danaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysasho
(Danaysasha-da)
(qof) danihiisa qabsasho; dan moodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysasho
m.f.dh eeg danayso. la-mid: danaysad, danaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waxaad dantaada gaarka ah u arkaysid ku foognaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysasho
m.f.dh eeg aanayso. la-mid: aanaysad, aanaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aanaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanaysasho
m.f.dh eeg fanayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) faras ama, wax la mid ah, dhankiisa danbe fuulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) jid aad marto bannaysigii.
bannaysasho-da: (magac, dhedig, keli) xeer ahaan bannaysasho oo xalaalaysasho. Dh: bannaysisha.bannaysasho-da: (magac, dhedig, keli) weel wax ku jireen ka bannaysadkiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) caano uu neefku yeesho oo aanu hore u lahayn. Dh: darar.
caanaysasho -da: (magac, dhedig, keli) cunto, shaah iyo wax la mid ah, caano ku darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaysasho
m.f.dh eeg dallayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag filasho. Dh: filasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha oo weli caanahoodii danbar yihiin maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darraysasho
(Darraysasha-da)
Timaha darro marsasho; darraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraysasho
m.f.dh eeg darrayso. la-mid: darraysad, darraysi, tarraysad, tarraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciid cad oo timaha lagu nadiifiyo sida xinnaha madax ugu dhaboolaqid. Dh: darraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaysasho
(Dhaqaysasha-da)
Nishaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaysasho
m.f.dh eeg dhaqayso. la-mid: dhaqaysad, dhaqaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaysasho
vl. n. target practice; act of aiming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) toog la liishaamayo. Dh: dhaqaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaysasho
a: dhaqaysad (ka) [vn2-m]
de: target practice; act of aiming
lx: dhaqaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhaqaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbaysasho
(Ganbaysasha-da)
Ganbo madaxa ku xirasho; ganbo qaadasho; ganbaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macnaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shan ka dhigad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xanjaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantaysasho
-da: (magac, dhedig keli) ciyaarta xantaxantada ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysasho
m.f.dh eeg afayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahsasho
m.f.dh eeg daahso. la-mid: daahsad, daahsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dib u dhigasho oo ujeeddo ula habsaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqsasho
(Daaqsasha-da)
Daaqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsasho
m.f.dh eeg daaqso. la-mid: daaqsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsasho
vl. n. taking one's livestock out for grazing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo foofsasho. Daaqsasho ayey xooluhu ku dhaqmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsasho
de: taking one's livestock out for grazing
lx: daaqsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daaqsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayasho
m.f.dh eeg dacayo. la-mid: dacayeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaysasho
m.f.dh eeg kaayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaysasho
m.f.dh eeg bahayso. la-mid: bahaysad, bahaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) (is ~) isgaashaanbuuraysasho dhex marta urur, koox, dawlado iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaysasho
m.f.dh eeg bunayso. la-mid: bunaysad, bunaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) bunaysadka markaad jus dhammayso. Bunaysasho ardada ninkii ku dhowoow soo badi bunka.
bunaysasho -da: (magac, dhedig, keli) bun subag ama saliid lagu dubay ku xafladayn: bun ku ducaysasho oo ku subkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabsasho
m.f.dh eeg dadabso. la-mid: dadabsad, dadabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) leexsasho ruux aad leexsato. Dh: duufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dala'sasho
m.f.dh eeg dala'so. la-mid: dala'sad, dala'si.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararsasho
m.f.dh eeg dararso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararsasho
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan dararin oo caano badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarsasho
m.f.dh eeg dawarso. la-mid: dawarsad, dawarsi, dewersad, dewersasho, dewersi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baryo ku noolaanshaha aan tuugsiga laga xidhoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweysasho
m.dh la-mid: daaweysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kaa jirran daawo siisasho. Dh: daaweysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ducaysasho
-da; (n) the act of praying (pareey-ing) ~ Ilaah baryid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysasho
(Facaysasha-da)
Inuu la fac yahay ku doodid; filaysasho; islasimid; la tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysasho
m.f.dh eeg facayso. la-mid: facaysad, facaysi, filaysad, filaysasho, filaysi..
