dalum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalum
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dalam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalam
(ereycodeed) la macno ah wax horay ugu dhacid. Ceelka dalam dheh. Dh: duluq.
dalam: (ereycodeed) la macno ah afka horay wax ugu rid. Cabadda kiniinka ah dalam sii.
dalam: (tilmaame) wax aad u dheer oo aan guntiisa la gaadhayn. Dh: uub.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Datum
Dalii, War (mid)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulum
(Dulum-ka)
Dulmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalamo
-da: (magac, dhedig, keli) codka ka soo baxa carrabka oo afka la dhex lulo oo lagu qaylyo, xilliyada aroosyada.
dalamo-da: (magac, dhedig, keli) xadhigga lagu qabto dibida iyo wixii la mid ah marka ay diddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daluug
v. massage
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DALUUG
(Dalug) S Suaeda fruticosa (L) Forsk. Chenopodiaceae.
S Suaeda micromeris Brenan. Chenopodiaceae.
S Suaeda monoica J.F.Gmel. Chenopodiaceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daluug
a: daliig
de: massage
lx: daluug
pd: (daluugay)
ps: v1=
key: daluug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daluun
-ta: (magac, dhedig, keli) god ama meel kale oo hoos u dheer oo halis ah. Dh: dalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dal
(Dal-ka)
Dhul yar ama weyn oo seere la yaqaan leh oo la deggan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dal
dal¹: m.l (-lal, m.l) Dhul soohdin loo yaqaan leh oo la degganyahay; waddan.
dal²: f.g1 (-alay, -ashay) Harag rogob ka gurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dal
m.l (-lal, m.l) Dhul soohdin loo yaqaan leh oo la degganyahay; waddan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dal
m. n. country, land, territory, state
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dal
-ka: (n) country (kaantari); land (laandh); territory (tera-tori), state (isteeyt) ~ waddan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dal
Paese
Country
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dal
-ka: (magac, lab, keli) meel busho ku wada nooshahay oo uu maamul iyo dhaqan ama nidaam yaallo. Dh: waddan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dam
m.dh.sh.r 1. D. dheh: hadal tilmaama wax dhaca ama wax basa. 2. D. ka sii: wax burburin; wax seexin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dam
m.dh.sh.r 1. D. dheh: hadal tilmaama wax dhaca ama wax basa. 2. D. ka sii: wax burburin; wax seexin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dam
Biyo xidheen
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dam
/dhaam/ (n) 1. biyo-xireen (v) 2. biyo-xir u samayn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Dam
Biyaxir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dam
(tilmaame) meel mugdi ah.
dam: (ereycodeed) lagu tusmeeyo cod weyn sida wax qarxay ama wax dhulka ku dhacay. Dh: dhug.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dam
n., (a mole, a bank) deer, -ki, xer, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dum
(fal) dad abaabul oo soo ururi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alam
(ereycodeed) tilmaamaya liqista wax weyn iyo hungurixumo. Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siinaynin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aluf
-ka: (magac, lab, keli) eeg alif.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Calm
Deggan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
calm
/kaam/ (adj) 1. daggan; xasillan (n) 2. xasillooni (v) 3.dejin; qaboojin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
calm
/kaam/ (adj) 1. hasillyng, deggyng. (v) 2. hasiliyow, dijhiyow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
calm
n., (at sea) xawaal, -shi.
calm, v.tr., qabowji.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dale
/dheyl/ (n) waadi-yar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dale
n., (a valley) far, -ti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dali
-ga: (magac, lab, keli) meel haadaan ah oo laga dhaco. Daliga ha ka dhicine iska jir. Dh: haadaan, dalaw, gebi, qaw.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
daub
/dhob/ (v) ku dhamoogid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drum
/dram/ (n) 1. durbaan (v) 2. durbaan tumid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
drum
n., durbaan, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
glum
/glam/ (adj) mad-luun, qof niyad-xun.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
palm
(n) the inner surface of the hand, extending from the wrist to the base of the fingers.
