dahab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dahab
(Dahab-ka)
Macdan sinni badan oo la jecel yahay: midabkiisu waa cillaan ifa haya, sidii la doonona waa loo tumi karaa oo loo rogrogi karaa; ma uu miriro, badanaana waxaa laga sameeyaa lacagta iyo billadaha iyo alaabta dumarku ku xarragoodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahab
m.l Macdan qaali ah, midab cawlan leh, dhalaasha, aan daxalaysan oo waxyaabaha la isku qurxiyo laga samaysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dahab
m.l Macdan qaali ah, midab cawlan leh, dhalaasha, aan daxalaysan oo waxyaabaha la isku qurxiyo laga samaysto.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dahab
Gold
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dahab
m. n., (mass n.): gold
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dahab
name-m gold; golden boy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dahab
-ka: (n) gold (goldh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dahab
ama Dahabo, magac loo baxsho gabadh dahab lagu metaalay qurux iyo wanaag aawadood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahab
(tilmaame) wax qaali ah.
dahab-ka: (magac, lab, keli) macdan aad u qaali ah oo ay dumarku isku qurxiyaan. Waa macdan midabkeedu casaan dhalaalaya yahay oo aan mirdhin. Dahab nin aan haysan baa caasiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dahab
bw: Arabic
cf: qalin (silver)
de: gold
lx: dahab
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: dahab
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dahab
نَضِير، نُصَارٍ، عَسْجَدَ، صَفْرٍ، ذَهَبٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahabi
m.l.kh D. ah: wax midab dahab leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dahabi
m.l.kh D. ah: wax midab dahab leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dahabi
m. n., [abstract] (adj.): gold (color); golden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dahabi
-ah: (adj) golden (goldhan) ~ dahab u-eg. Ex: timo dahabi ah, golden hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahabi
-ga: (magac, lab, keli) midabka dahabka oo kale leh. Ul dahabi ah ayuu caruusku sitaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dahabi
bw: Arabic
de: gold (color); [atr.] golden
lx: dahabi
pd: (-ga)
ps: n-m-abs
key: dahabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahabo
m.dh Shimbir yar garbaha, ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; caddadhuuni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dahabo
pr. n., [feminine] Dahaba, 'Goldie'
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dahabo
name-f Goldie; golden girl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dahabo
magac loo baxsho gabadh dahab lagu metaalay qurux iyo wanaag aawadood. dahabo-da: (magac, dhedig, keli) shimbir yar oo xoolaha iyo xawaanka badhkood garbaha ka cunta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Dahabo
de: Dahaba, 'Goldie'
lx: Dahabo
ps: name-f
key: Dahabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahab
-ta: (magac, dhedig, keli) Diinta iyo milladda. Arjaca oo wixii hore tagee ahabta soo raaca; Ahabtiyo ergayntii kuwii lagala ayn waayey.
ahab: (tilmaame) wax la oggol yahay. Ina Amarre waaguu yimaad ahab tidhaahdeene. Dh: haye, marxabba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daab
1. (Daab-ka) Alaabta ama qalabka qaarkiis, docdiisa loogu talaggalay in la qabto ama lagu qaado, kd.
2. (Daab-ta) Xanuun kubadhagaxow daran wata oo ku dhaca ubadka yaryar iyo weylaha iyo maqasha oo caanaha cusub iyo danbarku keenaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daab
daab¹: m.l (-bab, m.l) Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iyo wixi lamida loo adeegsado.
daab²: m.dh 1. Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan. 2. la-mid: doog².
daab³: f.g1 (-bay, -btay) Qalab goynta, jebinta, qodidda iyo wixi lamida loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daab
daab¹: m.l (-bab, m.l) Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iyo wixi lamida loo adeegsado.
daab²: m.dh Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan; doog².
daab³: f.g1 (-bay, -btay) Qalab goynta, jebinta, qodidda iyo wixi lamida loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid. m.f.dh, daabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daab
m. n. handle
daab v. make a handle, put a handle on
daab [feminine] n., [collective] diarrhea, disease in calves
daab [feminine] n. injury, wound
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daab
-ka: (n) handle (handhal); shaft (shaaft); ax handle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daab
(fal) mindi, gudin, kabatole iyo wixii la mid ah, daab gali. Kababtole aan daab lahayn kabo laguma tolo.
