dangiig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dangiig
(Dangiig-ga)
Jiif la jiifsado oo sariir korkeed laysku kala baxsho; xusullays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangiig
dangiig¹: m.l 1. Jiif raaxo leh dhabarku hooseeyo; xusullaysi. 2. la-mid: dangiigid. la-mid: dingiig¹.
dangiig²: f.mg1 (-gay, -gtay) Si raaxeysi leh dhabarka ugu seexasho. la-mid: dingiig².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dangiig
m.l Jiif raaxo leh dhabarku hooseeyo; xusullaysi. la-mid: dingiig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dangiig
v. stretch out in bed
dangiig vl. n. act of lying down on a mat; going to bed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dangiig
(fal) si weyn oo baahsani ah u fadhi.
dangiig -ga: (magac, lab, keli) fadhi aan qumaati ahayn oo barkimooyin lagu tiirsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingiig
dingiig¹: m.l la-mid: dangiig¹.
dingiig²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: dangiig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dingiig
-a: (magac lab, keli) jiif makhaddado la jiqilaysto oo xusulka la barkado lugahana la fidsado. Dh: dangiig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dakayn
(Dakayn-ta)
Sariir iyo wax la mid ah korkeed isku kala bixin; (ku dakayn) nasasho; dangiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dangiigsasho
(Dangiigsasha-da)
(sariir, kd.) ku jiifsasho; isku barakaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusullaysi
(Xusullaysi-ga)
Dangiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangiigsasho
m.f.dh eeg dangiigso. la-mid: dangiigsad, dangiigsi, dingiigsad, dingiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingiigsasho
m.dh la-mid: dangiigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sariir iyo wax la mid ah korkeeda isku kala bixin oo ku dangiigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dangiig_1
de: stretch out in bed
hm: 1
lx: dangiig
pd: (dangiigay)
ps: v1=
key: dangiig_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dangiig_2
de: act of lying down on a mat; going to bed
hm: 2
lx: dangiig
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: dangiig_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dangiigid
(Dangiigid-da)
Dangiigga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangiigid
m.f.dh eeg dangiig². la-mid: dangiig¹ (2), dingiig¹, dingiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dangiigid
-da: (magac, dhedig, keli) sariir korkeed ama meel kale dusheeda isku kala bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dangiigsi
(Dangiigsi-ga)
Dangiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangiigsi
m.l la-mid: dangiigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dangiigsi
(magac, lab, keli) adigoo fadhiya meel ku tiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangiigso
f.mg3 (-saday, -satay) Si raaxeysi leh dhabarka ugu seexasho. la-mid: dingiigso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dangiigso
f.mg3 (-saday, -satay) Si raaxeysi leh dhabarka ugu seexasho. m.f.dh, dangiigsasho. la-mid: dingiigso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dangiigso
v. lie down comfortably, go to bed, stretch oneself out; take a nap
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dangiigso
(fal) (ku ~) si weyn u fadhiiso oo ku tiirso meel adigoo fadhiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dangiigso
a: dingiigso
de: lie down comfortably, go to bed, stretch oneself out (on a mat ~ bed); take a nap
lx: dangiigso
pd: (dangiisaday)
ps: v3a=intr
key: dangiigso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhansiig
dhansiig¹: m.l la-mid: dhasiig¹.
dhansiig²: f.g1 (-gay, -gtay) la-mid: dhasiig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhansiig
(fal) cid kula hadlaysa oo wax ku fartay, iska dhegayso oo dhega'adayg.
dhansiig -ga: (magac, lab, keli) cagajiid marka qofka wax loo diro sidii wax aan maqlayn uu u socsocdo. Dh: dhasiig, dhega'adayg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daliig
(Daliig-ta)
1. Xarriiq; diillin; jiitin.
2. Wax yaryar oo dhuuban oo dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliig
daliig¹: m.l 1. Jilcinta lagu sameeyo caw, maqaar iyo wixi lamida iyadoo qalab gaar ah la adeegsanayo. 2. Daaweynta muruq jirran iyadoo faraha la adeegsanayo. la-mid: daliigid.
daliig²: m.dh (-go, m.l) 1. Cad dhuuban, dheer oo ka samaysan maro, caw, maqaar iyo wixi lamida. 2. Xarriiq dheer, dhuuban oo wax ku dul taal.