baabaco
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
palm
/pam/ (n) 1. sacab (baabaco) (calaacasha, faraha iyo suulka) 2. geed jirrida timirta oo kale leh oo dheer. (cow-baar)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
palm
n., (of the hand) baabaco, -adi, calaacal or calaancal, -shi, saab, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
slum
/slam/ slummy;(n) xaafad hab-nololeed-keedu hooseeyo (si heer hoose ah dadku u noolyahay).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
album
/aalbam/albums;(n) 1. buug masawirada lugu aruuriyo. e.g. My sister has one big album of photographs. 2. saxanka muustikada.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
album
/albam/ (n) 1. albung. 2. ajal.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
album
s.m. buugga sawirrada qoyska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
album
-ka: (magac, lab, keli) eeg albam.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
album
album, n.m - Buugga Sawirada lagu ururiyo.
album-photo - Buugga lagu Xaafido Sawaradara
album de timbres - Buugga lagu Xaafido Tigidhada
album de pièces de monnaie - Buugga lagu Xaafido Lacagta
album de disques - Galka lagu Xaafido Suxuunta (ama Diskiyada).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calam
-ka: (magac, lab, keli) caag sida kubadda ah oo lagu xidho shabaagta oo biyaha dul sabeeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casum
(fal) sooryo sharafeed u samee; martiqaad u samee. Dh: casun, casuumadee, casuun.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dague
dague, n.f. - Toorray; Amlay; Golxob,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dal_1
de: country, land, territory, state
hm: 1
lx: dal
pd: (-ka Pl: dalal (ka))
ps: n4-m
xe: What country are you from?
xv: Dalkee baad ka timid?
key: dal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dal_2
de: detailed knowledge of a country (e.g., know a place like 'the back of my hand')
hm: 2
lx: dal
pd: (-ta)
ps: n-f-cmp
key: dal_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dala'
dala'¹: m.l la-mid: dhama'¹.
dala'²: f.mg1 (-l'ay, -la'day; -l'i) la-mid: dhama'².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalab
1. (Dalab-ka) Doonis; weyddiisad.
2. (Dalab-ta) Qaabxumo yar oo lugaha gasha; sinsinnaanta iyo toostoosnaanta baa ka ba'a.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalab
dalab¹: m.l (-byo, m.dh) Codsi ballanqaad leh oo cid wax lagu weyddiisto.
dalab²: m.dh (-lbo, m.l) Qallooc yar oo lugaha gala oo labada law isu soo dhawaadaan.
dalab³: f.g1 (-lbay, -labtay; -lbi) Codsi ballanqaad leh oo wax lagu weyddiisanayo sameyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalab
dalab¹: m.l (-byo, m.dh) Codsi ballanqaad leh oo cid wax lagu weyddiisto.
dalab²: m.dh (-lbo, m.l) Qallooc yar oo lugaha gala oo labada law isu soo dhawaadaan. m.l.w, dalbo¹.
dalab³: f.g1 (-lbay, -labtay; -lbi) Codsi ballanqaad leh oo wax lagu weyddiisanayo sameyn. m.f.dh, dalbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalab
v. request, apply, order (e.g., at a restaurant)
dalab vl. n. request, order (for goods), statement, application, petition
dalab [feminine] n. knock-knee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dalab
nickname-m knock-knee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalab
-ay / tay: (v) order (oodhar); demand (dimandh); request (rik-weest) ~ codso
dalab -ka: (n) order (oodhar); request (rik-weest) ~ codsi
dalab -ta: (n) [pl. dalbo] bow-leg (bow-leeg)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalab
(fal) wax codso aad rabtid inaad heshid. Waxa aan dalbaday casho ceela' ah. Dh: weydiiso.
dalab -ka: (magac, lab, keli) codsi af iyo qoraalba noqon kara oo ruux jago sare ah wax go'an lagaga codsado. Dalab soo qoro haddaad shaqo doontahay Dh: codsi, arji.
dalab -ka: (magac, lab, keli) meel maqaayad ah ama wax kale, cunto ama cabbitaan ka codsasho.