daab-ka: (magac, lab, keli) gudin, waran, mindi iyo wixii la mid ah, inta aan birta ahayn ee laga qoro laamaha geedka. Daab iyo dhillisi isu baahanaa, Allow yaa isku beega.
daab -ta: (magac, dhedig, keli) shuban maqashu ay ka qaaddo danbarka marka ay si tandhaaf ah u jaqaan. Nirigtan daab baa dili haddaan danbarka loo mitamin.
daab -ta: (magac, dhedig, keli) nafaqodarro iyo gaajo xanuun isu roga oo ku dhacda maqasha marka ay soo dhalato ee aan la anqarin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Daab
Gacanqabsiga dubbaha, soofaha, dismiska, mudaca ee ka samaysnaan kara loox, caag (blaastiig) iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhab
(Dhab-ta)
Aan cayaar iyo kaftan ahayn ee run ah; wax jira; wax sugan.
2. Oogada dadka inteeda u dhexaysa laabxuunshada iyo lowyaha oo kolka qofku fadhiyo lagu qaban karo ama lagu hayn karo wax kasta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhab
m.dh 1. Wax run ah oo kaftan iyo ciyaar ahayn; xaqiiq. 2. Xuddunta iyo lowyaha inta u dhexeysa (dad).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhab
m.dh 1. Wax run ah oo kaftan iyo ciyaar ahayn; xaqiiq. 2. Xuddunta iyo lowyaha inta u dhexeysa (dad).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhab
f. n., [abstract] (adj.): truth, reality; real, true; thorough, full
dhab [feminine] n. lap (anatomical)
dhab v. hit, strike; {obscene} have sex, copulate
dhab [feminine] n. mat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhab
-ta: (n) fact (faakt); reality (riyaaliti); truth (turuuth) ~ xaqiiq
dhab -ah: (adj) 1. real (ri-yal); true (turuu); genuine (jeniwin); authentic (o-then-tik) ~ rasmi. Ex: waa harag dhab ah; this is genuine leather. 2. serious (siiriyas). Ex: -waa iga dhab, ciyaari mayo; I am serious, I am not joking
dhab -ta: (n) lap (laap); laps ~ Ex: dhabtayda ku soo fariiso; sit on my lap
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhab
Certo; genuino
Certain, genuine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhab
(fal) dhedig, u tag oo u galmoo; gud oo saaro. dhab: (tilmaame) wax run ah oo la hubo. Dh: run. Li: been.
dhab -ta: (magac, dhedig, keli) bogga iyo labada bawdo oo marka la fadhiyo carruurta lagu qabto. Hooyooy dhabtaadaa hurdo lagu gam'aayoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadab
1. (Dadab-ka) Gudub; babac.
2. (Dadab-ta) Wareeg; waageer; meegaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadab
dadab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. la-mid: dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin. 4. la-mid: dadbid.
dadab²: m.dh (-bo, m.l) 1. Ardaa quruxsan oo ay cid u dhisto nin gabar ka doonaya. 2. Rarada la saaro aqalka miyiga.
dadab³: f.g1 (-dbay, -dabtay; -dbi) Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dadab
dadab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. la-mid: dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin.
dadab²: f.g1 (-dbay, -dabtay; -dbi) Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid. m.f.dh, dadbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadab
m. n. horizontal thing; newborn baby
dadab [feminine] n. area cordoned off, place designated for certain functions
dadab v. place as an obstacle; put something down across something else; hold a newsborn baby keeping its legs together
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dadab
-ah: (adj) horizontal (hori-zantel); sideways (saaydh-weeys) ~ dadban, dhinac —dadab -ay / tay: (v) put or place sideways or horizontal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadab
(fal) si dhinac ah u dhig. Dadab miiskan ku gudban afaafka. Dh: gudub, babbac.
dadab-ka: (magac, lab, keli) si leexsan oo aan toos ahayn. Kursigu si dadab ah ayuu u yaallaa. Dh: gudub.
dadab-ka: (magac, lab, keli) buur weyn.
dadab -ta: (magac, dhedig, keli) docda dhiska aqal-Soomaaliga. Goormaan dadab galaynaa. Dh: ilaxidh, daho, meegaar, dadabwareeg, waageer, aqal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahan
f.mg4 (-hnaa, -hnayd) la-mid: dihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dahar
(Dahar-ta)
1. Daar, sar.
2. Geed weyn oo aan qorraxood ahayne harac ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahar
m.l (dahar, m.dh) 1. Geed weyn oo harac ah. 2. Dhismo hoos leh, qabriyada laga ag dhiso oo Quraanka lagu akhriyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dahar
f. n. house, building
dahar [feminine] n., [collective] tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahar
-ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo hadh fiican leh. Dahar baan hadhgalay. Dh: damal.
