dafo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafo
(Dafa-da)
Shinbir hilibka cunta oo bahallada yaryar iyo wixii kaloo ay dhifsan karto dhifsata oo dafta; dhuuryo, dhufato, faraggoys, huf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafo
m.dh (-ooyin, m.l) Nooc haadda hilib cunka ka mid ah, dheereysa oo si dhaqso leh bahallada yaryar ama hilibka u dhufsata; so'laduul; huunfey. la-mid: dafto, dhifato, dhufato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafo
f. n. hawk species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dafo
-dafada: (n) hawk (hook) ~ dhuuryo, huf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafo
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir hilibka boobta oo weerar kulul ku qaadata. Dafo ayaa hilibkii iga boobtay. Dh: yili, huf, balqayo, baqayo, faragoys.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafo
a: dafto
cf: dhuuryo, huf
de: hawk sp.
lx: dafo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dafo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafto
m.dh la-mid: dafo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafto
f. n. bird of prey species, hawk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafto
-da: (magac, dhedig, keli) haad waxa carruurtu ay faraha ku hayaan iyo xaywaanka yar xoog u la boodda oo la lasha. Dh: dafato, yili, yil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafto
a: dafo
de: bird of prey sp., hawk
lx: dafto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dafto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuryo
(Dhuurya-da)
Shinbir hilibka cunta; dhufato; dafo; faraggoys; huf; hunfey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huf
(Huf-ta)
Shinbir hilibka cunta; dafo; dhuuryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhifato
m.dh la-mid: dafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufato

dhuuryo
m.dh (-ooyin, m.l) Shimbir hilibka cunta; dafo; soladduul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggoys
m.dh (-syo, m.l) Nooc shimbiraha hilibcunka ka mid ah; dafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huf
huf¹: m.dh (-fo, m.l) Shimbir hilibka cunta; dafo.
huf²: f.g1 (-fay, -ftay) 1. Wax sifayn. 2. Wax kala saarid. 3. Wax jifid (gogol iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunfey
m.dh (-yo, m.l) Nooc shimbiraha ka mid ah oo hilibka iyo wixi lamida dafta; dafo.

xunguruf
m.dh 1. Bahal ka mid ah bahalaha sheekooyinka lagu tebiyo hase yeeshee ayan cidi weli arag oo leh ciddiyo dhaadheer oo ay wejiga kaga xagato dadka. 2. Dafo. 3. Cadaawadnimo yar oo dad ka dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuryo
m.dh Shimbir hilibka cunta; dafo; so'ladduul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huf
m.dh (-fo, m.l) Shimbir hilibka cunta; dafo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hunfey
m.dh (-yo, m.l) Nooc shimbiraha ka mid ah oo hilibka iyo wixi lamida dafta; dafo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huunfey
m.dh Haad hilib cun ah oo wax dafa; dafo; so'laduul. la-mid: hunfey.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hawk
/hook/ (n) 1. dafo, dhuuryo, huf. (v) 2. gadid badeeco, oo lala wareego xaafadaha ama dariiqyada.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Acgypiidae genn. spp.
(I) Avvoltoi;
(E) Vultures, generic;
(S) Dafow (S. c. m.; Dafò)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Milvus migrans
(I) Nibbio bruno;
(E) Brown Kite;
(S) DURIO (S. S.: Durio, fide Archer); Dafow (Wajir: Dafò)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Neophron percnopterus
(I) Capovaccaio;
(E) Egyptian Vulture;
(S) Hunshu (S. s.: Hunsh'u, fide Archer); DAFOW (Las ‘Anod: Dafo'); HAR CAD (Wajir: Har'ad)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqalye
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah haadda duusha ee hilibka cunta, qofkii gacanta hilib ku sita ka dafta intay samada kaga timaaddo ama ka boobta. Baqalyaa baa hilibkii iga daftay. Dh: hufay, yili, dhufato, baqayo, dafo, balqayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafniin
-ka: (magac, lab, keli) dafitaanka wax la dafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afo
(Afa-da)
Naag la qabo; arad; oori; maranti; marwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afo
m.dh (-ooyin, m.l) Haweenay la qabo; oori.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afo
m.dh (-ooyin, m.l) Haweenay la qabo; oori.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afo
f. n. wife; woman, lady (respectful)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afo
-afada: (n) wife (waayf) ~ xaas, oori
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afo
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay la qabo; naag oday leh. Dh: arad, islaan, maranti, marwo, oori, xaas. Li: oday, say, abbaanwarre. Wa: afooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afo
de: wife; woman, lady (respectful)
lx: afo
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: arad, xaas
xv: naag, oori
key: afo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daf
(Daf-ka)
Qalabka muusikada mid kamid ah oo ka samaysan qori koobaaban oo haragwaxar la jilciyey ku rogan yahay serjigana dawanno yaryari kaga jiraan ama ka lulliishaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daf
daf¹: m.l (-faf, m.l) (muus.)Durbaan yar oo shulushyo bir ah leh.
