ereyga

dakhaakhulis

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dakhaakhulis

DHAN

-ta: (magac, dhedig, keli) dakhaakhulidda maskaxda ama garaadka ruuxa ku dhacda. Dakhaakhulis baa soo gaadhay garaadka duga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dakhaakhulid

DHAFAN

m.f.dh eeg dakhaakhul². la-mid: laclacid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dakhaakhulid

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) dhinmidda garaadka iyo isku darsanka qofka maskaxdiisa. Da'du dakhaakhulid bay keentaa. Dh: asaasaqid, cantatabid, khalkhalid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dakhaakhul

DHAFAN
1

dakhaakhul¹: m.l Qof gabow dartiis, isku daran noqday. la-mid: laclac¹.

2

dakhaakhul²: f.mg1 (-ulay, -ushay) Qof gabow dartiis erayada uu sheegayo aan la garan karin. la-mid: laclac².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dakhaakhul

DHAFAN

f.mg1 (-ulay, -ushay) Qof gabow dartiis erayada uu sheegayo aan la garan karin; laclac. m.f.dh, dakhaakhulid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dakhaakhul

DHAFAN
1

(fal) noqo qof garaadkiisu doorsamay oo isku darsamay. Dh: asaasaq, cantatab, khalkhal.

2

dakhaakhul -ka: (magac, lab, keli) qof garaadkiisu dhinmay oo isku darsamay. Mocooyo dakhaakhul baa ku dhacay. Dh: asaasaq, cantatab, khalkhal.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xakaakumis

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) soo naaxid. Dh: xakaakumid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daabbulis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) alaab meel taalla meel kale u rarid. Daabbulista raashinka labadan gaadhi baa u xilsaaran. Dh: daabbulid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dabaakhid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dabaakh². la-mid: dabaaqid, dibaakhid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabbaalis

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) dabbaal biyo dhexdood ku marin.

2

dabbaalis-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo socda joojin ama leexin. Dh: hakin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dahaadhid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) shey dusha wax kaga tolid ama kaga qarin. Dhiishan shaqal quruxbadan ayaa dahaadhid looga dhigay. Dh: shaqalid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

khaakhuul

DHAFANDHAAF

m.l (-llo, m.dh) Rabsho xasilloonida lagu waxyeeleeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

khaakhuul

DHAFANDHAAF

m. n. disturbance, disorder

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

khaakhuul

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) rabshad iyo fidno; qulqulad iyo fadqalallo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

khaakhuul

DHAFANDHAAF
1

de: disturbance, disorder

2

lx: khaakhuul

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m

5

key: khaakhuul

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

khalkhali

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: 1. ld. khalkhali. Cid khalkhal ku abuurid.². Aala

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

khalkhali

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Cid khalkhal ku abuurid. m.f.dh, khalkhalin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

khalkhali

DHAFANDHAAF

v. confound, cause to be confused; disconnect, make something loose

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

khalkhali

DHAFANDHAAF

-yey / say: (v) confuse (konfiyuuz); throw off (tharaw of); rave (reeyv). Ex: cabbirkii khaladka ahaa baa qiyaastii ka khalkhaliyey; the wrong measurement threw her estimate off

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

khalkhali

DHAFANDHAAF

(fal) cid kale, jahawareer ku rid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

khalkhali

DHAFANDHAAF
1

de: confound, cause to be confused; disconnect, make s.t. loose

2

lx: khalkhali

3

pd: (khalkhaliyey)

4

ps: v2a=tr

5

key: khalkhali

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadhis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqoobid oo liibaanid. Dh: badhaadhid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhaadhicis

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: dhaadhicin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhankuulin

DHAFANDHAAF

m.dh (-nno, m.l) Kobta casaanka ah oo derinta darfaheeda lagu tolo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Khalkhalid

DHAFANDHAAF
1

(Khalkhalid-da)

2

Khalkhal noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

khalkhalid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg khalkhal².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

khalkhalid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) jahawareer iyo khalkhal qabid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

khalkhalin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg khalkhali. la-mid: khalkhalgelin, khalkhalgelis, khalkhalis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

khalkhalin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) mid khalkhalsan ka dhigid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xakaakumid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) soo naaxidda qof ama neef weyd ahaa. Dh: xakaakumis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dagaalgelis

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: dagaalgelin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dagaalgelis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan, dagaal u habayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

halaanhalis

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: halaanhalin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

halaanhalis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) calaacalid; cataabid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daalaadhacis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) hawl kaa taagroon la ciirciirid. Daalaadhacis bay ku dhammeeyeen goyntii beerta. Dh: daalaadhicis. daalaadhacitaan -ka: (magac, lab, keli) daalaadhacis hawleed, la ciirciiritaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

takhaantukhin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) qof xoog isku xejinaya hore u riixid. Dh: riixid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

takhantakhays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg takhantakhaynta.

waa la naqliyay ✓