dagaalgeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Ciidan dagaallamaya hoggaamin (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dagaalgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Ciidan dagaallamaya hoggaamin (qof). m.f.dh, dagaalgelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaalgeli
v., [compound] induce ~ encourage someone to fight; lead an army in battle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalgeli
(fal) cid kale, abbaanduule dagaalka geliya u noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaalgeli
de: induce ~ encourage s.o. to fight; lead an army in battle
lx: dagaalgeli
nt: dagaalgelin (ta) [vn-f], dagaalgelis (ka) [vn-m]
pd: (dagaalgeliyey)
ps: v2a=cmp
key: dagaalgeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalgelin
m.f.dh eeg dagaalgeli. la-mid: dagaalgelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) abaanduuluhu tab uu u dagaalgeliyo ciidankiisa. Dagaalgelinta ciidanku khibrad ayey u baahantahay iyo tababbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalgelis
m.l la-mid: dagaalgelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalgelis
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan, dagaal u habayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagaalgali
-yey / say: (v) lead someone in a fight or battle,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalgeliye
-ha: (magac, lab, keli) ninka hoggaanka u ah ciidanka dagaallamaya. Dagaalgeliyihii ciidanka dhaawicii buu u geeriyooday. Dh: colwadeen, abaanduule.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalgal
m.l (-llo, m.dh) 1. Heer korriimo oo marka wiilashu gaaraan dagaalka ka qayb qaadan karaan. 2. D. ah: wiil gaaray da'dii uu dagaal kaga qayb qaadan lahaa. 3. Hab dagaal looga qayb qaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaalgal
m. n., [compound] man who has reached the age to bear arms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalgal
(fal) eeg dagaallan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaalgal
de: man who has reached the age to bear arms
lx: dagaalgal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dagaalgal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirirsiin
(Dirirsiin-ta)
Dirir ku boorrin ama ku guubaabin; dagaalgelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diriri
(fal) cid kale, dagaalgeli. Dh: dirirsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaanqaad
-ka: (magac, lab, keli) qof gaadhay da'dii uu ku dagaalgeli kari lahaa. Gaashaanqaad ma habaabo. Dh: hanaqaad, baaluq, muddakar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaalli
(Agaalli-da)
(xiddigo) nuguushi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaalli
m.dh Nuguushi (xiddigo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agaalli
f. n., [collective] name of a star constellation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaalli
-da: (magac, dhedig, keli) xiddigaha burjiga qaar ka mid ah.
agaalli-da: (magac, dhedig, keli) xiliga xiddigaha burjiga qaar ka mid ah la arko. Agaalli buu Axmad dhashay. Dh: nuguushi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agaalli
de: name of a star constellation
lx: agaalli
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: agaalli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqalgeli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: aroosi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagul
-ka: (magac, lab, keli) marka qofka foolxumo wakhti keentay ahi ka muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalgeli
f.mg2 (-iyay, -isay) Mashruuc hantigelin si loo hormariyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maalgeli
f.mg2 (-iyay, -isay) Mashruuc hantigelin si loo hormariyo. m.f.dh, maalgelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalgeli
v. invest capital
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maalgeli
-yey / say: (v) invest (in vest); finance (fenaasi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalgeli
(fal) muruq, maskax iyo maal geli si wax soo saar looga helo oo mustaqbalka looga macaasho. Maalgeli mashruuca beeraha ee Godey. Dh: hanti geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalgeli
de: invest capital
lx: maalgeli
pd: (maalgeliyey)
ps: v2a=intr
key: maalgeli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagageli
(fal) laba qof la legdan oo midba dhinac mar keliya kula legdan. Dh: xagee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaalceli
f.mg2 (-iyay, -isay) U a.: abaal la isu galay gudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaalceli
v. reward, return a favor ~ kindness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalceli
(fal) cid wanaag kuu samaysay, same ugu gud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaalceli
de: reward, return a favor ~ kindness
lx: abaalceli
pd: (abaalceliyey)
ps: v2a=
key: abaalceli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale gadaal kaga xariirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale gadaal kaga xariirin. m.f.dh, dabaggelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaggeli
v., [compound] put something after; make someone follow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggeli
(fal) wax hore wax kale ka danbaysii; hawl socotay hawl kale ka danbaysii. Awrka layliga ah awrka dabaggeli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaggeli
de: put s.t. after; make s.o. follow Alt sp: dabageli
lx: dabaggeli
pd: (dabaggeliyey)
ps: v2a=cmp
key: dabaggeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magangeli
f.g2 (-iyay, -isay) Qof magangelyo siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magangeli
f.g2 (-iyay, -isay) Qof magangelyo siin. m.f.dh, magangelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magangeli
v., [compound] give sanctuary ~ asylum; protect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magangeli
(fal) cid magan ku weydiisata badbaadi oo cadawga ay ka cabsanayso ka celi. Ninka magan kuugu yimaad adna magangeli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magangeli
de: give sanctuary ~ asylum; protect
lx: magangeli
nt: magangelis (ka) [vn-m], magangelin (ta) [vn-f]
pd: (magangeliyey)
ps: v2a=cmp
key: magangeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaggeli
f.mg2 (-iyay, -isay) U x.: labo qof oo isku dhinac ah, keli ula legdamid; midba xag u deyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaggeli
(fal) laba qof la legdan oo midba dhinac mar keliya kula legdan. Labadaa wiil u xagageli. Dh: xagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardargeli
(fal) awood, fikir, maal iyo tabar hor leh geli. Li: ragaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalgali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dildilleyn. la-mid: galgali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogaalceli
f.g2 (-iyay, -isay) Col meel uu weeraray mar kale ku noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rogaalceli
f.g2 (-iyay, -isay) Col meel uu weeraray mar kale ku noqosho. m.f.dh, rogaalcelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rogaalceli
v. return ~ go back to; re-occur; ambush (in battle)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rogaalceli
-yey / say: (v) [with preposition soo] happen again; show up again; reappear (ri-a-piir); recur (ri-keedh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogaalceli
(fal) col meel uu weeraray mar kale ku noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rogaalceli
de: return ~ go back to; re-occur; ambush (in battle)
lx: rogaalceli
nt: rogaalcelin (ta) [vn-f], rogaalcelis (ka) [vn-m]
pd: (rogaalceliyey)
ps: v2a=
key: rogaalceli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaaljecel
f.mg4 (-claa, -clayd) Qof shiddoole ah ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaaljecel
adj., [expression] bellicose, fond of war, eager to fight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaaljecel
-sha: (magac, dhedig, keli) dhallinta aan khibrad dagaal lahayn ee dhiirranaanta leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaaljecel
de: bellicose, fond of war, eager to fight
lx: dagaaljecel
pd: (dagaaljeclaa)
ps: adj-expr
key: dagaaljecel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaaljooji
f.g2 (-iyay, -isay) Dirir joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dagaaljooji
f.g2 (-iyay, -isay) Dirir joojin. m.f.dh, dagaaljoojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaaljooji
v., [compound] cease fighting; make someone stop fighting, cause to abandon a struggle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaaljooji
(fal) dagaal soo afjar oo xabbadjoojin iyo heshiis samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaaljooji
de: cease fighting; make s.o. stop fighting, cause to abandon a struggle
lx: dagaaljooji
pd: (dagaaljoojiyey)
ps: v2a=cmp
key: dagaaljooji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaallamid
(Dagaallamid-da)
Dagaal iskula kicid; wax isyeelid; diririd; xarbiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaallamid
m.f.dh eeg dagaallan². la-mid: dagaallan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaallamid
-da: (magac, dhedig, keli) labo dhinac, dagaal iskula kicid. Dh: diririd, xarbiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardargelin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl ku jirta xaalad wahsi ah ama dib'udhac ku yimid, awood iyo firfircooni ku kordhin. Li: ragaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxalgelid
m.f.dh eeg dhaxalgal². la-mid: dhaxalgal¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaangeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diiwaan ku qorid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiwaangeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diiwaan ku qorid. m.f.dh, diiwaangelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiwaangeli
v., [compound] register
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiwaangeli
(fal) diiwaanka ku qor. Diiwaangeli magacaaga iyo sooyaalkagaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiwaangeli
de: register
lx: diiwaangeli
pd: (diiwaangeliyey)
ps: v2a=cmp
key: diiwaangeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalgalin
m.f.dh eeg galaalgali. la-mid: galgalin, galgalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogaalcelin
(Rogaalcelin-ta)
Weerar kedo ah, col la dabasocdey, inta dib u soo rogmado, cadowga ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogaalcelin
m.f.dh eeg rogaalceli. la-mid: rogaal³ (1), rogaalcelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogaalcelin
-ta: (magac, dhedig, keli) weerar kedo ah dib u soo celin oo cadaw ku qaadid. Dh: rogaalcelis.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Rogaalcelin
Dib usoo celin, dib u wadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogaalcelis
(Rogaalcelis-ka)
Weerar rogaalcelin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogaalcelis
m.l la-mid: rogaalcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogaalcelis
-ka: (magac, lab, keli) eeg rogaalcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaaljeclaan
m.f.dh eeg dagaaljecel. dagaaljeclaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaaljeclaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dagaal doorbidid oo u ololayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax biyo dabaal kaga gudbin. la-mid: dabaalsii, dabbaali, dabbaalsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaali
v. teach ~ cause someone to swim; make someone swim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaali
(fal) cid kale, dabaalsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaali
a: dabaalsii
de: teach ~ cause s.o. to swim; make s.o. swim
lx: dabaali
pd: (dabaaliyey)
ps: v2a=tr
key: dabaali
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadaale
m. n. diligent person; zealous man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaale
-ha: (magac, lab, keli) qof sidii uu hadaf u gaadhi lahaa muruq iyo maskaxba ku bixiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadaale
de: diligent person; zealous man
lx: dadaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dadaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaari
-da: (magac, dhedig, keli) xiddig ka mid ah xidigaha cirka oo daruur u eg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dawaale
magac loo baxsho wiil dhalashadiisu dhib jirtay daawaysay, gaar ahaan mid labadiisa waalid dhex taallay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaali
fk. D u: si toos ah, si aan gabbasho lahayn. Tusaale: “Waxaan doonayay dawaali ayuu u diiday”.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawaali
(adv) directly (direktili)-, straight (istareeyt). Ex: dawaali u tag; go directly
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Digaale
name-m good fortune, good luck. Syn: Falxad, Falxado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaali
(fal) wax, dugsi ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galgali
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: galaalgali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelgeli
v. put in repeatedly, keep putting in