daf²: m.dh.sh.r Cod tilmaama socod ama dhawaaq kedis ah.
daf³: f.g1 (-fay, -ftay) Ka d.: wax si kedis ah u dhufsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daf
daf¹: m.l (-faf, m.l) (muus.)Durbaan yar oo shulushyo bir ah leh.
daf²: m.dh.sh.r Cod tilmaama socod ama dhawaaq kedis ah.
daf³: f.g1 (-fay, -ftay) Ka d.: wax si kedis ah u dhufsasho. m.f.dh, dafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daf
v. snatch, take something away quickly ~ by force
daf [feminine] n., [collective] (adj.): common item; full; general, common
daf m. n. tambourine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daf
-ay / tay: (v) grab (garaab); snatch (isnaaj) ~ dhifso. Ex: tuug baa lacagtii dafay; the thief grabbed the money
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daf
(fal) ku qaado si degdeg ah oo xoog la socdo. Tuug ayaa shandadii ka dafay. Dh: boob, xaf, dhufo.
daf: (fal) kulaylka iska reeb oo isqabooji. U kaadiya bariisku ha idin ka dafee. Dh: qabow.
daf: (fal) (~ dheh) qof aad legdamaysaan, xoog u gal oo weerar. Daf intuu yidhi buu dhulka ku dhuftay.
daf: (fal) (~ dheh) meel guda ah si lama filaan ah u gal, gal meel oo ku qarsoon. Dabigii aqalkiibuu daf yidhi ee ka gaadha yaanun xiraadka cunine.
daf: (tilmaame) weel ama wax kale oo buuxa. Bidhe caana ah oo daf ah ayaa la noo keenay Dh: budh, buuxa, Li: madhan, dhiman, faaruq.
daf-ka: (magac, lab, keli) mid qalabka muusikada a garaaco ka mid ah oo ah gadaan wareegsan oo saan ka samaysan oo dhinac furan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafo
(Aafa-da)
Dhibaato aad u weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aafo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aafo
f. n. disaster, severe damage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aafo
-da: (n) disaster (di-saas ter); catastrophe (ka taas taroofi); calamity (kalaamati); an event having fatal or ruinous results ~ masiibo, musiibo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafo
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan, dhib iyo haydaaro aad u ballaadhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aafo
de: disaster, severe damage (period of natural disaster: hurricane, flood, plague, etc.)
lx: aafo
pd: (/da Pl: aafaad (ka))
ps: n6-f, n8-f
xe: God, save us from the present disasters!
xv: Arabic
key: aafo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabo
(Daba-da)
1. Lafdhabarta (xiriirka) nafleydu afka ay ku dhammaato, oo mid dheer, sida tan lo'da iyo mid gaaban, sida tan riyahaba, leh.
2. Dhammaad; af.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabo
dabo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib.
dabo²: f.g3 (-btay, -batay) 1. Ugaar, kalluun iyo wixi lamida dabin ku qabasho. 2. Timo tidcasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabo
dabo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib.
dabo²: f.g3 (-btay, -batay) 1. Ugaar, kalluun iyo wixi lamida dabin ku qabasho. 2. Timo tidcasho. m.f.dh, dabasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABO
(Dabo) May Euphorbia glochidiata Pax. Euphorbiaceae.
S Sporobolus nervosus Hochst. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabo
-dabada: (n) 1. butt (hart); bum (bam); anus (eenes); ass (aas); buttocks (batakis) ~ Ex: dabo dharbaax; slap on the buttocks; spank (spaangk) 2. backside (baaksaydh); rear (rzyer); back end ~ gadaal. 3. tail (teeyl) ~ sayn 4.
dabo -dabtay / dabatay: (v) hunt by trapping; catch (kaj). 5. ka dabo imow: (expression) go after someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabo
(fal) timo tidco ama sooho. Dabo timaha oo cidna ha sugin.
dabo: (fal) ugaadh dabin u dhigo. Dabo oo dubo ugaadha dibad laguma gaajoodo.
dabo: (fal) neef yar oo qaan ah, caano ku bukoo. Nayshii falanfalxadii bay ku dabatay. Dh: daabo.