dahar-ka: (magac, lab, keli) dhisme lagu sameeyo xabaalaha.
dahar-ta: (magac, dhedig, keli) daar ama sar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dahay
v., sg., present habitual: you are / she is
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dahay
a: tahay
de: you are / she is
lx: dahay
ps: v5a-2sg/3f-prhb
key: dahay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalab
1. (Dalab-ka) Doonis; weyddiisad.
2. (Dalab-ta) Qaabxumo yar oo lugaha gasha; sinsinnaanta iyo toostoosnaanta baa ka ba'a.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalab
dalab¹: m.l (-byo, m.dh) Codsi ballanqaad leh oo cid wax lagu weyddiisto.
dalab²: m.dh (-lbo, m.l) Qallooc yar oo lugaha gala oo labada law isu soo dhawaadaan.
dalab³: f.g1 (-lbay, -labtay; -lbi) Codsi ballanqaad leh oo wax lagu weyddiisanayo sameyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalab
dalab¹: m.l (-byo, m.dh) Codsi ballanqaad leh oo cid wax lagu weyddiisto.
dalab²: m.dh (-lbo, m.l) Qallooc yar oo lugaha gala oo labada law isu soo dhawaadaan. m.l.w, dalbo¹.
dalab³: f.g1 (-lbay, -labtay; -lbi) Codsi ballanqaad leh oo wax lagu weyddiisanayo sameyn. m.f.dh, dalbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalab
v. request, apply, order (e.g., at a restaurant)
dalab vl. n. request, order (for goods), statement, application, petition
dalab [feminine] n. knock-knee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dalab
nickname-m knock-knee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalab
-ay / tay: (v) order (oodhar); demand (dimandh); request (rik-weest) ~ codso
dalab -ka: (n) order (oodhar); request (rik-weest) ~ codsi
dalab -ta: (n) [pl. dalbo] bow-leg (bow-leeg)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalab
(fal) wax codso aad rabtid inaad heshid. Waxa aan dalbaday casho ceela' ah. Dh: weydiiso.
dalab -ka: (magac, lab, keli) codsi af iyo qoraalba noqon kara oo ruux jago sare ah wax go'an lagaga codsado. Dalab soo qoro haddaad shaqo doontahay Dh: codsi, arji.
dalab -ka: (magac, lab, keli) meel maqaayad ah ama wax kale, cunto ama cabbitaan ka codsasho.
dalab-ta: (magac, dhedig, keli) qaabxumo lugaha gasha oo ay u qalloocsamaan dhanka gudaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danab
(Danab-ka)
1. Gantaal xoog ah oo jacaysan oo ololaysa oo ka soo dillaacda kolka daruuraha da'a hayaa inta isjiiraan qarxadaan oo onkod iyo hillaac isku daraan; wiriq, biriq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danab
danab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. Biriq. 2. Birdanab. 3. Qof ama wax dadka soo jiita.
danab²: m.l (-byo, m.dh) (fiisikis) Barashada ifafaalaha saldanab ha ahaado danabneg ama mid qulqulaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danab
danab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. Biriq. 2. Birdanab. 3. Qof ama wax dadka soo jiita.
danab²: m.l (-byo, m.dh) (fiisikis) Barashada ifafaalaha saldanab ha ahaado danabneg ama mid qulqulaya.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Danab
Electricity
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danab
m. n. thunderbolt, thunder; electricity; calamity
danab sare n. phr. high voltage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danab
-ka: (n) 1. thunder (thandhar) ~ onkad, hugac. 2. electricity (i-lek-i tirisiti) ~ koronto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danab
-ka: (magac, lab, keli) gantaal xoog leh oo danabaysan oo ka dhasha hirarka istaabta ee roobka da'aya oo onkod ama hanqadh iyo hillaac isku dara. Dh: biriq, wiri, jac, bidhiq.
danab -ka: (magac, lab, keli) nooc tamarta ka mid ah oo korontada, bayteriga iyo wixii la mid ah ay leeyihiin. Fiilanadani waa danab togane ah.