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
facaysasho
vl. n. assumption that someone belongs to the same age-group ~ social category
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale la factirsasho, facaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
facaysasho
a: facaysad (ka) [vn2-m], facaysi (ga) [vn2a-m]
de: assumption that s.o. belongs to the same age-group ~ social category
lx: facaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: facaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganacsasho
(Ganacsasha-da)
Wax iib ah, rogrogasho; ganacsi samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganacsasho
m.f.dh eeg ganacso. la-mid: ganacsad, ganacsi (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) shaqaysiga wax iibinta. Dh: ganacsi, baayacmushtarnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysasho
(Garaysasha-da)
In arrini gar tahay ama gar ku dhacday u qaadasho; garaysad; garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysasho
m.f.dh eeg garayso. la-mid: garaysad, garaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaysasho
vl. n. acceptance of a verdict
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) inay wax sidaa yihiin, aqoonsasho. Dh: garaysad, garaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaysasho
a: garaysad (ka) [vn2-m], garaysi (ga) [vn2a-m]
de: acceptance of a verdict
lx: garaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: garaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasaysasho
m.f.dh eeg gasayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysasho
m.f.dh eeg jahayso. la-mid: jahaysad, jahaysi, jihaysad, jihaysasho, jihaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaraysasho
(Jaraysasha-da)
1. Fardo la leeyahay jarabbarid.
2. Shaxda, jare yeelasho, samaysasho; jaraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraysasho
m.f.dh la-mid: jaraysad, jaraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxaysasho
(Kaxaysasha-da)
Wax nool oo socona haya wadasho, la tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxaysasho
m.f.dh eeg kaxayso. la-mid: ka-xaysad, kaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax nool ama gaadiid socda la tegid. Dh: kaxayasad, kaxaysi, wadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysasho
(Labaysasha-da)
Labo ka dhigasho; labo jeer qaadasho, helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysasho
m.f.dh eeg labayso. la-mid: labaysad, labaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax and mid ka haysatay, mid kale ku biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysasho
m.dh la-mid: macaanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macaanaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysasho
m.f.dh eeg malayso. la-mid: malaysad, malaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg malaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maneysasho
m.f.dh eeg maneyso. la-mid: maneysad, maneysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maneysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maneysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqaysasho
m.f.dh eeg naqayso. la-mid: naqaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan oo isku dhex jira inta fiican ka xulasho ama laba nooc kaad doonaysad ka doorasho. Dh: miidhad, doorasho, xulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaysasho
m.f.dh eeg qalayso. la-mid: qalaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysasho
m.f.dh eeg rasayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax rasaysan ka dhigasho; taallaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) nadiifsasho; safaysi; saafi ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahaysasho
m.f.dh eeg sahayso. la-mid: sahaya-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waajibka sakada gudasho; sako bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samaysasho
(Samaysasha-da)
(qof) iski ama darti wax u samayn; waxaysasho; suubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysasho
m.f.dh eeg samayso. la-mid: samaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waxaysasho; suubsasho; samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinaysasho
m.f.dh eeg sinayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) galmo xaaraan ah samayn. Dh: dhilaynimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraysasho
(Waraysasha-da)
Cid wax weydweyddiin, si war looga helo; war ka doonid, ka raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraysasho
m.f.dh eeg warayso. la-mid: waraysad, waraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax weyddiin; su'aalo xog lagu raadinayo cid la yeelasho. Dh: waraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xad yeelasho; daari jeexasho. Dh: xadaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaysasho
(Xagaysasha-da)
(xoolo irmaan) xag ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaysasho
m.f.dh eeg xagayso. la-mid: xagaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhan keliya ka maalid. Hasha xagaysashada ka daa oo dhan walba ka lis. Dh: xaglisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaysasho
m.f.dh eeg xayayso.