dambaysiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaysiin
m.f.dh eeg dambaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga dambe geyn. Li: horraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka d.: wax, wax kale gadaashooda dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dambaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka d.: wax, wax kale gadaashooda dhigid. m.f.dh, dambaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaysii
(fal) ha laga horreeyee u dambaysii; xagga dambe gee. Hadalkaaga dambaysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaabsiin
m.dh la-mid: dembaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaabsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dambaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambeysii
v.caus: put behind
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambeysii
de: put behind
lx: dambeysii
pd: (dambeysiiyey)
ps: v2a=caus
key: dambeysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaysiin
m.f.dh eeg gabaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, u oggolow inuu gabay tiriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumbaysiin
m.f.dh eeg xumbaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumbaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xumbo la kicin; xoor ka keenid. Saabuunta ayaa xumbay siinta ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaalsiin
m.dh la-mid: dabaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid, marka dabbaasha la barayo. Dabbaalsiinta ii bar carruurta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dembaabsiin
m.dh la-mid: dembaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dembaabsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, denbi gelin. Dh: dambaabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabsiin
m.f.dh eeg dabsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambayn
m.f.dh eeg dambee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga danbe jirid. Dh: danbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambays
-ka: (magac, lab, keli) xagga danbe marid. Dh: danbays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahaysiin
(Ahaysiin-ta)
1. Wax aan jirin, wax jira ka dhigid; abuurid; uumid.
2. Dhab ama run ka dhigid.
3. Si, ama, wax ka dhigid, ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaysiin
m.f.dh eeg ahaysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaysiin
vl. n., [compound] making, invention, creating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin wax jira ka dhigid. Ahaysiintu waa arrin Eebbe u gaar ah. Dh: abuurid, uumid, alkumid, ahaysiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaysiin
de: making, invention, creating
lx: ahaysiin
pd: (-ta)
ps: vn0-f-cmp
key: ahaysiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, amar farid. Amarsiinta badani ma fiicna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsiin
m.dh la-mid: daajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo meel daaq wacan leh ku eegid. Dadku daaqsiinta xoolaha way kala yaqaanniin. Dh: daajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylin
-ta: (magac, dhedig, keli) laydha u dhigid oo neecawin si uu u engego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaysan
(tilmaame) wax kooraamaysan ama wax dab leh ama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabayshi
m.l la-mid: dabayshad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarin
m.f.dh eeg dambari. la-mid: dambaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef dhalay, dambar ka lisid. Qaalmaha ugubka ah ayay dambarintu ku fiican tahay. Dh: dambaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarsi
m.l la-mid: dambarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo dhalay dambar ka maalid. Dambarsiga aad baan u jeclahay. Dh: danbarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka g.: qof gabay ku beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaysii
(fal) ka dhig inuu gabyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambaysi
m.l la-mid: gambaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg ganbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqbalsiin
m.f.dh eeg aqbalsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqbalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax ay diiddan tahay yeelsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqsaysiin
m.f.dh la-mid: asqaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asqaysiin
m.dh eeg asqaysii. la-mid: aqsaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bataysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka badnaan tiro ahaan. Bataysiin ma laha tayo ma ogiyi. Dh: qarqin, hafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraysiin
(Caraysiin-ta)
(ka caraysiin) Caro ku abuurid; ka xanaajin; umal iyo dhirif ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysiin
m.f.dh eeg caraysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka xanaajin; ka weyrixin; cadho ku abuurid. Dh: cadhaysiin, caraysiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaabin
m.dh la-mid: dembaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dembi inay gasho sabab u noqosho. Dh: dambaabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaajin
m.dh la-mid: dembaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dambaabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambasayn
m.f.dh eeg dambasee. la-mid: bambasayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dambas ku darid ama ku dul daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweysiin
m.dh la-mid: daaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, daawo siin. Dh: daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayeysiin
m.f.dh eeg dayeysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gama'siin
m.dh eeg gama'sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gama'siin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, seexin ama hurdo u horseedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax madaxa gambo u saarantahay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gambaysan
der. [adjective] covered with a kerchief, having a head-scarf
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gambaysan
-aa: (adj) veiled (veelied)-, wearing in a kerchief or headdress ~ ganbaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaysan
(tilmaame) haweenay gambo xidhan; gambo madaxa ugu xidhan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gambaysan
cf: gambo
de: covered with a kerchief, having a head-scarf
lx: gambaysan
pd: (gambaysnaa)
ps: adj-der
key: gambaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambaasin
m.f.dh eeg hambaasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysiin
m.f.dh eeg jahaysii. la-mid: jihaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaysiin
m.f.dh eeg jalaysii. la-mid: jalayn, jalaysiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadsiin
(Nabadsiin-ta)
Nabad dhex dhigid; heshiisiin; nabadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadsiin
m.f.dh eeg nabadsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) nabad dher dhigid ama heshiisiin dhinacyo is diiddan Guid waxay ka shaqeeyaan nabadsiin. Dh: nabaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ormaysiin
m.f.dh eeg ormaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ormaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) or iyo qaylo ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabadsiin
m.f.dh eeg qabadsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab meel ku qabasho oo gubid. Dh: hurin, ololin.
