danbeedwareen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbeedwareen
-ta: (magac, dhedig, keli) milayga wajiinaha dhaxan qabow oo habeenkii dhacda. Dh: gabadano, yuun. Li: kaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadmareen
-ka: (magac, lab, keli) meel dhulka kale ka hoosaysa oo marka roob da'o biyuhu ku soo quiqulaan. Lama dego daadmareenka. Dh: dix, biyomareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheefmareen
m. n., [compound] digestive system
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheefmareen
-ka: (n) digestive system (dhaay-jestiv sistem); digestive tract; alimentary canal ~ dheef mareen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheefmareen
-ka: (magac, lab, keli) xubinta cuntada hunowday ka qaadda afka ee caloosha u sii tebisa. Dh: hunguri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheefmareen
de: digestive system
lx: dheefmareen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: cunnammareen
key: dheefmareen
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wadnewareen
m.l (daaw.) Xaalad cudureed ku timaada qayb ka mid ah muruqa wadnaha oo u dhimata dhiig la'an awgeed. Astaamo: xanuun aad u xoog weyn oo lama filaan ah oo laga dareemo sida badan naaska bidixeed hoostisa, wuxuuna u fidi karaa xagga garabka, gacanta iyo luqunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadne-wareen
m.l (daawo) Xaalad cudureed ku timaada qayb ka mid ah muruqa wadnaha oo u dhimata dhiig la'an awgeed. Astaamo: xanuun aad u xoog weyn oo lama filaan ah oo laga dareemo sida badan naaska bidixeed hoostisa, wuxuuna u fidi karaa xagga garabka, gacanta iyo luqunta.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabbe tareen
(n) railway (reel-weey); railroad (reel-rowdh) ~ jid tareen
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Danbeed, faraq
Range
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabnaareed
m.l (dii.) Dab cadaabeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabnaareed
m.l (dii.) Dab cadaabeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabnaareed
-ka: (magac, lab, keli) kulaylka iyo dabka naarta ah. Ilaahoow dabnareed naga hay. Dh: cadaab, naar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareenwade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda)Xidhmo nudo ah oo ka kooban miiqaq darenwade iyo nudo tiiriya, kuwaas oo ku dhex xidhan kiish ah nudo isku xidhayaal. Dareenwadayaashu waxay ku xidhaan habdhiska dareenwadka dhexe orgaannada iyo nudaha jidhka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareenwade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda)Xidhmo nudo ah oo ka kooban miiqaq darenwade iyo nudo tiiriya, kuwaas oo ku dhex xidhan kiish ah nudo isku xidhayaal. Dareenwadayaashu waxay ku xidhaan habdhiska dareenwadka dhexe orgaannada iyo nudaha jidhka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareenwade
-ha: (magac, lab, keli) xidhmo nudo ah oo ka kooban miiqaq darenwade iyo nudo tiiriya, kuwaas oo ku dhex xidhan kiish ah nudo isku xidhayaal ah. Dareenwadayaashu waxay ku xidhaan habdhiska dhexe orgaannada iyo nudaha jidhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesdareen
m.l (-nno, m.dh) Labada gees, jiljilicsan, madaxa cayayaanka qaarkii ku yaal, oo ay wax ku dareemaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesdareen
m.l (-nno, m.dh) Labada gees, jiljilicsan, madaxa cayayaanka qaarkii ku yaal, oo ay wax ku dareemaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesdareen
-ka: (magac, lab, keli) ul dhuuban oo bir ama macdan wax kale ka samaysan oo loo isticmaalo helidda siinyaalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mandhareer
(Mandhareer-ka)
Wax sida xabag la qooyey u layiig ah oo is-hays-haysta oo dhegdheg ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandhareer
m.l Hoore layig ah oo midabka biyaha u eg, jiijiidma oo kala goysyada nafleyda ku jira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mandhareer
m.l Hoore layig ah oo midabka biyaha u eg, jiijiidma oo kala goysyada nafleyda ku jira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandhareer
m. n. sticky ~ viscous substance; viscosity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandhareer
-ka: (magac, lab, keli) hunqaaco sida xabag la qooyey u layiig ah oo is haysata ah. Dh: balqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandhareer
de: sticky ~ viscous substance; viscosity
lx: mandhareer
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mandhareer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabardaree
-yey / tabardareysay: (v) become weaker; grow weak; weaken (wii-ken); grow old
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiwareen
baqtiwareen¹: m.l la-mid: baqtiwareeid.
baqtiwareen²: f.g1 (-eemay, -eentay; -eemi) Baqtigowracid. la-mid: bakhtiwareen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiwareen
-ka: (magac, lab, keli) eeg baqtigawrac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeecadxun
f.mg4 (-umaa, -umayd) Qof hab la dhaqan wanaagsan aan lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeecadxun
f.mg4 (-umaa, -umayd) Qof hab la dhaqan wanaagsan aan lahayn ahaansho. m.f.dh, dabeecadxumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabeecadxun
der. [adjective] with bad character, having a bad attitude
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabeecadxun
(adj) ill-tempered; hot-tempered; temperamental (tem-para-men-tel)-, moody (muudi)-, sullen (so-len)-, irascible (iraasi-bal); crabby (krabi)-, short-tempered ~ camalxun, dabcixun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeecadxun
(tilmaame) camal xun oo aan dad la dhaqan lahayn. Dh: dabcixun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabeecadxun
de: with bad character, having a bad attitude
lx: dabeecadxun
pd: (dabeecadxumaa)
ps: adj-der
key: dabeecadxun
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
danneggiare
v.tr. - waxyeellayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeeniwareen
(Jeeniwareen-ka)
Cudur daran oo naaska hoostiisa ku dhaca; oofwareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeniwareen
m.l (daawo) Xanuun xummad iyo qufac leh oo inta badan hargab xumaaday reebo; oofwareen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeeniwareen
m.l (daaw.) Xanuun xummad iyo qufac leh oo inta badan hargab xumaaday reebo; oofwareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeeniwareen
m. n. pneumonia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeniwareen
-ka: (magac, lab, keli) cudur dabaylaad oo garabka hoostiisa ku dhaca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeeniwareen
de: pneumonia
lx: jeeniwareen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jeeniwareen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnawareen
-ka: (magac, lab, keli) xaalad cudureed ku timaada qayb ka mid ah muruqa wadnaha oo u dhimata dhiig la'an awgeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanafwareer
-ka: (magac, lab, keli) xanuun aad ah oo la dareemo xilliiga foosha. Dumarkuba xublada foosha way xanafwareeraane. Dh: laba boglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiwareen
bakhtiwareen¹: m.l la-mid: baqtiwareen¹.
bakhtiwareen²: f.g1 (-eemay, -eentay; -eemi) la-mid: baqtiwareen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiwareen
(fal) qof dhintay meydkiisa warmo gelgeli ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaac. Dh: baqtirwareen.
bakhtiwareen -ka: (magac, lab, keli) qof dhintay meydkiisa warmo gelgelin ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaacid. Bakhtiwareen bay sameeyeen kuwii meydka gawracay e.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guntindareen
m.dh (-no ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareen wade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska darenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntindareen
-ta: (magac, dhedig, keli) nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareenwade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska dareenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saacadwareeg
Clockwise
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DAREEN-WAREERIS
(Daren-woareres) N, C Maerua macrocarpa Chiov. Capparidaceae.