dallaallimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaallimo
m.dh (-ooyin, m.l) Meel kor ka dadan oo dhinacyaha ka furan oo wax lagu gato ama la harsado. la-mid: dallaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dallaallimo
m.dh (-ooyin, m.l) Meel kor ka dadan oo dhinacyaha ka furan oo wax lagu gato ama la harsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dallaallimo
f. n. shade-piece, cover
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dallaallimo
de: shade-piece, cover
lx: dallaallimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dallaallimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaalimo
-da: (magac, dhedig, keli) hadh xagga sare ah. Duco duug ma noqotee, qurraxduna dallaallimo, Deeqay aabbahaa iyo, dadku hooyadaa noqoy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaalnimo
m.dh Dallaal ahaansho.

dąllaalnimo
m.dh Dąllaal ahaansho. la-mid: dillaalnimo, dullaalnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dallaalnimo
m.dh Dallaal ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dallaalnimo
-dallaalnimada: (n) brokerage (baro-kareeyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof dillaalnimo ku shaqaysta ahaan. Dallaalnimada dad baa ku nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaallimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Meel dallaallimo ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dallaallimee
v. cover; arrange in the form of a roof to provide a cover
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dallaallimee
de: cover; arrange in the form of a roof to provide a cover
lx: dallaallimee
pd: (dallaallimeeyey)
ps: v2b=tr
key: dallaallimee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaalnimo
m.dh la-mid: dąllaalnimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dillaalnimo
-dillaalnimada: (n) brokerage (barookarayj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax u kala gada ganacsatada ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullaalnimo
m.dh la-mid: dąllaalnimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dullaalnimo
-dullaalnimada: (n) brokerage (baroo-karayj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) dillaal shaqo ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walanbo
(Walanba-da)
Wax qorraxda layska xijiyo oo hoos tara; dallaallimo; dallaallin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosin
hoosin¹: m.f.dh eeg hoosi.
hoosin²: m.dh Dallaallimo awrka guradiisa carruurta iyo waxaraha loogu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaallimayn
m.f.dh eeg dallaallimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaallimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadhayn oo hoos soo handooda u yeelid. Weylaha waabka u dallaalimee. Dh: hadhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallaannimo
m.dh Dhallaan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhallaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) caruur ahaan iyo dhallaan ahaan. Wuxu sidan u yeelay waa dhallaannimo. Dh: carruurnimo, ciyaalnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diillaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) diillaal ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaalo
m.dh In yar oo caafimaad ah oo qof jirranaa helo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dallaalo
m.dh In yar oo caafimaad ah oo qof jirranaa helo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dallaalo
f. n. recuperation, regaining of health after being sick; relief; financial relief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaalo
(fal) dilaal ku shaqayso. Orod suuqa dallaalo. Dh: dillaalo.
dallaalo -da: (magac, dhedig, keli) caafimaad yar oo qof jirranaa helo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dallaalo
de: recuperation, regaining of health after being sick; relief; financial relief
lx: dallaalo
pd: (/da)
ps: n-f
key: dallaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaalnimo
m.dh Alaal ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhiirran oo aan maagitaan lahayn. Dh: ilxayiignimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaalid
dąllaalid: m.f.dh eeg dąllaal². la-mid: dillaalid, dullaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaalid
-da: (magac, dhedig, keli) labo wax kala iibsanaya u kala dhaxayn oo u kala iibis. Dh: dillaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaalin
m.dh la-mid: dallaallimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaalnimo
(Walaalnima-da)
Walaal ahaan; walaaltooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaalnimo
m.dh Walaal ahaan. la-mid: walaaltinnimo, walaaltooyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaalnimo
f. n., [abstract] brotherhood, state of being brothers ~ sisters
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walaalnimo
-walaalnimada: (n) brotherhood (baraathar-huudh)-, fraternity (faraa-teenati) ~ walaaltinimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) walaal ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaalnimo
a: walaaltooyo
de: brotherhood, state of being brothers ~ sisters
initial: w
lx: walaalnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: walaalnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbaalnimo
(Dabbaalnima-da)
Doqonnimo; nacasnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaalnimo
m.dh Dabbaal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabbaalnimo
f. n., [abstract] stupidity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabbaalnimo
-dabbaalnimada: (n) stupidity (istuu-piditi); foolishness (fuulish-nes)-, silliness (silines) ~ nacasnimo, doqonimo, caqlixumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaansha qof maangaaban. Cumar nin dabbaalnimo lagu sheego ma aha. Dh: doqonnimo, carannimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabbaalnimo
de: stupidity
lx: dabbaalnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: dabbaalnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaalimee
(fal) xaga sare maro iyo wixii la mid ah, kaga waab. Innoo dallaalimee geedka aan hadhsannee. Dh: hadhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaagnimo
m.dh la-mid: fallaaganimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalqaallinimo
