danseegis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg danseegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseegid
m.f.dh eeg danseeg². la-mid: danseeg¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan dani ku jirin, ku mashquulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseejis
m.l la-mid: danseejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseejis
-ka: (magac, lab, keli) iska baashaalid oo wakhtiga iska lumin. Dh: wakhtilumis, baashaal, maaweelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseeg
danseeg¹: m.l Wax aan faa'ido lahayn ee qof waqti ku dhaafo. la-mid: danseegid.
danseeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Qof, wax aan faa'ido lahayn waqti ku lumin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danseeg
danseeg¹: m.l Wax aan faa'ido lahayn ee qof waqti ku dhaafo.
danseeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Qof, wax aan faa'ido lahayn waqti ku lumin. la-mid: danseegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danseeg
v. lose ~ waste time, miss out on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseeg
(fal) wax aan dani ku jirin waqti ku lumi.
danseeg: (tilmaame) qof aan dantiisa ilaashan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danseeg
de: lose ~ waste time, miss out on (not do what one is supposed to be doing)
lx: danseeg
pd: (danseegay)
ps: v1=intr
key: danseeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseeji
f.g2 (-iyay, -isay) Qof, waqtiga uga lumin waxaan faa'iido u lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danseeji
f.g2 (-iyay, -isay) Qof, waqtiga uga lumin waxaan faa'iido u lahayn. m.f.dh, danseejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danseeji
v. cause someone to lose time; make someone miss out on something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseeji
(fal) cid kale, dan ay lahayd ka lumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danseeji
de: cause s.o. to lose time; make s.o. miss out on s.t.
lx: danseeji
pd: (danseejiyey)
ps: v2a=tr
key: danseeji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseejin
m.f.dh eeg danseeji. la-mid: danseejis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseejin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale dantiisa ka lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dansheegad
(Dansheegad-ka)
Dansheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansheegad
m.l la-mid: dansheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dansheegad
vl. n. proclaming one's interests
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansheegad
-ka: (magac, lab, keli) cabasho baahi la sheegto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dansheegad
a: dansheegasho (/da) [vn6-f]
de: proclaming one's interests
lx: dansheegad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dansheegad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegis
-ta: (magac, dhedig, keli) seegid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DANSEEY
(Dansei) C Caesalpinia olygophylla Harms. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareeris
dareeris¹: m.dh la-mid: dareerin¹.
dareeris²: m.dh (daawo) Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareeris
m.dh (daaw.) Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wareegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaddegis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel kore ka imaansho oo qulul u kicid; hoos u dhaadhac. Intuu fuulay geedkii ayuu daaddegis kari waayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansheego
f.mg3 (-gtay, -gatay) U d.: qof muraad uu leeyahay qof u sheegasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dansheego
f.mg3 (-gtay, -gatay) U d.: qof muraad uu leeyahay qof u sheegasho. m.f.dh, dansheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dansheego
v. proclaim one's interest in something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dansheego
-dansheegtay / dansheegatay: (v) express your needs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansheego
(fal) cid kale, danta aad leedahay iyo xogtaada u sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dansheego
de: proclaim one's interest in s.t.
lx: dansheego
pd: (dansheegtay)
ps: v3b=
key: dansheego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanjeedis
(Fanjeedis-ka)
Fanjeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjeedis
m.l la-mid: fanjeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fanjeedis
vl. n. act of turning back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanjeedis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fanjeedin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fanjeedis
de: act of turning back
lx: fanjeedis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: fanjeedis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeelis
m.l la-mid: hanjeelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santeecis
m.l la-mid: santeecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dansheegasho
(Dansheegasha-da)
Danta la lee yahay, cid u sheegasho, u xogwarramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansheegasho
m.f.dh eeg dansheego. la-mid: dansheegad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansheegasho
-da: (magac, dhedig, keli) dan iyo baahi, cid u sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhemis
m.l la-mid: dhadhamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhansiigid
m.dh la-mid: dhasiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhansiigid
-da: (magac, dhedig, keli) dhega adaygid; cagajiid oo qof kolka wax loo diro tiica ahaan. Dhansiigiddu qayrkaa bay kaa reebtaa. Dh: cagajiidid, dhasiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
runsheegid
m.dh Sheegidda xaqiiqada. la-mid: runsheeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
runsheegid
m.dh Sheegidda xaqiiqada. la-mid: runsheeg.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sans-logis
sans-logis, n.m. - qof aan meela daganayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheegid
(Warsheegid-da)
Warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheegid
m.f.dh eeg warsheeg². la-mid: warsheeg¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxsheegid
m.dh 1. Hadlid. 2. Hamasho. la-mid: waxsheeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxsheegid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama xog kale oo loo baahnaa cid u tebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegis
-ta: (magac, dhedig, keli) beegid samayn ama cabbiraad. Beegista raxee oo hagaaji.