daliig³: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Caw, maqaar iyo wixi lamida qalab gaar ah oo looga tala galay ku jilcin. 2. Muruq jirran faraha ku daaweyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daliig
daliig¹: m.l 1. Jilcinta lagu sameeyo caw, maqaar iyo wixi lamida iyadoo qalab gaar ah la adeegsanayo. 2. Daaweynta muruq jirran iyadoo faraha la adeegsanayo.
daliig²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Caw, maqaar iyo wixi lamida qalab gaar ah oo looga tala galay ku jilcin. 2. Muruq jirran faraha ku daaweyn. m.f.dh, daliigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daliig
v. massage
daliig v. draw a line
daliig [feminine] n. line; long thin unit (fiber, thread, wire, etc.); road
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daliig
-ay / tay: (v) massage (masaash) ~ duug
daliig -ta: (n) stripe (istraayp); streak (istiriik); line (laayn) ~ diillin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daliig
(fal) duug meel jidhka ka mid ah. Daliig naasaha saca si u godlado. Dh: duug.
daliig-ga: (magac, lab, keli) daaweynta muruq jirran iyadoo faraha iyo baabbacada la adeegsanayo.
daliig-ta: (magac, dhedig, keli) xarriiq ama shay si dhuuban loo jeexay. Daliig dheer oo maydhaxa ayaan soohay. Dh: jiitin, liidin, liilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagiig
-ta: (magacwadareed) xoolaha inta da'da yar ee yaacda, sida lo'da ugubka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagiig
(fal) awd oo meel daloosha ha u yeelin. Nagiig xerada oo meel walba ka ood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danbiil
(Danbii-sha)
Weel laga falkiyo caw, kd., oo qaabab badan iyo midabyo badan loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danbiil
m.dh la-mid: dambiil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danbiil
f. n. basket made of palm leaves ~ straw
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DANBIIL
(Danbil) May Solanum juae Bitter. Solanaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danbiil
-dambiisha: (n) basket (baaskit) ~ dambiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbiil
-ka: (magac, lab, keli) weel laga falkiyo caw oo qaabab badan iyo midabyo badan loo sameeyo. Danbiil ninkii wax ku soo qaatay ha innoo sheego. Dh: selled, sinbiil, sallad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danbiil
a: dambiil
de: basket made of palm leaves ~ straw
lx: danbiil
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: danbiil
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hanging
/haangin/ (n) dal-dalaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dangiigsad
(Dangiigsad-ka)
Dangiigsasho; dangiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangiigsad
m.l la-mid: dangiigsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dangiigsad
vl. n. stretching out in bed, act of lying on a mat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dangiigsad
-ka: (magac, lab, keli) dangiigsasho u fadhiisasho. Dangiigsad u seexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dangiigsad
a: dangiigsasho (/da) [vn6-f], dangiigsi (-ga) [vn7-m]
de: stretching out in bed, act of lying on a mat
lx: dangiigsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dangiigsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingiigid
m.dh la-mid: dangiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dingiigid
-da: (magac, dhedig, keli) jiif makhaddado la jiqilaysto oo xusulka la barkado lugahana la fidsado u seexad. Dh: dangiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingiigsi
m.l la-mid: dangiigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dingiigsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dingiigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingiigso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: dangiigso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dingiigso
v. lie down comfortably (on a bed ~ mat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dingiigso
(fal) dingiig u jiif oo wax jiqilayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dingiigso
de: lie down comfortably (on a bed ~ mat)
lx: dingiigso
pd: (dingiigsaday)
ps: v3a=intr
see: dangiigso
key: dingiigso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagiigix
m.l la-mid: digiigix.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagiigix
-a: (magac, lab, keli) dhiidhi xumaanta laga dhiidhiyo oo la iska diido. Ninba inta uu dareekiisu yahay ayuu dagiigixiisu yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbiile
-ha: (magac, lab, keli) qof wax shrciga iyo qaanuunka baxsan geystay. Dh: dambiile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danniyid
m.f.dh eeg danni².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danniyid
-da: (magac, dhedig, keli) tuhun aanad hubin oo kaa gala cid kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danniyis
-ta: (magac, dhedig, keli) tuhun qof aad ka malaysato. Dh: malays.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
daunting
/dhonting / (adj) dhib-badan, oo laga cabsado in la sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhansiin
m.f.dh eeg dhansii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof caano siin; caano cabbin. Dh: cabbin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gangling
/gaangaling/ (adj) suuqan (dherer fool-xun leh).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daangawiis
-ka: (magac, lab, keli) shaah aan caleen lahayn ama aanay ku badnayn oo caano qudha lagu karshey. Daangawiis innoo kari haddayna biya jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhansiigid
m.dh la-mid: dhasiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhansiigid
-da: (magac, dhedig, keli) dhega adaygid; cagajiid oo qof kolka wax loo diro tiica ahaan. Dhansiigiddu qayrkaa bay kaa reebtaa. Dh: cagajiidid, dhasiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingiigsad
m.l la-mid: dangiigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dingiigsad
-ka: (magac, lab, keli) dingiig u jiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dani
dani¹: m.l Qof mas'uul ka ah baabuur, bas iyo wixi lamida. la-mid: deni.
