dagmo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagmo
f. n. fake item, false answer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagmo
-dagmada: (n) deception (disapshan) ~ khayaano
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagmo
de: fake item, false answer
lx: dagmo
pd: (/da)
ps: n-f
key: dagmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dago
(Daga-da)
1. Bilaha dayaxa oo Muslinka, tan ugu horraysa; seko.
2. In, xoolaha jaad walba, sanadiiba kol laga baxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dago
dago¹: m.dh 1. Bilaha dayaxa ee muslinka tirsado tan ugu horreysa. 2. Sadaqo sharciga Islaamku ku waajibiyey hantida qofka muslim ah sannadkiiba mar. 3. D. ah: neef ari ah oo sadaqadaas loo bixiyo.
dago²: f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. U d.: wax, cid u dayacmid. 2. Ku d.: ku dagmid, ku khatalmid; sigasho; baylahoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dago
f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. U d.: wax, cid u dayacmid. 2. Ku d.: ku dagmid, ku khatalmid; sigasho; baylahoobid. m.f.dh, dagasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dago
f. n. first month of the Somali lunar calendar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dago
v. have a narrow escape; be misled, be cheated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dago
(fal) (ku ~) cid ama wax, ku khatalan. Gabadha hadalkeedii macaanaa ayaan ku dagmay.
dago: (fal) wax baylahsan noqo. Adhigu wuu daganyahay ee waraabaha ka gaadha. Dh: dagan.
dago-da: (magac, dhedig, keli), ah: neef ari ah oo sadaqadaas loo bixiyo.
dago-da: (magac, dhedig, keli) bisha xoolaha laga bixiyo sekada.
dago -da: (magac, dhedig, keli) tiro go'an oo xoolahu kolkay gaadhaan ay ku waajibto hantiilaha inuu in ka mid ah sako ahaan sannadkiiba hal mar uga baxsho. Dh: sako.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daggo
f. n., (mass n.): minestrone, ground meat soup ~ sauce
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daggo
de: minestrone, ground meat soup ~ sauce
lx: daggo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: daggo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqmo
f.mg3 (-maday, -matay) la-mid: danqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqmo
(fal) dhaawac ama meel horay kuu bugtay oo la waxyeelleeyey darteed xanuunso. daqnad -ka: (magac, lab, keli) meel horay u bugtay dhaawac cusub gaadhid. Dh: damqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmo
f.mg3 (-maday, -matay) Ku d.: wax, wax kale ku biirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darmo
f.mg3 (-maday, -matay) Ku d.: wax, wax kale ku biirid. m.f.dh, darmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darmo
f. n. mat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmo
(fal) cid kale ku biir ama ku darsan.
darmo -da: (magac, dhedig, keli) bal la goglado oo maydho laga sameeyo ama iyada oo samaysan dibadda laga soo dhoofisto. Darmo xardhan ayay hooyo noo samaysay. Dh: bal, caw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darmo
a: dermo ~ derin
de: mat
lx: darmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: darmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daymo
(Dayma-da)
Dhugasho, eegmo, fiiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daymo
m.dh Jeedinta indhaha wax xaggooda loo jeediyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daymo
m.dh Jeedinta indhaha wax xaggooda loo jeediyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daymo
f. n. glance, look
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daymo
(v) glance (glaans); look (luuk) ~ dhugo, jalleec
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daymo
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad eegto ama aad jalleecdo adiga oo luqunta dhan u leexinaya. Daymada jalleecada, sidii geel dar loo horey, sow kuma dunuunicin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daymo
cf: jalleec
de: glance, look
lx: daymo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: daymo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Degmo
(Degma-da)
