dalaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaysan
(tilmaame) wax quruxsan. Maradu way dalaysan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalasan
(tilmaame) wax jilicsan ama dagan dul ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaysan
(tilmaame) wax kooraamaysan ama wax dab leh ama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysan
f.mg4 Wax wax kale lagu daray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysan
(tilmaame) dan ayuu leeyahay. Reerku wuu danaysan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaysan
Gal leh; gal loo yeelay; dahaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gal ku jira ahaansho. m.f.dh, galaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaysan
der. [adjective] covered, having a cover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galaysan
-aa: (adj) enveloped (en va-loopidh)-, enclosed, encased or covered completely
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaysan
de: covered, having a cover
lx: galaysan
pd: (galaysnaa)
ps: adj-der
key: galaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax qudrad, subag iyo wixi lamida muddo yar lagu shiilay ahaansho (hilib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho. m.f.dh, salaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaysan
der. [adjective] confirmed, reliable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaysan
(tilmaame) sal loo yeelay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salaysan
de: confirmed, reliable
initial: s
lx: salaysan
pd: (salaysnaa)
ps: adj-der
key: salaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaraysan
(tilmaame) wax quruxsan oo dheehan ama jilaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaclaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: dhaaclaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaysan
(tilmaame) mid la balleeyey oo la gardaadiyey. Dh: gardaadsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaysan
(tilmaame) wax is dulsaarsaaran ama rassaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaafsan
Dalaaf hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dalaafay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalaafsan
der. [adjective] unlucky
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaafsan
(tilmaame) mid darxumaysan oo dhibaato qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalaafsan
de: unlucky
lx: dalaafsan
ps: adj-der
key: dalaafsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaysani
-da: (magac, dhedig, keli) mid dulli qaba ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaysani
-da: (magac, dhedig, keli) wax galaysan ahaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la halleeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hallaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la halleeyey ahaansho. m.f.dh, hallaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hallaysan
der. [adjective] ruined, out of order
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hallaysan
-aa: (adj) disabled (diseeybilidh); damaged (dhaamijidh); dysfunctional
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hallaysan
de: ruined, out of order
lx: hallaysan
pd: (hallaysnaa)
ps: adj-der
key: hallaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlaysan
f.mg4 (-snaa, snayd) Qof shaqo haya ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlaysan
f.mg4 (-snaa, snayd) Qof shaqo haya ahaansho. m.f.dh, hawlaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlaysan
der. [adjective] busy, occupied
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlaysan
-aa: (adj) preoccupied (pri-oko-paaydh) with work; busy (biisi)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlaysan
de: busy, occupied
lx: hawlaysan
pd: (hawlaysnaa)
ps: adj-der
key: hawlaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: jidbaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rablaysan
(tilmaame) timo rable u xidhan ah. Gabadh timo rablaysan baa daaradda fadhida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalayn
(Dalayn-ta)
1. Dal ka dhigid.
2. Qurxin; dheehid; jalayn.
3. Aqal, kd., meelo ka banbannayn, si neecawda iyo iftiinku u soo galaan; neecaabin; khalfado u furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalayn
m.f.dh eeg dalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aqal iyo wixii la mid ah, in meel laga banneeyo si iftiin iyo neecawba uga soo galaan.
dalayn-ta: (magac, dhedig, keli) qurux u yeelid oo midabayn. Jawaabaha duxdoodii, adigaa daleeyoo, dahaadhkii ka qaadaye.
dalayn -ta: (magac, dhedig, keli) hadhayn ama dadid. Dalaynta waababku dhib kuma laha Suge oo waa nin dheer. Dh: hadhayn. Li: qaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalsan
m.l Dhul saac leh oo aan qaniin lahayn; Carrasan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalsan
m.l Dhul saac leh oo aan qaniin lahayn; Carrasan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalsan
m. n., (mass n.): good soil, fertile land, land that is rich in pasturage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalsan
-ah: (adj) fertile (feer-tel); good for farming and animal grazing ~ daaqsin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalsan
-ka: (magac, lab, keli) dhul ciid wanaagsan oo beero iyo duunyaba ku fiican. Dh: dihin, dhulsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalsan
de: good soil, fertile land, land that is rich in pasturage
lx: dalsan
pd: (-ka)
ps: n-m-mass
key: dalsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaysan
Af leh; soofaysan; lisan; looshan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysan
afaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax af leh noqosho.
afaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax af leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afaysan
der. [adjective] sharp, sharpened
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afaysan
aigu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysan
(tilmaan) af wax jara leh; wax soofaysan ahaan. Waran afaysan baad soo iibsatay. Dh: lisan, looshan, soofaysan. Li: saawir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afaysan
de: sharp, sharpened
lx: afaysan
pd: (afaysnaa)
ps: adj-der
syn: soofaysan
key: afaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajaysan
(tilmaame) biyo walaaqan oo dhooqaysan; biyo wasakhaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacsan
(tilmaame) wax hoos u liicsan ama godan. Dh: diisan. Li: dhiibsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daadsan
Quban; bilqaxan; kala firirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la daadiyay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la daadiyay ahaansho. m.f.dh, daadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daadsan
der. [adjective] spilled, scattered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daadsan
(n) spilled (ispilidh) scattered —daadsnaan -ta: (n) spillage (spileeyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadsan
(tilmaame) wax daatay ama la daadiyay Qodaxdu, aqalka meel walba way daadsan tahay. Dh: quban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daadsan
de: spilled, scattered
lx: daadsan
pd: (daadsanaa)
ps: adj-der
key: daadsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafsan
(tilmaame) qof bakooro hayso. Carruurta daafsan carruurta kale ka durkiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax daahay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daahsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax daahay ahaansho. m.f.dh, daahsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahsan
der. [adjective] late, not on time, tardy
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daahsan
name-flate, not on time, tardy. Lit: she who was born over-due
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daahsan
-aa / ayd: (adj) late (Zeeyt); delayed (di-leeyidh) unpunctual; overdue (over-dhuu); behind schedule; not on time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daahsan
magac loo baxsho gabadh uurka ku raagtay oo aan shinkeedii dhalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahsan
(tilmaame) wax xilligii la sugayay aan joogin oo dib uga dhacsan.
daahsan: (tilmaame) hallawsan oo wax daahay ah. Geel daahsan ayaa na waydaartay: Dh: hallawsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahsan
de: late, not on time, tardy
lx: daahsan
pd: (daahsanaa)
ps: adj-der
key: daahsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayan
f.mg4 (-ynaa, -ynayd) Neef, wax la dacayey ahaansho. la-mid: dacayeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacayan
(tilmaame) mid dacayda ama gafuurka ka xidhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabaysan
(tilmaame) wax habaysan oo wanaagsan ahaan. Eebbe taladeenna mid aabaysan ha ka yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafaysan
(tilmaame) qof ama wax kale oo cillad iyo dhib gaar ah qaba. Dh: ibtilaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaysan
(tilmaame) wax la baceeyay ah; wax bac ku jira ah. Alaabtu way bacaysan tahay.
bacaysan: (tilmaame) cid sas ama cabsi qabta ah; noqday qof haad ka carar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax shilis oo hilib isla'eg leh ahaansho (nafley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax balaq ah ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaqsan
der. [adjective] flabby, limp (skin), out of shape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balaqsan
-aa / ayd: (adj) lacking firmness or muscle tone; flaccid (falaaksid); limp; weak ~ bajaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqsan
(tilmaame) dabacsan oo hoos u lusha. Ri dhega balaqsan ayaa la iga iibiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balaqsan
de: flabby, limp (skin), out of shape
lx: balaqsan
pd: (balaqsanaa)
ps: adj-der
key: balaqsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaysin
-ka: (magac, lab, keli) qof la kulmay ilmo kolkaa uun dhashay oo aanuu dhalashadiisa ogeyn. Dh: ballaysin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belaysan
(tilmaame) wax belo haysato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax bul loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulaysan
der. [adjective] furnished with bows ~ a fringe, tasseled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaysan
(tilmaame) ah ul ama wax kale oo bul leh. Cidaad bulaysan ma haystaa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulaysan
de: furnished with bows ~ a fringe, tasseled
lx: bulaysan
pd: (bulaysnaa)
ps: adj-der
key: bulaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraysan
Dhirifsan; xanaaqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) U c.: wax caro haysa ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) U c.: wax caro haysa ahaansho. m.f.dh, caraysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caraysan
der. [adjective] angry, enraged; mean, wicked, malicious, vicious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caraysan
caraysnaa / caraysnayd: (adj) angry (ang-geri); disgruntled (dis-gurantlidh); unhappy (an-hapi) ~ xanaaqsan, careysan, xayraansan, ciishaysan. —Syw.- furious, indignant, irate, ireful, mad, wrathful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysan
(tilmaame) mid cadho hayso, Dh: dhirifsan, xanaaqsan, cadhaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caraysan
a: careysan ~ cadhaysan
de: angry, enraged; mean, wicked, malicious, vicious
lx: caraysan
pd: (caraysnaa)
ps: adj-der
key: caraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabacsan
dabacsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: debecsan¹.
dabacsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: debecsan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabacsan
der. [adjective] loose, slack; soft, weak ~ weakened; calm, relaxed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabacsan
(adj) not tense; relaxed (rilaksidh); soft (sooft); delicate (dhelikeeyt); tender (ten dhar); slack (islaak) ~ jilicsan