay laga liso ee adag.
danbar -ka: (magac, lab, keli) midabfardood baroorka u dhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daware
-ha: (magac, lab, keli) neef geela oo aad u lafdheer ama kala jiidan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayace
-ha: (magac, lab, keli) qof aan waxba daryeelin oo shaqadii loo diro baylihiya.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
donare
v.tr. - hibeyn, ku deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Wax jurmi yar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanyar
der. [adjective] slender, thin (of person)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanyar
-ta: (magac, dheddig, keli) mid jurmi yar loh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanyar
de: slender, thin (of person)
lx: qanyar
pd: (qanyaraa)
ps: adj-der
key: qanyar
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sanare
v.tr.- daaweyn, caafimaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahyare
-ha: (magac, lab, keli) nin ay bah yari dhasho. Guure waa bahyare.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cantare
v.tr. - heesid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'yari
m.dh la-mid: da'yaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'yari
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanta noole aan in badan soo jirin ama aan muddo dheer soo noolayn. Dh: da'rooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'yaro
m.dh la-mid: da'yar¹; da'yaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'yaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg da'yari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danjire
* (Danjira-ha)
Safiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danjire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Nin wakiil ka ah dawlad kale; safiir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danjire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Nin wakiil ka ah dawlad kale; safiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danjire
m. n., [compound] ambassador; charge d'affaires
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danjire
-ha: (n) ambassador (antbaasidar) ~ ambaashatoor. Ex: danjiraha Soomaalida ee Maraykanka; the Somali Ambassador to USA
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Danjire
Ambasciatore
Ambassador
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danjire
-ha: (magac, lab, keli) qofka dalka kale u fadhiya danaha dalkiisa. Danjirihii waddankeenna dheegdheeg u fadhiyey waa la soo eryey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danjire
de: ambassador; chargŽ d'affaires
lx: danjire
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: danjire
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannabe
m.l.u Neef baadi ah ama la soo xaday oo la qashay. la-mid: dannabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaro
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan kolka horeba si wanaagsan u joogin, taabad oo dhaqaajin.
danqaro -da: (magac, dhedig, keli) dhagax ridqinka oo xanaf loo yeelo iyadoo wax adag lagu garaacayo. Dangaro ayuu u baahanyahay dhagax ridqinku.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraare
-ha: (magac, lab, keli) duco iyo sadaqad cunto loo karsho. Dh: casuumad, daqar.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daymare
nickname-m evader; backbiter
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fanfare
/faanfer/ (n) cod-muusig, oo badanaa turumbo laga yeersiiyo kolka qof la soo dhaweynayo ama xaflad iwm, la furayo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mancare
v.intr. - maqnaansho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mandare
v.tr. - dirid, u dirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
santare
-ha: (magac, lab, keli) weel caw falageed ka samaysan oo korka laga jaxaaso, weel gurgur weyn oo alaabta yaryar ee muhiimka ah lagu gurto, laguna rarto. Dh: santadhe.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
vantare
v.tr. - faanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley dandarro badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dandarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley dandarro badid. m.f.dh, dandarrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dandarree
v. mistreat; neglect, disregard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandarree
(fal) ayaandarree; wax ayaan daran ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dandarree
de: mistreat; neglect, disregard
lx: dandarree
pd: (dandarreeyey)
ps: v2b=tr
key: dandarree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danyaraan
m.f.dh eeg danyar². la-mid: danyari, danyaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo hanti yaraan. Dh: danleynimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagayare
-dhagayaraha: (n) clove (kalowv) ~ dhaga-yare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagayare
-ha: (magac, lab, keli) midho yaryar oo madow xiga oo cuntada lagu carfiyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
domandare
v.tr. - weyddiin, su'aalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacanyare
(Gacanyara-ha)
Hoosjooge.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanyare
gacanyare¹: m.l (-rayaal, m.l/dh) Kaaliye; hoosjooge.
gacanyare²: m.l (-rayaal, m.l/dh) (taar.) Bulshadii dhulgoosiga ninka ilaaliya boqorka, una qabta hawlaha militriga, kaddibna hela dhul uu ku noolaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacanyare
gacanyare¹: m.l (-rayaal, m.l/dh) Kaaliye; hoosjooge.
gacanyare²: m.l (-rayaal, m.l/dh) (taar.) Bulshadii dhulgoosiga ninka ilaaliya boqorka, una qabta hawlaha militriga, kaddibna hela dhul uu ku noolaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacanyare
m. n., [compound] assistant; senior civil servant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacanyare
-gacanyaraha: (n) helper (helper)-, aide (eeydh); assistant (asistant); subordinate (saboor-dhaneeyt) ~ kaaliye, hoosjooge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanyare
-ha: (magac, lab, keli) qof qof kale u shaqeeya oo kolba wixii uu u baahan yahay u soo dhoweeya ama qabta. Dh: kaaliye, caawiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacanyare
de: assistant; [ext.] senior civil servant
lx: gacanyare
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: gacanyare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
organyare
-ha: (magac, lab, keli) qayb kasta oo ka mid ah unugga, sida bu'da ama jeedalka, taas oo qabata shaqo gaar ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
adattare
v.tr. - ku habboonaysiin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
avanzare
v.intr. - horusocosho, horukicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bangaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) la-mid: bamgaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarle
-ha: (magac, lab, keli) goobta shaagagga baabuurta lagu banjariyo. Banjarlaha gee shaagga oo soo buuxi.
banjarle-ha: (magac, lab, keli) qofka yaqaanna ee xirfadda u leh banjarinta shaagagga. Buraale waa banjarle heer sare ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
da'yar_1
de: young, juvenile
hm: 1
lx: da'yar
pd: (da'yaraa)
ps: adj-expr
key: da'yar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
da'yar_2
de: youth, youngsters
hm: 2
lx: da'yar
pd: (-ta)
ps: n6-f-col
key: da'yar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danayste
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof dantiisa keliya ka fekera.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danayste
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof dantiisa keliya ka fekera.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danayste
m. n. opportunist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danayste
-ha: (n) opportunist (apartuunist); egoist (igow-iistt); self-centered person; selfish (sel-fish) person ~ anaani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danayste
-ha: (magac, lab, keli) qof mar walba dantiisa raaca oo danta quud aan dan ka gelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danayste
de: opportunist
lx: danayste
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: danayste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbaabe
-ha: (magac, lab, keli) qof dembi gala. Beni'aadanku waa dambaabe. Dh: dambaabe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarso
(fal) neef markaa uun dhalay maal. Kaalay hasha ila danbarso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dandarro
(Dandarra-da)
Ayaandarro; dhibaato; dacas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandarro
m.dh Diif ka muuqata nafley oo ka timaadda nafaqo darro ama cudur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dandarro
m.dh Diif ka muuqata nafley oo ka timaadda nafaqo darro ama cudur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dandarro
f. n., [abstract] extreme poverty; bad luck; misery, suffering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dandarro
-dandarrada: (n) suferring (safarring) misery (mizari); poverty (po-verti) ~ dacdarro
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dandarro
Indigenza
Indigence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandarro
-da: (magac, dhedig, keli) hayndarro ama ayaandarro qof haysata. Dh: dhibaato, dacas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dandarro
de: extreme poverty; bad luck; misery, suffering
lx: dandarro
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: dandarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dangarad
-ka: (magac, lab, keli) qofka dantiisa ma ahee, wax kale aan isku hawlin. Li: danmoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Neef la soo xaday ama baadi ah qalasho.