danab -ka: (magac, lab, keli) xiis danabaysan oo dhaliye ka soo baxa. Danab ma leh fiiladani.
danab -ka: (magac, lab, keli) tamarduleed ka dhalata jiritaanka iyo socodmaaxa elektoroonno taasoo isku muujisa habab badan: isjiidasho, kaladid, birlabeed ifid iyo raadkuleed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danab
cf: gugac ~ guguc; jac, koronto
de: thunderbolt, thunder; [ext.] electricity; [fig.] calamity
lx: danab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: danab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darab
1. (Darab-ka) a) Wax la fali doono, intaan la bilaabin, oo wax laysugu sii duwo oo waxa loo baahan doono loo soo dhoweeyo; diyaar. b) Istijo. c) Cabbir dhulka iyo beeraha lagu cabbiro, d) (weel, kd.) qurxin.
2. (Darab-ta) Daribta hilibka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darab
darab¹: m.l 1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iyo wixi lamida oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.
darab²: m.dh 1. Toorrey, billaawe iyo wixi lamida daabkooda meesha ugu sarreysa ee quruxda loogu talagalay. 2. la-mid: darib.
darab³: f.g1 (-rbay, -rabtay; -rbi) 1. Wax diyaarin. 2. Weel aleelayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darab
darab¹: m.l 1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iyo wixi lamida oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.
darab²: f.g1 (-rbay, -rabtay; -rbi) 1. Wax diyaarin. 2. Weel aleelayn. m.f.dh, darbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darab
vl. n. ablution, washing one's anus ~ private parts after defecating ~ urinating; water used for this function
darab m. n. (adj.): preparation; ready, prepared
darab v. prepare, make something ready; embellish, decorate
darab m. n. measure of land (about 1/4 hectare)
darab [feminine] n., [collective] fat of the meat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darab
-ka: (n) 1. washing or cleansing of the private parts after one's excretion [urination or moving one's bowels] before the prayer; ablution (abluushari) ~ istijo. 2. a piece of farmland, quarter of a hectare ~ jibaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darab
-ka: (magac, lab, keli) cabbir dhulka beeraha lagu cabiro oo u dhigma 25 mitir.
darab -ka: (magac, lab, keli) neef xoola ah nafaqo uu ku dararo siin.
darab -ta: (magac, dhedig, keli) hilibka geela marka laga reebo afarta addin iyo luqunta inta kale ee cad magoolka ah. Dh: darib.
darab -ta: (magac, dhedig, keli) biyaha lagu istijoodo marka saxaro ama kaadi kaa timaad.
darab -ta: (magac, dhedig, keli) toorrey, billaawe ama wax kale oo la mid ah, daabkooda meesha ugu sarreysa ee quruxda loogu talagalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lahab
-ka: (magac, lab, keli) dhaxan iyo qaboobe.
lahab -ka: (magac, lab, keli) ololka dabka. Lahab baa leefay. Dh: holac, dhamac.
lahab: (tilmaame) walax qaab dhismeedkeedu la mid yahay mid hore loo hayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wahab
(Wahab-ka)
Qabow habeenkii soo dhaca; dheel; nadwad.
2. Habbiso; culays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wahab
m.l 1. Qabow qoyaan reeba oo habeenkii soo dhaca; dheel; nadwad. 2. Culays qof hurda fuula oo uu la kici waayo; habbiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wahab
m. n. chill and high humidity of the night
wahan m. n., [abstract] distress, anxiety, grief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahab
-ka: (magac, lab, keli) qabow habeenkii soo dhaca oo la iska dedo. Dh: dheel; nadwad.
wahab -ka: (magac, lab, keli) caajis ama culays. Wahab ayaa i saaran maalmahan oo inaan far dhaqaajiyo ma rabo. Dh: caajis Li: mirqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wahab
cf: dheel; nadwad
de: chill and high humidity of the night
initial: w
lx: wahab
pd: (-ka)
ps: n-m
key: wahab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asfar
(Asfar-ka)
Midabka dahabka ama sacfaraanka; cillaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Billad
(Billad-da)
Cad yar oo fidsan oo ah dahab, lacag, ama wax kale oo astaan ama hadal ku kor qoran yihiin, oo ama arrin weyn oo dhacday lagu xuso ama abaalgud loo bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cillaan
1. (Cillaan-ka) a) Midabka dahabka iyo liinta bisil. b) Geed la harsado oo aan qodxo lahayn oo ubax udgoon. c) Caleemaha cillaanka oo la tumo oo wax lagu daro oo dabadeed dumarku isku qurxiyo inta ciddiyaha, sacabbada, kd. marsadaan; xinni.
