danbarsiga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarsiga
(magac, lab, keli) neef hadda dhalay, danbar ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarsi
m.l la-mid: dambarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo dhalay dambar ka maalid. Dambarsiga aad baan u jeclahay. Dh: danbarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarso
(fal) neef markaa uun dhalay maal. Kaalay hasha ila danbarso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarsad
-ka: (magac, lab, keli) neef hadda uun dhalay, dambar maalid. Dh: dambarsad. danbarsad -ka: (magac, lab, keli) meherad aad in badan ka shaqaysay natiijo fiican ka gaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarsame
-ha: (magac, lab, keli) xilli ay badanaa xooluhu dhalaan oo barwaaqo ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha oo weli caanahoodii danbar yihiin maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danfariisad
m.l la-mid: danfariisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabrima
(tilmaame) haweeney kulul oo dagaal iyo fidnad kicisa. Naag dabrima ah yaa doc la seexan kara!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadbari
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar ay wadajir u dheelaan ragga iyo haweenku ba oo caan ku ah gobolka Togdheer iyo meelo kale oo ka mid ah ciyaaraha aan durbaanka lahayn ee jiibta, jaanta iyo sacabka keliya lagu ciyaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef dhalay dambar ka lisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambari
v. milk the colostrum from an animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambari
(fal) neef, dambar ka lis. Saca liga dambari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambari
de: milk the colostrum from an animal
lx: dambari
pd: (dambariyey)
ps: v2a=tr
key: dambari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysi
(Danaysi-ga)
Danaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysi
m.l Qabsashada qof uu qabsado dan uu leeyahay. la-mid: danaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danaysi
m.l Qabsashada qof uu qabsado dan uu leeyahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danaysi
-ga: (n) the state of being opportunistic (opar-junistik)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Danaysi
Perseguimento
Pursuit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysi
-ga: (magac, lab, keli) danaysad ku dhaqmid.
danaysi-ga: (magac, lab, keli) marka aad muraadkaaga oo keliya wax walba ka horraysiisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbays
-ka: (magac, lab, keli) danbaynta wax loogu danbeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danyari
m.dh la-mid: danyaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyari
-da: (magac, dhedig, keli) saboolnimo iyo hantiyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawarsi
(Dawarsi-ga)
Wareeg loo wareego in dadka la baryo oo la soo yaboohsado; (ama dewersi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarsi
m.l la-mid: dawarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawarsi
vl. n. begging, panhandling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawarsi
-ga: (n) street-begging; panhandling (paan-han-dhel-ingl); begging (beeg-ing) ~ dewarsi, tuugsi, baryid, Ex: dawasigu halkaan waa ka mamnuuc; begging is not allowed here
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarsi
-ga: (magac, lab, keli) baryootan oo kolba cid wax waydiisi. Dh: qarafaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawarsi
de: begging, panhandling
lx: dawarsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: dawarsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lanbari
(fal) lanbar u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarin
m.f.dh eeg dambari. la-mid: dambaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef dhalay, dambar ka lisid. Qaalmaha ugubka ah ayay dambarintu ku fiican tahay. Dh: dambaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaris
m.l la-mid: dambarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarso
f.mg3 (-saday, -satay) Neef dhalay dambar ka maalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarso
(fal) maal neef hadda dhalay oo danbar leh. Dh: danbarso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danbaaji
-yey I say: (v) cause someone to sin or commit a sin ~ dambaabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarsi
-ga: (magac, lab, keli) marka dareere ama wax kale, kolba intii la doono laga soo dhuranayo ama laga soo qaadanayo weelka uu ku jiro.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fantasia
s.f. - hindiso, khiyaal.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fantasia
n., dabaaldeg, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbaysi
(Ganbaysi-ga)
Ganbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lanbarin
(Lanbarin-ta)
Lanbar u yeelid, ku dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lanbarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la tirinayo, lanbar u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: samirsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsii
(fal) sabir ku waani; samirsii.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
vantarsi
v.rifl. - faanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbarshe
(Canbarsha-ha)
1. Kuul lacag laga tumo oo ballaaran oo shunuufi ka laallaaddo.
2. Canbar iyo waxyaalo kale oo udgoon oo isku darsan oo la shito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canbarshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) la-mid: cambarshe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbarshe
-ha: (magac, lab, keli) canbarka iyo waxyaalo udgoon oo la isku daro oo la shido. Canbarshe ayey Aamina shidatay. Dh: uunsi.