1. Rugta la deggan yahay.
2. Cid; beel; duddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degmo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Beel. 2. Qaybaha gobod u qaybsamo middood. 3. la-mid: degsiimo. Meel la degganyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
degmo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Beel. 2. Qaybaha gobod u qaybsamo middood. 3. la-mid: degsiimo. Meel la degganyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degmo
f. n. settlement; camp; community, town; administrative district
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Degmo
name-f settelement; camp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
degmo
-degmada: (n) 1. district (distirikt); locality (loo-kaalati). 2. settlement (sa-tel-ment); colony (kolonii)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Degmo
Distretto
District
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Degmo
ama Dejiya, magaca gabadh labadeeda waalid dhalashadeedii ku heshiiyeen. Waxa kale ee loo bixiyaa gabadh la baryayo Eebbe in ay dhalashadeedu reerka barwaaqo lagu dego u horseeddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degmo
-da: (magac, dhedig, keli) dad meel wada yaalla oo nolol wadaag ah oo ceel iyo cawsku ka wada dhexeeyo. Dh: beel. Li: jees.
degmo -da: (magac, dhedig, keli) magaalo ama degaan hoosaad marka maamulka gobolku qaybsamo noqota waax ka mid ah oo gobolku xukumo. Degmada waxa laga xukumaa magaala madaxda gobolka.
degmo -da: (magac, dhedig, keli) dhul baaxda weyn ku fadhiya oo beelo kala duwani deggan yihiin. Degmadu dorraad bay doogsatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degmo
de: settlement; camp; community, town; administrative district
lx: degmo
pd: (-da)
ps: n6-f
syn: beel, duddo
key: degmo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
degmo
منطقه
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afmiinshaar
(Afmiinshaar-ka)
Qof warbeennad saamays weyn leh, oo lagu kala dhinto ama lagu dagmo dhisa ama dhisi yaqaan, oo dadka ama dowladda wax kaga cuna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaarsaar
(Maqaarsaar-ka)
(xoolo) ilmo dhintay oo maqaarkooda ilmo kale la saaro, si neefkii dhalay ugu dagmo oo u godlado.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagniin
-ka: (n) deception (disapshan) ~ khayaano, dagmo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
environnement
environnement, n.m. - rug; dagmo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
habitat
habitat, n.m. - dagmo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
logis
logis, n.m. - guri; aqal; dagmo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parapet
parapet, n.m. - darbi dagmooyinka lagu wareejiyo si loo difaaco.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
paroisse
paroisse, n.f. - dagmo yar oo kaniisadi ku taal oo ay maamusho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
populeux
populeux, adj. - dhul, dagmo, ama xaafad aad u dad badan; dadka ku nool ayaa aad u badan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sous-préfecture
sous-préfecture, n.f. - dagmo gobol
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
séjour
séjour, n.m. - dagmo (meel waqti dheer la deganaado); meesha lagu nool yahay dagan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vicinal
vicinal, adj. - jidka isku xidha laba dagmo; wadiiqaha isku xidha labo degmo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
adagio
avv. aayar, miyir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagmid
m.f.dh eeg dagan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagmid
-da: (magac, dhedig, keli) qaldamid oo wax dagan noqosho. Dagmidda iska jir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagnow
inch. v. be unattentive; become defenseless
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagnow
de: be unattentive; become defenseless
lx: dagnow
pd: (dagnaaday)
ps: v3a=inch
key: dagnow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalamo
-da: (magac, dhedig, keli) codka ka soo baxa carrabka oo afka la dhex lulo oo lagu qaylyo, xilliyada aroosyada.