2. (Cillaan-ta) Bahal yar oo qurux badan, oo mulaca u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugaagad
(Dugaagad-da)
Garangaro yaryar oo dahab ama bir ama wax kale laga sameeyey oo dumarku inta gacmaha gashadaan ku xarragoodaan; jijimmo; sindiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fargashi
(Fargashi-ga)
Garangar yar oo badanaa dahab laga sameeyo oo qurux iyo xarrago ama sabab kale darteed, faraha loo gashado; faraati; kaatun: (ama fargal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geni
(Geni-ga)
Lacag dahab ah oo Ingiriisku soo saari jirey, lase joojiyey 1813, oo ka dhignaan jirtey 21 shilin; (ama Gini).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lacag
(Lacag-ta)
1. a) Cadadi dahab ah ama qalin ama naxaas ama nikel ama wax kale oo inta qaran tumo wax laysku dhaafsado ama wax lagu kala iibsado. b) Xaashiyo qaran ama banki, karti u lihi daabacay, oo sidoo kale, wax loogu qabsado. c) Macdan cad oo jilicsan oo qaali ah, oo lacagta ka sokow, waxyaalo badan laga sameeyo (alaabada wax lagu cuno ama lagu cabbo, suuqadda iyo waxyaalaha lagu xarragoodo, kd.); Qalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macdan
(Macdan-ka)
1. Wax kasta oo aan oogo iyo jir lahayn oo dhulka gudihiisa ku jira; wax kasta oo aan dadka iyo nafleyda kale midna ahayn; waxaa kamid ah dahabka, lacagta (qalin), maarta, dheemmanta, birta iyo rasaasta.
2. Macdan gaar ah oo sida lacagta u cad oo fudud oo jilicsan oo waxyaalo badan laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murriyad
(Murriyad-da)
Kuul dahab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muus
(Muus-ka)
1. Miro dheerdheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bislaadaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaan yihiin; geedka muusku, geed dhab ah ma aha; waa caws weynaadey, caleemihiisuna waa wax dhab u balballaaran oo dheerdheer; (ama moos).
2. Mandiil daab leh oo isku laabanta oo lagu xiirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaakhad
(Siyaakhad-da)
Alaabta laga sameeyo dahabka iyo lacagta iyo macaadinta kale oo qaaliga ah: suuqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuqad
(Suuqad-da)
Alaabada dumarku isku qurxiyo oo dahabka iyo lacagta laga sameeyo, guud ahaan; siyaakhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taaj
* (Taaj-ka)
1. Garangar dahab ah ama lacag ama bir ama wax kale oo boqorrada madaxa loo saaro oo lagu aqoonsado.
2. (shinbiro, kd.) dhoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasaw
(Xasaw-da)
Dun ama miiq maar ah ama dheehan oo sida dahabka u dhalaala oo wax lagu qurxiyo; seri; tel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraas
m.l (-ooyin, m.l) (kiimika) Nooc kasta oo ka mid ah birdhafyada kubram-sink oo ilaa 50% tahay sink. Marka xaddiga sink la kordhiyaba, midabka birdhafku wuxuu iskula beddelaa sidan: dahabi-cas oo noqda dahabi; ilaa laga gaadho caddaan-qalimeed. Baraasyada si fudud ayaa loo sameeyaa, si wacanna way ugu adkaystaan daxalaysiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billad
m.dh (-do, m.l) Gabal yar, fidsan, wareegsan oo dahab, qalin, maar iyo wixi lamida middood ka samaysan oo astaan ama hadal inta lagu qoro abaalgud ahaan lo baxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulukaati
m.l.kh Bir-xaar dusha dheen dahab ahi ka marsanyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buufbuuf
m.l (-fyo, m.dh) Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddadhuuni
m.dh Shimbir yar garbaha ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; dahabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax dahab ku dheehid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dahabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax dahab ku dheehid. m.f.dh, dahabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dahabee
v. gild, make into gold, give a golden color to; praise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahabee
(fal) dahab u rog ama dusha biyo dahab ka mari. Saxniga kolkaad buufinayso dahabee.