dalab-ta: (magac, dhedig, keli) qaabxumo lugaha gasha oo ay u qalloocsamaan dhanka gudaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalac
(fal) kor u qaad. Jawaanka dalac. Dh: dallac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalag
m.l Miraha la beerto ee la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalag
m.l Miraha la beerto ee la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalag
m. n. crop
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalag
-ga: (n) crop (karoop) ~ dhirta beeraha, sarac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalag
-ga: (magac, lab, keli) tacabka beeraha midhaha ka soo go'a. Wixii dalag ii baxay waan libiyey
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalag
de: crop
lx: dalag
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dalag
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalal
m. n., pl. countries, nations
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dalal
name-m moans, groan. Syn: Talal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalal
-ka: (n) [plural of dal] countries (kaanatris) ~ see [eeg] dal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dalal
magac loo baxsho wiil oohin badan oo reema.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalal
de: countries, nations
lx: dalal
pd: (-ka)
ps: n4-m-pl
key: dalal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalan
f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax asqo hayso noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalan
(tilmaame) wax asqo hayso ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaq
m.dh.sh.r Cod tilmaama socod kedis ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalaq
f. n. sudden ~ unexpected entrance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalaq
(v) enter quickly with permission or unexpectedly. Ex: dalaq buu soo yiri; he entered quickly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaq
(ereycodeed) si degdeg ah meel ku gal ama ugu dhac. Dalaq dheh ceelka. Dh: muluq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalaq
de: sudden ~ unexpected entrance
lx: dalaq
pd: (dheh)
ps: np-f-expr
key: dalaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalar
(fal) wax qurxi oo dheeh u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaw
(Dalaw-ga)
Dal kale iska aadid; dagaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaw
dalaw¹: m.l 1. la-mid: dalow 1 (3). Baaldi. 2. la-mid: dalaaw¹.
dalaw²: f.mg1 (-laabay, -lawday) la-mid: dalaaw².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalaw
m.l 1. la-mid: dalow¹: . 2. Baaldi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalaw
vl. n. immigration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaw
(fal) dal kale iska aad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalaw
a: dalow
de: immigration
lx: dalaw
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: dalaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalay
(fal) u fur meel bannaan oo iftiin iyo neecawba ka soo galaan. Dh: neecaabi.
dalay: (fal) walax, qurux u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalbo
dalbo¹: m.l.w eeg dalab².
dalbo²: f.g3 (-baday, -batay) 1 . Dalab sameyn (qof). 2. Ciidan amar siin. 3. Isu baaqid (turub).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalbo
f.g3 (-baday, -batay) 1. Dalab samayn (qof). 2. Ciidan amar siin. 3. Isu baaqid (turub). m.f.dh, dalbasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalbo
v. apply for job; order, send away for; subscribe (to a magazine)
dalbo: m. n. having knock-knees, knock-kneed condition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalbo
-dalbaday / dalbatay: (v) apply (aplaay); order (oodher)
dalbo -dalbaha: (n) [plural of dalab] bow-leg (bow-leeg) ~ lugo kala-jeeda leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalbo
(fal) sheego waxa baahidaadu tahay ama aad doonayso. Dh: weyddiiso.
dalbo: (fal) turub u baaq. Dalbo turubka adigu marka hore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax cusboonaysiin ama qurxin. 2. Guri, meel ay hawo ka soo gasho u yeelid. 3. Dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah nasin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax cusboonaysiin ama qurxin. 2. Guri, meel ay hawo ka soo gasho u yeelid. 3. Dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah nasin. m.f.dh, dalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalee
v. found a country, establish a nation; decorate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalee
(fal) gal u samee. Kitaabka dalee. Dh: galee.
dalee: (fal) dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah. nasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalee
de: found a country, establish a nation; decorate
lx: dalee
pd: (daleeyey)
ps: v2b=
key: dalee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalgo
(fal) dhulka beer ka falo. Dh: beero, tabco.
dalgo: (fal) wax shaqayso; wax taro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalid
m.f.dh eeg dal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalin
-ta: (magac, dhedig, keli) noole ilimaqabatay ah oo ku dulnool xayawaanka jimidhka weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalla
-da: (magac, dhedig, keli) filasho wax la heli doono. Dh: naruuro, rajo, niyaayiro.