dalamo-da: (magac, dhedig, keli) xadhigga lagu qabto dibida iyo wixii la mid ah marka ay diddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daymoo
f.g3 (-ooday, -ootay) Wax daymo u yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daymoo
f.g3 (-ooday, -ootay) Wax daymo u yeelasho. m.f.l, daymood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daymoo
(fal) dhinac eeg oo fiiri; dhan jalleec. Dh: day, jalleec.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daymow
v. look at, observe, watch
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daymow
de: look at, observe, watch
lx: daymow
pd: (daymooday)
ps: v3a=tr
key: daymow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalmo
(Dhalma-da)
Wax dhalidda; ummulidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalmo
m.dh Soo saaridda nafley dheddig minkeeda ka soo saarto ilmo. la-mid: dhalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalmo
m.dh Soo saaridda nafley dheddig minkeeda ka soo saarto ilmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalmo
vl. n. act of giving birth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhalmo
-dhalmada: (n) the act of delivering (for example, a baby); delivery (ddiveri):, bearing (beering) ~ ummulin, dhalin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalmo
-da: (magac, dhedig, keli) taranka uu nooluhu midba mid sii dhalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalmo
de: act of giving birth
lx: dhalmo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhalmo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhammo
name-f full; done, complete; finished. Syn: Ebyan, Ebyoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqmo
m.dh Hab wax loo dhaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqmo
(fal) eeg dhaqdhaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawmo
f. n. sex, sexual intercourse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhawmo
dhawmada: (n) sexual intercourse; copulation (kapi-leey- shin); intercourse (tnter-koos); sex (sa-kis); coitus (koo tes) ~ dhowmo, galmo, wasmo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawmo
bw: dhowmo
de: sex, sexual intercourse
lx: dhawmo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: wasmo
key: dhawmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaymo
(Dhayma-da, Dhayma-ha)
1. Dufanka weelasha iyo alaabada dusha laga mariyo.
2. Daawada nabarrada, kd., la saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaymo
m.l/dh 1. Marinta dawo meel bugta la mariyo. 2. Dufan weelasha iyo alaabta dusha laga mariyo. 3. la-mid: dhayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaymo
m.l/dh 1. Marinta dawo meel bugta la mariyo. 2. Dufan weelasha iyo alaabta dusha laga mariyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaymo
f. n., (mass n.): ointment; oil (for wood, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaymo
-da: (magac, dhedig, keli) nabar buka, daawayn. Dhaymo ayuu nabarku u baahanyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaymo
de: ointment; oil (for wood, etc.)
lx: dhaymo
pd: (/da ~ /ha)
ps: n6-f-mass
key: dhaymo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhigmo
(Dhigma-da)
Qoraalka farta; dhigaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigmo
m.dh Qoraalka farta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhigmo
vl. n. writing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhigmo
-dhigmada: (n) the act of writing (raayting) ~ dhigid, dhigniin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhigmo
Scrittura
Writing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhigmo
de: writing
lx: dhigmo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhigmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhugmo
(Dhugma-da)
Dhug; maan; fiiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugmo
m.dh 1. Fiiro. 2. la-mid: dhug (1). Caqli weyn. 3. la-mid: dhugato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhugmo
m.dh 1. Fiiro. 2. la-mid: dhug (1). Caqli weyn. 3. la-mid: dhugato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhugmo
f. n. astuteness, intelligence; attention, glance
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhugmo
Percezione
Perception
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugmo
-da: (magac, dhedig, keli) fiiro gaar ah oo si wanaagsan wax looga bogto. Dhugmo niman lahayn bay, dhibaatadu damqaynine. Dh: fiiro.
dhugmo-da: (magac, dhedig, keli) liishaan fiicni; toog wanaagsani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhugmo
cf: maan, maskax, xirgi
de: astuteness, intelligence; attention, glance rw: dhug
lx: dhugmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhugmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugmo
m.dh 1. Daliigidda qof muruqyadu xanuunayaan la daliigo. 2. Jilcinta harag la jilciyo, iyada oo la daliigayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duugmo
m.dh 1. Daliigidda qof muruqyadu xanuunayaan la daliigo. 2. Jilcinta harag la jilciyo, iyada oo la daliigayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugmo
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka oo dufan la mariyo oo gacanta lagu duugo.
duugmo -da: (magac, dhedig, keli) qalab badanaa caw ka samaysan oo dhulka lagu haro, qashinkana lagu xaadho. Dh: dhulfiiq, minfiiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daliigmo
f. n. massage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daliigmo
de: massage
lx: daliigmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: daliigmo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ago
/agow/ (adv) waqti tagey; waqti ka hor. e.g. I was in Paris five years ago.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ago
/agow/ (adv) haty ku hor, waqty ku hor, waqty taby. He left two weeks ago.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ago
s.m. irbad, cirbad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ago
ad., awal or awel; long ago, beri hore; a while ago, goor dhowayd; some years ago, sanado dhowaa.