dagdago
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagdago
-da: (magac, dhedig, keli) gogol ama aqal ay markaas kuugu horrayso ku seexanwaageeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagdag
(fal) dhaqso dhaqso wax u qabo.
dagdag -ga: (magac, lab, keli) dhaqso dhaqso wax u qabasho. Dh: degdeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagdagoda
(magac, dhedig, keli) xoolaha xero aan fiicneyn oo habeen loo hooyey. Dh: seexanwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagow
-ga: (magac, lab, keli) dugaag noqosho. Dh: dugaagow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagdagle
-ha: (magac, lab, keli) qof socota ah ama war magabe ah. Xaajadu da' weynaa, dagdaglow ha soo gelin, badda yaan ul lagu deyin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daago
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daagad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daggo
f. n., (mass n.): minestrone, ground meat soup ~ sauce
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daggo
de: minestrone, ground meat soup ~ sauce
lx: daggo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: daggo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagago
(Cagaga-da)
Cudur afka ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagago
m.dh Nabarro salka carrabka ee dadka iyo geela ka soo baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagago
m.dh Nabarro salka carrabka ee dadka iyo geela ka soo baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagago
f. n. sore in the mouth (on the back of the tongue)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagago
-da: (magac, dhedig, keli) cudur afka ku dhaca. Cagago ayaa ilmahan ku dhacday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagago
de: sore in the mouth (on the back of the tongue)
lx: cagago
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cagago
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaag
(Dagaag-ga)
Aan waxba haysan oo iska dalaaba haya; dalaw; daaddun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaag
dagaag¹: m.l 1. Qof ama dad ka dalaabay degaankoodii cayrnimo awgeed. 2. la-mid: dagaagid.
dagaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Cayrnimo awgeed la dalaabid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dagaag
dagaag¹: m.l Qof ama dad ka dalaabay degaankoodii cayrnimo awgeed.
dagaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Cayrnimo awgeed la dalaabid (qof). m.f.dh, dagaagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaag
m. n. migrant, refugee; destitute person
dagaag v. migrate; become destitute
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagaag
-da: (n) migrant (migrant), refugee ~ qaxooti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaag
(fal) geed ama caleen, dhulka dushiisa ku baah oo dhan walba u bax.
dagaag-ga: (magac, lab, keli) baaha iyo dhan walba u bixidda ay sameeyaan geedaha aan lahayn jirrid ay ku joogsadaan.
dagaag-ga: (magac, lab, keli) dad aan waxba haysan oo iska daadduun ah; gaajo iyo diihaal dartii la qaxid. Dagaalladii sokeeye waxay keeneen inay ummadu dagaag noqoto. Dh: daaduun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagaago
m.dh (-ooyin, m.l) Dhako.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagaago
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa inta u sarraysa. Dh: dhako.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daadaga
Rapids
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalo
f.g3 (-ashay, -alatay) Wax meel wada yaal hadba in ka qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daldalo
f.g3 (-ashay, -alatay) Wax meel wada yaal hadba in ka qaadasho. m.f.dh, daldalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalo
(fal) si isdaba joog ah wax u guro. Daldalo alaabtaada barrito.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdabo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal ama fal boob isdaba jooga. Nin kastaa ha dawdabo, sida roobka haw da'o.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daydayo
(fal) doondoono wax aad rabto helistiisa; wax aad raadinayso, meel kaste ka fiirfiiri. Dh: baadhbaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digdigo
(Digdiga-da)
Kob cag'adayg ah oo sinsiman ama ciiddeeda aad loo garaacay oo si adag loo nabay, sida goobaha lagu cayaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digdigo
m.dh Meel yar, bannaan, simman, oo ciiddeeda aad loo nabay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digdigo
f. n. ground cleared and made hard (for sports ~ dancing)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digdigo
cf: dibir, didib, gawaan, sirsir
de: ground cleared and made hard (for sports ~ dancing)
lx: digdigo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: digdigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haghago
m.dh la-mid: haghag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghago
-da: (magac, dhedig, keli) hadalka oon si wanaagsan qofka uga soo bixin oo ereyga uu ku celceliyo. Dh: shigshig, gaangi, gango.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ragrago
(Ragraga-da)
Digasho xeel dheer oo faan ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragrago
ragrago¹: m.dh Digasho ismuujin iyo faan ku jiro.
ragrago²: f.mg3 (-gtay, -gatay) Ku r.: ragannimo iyo awood dheeraad ah cid ugu faanid iyada oo lagu diganayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ragrago
f. n. gloating, scorn, pleasure in another's humiliation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ragrago
de: gloating, scorn, pleasure in another's humiliation
lx: ragrago
pd: (/da)
ps: n-f
key: ragrago
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagxago
f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha uga goosasho. 2. Cid haruufid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagxago
f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha uga goosasho. 2. Cid haruufid. m.f.dh, xagxagasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagxago
v. scratch repeatedly; quarrel with someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagxago
(fal) ciddi ama wax kale oo saawir ah ku xarxarruufo. Wejiga ka xagxago.
xagxago: (fal) weel wax lagu kariyay cuntada guntiisa iyo hareerihiisa ku dhegdhegta ka xaquuqo oo ciddiha kaga fujiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagxago
de: scratch repeatedly; [ext.] quarrel with s.o.
initial: x
lx: xagxago
pd: (xagxagtay)
ps: v3b=
key: xagxago
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagdagsan
-aa / ayd: (adj) in a hurry; unable to wait; urgent (eer-jent) degdegsan. Ex: wuu dagdagsan yahay; he is in a hurry.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhago
(fal) erey la isku habaaro oo la macno ah 'caanabeel'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daadasho
(Daadasha-da)
Qubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadasho
m.f.dh eeg daado. la-mid: daadad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daadasho
vl. n. state of getting spilled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadasho
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama wax kale oo meeshii uu ku jirey ka qubta.