beegis -ta: (magac, dhedig, keli) ku beegid. Dh: abbaaris.
beegis -ta: (magac, dhedig, keli) ku beegid oo liishaamid. Ku beegista waa lagaa yaqaannaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbee
(fal) wax socda ama isdaba taagan ugu gadaalee. Dh: danbee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey ahaansho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
danser
danser, v. - Qoobka cayaarid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DANSEY
Caesalpinia oligophylla 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deegid
(Deegid-da)
Xoolo-beelid; cayroobid; sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deegid
m.f.dh eeg deeg³. la-mid: deeg¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deegid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid oo sabool aan waxba haysan noqosho. Dh: saboolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg heegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefis
m.l la-mid: neefin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg neefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saneeg
m.l (-gyo, m.dh) Kolmo ka lalmada sanka geela oo ka dhasha santuur lagu sameeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saneeg
-ta: (magac, dhedig, keli) ri' ama ning sumadda gafuurka korkiisa lagaga dhigo, kurka lagaga dhigo. Ri' saneeg leh wax sheegaya ma aragteen?
saneeg-ga: (magac, lab, keli) wax figan o waxaraha lagaga xidho afka si aanay u jigin rid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seebis
-ka: (magac, lab, keli) seebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seegid
(Seegid-da)
Haleeli waayid; gefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seegid
m.f.dh eeg seeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seegid
-da: (magac, dhedig, keli) la gefid haleeliwaayid; seegis, waayitaanka waxaad rabtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seejis
m.l la-mid: seejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seejis
-ta: (magac, dhedig, keli) seejin; dhaafsiin; gefsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeris
-ta: (magac, dhedig, keli) seerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexis
m.l la-mid: seexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexis
magta dhagarta lagu baxsho, magaca sac weyl wata oo xoolaha axanka ka mid ah, la siiyo na qoyskii qofka lagu dhagaroobay.
seexis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg seexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegid
(Adeegid-da)
Hawl cid u qabasho; midiidimid; qabbaanid; xoojin; shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegid
m.dh eeg adeeg².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Adeegid
Prestazione
To render a service
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegid
-da: (magac, dhedig, keli) hawlqabasho cid kale wax loogu taro. Adeegidda dadka waaweyn Ilaah baa loogu dhowaadaa. Dh: adeegis, xoojin, midiidimid, qabbaanid, shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleemis
m.l la-mid: aleemin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansixis
m.l la-mid: ansixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ansixis
-ka: (magac, lab, keli) sharciyaynta xeer iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aseebid
m.dh la-mid: asiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aseebid
-da: (magac, dhedig, keli) abbaarid oo la helid. Dh: asiibid.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
asepsis
(n) absence of infection.
jeermis malaha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caseewi
m.dh Nooc timirta ka mid ah, lafa yaryar oo guduud xigeen ah. la-mid: caseelli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danbeed
(Danbeed-ka)
Xoolaha afarta naas leh, labada naas oo xagga lugaha xiga, midkiiba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danbeed
m. n. rear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danbeed
-ka: (n) rear (riir) ~ dambeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbeed
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha inta afarta naas leh, labadooda naas ee danbe. Danbeed bay beeshay qaalintii curadda ahayd. Dh: dambeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danbeed
de: rear
lx: danbeed
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: dambeed
key: danbeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangeys
m.l la-mid: dangeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareeri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. la-mid: dureeri. Nafley, meel ay tuurnayd ka dhaqaajin. 2. Hilib dareerin ka dhigid. 3. Si dhaqso ah oo aan hakad lahayn wax u akhrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareeri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. la-mid: dureeri. Nafley, meel ay tuurnayd ka dhaqaajin. 2. Hilib dareerin ka dhigid. 3. Si dhaqso ah oo aan hakad lahayn wax u akhrin. m.f.dh, dareerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareeri
v. pour something out, scatter; cause someone to leave a place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareeri
(fal) xerada ka saar xoolaha. Dh: soofi, Li: hoy, xaree.
dareeri: (fal) haylaan ama wax kale oo ad samaynayso billaw oo samayntiisa gudagal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dareeri
de: pour s.t. out, scatter; cause s.o. to leave a place
lx: dareeri
pd: (dareeriyey)
ps: v2a=tr
key: dareeri
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegid
v. to copy, to replicate, the process of copying
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelis
(Dheelis-ka, Dheelis-ta)
Cayaaris.