dandaansad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaansad
m.l la-mid: dandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaansad
(Daandaansad-ka)
Xumaan iyo dagaal ka doondoon: maag; qodqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansad
m.l la-mid: daandaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, ka cadhaysiin oo gardarro kula kicid. Daandaansadka adigaa bilaabay. Dh: gardarraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaansad
m.l la-mid: dandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wareersan ahaansho (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansan
(tilmaame) ruux la wareersan, nabar iyo jug gaadhay darteed. Nin daandaansan dariiq ma maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhansad
m.l la-mid: dhadhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhansad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad afka gelisay, macaansad oo sii dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaanso
f.g3 (-saday, -satay) Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo qaadasho. la-mid: daddaanso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dandaanso
f.g3 (-saday, -satay) Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo qaadasho. m.f.dh, dandaansasho. la-mid: daddaanso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dandaanso
v. lift ~ carry something heavy, transport, convey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandaanso
(fal) cid kale, gardarrayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dandaanso
a: daddaanso
de: lift ~ carry s.t. heavy, transport, convey (of two or more persons)
lx: dandaanso
pd: (dandaansaday)
ps: v3a=tr
key: dandaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaansad
m.l la-mid: dawaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansad
m.l la-mid: gaadaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaansasho
daddaansasho¹: m.dh la-mid: dandaansasho.
daddaansasho²: m.f.dh egg daddaanso. la-mid: daddaansad, dandaansad, dandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaansasho
m.f.dh eeg dandaanso. la-mid: daddaansad, daddaansasho, dandaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gardarraysasho. Dh: daandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhensad
m.l la-mid: dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dandaan
* (Dandaan-ka)
Dhagax weyn oo culus; case; dhadhaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dąndaan
m.l (-nno, m.dh) Dhagax weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dandaan
m. n. boulder, heavy stone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dandaan
-ka: (n) large rock; boulder (bowldhar) ~ dhagax-wayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandaan
-ka: (magac, lab, keli) dhagax weyn oo culus. Dh: dhadhaab, dhardhaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dandaan
de: boulder, heavy stone
lx: dandaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dandaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banaanad
-ka: (magac, lab, keli) tashiilid iyo yaryarayn. Waxaaga banaanad ayaad ku ilaashan kari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanad
m.l la-mid: canaanasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanad
-ka: (magac, lab, keli) canaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabsad
m.l la-mid: dadabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabsad
-ka: (magac, lab, keli) ka leexsashada qof habkii uu u dhaqmayey. Dadabsadka dadka waalan ka ilaasho carruurta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damaanad
f. n. bail, guaranty, ensuring
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
damaanad
-da: (n) guarantee (garan-tii); warranty (woo-ren-tii); collateral (ko-leeta-ral); insurance (in-shuurensi); bondsman (boon-dis-meen); bail (beel) ~ dammaanad, dammiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damaanad
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, damin ka noqosho. Soo damiinadka qofka xiran waa laguu oggol yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
damaanad
de: bail, guaranty, ensuring
lx: damaanad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: damaanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysad
* (Danaysad-ka)
Danaysasho; danaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysad
m.l la-mid: danaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danaysad
vl. n. following after one's own interests; self-seeking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysad
-ka: (magac, lab, keli) dan la imasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danaysad
a: danaysasho (/da) [vn6-f], danaysi (-ga) [vn2-m]
de: following after one's own interests; self-seeking
lx: danaysad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: danaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daraasad
m.dh la-mid: daraaso, diraaso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daraasad
f. n. study, studying, learning; lecture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daraasad
-da: (n) 1. study (istadhi)-, curricula; courses of study -manhaj. 2. investigation (investageey-shin); inspection (inispek-shiriy, research ~ diraasad, baaritaan, baaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraasad
-da: (magac, dhedig, keli) cilmibaadhis lagu sameeyo mawduuc gaar ah oo si cilmiyaysan dhan walba looga eego. Dh: diraasad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daraasad
a: daraaso (/da) [n6-f]
cf: diraaso
de: study, studying, learning; lecture
lx: daraasad
pd: (-da)
ps: n1-f
xv: Arabic
key: daraasad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaanad
-da: (magac, dhedig, keli) mabaadii' iyo diin cidi aaminsan tahay. Nin dayaanad lihi xaajadaa kama dulboodsheene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansad
(Dhaansad-ka)
Dhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansad
m.l la-mid: dhaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaansad
vl. n. fetching of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansad
-ka: (magac, lab, keli) buuxsad oo daf ka siisasho. Dh: dhaansi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaansad
a: dhaansasho (/da) [vn6-f], dhaansi (ga) [vn2-m]
de: fetching of water
lx: dhaansad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhaansad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaansad
m.l la-mid: cawaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaansad
-ka: (magac, lab, keli) kaalmo iyo taageero ka doonid; xoog iyo ciidan bidid. Dh: cawaansasho, cawaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaanso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: dandaanso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daddaanso
v. carry something heavy, transport
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaanso
(fal) ku mamo oo aad u jeclaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daddaanso
de: carry s.t. heavy, transport
lx: daddaanso
pd: (daddaansaday)
ps: v3a=tr
see: dandaanso
key: daddaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dammaanad
dammaanad¹: m.l la-mid: dammiinasho.