canbarshe -ha: (magac, lab, keli) kuul lacag laga tumo oo balaadhan oo shunuufo ka laalaadaan. Hooyaday canbarshe ayay soo iibsatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarsad
m.l la-mid: dambarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarsad
-ka: (magac, lab, keli) neef ishin ah oo dhalay danbar ka maalid. Dh: danbarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka d.: wax, wax kale gadaashooda dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dambaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka d.: wax, wax kale gadaashooda dhigid. m.f.dh, dambaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaysii
(fal) ha laga horreeyee u dambaysii; xagga dambe gee. Hadalkaaga dambaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabside
-ha: (magac, lab, keli) labada laagood ee kooraanka ka dabka sida. Danabsidaha lama taabto oo wuu ku dilaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danbasame
(Danbasama-ha)
Xilli badanaa roob leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danbasame
m. n. rainy season
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danbasame
de: rainy season
lx: danbasame
pd: (/ha)
ps: n7-m-time
key: danbasame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lanbarsan
Lanbar loo yeelay, lagu dhigay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lanbarsan
(tilmaame) wax lambar loo yeelay. Dh: lambarsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsiin
m.dh la-mid: samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) sabir ku adkayn; sabir ku waanin. Dh: samrin, samirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsiis
m.l la-mid: samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsiis
-ka: (magac, lab, keli) sabirsiin; samirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbaarsi
(Xanbaarsi-ga)
Xanbaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaarsi
-ga: (magac, lab, keli) dhabarka saarasho. Dh: xanbaarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabarrogad
-ka: (magac, lab, keli) cid, adkaad laga adkaaday dartii u cararid. Dabarrogad dulli iyo fulaa lagu yaqaannaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarsame
m.l Lixda bilood ee dayrta iyo diraacda oo dayaxu uusan dirirka la fariisaneyn (Baladambarsame). la-mid: dambasame.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarsame
-ha: (magac, lab, keli) waqti qiyaastii 150 habeen ka horreeya dabshidka oo laxaha lagu sii daayo sumalka. Dh: danbarsame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaysiin
m.f.dh eeg dambaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga dambe geyn. Li: horraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danbasyaal
(Danbasyaal-ka)
Dhagax weyn siiba kuwa wax lagu dhardhaarto oo weligood danbaska ag yaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danbasyaal
m. n. hearth used for the support of cooking utensils
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbasyaal
-ka: (magac, lab, keli) dhagax weyn, oo dheryaha dhardhaarto inta badanna dambaska ag yaalla.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danbasyaal
de: hearth used for the support of cooking utensils
lx: danbasyaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: dambasyaal
key: danbasyaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danfariisi
danfariisi¹: m.l Xoolo meel aan xero ahayn lagu bariisiyey. la-mid: banfariisi¹.
danfariisi²: f.mg2 (-iyay, -isay) Xoolo meel aan xero ahayn ku baryid. la-mid: banfariisi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danfariisi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo meel aan xero ahayn lagu bariisiyey. Dh: banfariisi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danfariiso
f.mg3 (-stay, -satay) Xoolo, xero la'aan baryid. la-mid: banfariiso.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ganacsi-ga
commerce.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danabaysnaan
m.f.dh eeg danabaysan. la-mid: danabaysnaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danabaysnaan
m.f.dh eeg danabaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la danabeeyey oo shuxnad kooraan loo yeelay ahaan. Saqafta kolka lagu feedho danabaysnaan ayaa laga dareemaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banfariisad
m.l la-mid: danfariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daawadhigad
(Daawadhigad-ka)
Daawayeelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawadhigad
m.l la-mid: daawadhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawadhigad
-ka: (magac, lab, keli) heshiis la isla gaadho. Arrintani daawadhigad ayay u baahan tahay. Dh: heshiin, daawaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaalsiin
m.dh la-mid: dabaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid, marka dabbaasha la barayo. Dabbaalsiinta ii bar carruurta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaalsiis
m.l la-mid: dabaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaabsiin
m.dh la-mid: dembaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaabsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dambaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarsasho
m.f.dh eeg dambarso. la-mid: dambarsad, dambarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) neef dhalay caanihiis u horreeya maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqarsiyan
Qarqarsi ku xiran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarsiyan
f.mg4 (-sinaa, -sinayd) 1. Awr la qarqarsiyey ahaansho. 2. Cid wax lagu khasbay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarsiyan
(tilmaame) qarqarsi u xidhan. Awrku wuu qarqarsiyan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqartirad
m.l la-mid: shanqartirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarjalawle
-ha: (magac, lab, keli) caanaha lo'da laga maalo milayga ay dhalmadeedu cusub tahay ee ay baruurta leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danfariisasho
m.f.dh eeg danfariiso. la-mid: banfariisad, banfariisasho, danfariisad.