danabtuse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabtuse
-ha: (magac, lab, keli) qalab loo adeegsado in lagu muujiyo in ay walaxi danabaysan tahay iyo in kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabtire
-ha: (magac, lab, keli) wax kaste oo wax danab leh ka lumiya danabka oo ka yeela dhexdhexaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax danab u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax danab u yeelid. m.f.dh, danabayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danabee
-yey / danabeysay: (v) electrify (i-lek-tirifaay) ~ koronto u yeelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabbule
m.l la-mid: daabbulad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabbule
-ha: (magac, lab, keli) inka raashinka jallaha ah uudka ka qaada ee meel lagu kaydiyo geeya. Dh: daadgureeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg danabayn. danabaysan: (tilmaame) walax ama atam la danabeeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbuuse
-ha: (magac, lab, keli) cunto bur saddexgees ah, oo khudrad; hilib lagu guro oo lagu shiilo. Dh: saanbuuse.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Danabeege
Electrometer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabside
-ha: (magac, lab, keli) labada laagood ee kooraanka ka dabka sida. Danabsidaha lama taabto oo wuu ku dilaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanantume
m.l (-mayaal, m.l/dh) Qori geed jilicsan ka samaysan oo leh qaab burris ama dubbe oo wananka lagu tumo; tutume.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanantume
m. n. club used to castrate rams
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanantume
-ha: (magac, lab, keli) qalab loogu talo galay in wananka xiiniinyaha lagaga tumo oo dareenka hemelo lagaga qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanantume
de: club used to castrate rams
initial: w
lx: wanantume
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: wanantume
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danab_sare
a: fooltis sare
de: high voltage
lx: danab sare
ps: np
key: danab_sare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danabaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la danabeeyey ahaansho (bir).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danabaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la danabeeyey ahaansho (bir).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danablaawe
-ha: (magac, lab, keli) walax neef ama dareere ah oo aan gudbin karin quiqulka danabka waxaana lagu isticmaalaa madhxiyeyaasha xadhkaha waaweyn iyo dhismayaasha muhiimka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabqummane
-ha: (magac, lab, keli) qulquldanabeedka jiho sugan qaata sida midka ka dhasha unugyada engegsan ama baateriga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbus
(fal) jactadi oo canyayuub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabul
f.g1 (-ulay, -ushay) Xoolo koox-koox u socda si degdeg ah u rarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabul
(fal) daadguree oo raashin uudka ka qaad oo meel la dhigo gee. Jallaha daabul oo bohosha ku gur. Dh: daadguree.
daabul-ka: (magac, lab, keli) ka guridda hadhuudh uudka laga qaado oo boholaha iyo meelaha lagu kaydinayo la geeyo. Dh: daadgurayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daauus
m. n. peacock
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daauus
bw: Arabic
de: peacock
lx: daauus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: daauus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danays
-ka: (magac, lab, keli) dan iyo fiiro gaar ah u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danbas
(Danbas-ka)
Budada cad ama beeyga ah oo meeshii dab lagu shiday ku harta; xaabada gubatay oo bastay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danbas
m. n., (mass n.): ash, ashes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danbas
-ka: (n), ash (aash); soot (suut) ~ bambas, dambas; Ex: dambas sigaar; cigarette ash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbas
-ka: (magac, lab, keli) budada ka hadha dab la shiday. Dh: dambas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danbas
de: ash, ashes
lx: danbas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-mass
see: dambas
key: danbas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbee
(fal) wax socda ama isdaba taagan ugu gadaalee. Dh: danbee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
donate
/dhooneyt/ (v) ku tabarrucid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nature
/neyjar/ (n) 1. dabeecadda (waxyaabaha dabiiciga ah ee aan dadku samayn, sida dhirta, badda, buuraha iwm). 2. dabciga qofka 3. nooc.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nature
nature, n.f. - dabeecadda; caalamka oo dhan iyo wax kasta oo la abuuray.
payer en nature - isu doorin.
par nature - Dabcan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
nature
n., duunyo, -adi; (temper) abuur, -ki, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
obtuse
/obtiyuus/ (adj) xagal daacsan (xagal u dhexaysa 90-180 degrees).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taabte
Tangent
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbus
(Xanbus-ka)
Qoryo ama oodo yaryar oo qallalan; xas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanbus
m. n. twigs, kindling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbus
-ka: (magac, lab, keli) geedo yaryar oo lagu xajiimoobo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanbus
de: twigs, kindling
initial: x
lx: xanbus
pd: (-ka)
ps: n-m
see: xambus
key: xanbus
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
analyse
/aanalaays/analyses, analysed; (v) imtixaanid, baarid ama lafagurid. e.g. He analysed the sample of this medicine.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
analyse
analyse, n.f. - Kala dhigdhigid; Lafagur; shey baaris
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cambuse
cambuse, n.f. - Qolka markabka wax loogu kariyo; Kijinka markabka.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daa'uus
nickname; name-f peacock
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daa'uus
-ka: (n) peacock (pii-kak)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'uus
-ka: (magac, lab, keli) shinbir aad u qurux badan oo leh baalal badan oo sida jeegaanta u kala baxa, midabyadeedana leh. Daa'uus la moodyeey qurux, dumar baad u sidataa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabbul
f.g1 (-ulay, -ushay) Dad, xoolo, alaab iyo wixi lamida oo badan si degdeg ah u daadgurayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daabbul
f.g1 (-ulay, -ushay) Dad, xoolo, alaab iyo wixi lamida oo badan si degdeg ah u daadgurayn. m.f.dh, daabbulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabbul
(fal) alaab badan si isdabajoog ah u qaad, sii rar, sii gee. Dh: daadguree, majabtee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabece
m.l (-cayaal, m.l/dh) 1. Qof qoraallo madbaceeya. 2. Qof dharka daabaca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daabece
m.l (-cayaal, m.l/dh) 1. Qof qoraallo madbaceeya. 2. Qof dharka daabaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daabece
m. n. typographer; printer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daabece
-ha: (n) publisher (pab-liishar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabece
-ha: (magac, lab, keli) qof wax daabaca ama daabacad ka shaqeeya. Buuggu hadduu daabece wanaagsan waayo wuu isku dhex daadan. Dh: dabcadeeye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daabece
de: typographer; printer
lx: daabece
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: daabece
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabtir
-ka: (magac, lab, keli) macaluul iyo gaajo ka bi'in. Daabtirka xigtaada ogow oo ha moogaan. Dh: dheefsiin. Li: gaajaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabulo
(fal) sarci jallo ah oo uud yaal daldalo oo meel geyso. Dh: daadgurayso.