dammaanad²: m.dh la-mid: dammiinad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dammaanad
f. n. assertion; guarantee, warranty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dammaanad
-da: (n) guarantee (garan-tii); warranty (woo-ren-tii); collateral (ko-leeta-ral); insurance (in-shuurensi); bondsman (boon-dis-meen); bail (beel) ~ damaanad, dammaano, dammiin, kafaalo, laabaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dammaanad
-da: (magac, dhedig, keli) masuuliyad iyo isku hallayn cid kale oo aan ahayn kan wax loo haysto uu qaado loona raaco wixii uu gaystay ka dammaanadda qaaday Dh: cudhaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dammaanad
de: assertion; guarantee, warranty
lx: dammaanad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dammaanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaanyid
m.f.dh eeg dąnaani². la-mid: dannaanniyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarsad
-ka: (magac, lab, keli) neef hadda uun dhalay, dambar maalid. Dh: dambarsad. danbarsad -ka: (magac, lab, keli) meherad aad in badan ka shaqaysay natiijo fiican ka gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindinsad
m.l la-mid: diddinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fannaanad
m.dh (-do, m.l) 1. Haweeney masrax ka heesta. 2. Haweeney fanka ku xeel dheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fannaanad
m.dh (-do, m.l) 1. Haweeney masrax ka heesta. 2. Haweeney fanka ku xeel dheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fannaanad
f. n. female artist, entertainer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fannaanad
-da: (n) a female public performer or entertainer, especially a singer or dancer; artist (aar tiist)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fannaanad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo fanka wax ka taqaan.
fannaanad -da: (magac, dhedig, keli) dhar laga xidho dhaxanta oo badanaa suuf ka samaysan. Dh: funnaanad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fannaanad
bw: Arabic
de: female artist, entertainer
lx: fannaanad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fannaanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamaansad
(Hamaansad-ka)
Hamaansasho; hamaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaansad
m.l la-mid: Hamaansasho; hamaa-nid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaansad
-ka: (magac, lab, keli) afka kala waaxis iska timaadda oo neef badan afka laga keeno, kolka la iska dareemo daal ama hurdo ama wax la mid ah. Dh: hamaansi, hamaansasho, hamaahsad, hamaahsi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hamaansad
تُؤَبَاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handaawad
m.dh Ubbo tolay ah oo weesada lagu qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaansad
(Macaansad-ka)
Macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaansad
m.l la-mid: macaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaansad
-ka: (magac, lab, keli) dhadhan jeclaysi raaxo leh. Macaansadka shaahu yaanu ku hodine iska jooji. Dh: macaansi macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaansad
m.l la-mid: dawaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xannaanad
f. n. care, nurture
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xannaanad
de: care, nurture
initial: x
lx: xannaanad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: xannaano
key: xannaanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaansi
(Daandaansi-ga)
Daandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansi
m.l la-mid: daandaansasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daandaansi
m.l eeg daandaanso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaansi
vl. n. provocation, intimidation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daandaansi
-ga: (n) provocation (prova-keey-shin); instigation (inis-tigeey-shin)', stirring up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansi
-ga: (magac, lab, keli) gardarro iyo maag ulakac ah oo loola tago qof xumaan laga doonayo. Saw daandaansi dariiqa umaad fadhiisan? Dh: maag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandaansi
de: provocation, intimidation
lx: daandaansi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: daandaansi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaanso
f.g3 (-sady, -satay) Si bareer ah qof u maagid; faduulin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daandaanso
f.g3 (-sady, -satay) Si bareer ah qof u maagid; faduulin. m.f.dh, daandaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaanso
v. provoke, go looking for trouble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daandaanso
-day / tay: (v) provoke (poro-vowk)-, excite (ek-saayt)-, incite (in-saayt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaanso
(fal) si badheedh ah dagaal iyo cadho uga raadi. Dh: gardarrayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandaanso
de: provoke, go looking for trouble
lx: daandaanso
pd: (daandaansaday)
ps: v3a=
key: daandaanso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaansho
-ha: (magac, lab, keli) qof daddan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhansad
(Dhadhansad-ka)
Dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhansad
m.l la-mid: dhadhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhansad
-ka: (magac, lab, keli) carrabka ku dareemid oo sida uu yahay u fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si gaadaan ah loo xiray ahaansho (awr la rarayo).