dakanaduug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakanaduug
dakanaduug¹: m.l Baabi'inta la baabi'iyo godob dad u dhexeysey. la-mid: dakanaduugid.
dakanaduug²: f.g1 (-gay, -gtay) Godob dad u dhexaysay baabbi'in.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dakanaduug
m.l Baabi'inta la baabi'iyo godob dad u dhexeysey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakanaduug
-ga: (magac, lab, keli) heshiis lagu tirtirayo godob dad u dhexeysey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakanaduugid
m.f.dh eeg dakanaduug². la-mid: dakanaaduug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakanaduugid
-da: (magac, dhedig, keli) heshiist gaadhid oo xumaan iyo dakane wixii jiray masaxid. Dh: uurxaadhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daganduug
daganduug¹: m.l la-mid: daganduugid.
daganduug²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax qarin. 2. Wax baabi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daganduug
(fal) wax dagan dabada ka mar oo dhac ama wada laa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduun
daanduun¹: m.l la-mid: daadduun¹.
daanduun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay) la-mid: daadduun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuug
-ga: (magac, lab, keli) cunug naaska jaqa oo aan wali hooyadii ka go'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabakanuug
-ga: (magac, lab, keli) dameer yar oo hooyadaadii markuu jaqayo labada lugood dhexdooda ka nuuga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daganduugid
m.f.dh eeg daganduug². la-mid: daganduug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daganduugid
-da: (magac, dhedig, keli) wax deggan dabada ka marid oo dhicid ama wada dilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaduun
-ka: (magac, lab, keli) qax meel dheer loo daaduumo oo loo hayaamo. Dh: dalandool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabduug
m.l Xilli roob shuux ahi ka da'o xeebaha gobollada koonfureed, taasoo ku beegan dhammaadka dabshidka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabduug
m.l Xilli roob shuux ahi ka da'o xeebaha gobollada koonfureed, taasoo ku beegan dhammaadka dabshidka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabduug
-ga: (magac, lab, keli) roob shuux ah oo ka da'a xeebaha gobollada koonfureed, wuxuuna ku beegan yahay dhammaadka dabshidka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danduul
m.dh (-llo, m.dh) Weel bir ka samaysan oo marka ceelasha la qodayo dhoobada lagu qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danduul
-sha: (magac, dhedig, keli) weel bir ka samaysan oo marka ceelasha la qodayo dhoobada lagu qaado.
danduul-sha: (magac, dhedig, keli) halka malabka shinnidu ku samayso ee geedka ka soo laadlaadda. Dh: handuul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanduul
-ka: (magac, lab, keli) biyaha doonta soo gala, meesha godan ee ay isugu tagaan ama ay fadhiistaan. Dh: banduul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadduun
daadduun¹: m.l Qof cayrnimo awgeed la bayhoofay. la-mid: daanduun¹.
daadduun²: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Cayrnimo darteed la bayhoofid. la-mid: daanduun².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daadduun
f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Cayrnimo darteed la bayhoofid. m.f.dh, daadduumid. la-mid: daanduun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduun
-ka: (magac, lab, keli) dad rafaad iyo baahin, dad caydhooba oo mood iyo nool midna u hadhin. Daadduunka Aw Maxamed qabo waan ka dhiidhiyaye. Dh: dullinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanguur
m.dh Shimbir yar, bay ah, kooxkoox u socota oo qodata gocosada iyo abuurka duugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanguur
-ta: (magac, lab, keli) shinbir yar oo leh midabyo, kooxkooxna u socota oo qodata gocosada iyo abuurka duugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garanuug
-ta: (magac, dhedig, keli) ugaadh u gaar ah geeska afrika oo u eg deerada kase waaweyn oo aad u qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taanbuug
* (Taanbuug-ga)
Teendho; khaymad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taanbuug
m. n. tent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taanbuug
-ga: (n)tent (tent) ~ teendho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taanbuug
-ga: (magac, lab, keli) khaymad; teendho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taanbuug
bw: taambuug {N}
de: tent
initial: t
lx: taanbuug
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: teendho
key: taanbuug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukanuug
m.l Hal hebed ah oo qof kasta iska maali karo; hayaaye. la-mid: tukenuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduumi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: daadduumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faradduug
m.l Wax yar oo abaalmarin ahaan loo siiyo hawl la qabtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faradduug
m.l Wax yar oo abaalmarin ahaan loo siiyo hawl la qabtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garannuug
(Garannuug-ta)
Ugaarta jaad kamid ah oo sur aad u dheer leh (ama gerennuug).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garannuug
m.dh Jaad ugaarta waaweyn ka mid ah oo geeso iyo sur dheer leh. la-mid: gerennuug, gerinnuug.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garannuug
m.dh Jaad ugaarta waaweyn ka mid ah oo geeso iyo sur dheer leh. la-mid: gerennuug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garannuug