dabo-da: (magac, dhedig, keli) halka ay lafdhabartu ku dhammaato ee xayawaanka qaarkii oo badkood dheeraata badhna gaabata. Lo'du dabadeeday daqsiga iskaga celisaa.
dabo-da: (magac, dhedig, keli) meesha wax uu ku idlaadaan. Arrin aan hor iyo dabo toona lahayn bay noo dhiibeen. Dh: billow, af.
dabo-da: (magac, dhedig, keli) meesha ka mid ah jirka noolaha ee xaarku ka soo baxo. Dabo iyo dhul is hurran, Dh: futo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dado
s.m. - daado.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
daft
/dhaaft/ (adj) nacasnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dago
(Daga-da)
1. Bilaha dayaxa oo Muslinka, tan ugu horraysa; seko.
2. In, xoolaha jaad walba, sanadiiba kol laga baxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dago
dago¹: m.dh 1. Bilaha dayaxa ee muslinka tirsado tan ugu horreysa. 2. Sadaqo sharciga Islaamku ku waajibiyey hantida qofka muslim ah sannadkiiba mar. 3. D. ah: neef ari ah oo sadaqadaas loo bixiyo.
dago²: f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. U d.: wax, cid u dayacmid. 2. Ku d.: ku dagmid, ku khatalmid; sigasho; baylahoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dago
f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. U d.: wax, cid u dayacmid. 2. Ku d.: ku dagmid, ku khatalmid; sigasho; baylahoobid. m.f.dh, dagasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dago
f. n. first month of the Somali lunar calendar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dago
v. have a narrow escape; be misled, be cheated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dago
(fal) (ku ~) cid ama wax, ku khatalan. Gabadha hadalkeedii macaanaa ayaan ku dagmay.
dago: (fal) wax baylahsan noqo. Adhigu wuu daganyahay ee waraabaha ka gaadha. Dh: dagan.
dago-da: (magac, dhedig, keli), ah: neef ari ah oo sadaqadaas loo bixiyo.
dago-da: (magac, dhedig, keli) bisha xoolaha laga bixiyo sekada.
dago -da: (magac, dhedig, keli) tiro go'an oo xoolahu kolkay gaadhaan ay ku waajibto hantiilaha inuu in ka mid ah sako ahaan sannadkiiba hal mar uga baxsho. Dh: sako.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daho
f.mg3 (-hday, -hatay) la-mid: diho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daho
(fal) asturo oo wax qarsoon oo meel dahan ku jira ka dhig. Alaabtaada indhaha dadka ka daho. Dh: qarso.
daho-da: (magac, dhedig, keli) alool ama raar lagu kala xidho aqalka Soomaaliga. Dahaan ku kala xidhay aqalka. Dh: ilaxidh.
daho: (tilmaame) meel dugsi ahaan loo hoos galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dano
(Dana-da)
1. Caanaha la lula hayo xoogaa kamid ah oo intaan caanaha subagga laga bixin, qof aagaanka loogu shubo oo la siiyo; waxaa la qabaa in dad ku sancan yahay oo haddii danada la siiyo, haantu subag badan dhalayso.
2. Caano yar oo geel oo caanaha la lula hayo lagu daro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dano
m.dh 1. Dani. 2. In yar oo caano dhanaan ah oo gundhig looga dhigo caano la rabo in ay dhaqso u gorooraan. 3. In yar oo caano ah oo laga shubo caano la lulayo oo la siiyo qof la rumaysanyahay in uu u sancanyahay oo ay haantu subag badan dhalayso. 4. Biyo yar oo lagu daro caano la lulayo marka ay firfiraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dano
f. n., (mass n.): milk halfway through the butter-making process; additional milk added during churning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dano
-da: (magac, dhedig, keli) caanaha la lulayo xoogaa ka mid ah oo intaan caanaha subagga la gala bixin qof aagaanka loogu shubo oo la siiyo. Waxa la aamminsanyahay in dadka qaar u sancan yahay haddii danada la siiyo ay haantu subag badan bixin doonto. Faarax dano ayaa loo shubay. Dh: sankuriix.
dano -da: (magac, dhedig, keli) caano yar oo lagu dhanaaniyo kuwa dhayda ah. Dano caanaha ku dar.
dano -da: (magac, dhedig, keli) geed u eg cinka kase waaweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dano
de: milk halfway through the butter-making process; additional milk added during churning
lx: dano
pd: (/da)
ps: n0-f-mass
key: dano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daro
(Dara-da)
(legdan) gacan qofka surka lagaga maro oo lagu ceejiyo, waana wax reebban (= daro waa dirir)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daro
daro¹: m.dh 1. Tab awrtu u dagaasho oo ratigu luquntiisa dulmariyo luqunta ratiga kale isla markaana cududda ku dhegaayo. 2. Tab legdinta ka mid ah oo uu qof gacanta kaga maro qoorta qof kale.