qabadsiin-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun cid kale u tebin.
qabadsiin -ta: (magac, dhedig. keli) xafidsiin, qaybsiin. Macallimiintu qabadsiinta ardayda way ku kala fiican yihiin. Dh: xafidsiin.
qabadsiin -ta: (magac, dhedig, keli) ku dhifasho; ku jiidid. Ninkii hurday qabadsiintii usha la qabadsiiyay ayuu ku kacay.
qabadsiin -ta: (magac, dhedig, keli) le'ekaysiin; waafajin: qaabilsiin. Daahu meesha wuu le'eg yahay oo qabadsiin kale uma baahna.
qabadsiin-ta: (magac, dhedig, keli) labo wax iyo in ka badan isku dhejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaysiin
m.f.dh eeg qadaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale hadhimo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaso iyo wejigabax ku ridid. Dh: khasaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qataysiin
(Qataysiin-ta)
Luggoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qataysiin
m.f.dh eeg qataysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qataysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) kadeedid oo khaati ka dhigid. Odaygu wuu soo daalaye qataysiinta ka yaree. Dh: daalin, qataysiis.
qataysiin -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qasaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsiin
m.dh la-mid: samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) sabir ku adkayn; sabir ku waanin. Dh: samrin, samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xafiis u shaqeeya maraakiibta, dayuuradaha iyo wixii la mid ah oo sahayda ay u baahan yihiin siiya, ka iibsha; wakaalad qaabbilsan sahayda la siinayo gaadiidka badda iyo cirkaba.
sahaysiin -ta: (magac, dhedig, keli) sahayda la siiyo qof socoto si uu jidka ugu maro. Dh: jidmar, jicsimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaysiin
m.f.dh eeg xayaysii.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xayaysiin
-ta: (n) advertisement (adhvar-taayz-ment); commercial advertisement ~ iidheh, xayaysiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumbaysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka x.: wax xumbo ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaraysiin
m.dh la-mid: yarayn¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaraysiin
-ta: (magac, dhedi, keli) wax yar oo intii hore ka waabsan ka dhigid. Yaraysiinta surwaalka dawaarlaha u gee. Dh: yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caataysiin
m.f.dh eeg caataysii. la-mid: caatayn, caataysiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caataysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) caato ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» cadho ku abuurid; ka xanaajin; umal iyo dhirif ka keenid. Dh: cadhaysiis, xanaaqsiin, dhirifsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashaysiin
m.f.dh eeg cashaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama dad badan, xeraadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweysiin
m.dh la-mid: daaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daaweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaalsiin
m.dh la-mid: dabaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel biyo leh dul sabaysiin oo wax dabbalanaya ka dhigid. Dh: dabbaalsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaxsiin
m.f.dh eeg dabaaxsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaxsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) gawracid oo qoorta ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallacsiin
m.dh eeg dallacsii. la-mid: dallacsiis.