-da: (magac, dhedig, keli) qalqaalli ahaan; firfircoonaan. Kolkii uu weynaaday ayuu qalqaallinimo la soo baxday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabcaalnimo
(Dhabcaalnima-da)
Dhabcaal ahaansho; muudalnimo; bakhaylnimo; masuugnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabcaalnimo
m.dh Dhabcaal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabcaalnimo
f. n., [abstract] meaness, miserliness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabcaalnimo
-dhabcaalnimada: (n) stinginess (istinjines); miserliness (maay-sarli-nes) ~ bakhaylinimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabcaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) bakhayl waakasho badan ahaan. Dh: bakhaylnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabcaalnimo
de: meaness, miserliness
lx: dhabcaalnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: dhabcaalnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duuflaalnimo
(Duuflaalnima-da)
Dhaqaala-darro; duuflaal ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duuflaalnimo
m.dh Duuflaal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duuflaalnimo
f. n., [abstract] extravagance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duuflaalnimo
de: extravagance
lx: duuflaalnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: duuflaalnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaaganimo
-da: (magac, dhedig keli) mucaaradnimo hubaysan iyo u jabhadayn lagala hortego nidaam jira, Dh: mucaaradnimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fallaagonimo
-fallaagonimada: (n) 1. rebellion (ri beelyen)-, insurrection. 2. gangsterdom
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callaalo
f.g3 (-shay, - latay) Alaabo yar gaadiid saarasho. la-mid: calaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
callaalo
f.g3 (-shay, - latay) Alaabo yar gaadiid saarasho. m.f.dh, callaalasho. la-mid: calaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalalli
(Daalalli-da)
Waaxda saddexaad oo degmooyinka xiddigaha oo xilliga dayrta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalalli
m.dh 1. Waaxda saddexaad ee degmooyinka xiddigaha, xilliga dayrta. 2. Roobka xilliga dayrta da'a. 3. Raar meydka looga sameeyo geedaha korkooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalalli
-da: (magac, dhedig, keli) degmooyinka xiddigaha mid ka mid ah ee waqtiyada dayrta. Daalalli weli ma soo baxday?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalallo
-da: (magac, dhedig, keli) afar god oo ka mid ah siddeed iyo labaatanka god ee dayaxu fadhiisto. Habeen daalallo ayuu dhashay Yuusuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku wadidda dad jilicsan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dallaayo
name-f shade; umbrella. Syn. Dallaayad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallalid
m.f.dh eeg dallal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaamo
m.dh la-mid: dillaan¹, dullaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullaamo
m.dh la-mid: dillaamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaamo
-da: (magac, dhedig, keli) ciiridda uu shay dhan u ciiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalli
-da: (magac, dhedig, keli) eeg galaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaali
-da: (magac, dhedig, keli) timo jilicsan oo raamo ah. Hallaali badan buu wiilku leeyahay. Dh: bulbul, raan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Callaalid
(Callaalid-da)
Callaal siin; laaluushid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callaalid
m.f.dh eeg callaal². la-mid: calaal¹, calaalid, callaal¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaalid
-da: (magac, dhedig, keli) callaal siin; laaluushid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaalyo
m.dh Isbeddel xun oo cid ku dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaabid
-da: (magac, dhedig, keli) dal shisheeye oo la tago. Dh: dhuyaalid, dalaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaafid
-da: (magac, dhedig, keli) ayaandarro iyo darxumo ku dhicid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dallaal_1
a: dillaal ~ dillaale ~ dullaal
de: middleman, broker, intermediary
hm: 1
lx: dallaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dallaal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dallaal_2
a: dullaal
de: act as a broker ~ middleman
hm: 2
lx: dallaal
pd: (dallaalay)
ps: v1=
key: dallaal_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dallaal_3
de: wide, roomy place
hm: 3
lx: dallaal
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: dallaal_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaasho
f.mg3 (-shaday, -shatay) Ku d.: meel barwaaqo ah ama biyo badan ku keliyaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaasho
(fal) (ku ~) meel barwaaqo ah ama biyo badan ku keliyaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaalid
m.dh la-mid: dallaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) dad wax kala iibsanaya ka shaqaysashada wax loo kala iibiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof oo wax kala gadanaya oo loo dhexeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dullaalid
(Dullaalid-da)
Dad wax kala gadanaya oo laysu geeyo oo la dhex galo oo la heshiisiiyo oo wax laga qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullaalid
m.dh la-mid: dąllaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaalid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo labo dhinac kala iibsanayaan, u dhaxayn oo dillaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaaliso
m.dh la-mid: fulaaliso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaaliso
-da: (magac, dhedig, keli) Allabariga loo sameeyo haweenay foolanaysa in uu Ilaahay u dhibyareeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgaalli
-da: (magacwadareed) lix xiddigood oo dhexdooda ay ku urursanyihiin xiddigo badan oo ay adagtahay sida loo arko. Dh: ido.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QALAALIYO
(Galalio) May, NFD Euphorbia breviarticulata Pax. Euphorbiaceae.
May Euphorbia triaculeata Forsk. Euphorbiaceae.
May Euphorbia glochidiata Pax. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalqaalli
(Qalqaalli-ga)
Fadaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqaalli
m.l.kh Q. ah: wiil rabsho badan.