daro²: f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Ku d.: wax, wax kale ku kordhisasho. 2. Ku d.: qof, qof kale u guurin. 3. Isku d.: dhawr waxyaalood isku qaadasho. 4. Isku d.: isku qasasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daro
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Ku d.: wax, wax kale ku kordhisasho. 2. Ku d.: qof, qof kale u guurin. 3. Isku d.: dhawr waxyaalood isku qaadasho. 4. Isku d.: isku qasasho. m.f.dh, darasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daro
f. n. strangle-hold (in wrestling)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daro
-darada: (n) strangler (straangalar); specially, while wrestling —daree -yey / dareysay: (v) strangle (straangal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daro
(fal) (ku ~) wax, wax kale ku kordhi.
daro: (fal) (ku ~) qof, qof kale u guuri.
daro: (fal) (isku ~) dhawr waxyaalood mar qudha isku qaado.
daro -da: (magac, dhedig, keli) hab ka mid ah qaabka la isu legdo, oo gacan qofka qoorta lagaga qabto oo lagu ceejiyo ama awrtu u dagaallanto oo qoortiisa iyo jeenigiisa hore inta u dhaxaysa uu geliyo luqunta awrka kale ee uu la dagaallamayo. Daro waa dirir. Dh: xuurto, qallaxato, darayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daro
de: strangle-hold (in wrestling)
lx: daro
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: Its serious now.' (i.e., no longer play) [saying]
xv: Daro waa dirir.
key: daro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daso
m.dh Hooy yar oo ka samaysan raro; qoryo, dhoobo iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daso
-da: (magac, dhedig, keli) aqal Soomaali ka samaysan caws iyo maydhax. Li: daar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dato
agg. e s.m. mucayan, la yaqaanno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawo
(Dawa-da)
1. Wixii cudurrada, nabarrada, kd., inta lagula tacaalo (ismarin; cabbid, isku mudid, dhaymo, ...) fayoobi keena.
2. Dawaco; dayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawo
m.dh la-mid: dąawo1. la-mid: dawaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawo
m.dh la-mid: dąawo¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawo
f. n. medicine, remedy
dawo [feminine] n. jackal, fox
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dawo
name-f medicine, remedy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawo
-dawada: (n) medicine (meda-sin); medication (medi-keey-shiri); drug (daraag); remedy (ramedi) ~ daawo. Ex: wax dawo ah ma qaadataa? do you take any medication?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dawo
magac loo baxsho gabadh dhalashadeedu dhib jirtay daawo u noqotay, gaar ahaan mid labada waalid u dhaxaysay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawo
-da: (magac, dhedig, kali) wax kasta oo xanuunnada, nabarrada ama kob kasta oo bugta bogsiiya oo lagula tacaalo ama xal u noqda dhibta cudurrada iyo xanuunnada. Dh: waawo.
dawo-da: (magac, dhedig, kali) eeg dacawo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayo
(Daya-da)
Dawaco; dawo (ama deyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayo
dayo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Caleenta quraca, siiba intay weli qoyantahay. 2. la-mid: dawaco.
dayo²: f.g/mg3 (-yday, -yatay) 1. (f.g) Ka d.: wax meel ka raadsasho. 2. (f.g) Ka d.: wax, wax kale ka dhex xulasho. 3. (f.mg) Ku d.: qof, qof kale wax uu sameeyey ka daba samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayo
f.g/mg3 (-yday, -yatay) 1. (f.g) Ka d.: wax meel ka raadsasho. 2. (f.g) Ka d.: wax, wax kale ka dhex xulasho. 3. (f.mg) Ku d.: qof, qof kale wax uu sameeyey ka daba samayn. m.f.dh, dayasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayo
f. n. jackal
dayo pron., det, pl. our [exclusive.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayo
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan duurjoog ah oo dhogor cawlan leh eydana u eg. Naa dayo, dayo caliyeey dabkaa ba'. Dh: dacawo, dawaco.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gafo
Fallow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafo
f.mg3 (-ftay, -fatay) Nafley biyo ku qaraqmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hafo
f.mg3 (-ftay, -fatay) Nafley biyo ku qaraqmid. m.f.dh, hafasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hafo
v. sink; drown, be drowned; choke, suffocate; be out of breath; be overcome
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hafo
-haftay / hafatay: (v) drown (darawn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafo
(fal) biyo dhexgal oo neefta qaadanwaa. Dh: qarraqan.