daabulo-da: (magac, dhedig, keli) in dameer gaado oo jaad ah oo u dhiganta afartan marduuf. Arooska waxa la keenay shan daabulo oo jaad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabuur
-ka: (magac, lab, keli) barxadda ay leeyihiin goobaha dad badani wax ku bartaan, sida dugsiyada iyo wixii la mid ah oo dadka goobta oo dhan la isugu keeno intii safsaf loo joojiyo. Ardadu waxay taagan yihiin daabuurka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaruqe
m.l Dixri yaryar oo boogaha ku dhasha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaruqe
m.l Dixri yaryar oo boogaha ku dhasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabtuur
(Dabtuur-ka)
Dabshid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabtuur
m.l 1. la-mid: dabshid. 2. Cayaar carruurtu cayaarto. 3. la-mid: dabrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabtuur
m.l 1. la-mid: dabshid. 2. Cayaar carruurtu cayaarto. 3. la-mid: dabrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dabtuur
m. n., [compound] Somali New Year festival
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabtuur
-ka: (magac, lab, keli) dab daadin oo cirka u ganid. Xilligii dabtuurka ayaa gaadhay. Dh: dabrid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Dabtuur
a: dabshid
de: Somali New Year festival
lx: Dabtuur
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: Dabtuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadabsi
(Dadabsi-ga)
1. Leexsasho; duufsasho.
2. Xumaan ugu soo bixid; isku taagid; daandaansi; doolaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabsi
m.l la-mid: dadabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadabsi
vl. n. act of swaying, influencing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabsi
-ga: (magac, lab, keli) leexsadka ruux la leexsado. Dadabsi iyo sasabasho ayuu ku kaxaystay ninku gabadha. Dh: duufsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadabsi
de: act of swaying, influencing
lx: dadabsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: dadabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabso
f. g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f. g) Wax dhib leh si gardarro ah faraha ula gelid. 2. (f.g) Cid gardarro ku sameyn. 3. (f.mg) Ilmo, si dadab ah u xambaarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dadabso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax dhib leh si gardarro ah faraha ula gelid. 2. (f.g) Cid gardarro ku sameyn. 3. (f.mg) Ilmo, si dadab ah u xambaarasho. m.f.dh, dadabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabso
(fal) qof aad ka leexsato ama aad ka weecsato habkii u socday ama uu u dhaqmayey. Dh: leexso, duufso.
dadabso: (fal) qof aan kuu jeedin hadaltiro iyo xumaan la doono. Dadabsiqa iyo afdheerida ah ma jecli. Dh: daandaanso, gardarrayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax dahab ku dheehid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dahabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax dahab ku dheehid. m.f.dh, dahabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dahabee
v. gild, make into gold, give a golden color to; praise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahabee
(fal) dahab u rog ama dusha biyo dahab ka mari. Saxniga kolkaad buufinayso dahabee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dahabee
de: gild, make into gold, give a golden color to; [fig.] praise
lx: dahabee
pd: (dahabeeyey)
ps: v2b=tr
key: dahabee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dahable
m. n. goldsmith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dahable
-ha: (n) goldsmith (gooldh-ismiith)-, jeweler also jeweller
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahable
-ha: (magac, lab, keli) qofka dahabka iibiya oo ka ganacsada ama farsameeya.
dahable-ha: (magac, lab, keli) dukaanka dahabka lagu iibiyo. Dahablaha agtayda ah mid asliyaa lagu gadaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dahable
de: goldsmith
lx: dahable
pd: (/ha)
ps: n7-m
xe: Lets go to the goldsmith.
xv: Aynu dahablaha u tagno.
key: dahable
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalable
m.l.u (-layaal, m.l/dh) Qof hal lug dalab ku leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalable
m.l.u (-layaal, m.l/dh) Qof hal lug dalab ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabay
(fal) walax, hir danab u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danabow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax danab leh noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danabow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax danab leh noqosho. m.f.dh, danaboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabow
(fal) walax, qulqul danab yeelo.
danabow -ga: (magac, lab, keli) eeg danaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysi
(Danaysi-ga)
Danaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysi
m.l Qabsashada qof uu qabsado dan uu leeyahay. la-mid: danaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danaysi
m.l Qabsashada qof uu qabsado dan uu leeyahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danaysi
-ga: (n) the state of being opportunistic (opar-junistik)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Danaysi
Perseguimento
Pursuit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysi
-ga: (magac, lab, keli) danaysad ku dhaqmid.
danaysi-ga: (magac, lab, keli) marka aad muraadkaaga oo keliya wax walba ka horraysiisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, dan u gaar ah fushasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, dan u gaar ah fushasho. m.f.dh, danaysasho.