daadasho-da: (magac, dhedig, keli) xoolo si aan la ogayn uga baxa xeradii ay ku jireen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daadasho
de: state of getting spilled
lx: daadasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daadasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacdarro
(Dacdarra-da)
Rafaad iyo si xun ku noolaansho, (ka yimid hagar iyo iskullad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacdarro
m.dh Dhibaato badan oo ay nafley nolosha kala kulanto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacdarro
m.dh Dhibaato badan oo ay nafley nolosha kala kulanto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacdarro
f. n. mistreatment, neglect, not using something properly; oppression
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacdarro
-dacdarrada: (n) lack of caring; mistreatment (mistiriitment) !
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarro
-da: (magac, dhedig, keli) rafaad iyo dayac dartood si xun u noolaansho. Dacdarro ayaan ku noolahay sannad in ka badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacdarro
de: mistreatment, neglect, not using s.t. properly; oppression
lx: dacdarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dacdarro
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaag_1
de: migrant, refugee; destitute person
hm: 1
lx: dagaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dagaag_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaag_2
de: migrate; become destitute
hm: 2
lx: dagaag
pd: (dagaagay)
ps: v1=
key: dagaag_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaagid
(Dagaagid-da)
Gaajo iyo diihaal darti la qaxid; dalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaagid
m.f.dh eeg dagaag². la-mid: dagaag¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) baahid oo dhulka ku dul ballaadhasho; sida ay u baxaan geedaha aan jirridda lahayn sida xabxabka. Dh: dagaagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagul
-ka: (magac, lab, keli) marka qofka foolxumo wakhti keentay ahi ka muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaggoo
f.mg2 (-gooyay, -goysay) Ka d.: xoolo dago ka bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaggoo
(fal) seko xilligii iyo nisaabkiiba u dhan yahay iska bixi. Dh: sekee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dandarro
(Dandarra-da)
Ayaandarro; dhibaato; dacas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandarro
m.dh Diif ka muuqata nafley oo ka timaadda nafaqo darro ama cudur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dandarro
m.dh Diif ka muuqata nafley oo ka timaadda nafaqo darro ama cudur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dandarro
f. n., [abstract] extreme poverty; bad luck; misery, suffering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dandarro
-dandarrada: (n) suferring (safarring) misery (mizari); poverty (po-verti) ~ dacdarro
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dandarro
Indigenza
Indigence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandarro
-da: (magac, dhedig, keli) hayndarro ama ayaandarro qof haysata. Dh: dhibaato, dacas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dandarro
de: extreme poverty; bad luck; misery, suffering
lx: dandarro
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: dandarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannaago
m.dh la-mid: dinnaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dannaago
-da: (magac, dhedig, keli) ci'da weyn ee higgaadda ah ee dibida iyo libaaxa. Dibi dhergey dannaago ayaa lagu yagaan. Dh: dinnaago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdarno
m.dh la-mid: dawdarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawdarro
(Dawdarra-da)
Gardarro, jid-darro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawdarro
f. n., [abstract] injustice
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dawdarro
Torto
Wrongful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdarro
-da: (magac, dhedig, keli) gardarro aan daw lahayn. Dadka dawdarrada kala fadhiiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawdarro
de: injustice
lx: dawdarro
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: dawdarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagdhag
m.dh.sh.r Qosol aad u dheer oo aan kala go' lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhagdhag
m.dh.sh.r Qosol aad u dheer oo aan kala go' lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagdhag
f. n. loud laughter ~ laugh, guffaw; loud throbbing sound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagdhag
(tilmaame) wax sax ah oo qumman.
dhagdhag-ta: (magac, dhedig, keli) qosol cod wata oo inta ag joogtaa maqasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagdhag
de: loud laughter ~ laugh, guffaw; loud throbbing sound
lx: dhagdhag
pd: (-ta)
ps: n-f
key: dhagdhag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugaagow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dugaag noqosho; bahaloobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugaagow
inch. v. become wild ~ savage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaagow
(fal) dugaag noqo ama sida dugaagga u dhaqan.
dugaagow -ga: (magac, lab, keli) dugaag noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugaagow
de: become wild ~ savage
lx: dugaagow
pd: (dugaagoobay)
ps: v1=inch
key: dugaagow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugdhabo
m.dh Dhinaca galbeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaagso
f.g3 (-saday, -satay) Wax si toosan ama wanaagsan ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hagaagso
f.g3 (-saday, -satay) Wax si toosan ama wanaagsan ka dhigasho. m.f.dh, hagaagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagahago
-da: (magac, dhedig, keli) iin xagga hadalka ah oo aanu qofku si taxan u wada odhan karin erayga amaba aanu degdeg afka uga soo wada saari karin. Dh: giingo, haghago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdhabo
f.mg3 (-btay, -batay) Qof khasaare uu geystay qiimaheeda ka qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdhabo
(fal) wax waxyeello la gaadhsiiyay mag ka qaado oo waxyeellada gaadhay beddelkeedii hel. Ninka aqalka kaa jiidhay ka magdhabo. magdhane: magac loo bixiyo wiil magtiisu buuxdo oo aanay dhinnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magmaago
f.mg3 (-gtay, -gatay) Dhuxul nool dambas ku duugasho si aysan u demin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
randàgio
agg. - meereysanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagsaago
f.mg3 (-gtay, -gatay) Dhar sagsaag ku tolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaagnimo
(Dagaagnima-da)
Dagaag ahaan.