f. n., [collective] Waller's gazelle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garannuug
-ta: (n) gazelle (gazaal) ~ deero
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garannuug
a: gerennuug
cf: liig
de: Waller's gazelle
lx: garannuug
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: garannuug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamaajuug
-ta: (magac, lab, kali) duul fara badan oo kutubta lagu sheegay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaxaduud
-ka: (magac, lab, keli) xanuun lafaha ku dhaca oo jajabiya laakiin laga daawoobo. Qaaxaduud ayaa ku dhacay oo laga daweeyey. Dh: tiinbaylafood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanannuug
m.l/dh (-gyo, m.dh) Ubad naasley oo aan weli naaska hooyadii ka go'in; naasnuug.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caanannuug
m.l/dh (-gyo, m.dh) Ubad naasley oo aan weli naaska hooyadii ka go'in; naasnuug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanannuug
m. n. baby that is still breast feeding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caanannuug
-ga: (n) an unweaned mammal; suckler (sak-lar)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanannuug
de: baby that is still breast feeding
lx: caanannuug
pd: (-ga ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: caanannuug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabacayuun
-ka: (magac, lab, keli) cid ay ku dhacday nafaqo darro. Dabacayuun dababbuur ab ayey walaalo ahaayeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabakafuul
(Dabakafuul-ka)
Wiil baabuurka xoojiya oo meel walba u raaca, aan wadinse; wiil shufeerka hawsha baabuurka ka xiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabakafuul
m.l (-llo, m.dh) Wiil caawiya darawalka oo qaabilsan ilaalinta, nadiifinta iyo wixi lamida ee baabuurka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabakafuul
m.l (-llo, m.dh) Wiil caawiya darawalka oo qaabilsan ilaalinta, nadiifinta iyo wixi lamida ee baabuurka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabakafuul
v. climb on the back (of camel, truck, etc.)
dabakafuul m. n., [compound] boy helper on a truck ~ bus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabakafuul
-ka: (n) a boy who assists or helps the driver of a truck or a bus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabakafuul
-ka: (magac, lab, keli) wiil baabuurta ka xoogsada oo meel walba u raaca aanse wadin. Dh: kirishbey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylnuug
m.l.kh D. ah: neef lo' ah oo aan sanka ka neefsan karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylnuug
-ga: (magac, lab, keli) neef lo'da ka mid ah oo carrabdheer soo bixiya markuu harraado. Dhiinyar waa dabaylnuug.
dabaylnuug -ga: (magac, lab, keli) qof ama neef had iyo goor afka kala haya oo laydha cabba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darayamuus
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah marooyinkii hablihii hore xidhan jireen.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DUBAN-DUUR
(Duban-dur) N Lasiurus scindicus Henr. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuugid
-da: (magac, dhedig, keli) naas jiqid, naas dhaadhyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabakarruub
(Dabakarruub-ka)
Cudur lo'da ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabakarruub
m.l Cudur halis ah dhaqso u faafa, lo'da ku dhaca oo leh shuban badan oo dhiig la socdo iyo ilmayn; shiifow; beergooye; beerfur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabakarruub
m.l Cudur halis ah dhaqso u faafa, lo'da ku dhaca oo leh shuban badan oo dhiig la socdo iyo ilmayn; shiifow; beergooye; beerfur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabakarruub
m. n., [compound] disease of cattle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabakarruub
-ka: (n) a cow disease; diarrhea also diarrhoea (daay-riya) that affects cows
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabakarruub
-ka: (magac, lab, keli) xanuun xoolaha ku dhaca gaar ahaan lo'da. Dabakarruub ayaa xoolihii dhammeeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabakarruub
cf: dabo + ka + ruub
de: disease of cattle
lx: dabakarruub
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dabakarruub
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabarwadaag
m.l (-rro ..., m.dh) (kiim.) Dabar ka dhex samaysma laba atam oo wadaaga lammaane elektaroon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyadhaw
(fal) xoolo daranyada ka eeg. Xoolaha daranyadhaw. Dh: baylahdhaw. daranyadhaw -ga: (magac, lab, keli) wixii daranyo ama baylihid ah ka ilaalin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHOON-DHUUG
(Dun-dug) May Anisotes involucratus Fiori Acanthaceae.
S Anisotes trisulcus (Forsk) Nees. Acanthaceae.
May Anisotes parvifolius Oliv. Acanthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacan'adayg
-ga: (magac, lab, keli) qof aan deeq lahayn oo aan wax bixin noqosho. Dh: bakhaylnimo, dhabcaalnimo, masuugnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacan-adayg
gacan-adayg¹: m.l.kh Bakhaylnimo.
gacan-adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku g.: hanti ku bakhaylid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacan-adayg
m.l.kh Bakhaylnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaamadhuux
-a: (magac,lab, keli) geed qodax leh oo ka baxa dooxooyinka yaryar sid dharkaynkana caano leh. Dhalaamadhuuxa boogtaa lagu dhayaa.