damiir laawe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
damiir laawe
-ha: (n) one without morals; wicked man with loose morals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damiirlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan lahayn damiir kala sooca xumaanta iyo samaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaqyaqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ka daalalyaysiin oo wax uu ku yaqyaqsoodo ku samayn. Damiir laawe yaqyaqsiin kama bago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diinlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) 1. Qof aan diin aaminsanayn. 2. Qof aan akhlaaq wanaagsan lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diinlaawe
m. n. atheist, unbeliever, person without religion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diinlaawe
-diinlaawaha: (n) atheist (eey-thi-yiist) ~ mulxid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diinlaawe
-ha: (magac, lab, keli) cidda aan aamminsanayn jiritaanka ilaahay ama aan cibaado fiican lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diinlaawe
de: atheist, unbeliever, person without religion
lx: diinlaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: diinlaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiglaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan ka dhiidhiyin xumaanta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiiglaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan ka dhiidhiyin xumaanta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiglaawe
m. n. person of weak character; fool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiiglaawe
-ah: (adj) 1. cowardly (kaawadhli) ~ fulay 2. anemic (a-nii-mik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiglaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof qaqabaw oo wixii qalad ah aan ka dhiidhiyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiglaawe
de: person of weak character; fool Lit: one without blood
lx: dhiiglaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhiiglaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciinlaawe
m.l la-mid: miciinlaawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maciinlaawe
m. n. person who lacks feeling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciinlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan gurmad iyo gargaartoona lahayn. Ninkaagani maciinlaawe ayaad tahay. Dh: miciinlaawe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maciinlaawe
de: person who lacks feeling
lx: maciinlaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
see: miciinlaawe
key: maciinlaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxiiblaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan nasiibkiisu wanaagsanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damiirla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) yeelasho la'aanta dareenka kala sooca xumaanta iyo samaanta. Damiirla'aan buu la diiri waayey.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhiblaawe
name-m easy-going; harmless
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhiblaawe
magac loo baxsho wiil aanay hooyadii wax fool ah arag kolkii ay dhalaysay ama intii uu yaraa laga dareemay saansaanyaha qof deggan oo aan dhib iyo shiddo lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habilaawe
(Habilaawa-ha)
Aan laab lahayn; fiiraggaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habilaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan caqli badan lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habilaawe
m. n. (adj.): unintelligent person; stupid; unlucky
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habilaawe
de: unintelligent person; [atr.] stupid; unlucky
lx: habilaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: habilaawe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqlilaawe
-caqlilaawaha: (n) stupid male
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Caqlilaawe
Idiota
Idiot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqlilaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan caqli fiican lahayn; qof aan garasho badnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daliilhaye
m. n. catalog, catalogue
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daliilhaye
-ha: (n) catalog (kaatalog) also catalogue ~ kataloog
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daliilhaye
a: daliilhays (ka)
de: catalog, catalogue
lx: daliilhaye
pd: (-ka)
ps: n7-m
syn: kataloogo
key: daliilhaye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danablaawe
-ha: (magac, lab, keli) walax neef ama dareere ah oo aan gudbin karin quiqulka danabka waxaana lagu isticmaalaa madhxiyeyaasha xadhkaha waaweyn iyo dhismayaasha muhiimka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariirnaan
m.f.dh eeg dariiran. la-mid: dariirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habi'laawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan fiiro dheer lahayn oo maan gaaban. Dh: maangaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagarlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof hawlaha iyo arrimaha u qabta si lillaahi ah. Dh: gararbaxe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
micinlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan naxariis iyo kaalma midna lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahillaawe
m.l Qofka aan cidna u baahnayn; Alle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahillaawe
midka aan wax baahi ah qabin; ka aan wax ba u baahnayn. Dh: Alle, Ilaah, Ilaahey, Eebbe, Rabbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caqlillaawe
(Caqlillaawa-ha)
Aan caqli fiican lahayn; garaadlaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqlillaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Nin aan caqli fiican lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqlillaawe
m. n. slow person (not having a keen mind); not alert
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqlillaawe
de: slow person (not having a keen mind); not alert
lx: caqlillaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: caqlillaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirsilaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan cid uu garabsado lahayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dembi baare
-baaraha: (n) detective (di-tek-tiv); investigator (in-ves-ti-geeyter); crime investigator
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miciinlaawe
(Miciinlaawa-ha)
Qof aan cid miciin u gelin, jimic daran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciinlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan naxariis, iyo kaalma midna lahayn. la-mid: maciinlaawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miciinlaawe
m. n. (adj.): merciless person, one unable to give support; cruel, hard; destitute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miciinlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan cidna miciin u gelin cidna u gargaarin. Miciinlaawe arxan ma leh. Li: baarri, adeege.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miciinlaawe
de: merciless person, one unable to give support; [atr.] cruel, hard; [ext.] destitute (either the victim of cruel people or a person who has no heart)
lx: miciinlaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: miciinlaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxdinlaawe
-ha: (magac, lab, keli) cadaw aan naxariis lahayn oo qalbi adag.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samir la'aan
-ta: (n) inability to wait; impatience (im-peey-shansi); intolerance (in-too-laransi) ~ aan sugi karin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gariir qaaban
Forced vibration
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maciin la'aan
-ta: (n) vulnerability (voonara biliti); helplessness ~ miciin la'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxariislaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan naxa riis lahayn oo qalbi adag. Ilaahoow naxariislaawe wax ha noogu dhiibin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayactir la'aan
-ta: (n) disrepair (disriper); lack of maintenance