dani²: m.dh Geed weyn, ciinka iyo dharkeenka ay isku bahyihiin oo ceelasha, guryaha, waraha iyo wixi lamida deyr looga dhigo; dano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dani
dani¹: m.l Qof mas'uul ka ah baabuur, bas iyo wixi lamida. la-mid: deni.
dani²: m.dh Geed weyn, ciinka iyo dharkeenka ay isku bahyihiin oo ceelasha, guryaha, waraha iyo wixi lamida deyr looga dhigo; dano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dani
-ga: (magac, lab, keli) male iyo mala'awaal aan xaqiiqo ku fadhiyin. Doob dani baa dilay. Dh: danni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diig
m.l la-mid: diiq¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diig
m. n. cock, rooster
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diig
-ga: (magac, lab, keli) labka lukida. Dh: doore, diiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diig
a: diiq
bw: Arabic
de: cock, rooster
lx: diig
pd: (-ga Pl: diigag)
ps: n4-m, n2a-m
key: diig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giig
f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Ka g.: wax ka dhergid. 2. Ka g.: wax ka joogsasho iyada oo laga cabsanayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giig
v. stop suddenly, come to a halt; be full up (with food); tighten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giig
(fal) (ka ~) ku daal; ka hadh; ka caag. Kadartan ka bixisteeda waa laga giigay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giig
de: stop suddenly, come to a halt; be full up (with food); tighten
lx: giig
pd: (giigay)
ps: v1=intr
key: giig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aniin
-ta: (magac, dhedig, keli) firida ama midhaha dhulka lagu beero ama ka soo baxa sida garowga iyo arabbikhida. Aniinta ku shub beerta. Dh: iniin.
aniin-ta: (magac, dhedig, keli) naasaha ama candhada neefka inta taabashadeeda laga dareemo wax firida u eg oo ku dhex jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bangi
m.l (-iyo, m.dh) la-mid: banki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bangi
m. n. bank
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bangi
-ga: (n) bank (baangk) ~ banki
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bangi
-ga: (magac, lab, keli) dhisme leh maamul iyo xafiisyo lacagta lagu kaydsado lagana qaato. Dh: baan. Wa: bangiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bangi
a: banki
de: bank
lx: bangi
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
key: bangi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagid
(Dagid-da)
Dhacsiin qof la dhacsiiyo wax aan jirin ama si aan run ahayn; dhagrid; khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagid
m.f.dh eeg dag. la-mid: dagniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagid
-da: (magac, dhedig, keli) cid u dhuumasho oo si ay xeeladi ku jirto wax yeelid. Dh: dagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagni
-da: (magac, dhedig, keli) wax la dagay ahaan. Li: foojigni, digtooni, soojeedid. dagniin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si xeelad ah iyada oon digtoonayn wax u yeelid. Dh: dagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danag
-ga: (magac, lab, keli) weel ka samaysan bir khafiif ah oo wax lagu shuban karo. Dh: deneg, teneg.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Danbi
Reato; crimine
Offence; crime
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbi
-ga: (magac, lab, keli) gef la galo oo wax aan sharcigu oggolayn la sameeyo. Danbi nin laa la iska saaraa. Dh: dembi, dambi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dango
m.dh Garabsiin waayidda cid hiillo u baahnayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danni
(Danni-ga)
Male.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danni
danni¹: m.l Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura.
danni²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Dareen shaki iyo hubsiino la'aan leh cid ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danni
m.l Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura.