dalmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalmid
m.f.dh eeg dalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmid
-da: (magac, dhedig, keli) is beddel sidii hore ka muuqaal xun. Gaajada ayaa xoolaha dalmidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalid
m.f.dh eeg dal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damid
(Damid-da)
Dhammaansho; soo yaraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damid
m.f.dh eeg dąn. la-mid: demid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damid
-da: (magac, dhedig, keli) ololkii joojin oo bakhtiyid. Dab dabayli shidayso damid ha ka sugin. Dh: damis, bakhtiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadmid
m.dh la-mid: dedmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagmid
m.f.dh eeg dagan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagmid
-da: (magac, dhedig, keli) qaldamid oo wax dagan noqosho. Dagmidda iska jir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dal'id
m.dh la-mid: dham'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalbid
(Dalbid-da)
Doonid; weyddiisasho, rabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalbid
m.f.dh eeg dalab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalbid
-da: (magac, dhedig, keli) doonitaanka wax aad rabtid. Dh: rabid, codsad, weyddiisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmin
-ta: (magac, dhedig, keli) mar aanu shay iska beddelin sidii uu midabkiisa ama noociisu ahaa. Xoolahan dalmin kama muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqmid
m.dh la-mid: danqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmid
(Darmid-da)
Wax wax lagu daray ama ku darmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmid
m.f.dh eeg daran². la-mid: darsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmid
-da: (magac, dhedig, keli) ku biirid oo ka mid noqod. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dilmid
(Dilmid-da)
Iska dhimasho; iyadoo aan la dilin, iska geeryoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilmid
m.f.dh eeg dilan². la-mid: dilan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dilan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmid
m.dh la-mid: dulmiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmid
-da: (magac, dhedig, keli) dulan iyo gardarro kula dhaqmid dadka kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falmid
(Falmid-da)
1. Wax la falay oo kale, iyadoo aan la taaban, iska noqosho; falan; falow.
2. Is dacar-faalka, aad caloosha uga bixid; dooxmid badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falmid
m.f.dh eeg falan². la-mid: faalmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falmid
-da: (magac, dhedig, keli) isdacarbixin ama isdacarfaalid. Falmidda iska jooji.
falmid-da: (magac, dhedig, keli) sixramid ama qof sixran noqosho. Dh: sixramid, falan, falow.
falmid -da: (magac, dhedig, keli) wax ku mormid; wax dood iyo muran ku salaysan garran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalmid
(Qalmid-da)
1. Wax haddii la qalayo qalid u suubbama ama qalmi kara noqosho.
2. (u qalmid) u cuntamid; u dhigmid; istaahilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalmid
m.f.dh eeg qalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalmid
-da: (magac, dhedig, keli) u cuntamid, u dhigmid, ku habboonaan. Isku qalmidda wiilka iyo gabadha waa la isku raacay. Dh: istaahilid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
patter
/paatar/ (n) 1. shanqarta ama jaqaf-jaqafta si xiriir ah u yeerta (sida dhibcaha roobka shanqartooda)(v) 2. dal-dalmid (si dhakhso ah ama boobta ah u hadlid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalmarid
m.dh Tegidda dalal badan socdaal lagu tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmarid
-da: (magac, dhedig, keli) meelo badan oo adduunka ah gooshid; dalal badan arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalqamid
(Dalqamid-da)
Hadal badan shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqamid
m.f.dh eeg dalqan². la-mid: dalqan¹ (2), dulqami, dulqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqamid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi amal xummad darteed oo qofku war badan fiirsasho la'aan iska sheego. Xummaddu dalqamid bay qofka ku riddaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daarmid
m.f.dh eeg daaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarmid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, nal ama wax kale, shidmid oo if bildhaamaya bixin. Tiriiggu daarmiddii wuu iska diiday: Dh: daarmis, shidmid, ifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaamid
(Dhaamid-da)
1. Wasakh ku dhoobid; uskag ka buuxin.
2. Ka wanaagsanaan, ka fiicnaan; ka door roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamid
m.f.dh eeg dhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan badanay ka roonaan; in yar ka fiicnaan. Dh: roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacmid
m.f.dh eeg dhacan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa tegay oo fogaadey. Irmaankiinu maantuu dhacmee idhanka loo qaadey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafmid
m.f.dh eeg dhafan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqmid
(Dhaqmid-da)
1. Dhaqan wanaagsan ku sugnaan.
2. Mayrmid; qasaalmid, liin bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqmid
m.f.dh eeg dhaqan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhaqan oo jira ahaan; tarmid oo badasho. Dhulka badhbaa dhaqmidda lo'da ku habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilmid
m.f.dh eeg dhilan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala sarreeya ama isku garab taxan kolba liin iskeed u daadasho oo u hobobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilmid
m.f.dh eeg diilan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalmid
m.dh la-mid: falmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalmid
-da: (magac, dhedig, keli) fal iyo sixir qabid. Dh: falmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falamid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku garramid ama ku dacwiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalamid
f. n. variant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalamid
de: variant
lx: kalamid
pd: (-da)
ps: n1-f
see: mid
key: kalamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalmid
m.f.dh eeg laalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel sare ku soo xidhmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
almi
f.g2 (-iyay, -isay) Kuul, silis iyo wixi lamida qoor ku xirid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
almi
(fal) qardhaasaha iyo wixii la mid ah xidho ama baro sida loo dhigo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
amid
/eeymid/ (prep) dhaty, dhattis. The house stood amid the big trees.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
amid
amidst, among, amongst, ad., dhex, dhexda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dali
-ga: (magac, lab, keli) meel haadaan ah oo laga dhaco. Daliga ha ka dhicine iska jir. Dh: haadaan, dalaw, gebi, qaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab, nal iyo wixi lamida bakhtin. 2. Dhibaato xasilin. la-mid: demi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab, nal iyo wixi lamida bakhtin. 2. Dhibaato xasilin. m.dh, damin. la-mid: demi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dami
v. extinguish, put out; turn off (light ~ engine)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dami
-yey / say: (v) switch off (iswiij of)', put out (put awt), turn off (teen of); extinguish (ikistingguwiish) ~ bakhtii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dami
(fal) bakhtii dab, laydh baxaya ama matoor guuxaya. Nalka gaadhiga dami. Dh: bakhtii. Li: daar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dami
a: demi
de: extinguish, put out; turn off (light ~ engine) rw: dan
lx: dami
pd: (damiyey)
ps: v2a=tr
key: dami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
almin
m.f.dh eeg almi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
almin
-ta: (magac, dhedig, keli) xidhashada ama barashada dhigaalka qardhaasta iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg adyad.
alyid -da: (magac, dhedig, keli) moolisidda shaqo ama hawl la hayo. Alyidda sharikadaha waaweyn, wax baa loo soo bartaa. Dh: maarayn, alyis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axmid
m.f.dh eeg axan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof geeriyooday, aaskiisa xoolo ku dulqalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balid
-da: (magac, dhedig, keli) loox, bir iyo wixii la mid ah, ballaadhin oo wax labada dhinaca ka balan ka dhigid. Usha balidda waan ugu talagalay. baliil: (tilmaame) wax dadka oo dhan u muuqda; wax bannaanyaal ah; wax aan daah saarnayn. Xaajadani waa baliil oo cidna ka ma qarsoona. Dh: banyaal, bandharaareed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmi
calmi¹: m.l Dersi; cashar.
calmi²: f.g2 (-iyay, -isay) Cid dersi siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calmi
calmi¹: m.l Dersi; cashar.
calmi²: f.g2 (-iyay, -isay) Cid dersi siin. m.f.dh, calmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'id
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha samada Eebbe ka soo liso ee fadka laga hooriyo. da'is -ta: (magac, dhedig, keli) eeg da'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabid
(Dabid-da)
1. Qalab (dabin, kd.) ugaarta iyo banjoogta kaleba loo dhigo oo lagu qabto, dhigid.
2. (il) isku hayn; iskuqabasho yar.
3. (timo), nabid lafta lagula dhejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabid
m.f.dh eeg dab². la-mid: dabniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabid
-da: (magac, dhedig, keli) dabin u dhigid. Birtani way ku fiican tahay dabidda jiirka.
dabid -da: (magac, dhedig, keli) awr, awr kale ku xidhiidhin.
dabid -da: (magac, dhedig, keli) gaadhi aan gaar aan u socon karin, gaadhi kale ku jiidid.
dabid -da: (magac, dhedig, keli) il isku qabsad. Dabidda ishayda ma karo.
dabid -da: (magac, dhedig, keli) timo tidcid, ama soohid. Timaha ha furfurine dabidda u daa.
dabid -da: (magac, dhedig, keli) ul iyo wixii la mid ah, qalloocsamiddooda. Dabidda ka ilaali usha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacmi
(fal) hiil iyo hooba la garab joog. Xisbigaad taageersan tahay dacmi. Dh: taageer.
dacmi -ga: (magac, lab, keli) dhadhanka cunto ama cabbitaan leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dądid
m.dh la-mid: dedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha wax ka saarid. Dadidda ka daa ilmaha yaanu nakhasku ku dhegine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafid
(Dafid-da)
Qaadasho degdeg iyo xoog leh; la boodid; dhifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafid
m.f.dh eeg daf³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafid
vl. n. act of grabbing ~ snatching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafid
-da: (magac, dhedig, keli) dhufsad degdeg iyo xoog leh, la boodid. Dh: dhufsasho, dafis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafid
de: act of grabbing ~ snatching
lx: dafid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: dafid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagid
(Dagid-da)
Dhacsiin qof la dhacsiiyo wax aan jirin ama si aan run ahayn; dhagrid; khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagid
m.f.dh eeg dag. la-mid: dagniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagid
-da: (magac, dhedig, keli) cid u dhuumasho oo si ay xeeladi ku jirto wax yeelid. Dh: dagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahid
m.f.dh eeg dah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel banaan yaaley, halkii uu ku habboonaa dhigid. Xashiishka waa layska dahaa.
dahid-da: (magac, dhedig, keli) qarin oo wax dahsoon ka dhigid. Dh: qarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalin
-ta: (magac, dhedig, keli) noole ilimaqabatay ah oo ku dulnool xayawaanka jimidhka weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalwi
f.g2 (-iyay, -isay) Ceel wadaan u ridid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalwi
f.g2 (-iyay, -isay) Ceel wadaan u ridid (qof). m.f.dh, dalwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalwi
(fal) dawlis ku dhaami. Waar kaalay ceelka noo dalwi. Dh: dawlis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damin
m.dh eeg dami. la-mid: damis, demin, demis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damin
vl. n. extinguishing; turning off (a light)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ololaya bakhtiin. Daminta dabka dabdemiska ayaa u xilsaaran.