dafdaflee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafdaflee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Dafdaf samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafdaflee
v. bluff; impose upon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafdaflee
(fal) buuq iyo jiidhjiidh samee; is qaadqaad iyo islaweynnimo samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafdaflee
de: bluff; impose upon
lx: dafdaflee
pd: (dafdafleeyey)
ps: v2b=
key: dafdaflee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafdafle
(Dafdafla-ha)
Qof dafdaf badan; meelo galgal badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafdafle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dafdaf badan; meelo galgal badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dafdafle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dafdaf badan; meelo galgal badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafdafle
m. n. interloper, impostor, bluffer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dafdafle
-ha: (n) hyperactive person; one who behaves improperly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafdafle
-ha: (magac, lab, keli) nin mahubsade ah; qof fudayd dartiis hadba meel aan loo dirsan ama aan lala doonayn, faraha la gala.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafdafle
de: interloper, impostor, bluffer
lx: dafdafle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dafdafle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdawlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Qof been badan karti uusan lahayn muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawdawlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Qof been badan karti uusan lahayn muujin. m.f.dh, dawdawleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawdawlee
v. chatter, talk nonsense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdawlee
(fal) gardarro samee. Waryaa orod qayrkaa u dawdawlee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawdawlee
de: chatter, talk nonsense
lx: dawdawlee
pd: (dawdawleeyey)
ps: v2b=intr
key: dawdawlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafdaflayn
(Dafdaflayn-ta)
Dafdaf la imaansho; sida dafdaflaha yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafdaflayn
m.f.dh eeg dafdaflee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafdaflayn
-ta: (magac, dhedig, keli)) fudayd iyo xog la'aan la or'ordid. Dh: miyiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafdaflays
-ka: (magac, lab, keli) dafdaflayn la imasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaalyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Cid, daldaalyo badid (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafdaf
(Dafdaf-ta)
Fudayd hadba meel aan laysu dirsan ama aan layska dooneyn lagu dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafdaf
m.dh Fal aan deggenaan lahayn ee qof ku kaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dafdaf
m.dh Fal aan deggenaan lahayn ee qof ku kaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafdaf
f. n. bluff, imposture; behavior that is out of place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dafdaf
-ta: (n) hyperactivity (haay-per-ak-tiiviti);
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafdaf
-ta: (magac, dhedig, keli) fudayd dartiis hadba meel aan habboonayn faraha la gelid. Cabdi wuu dafdaf badan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafdaf
de: bluff, imposture; behavior that is out of place
lx: dafdaf
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: dafdaf
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadaale
m. n. diligent person; zealous man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaale
-ha: (magac, lab, keli) qof sidii uu hadaf u gaadhi lahaa muruq iyo maskaxba ku bixiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadaale
de: diligent person; zealous man
lx: dadaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dadaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damalee
(fal) cod farxad leh ku mashxarad adoo carrabkaaga lulaya. Dh: mashxard, dalamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdarree
(fal) eeg afdarray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadifee
(fal) eeg daadifay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax qoyan si uu u qallalo dabayl u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaylee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax qoyan si uu u qallalo dabayl u dhigid. m.f.dh, dabaylayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylee
(fal) xagga dabaysha u kexee. Maroodiga dabaylee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Neef geel ah jilbaha korkooda ka xirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagdagle
-ha: (magac, lab, keli) qof socota ah ama war magabe ah. Xaajadu da' weynaa, dagdaglow ha soo gelin, badda yaan ul lagu deyin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahablee
(fal) dahabka iibi oo ka ganacso. Suuqa ka dahablee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdawle
m.l D. ah: qof been badan oo muujiya karti uusan lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawdawle
m.l D. ah: qof been badan oo muujiya karti uusan lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawdawle
m. n. chatterer, gas-bag, braggart, one who talks nonsense
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawdawle
-dawdawlaha: (n) talker (tooker) ~ warbadne Ex: Ismaaciil waa dawdawle; Ismail is a talker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdawle
-ha: (magac, lab, keli) qof daandaasi badan.
dawdawle-ha: (magac, lab, keli) qof been badan oo muujiya karti uusan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawdawle
de: chatterer, gas-bag, braggart, one who talks nonsense
lx: dawdawle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dawdawle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadallee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Fadal samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadallee
(fal) xoog u orod oo fadallo kici.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdalee
(fal) cid kale, Ilaahay cadho iyo fogayn u weydii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacdarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax dacdarro badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacdarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax dacdarro badid. m.f.dh, dacdarrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacdarree
v. neglect, cause to suffer due to lack of care, give bad ~ no treatment to someone ~ something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacdarree
-yey / dacdarreysay: (v) neglect someone (neglektsam wan); mistreat (mistiriit) someone, j
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarree
(fal) wax ha baylahtirin, ha daryeelin. Ha dacdarraynin carruurtaada iyo ooridaada. Dh: dhibaatay, rafaadi, jirrab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacdarree
de: neglect, cause to suffer due to lack of care, give bad ~ no treatment to s.o. ~ s.t.
lx: dacdarree
pd: (dacdarreeyey)
ps: v2b=tr
key: dacdarree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabee
(fal) neef gammaan ah, daddaabe ku xidh. Dh: shakaal, shakal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley dandarro badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dandarree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley dandarro badid. m.f.dh, dandarrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dandarree
v. mistreat; neglect, disregard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandarree
(fal) ayaandarree; wax ayaan daran ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dandarree
de: mistreat; neglect, disregard
lx: dandarree
pd: (dandarreeyey)
ps: v2b=tr
key: dandarree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdallee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: nacaladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafdaflenimo
-da: (magac, dhedig, keli) dafdafle ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabbee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Xoolo, daddaabe ku xirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daddaabbee
v. tie up (a horse), tether
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabbee
(fal) shakaal oo lug dambe iyo tu hore isku xidh. Faraska daddaabbee. Dh: shakaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daddaabbee
de: tie up (a horse), tether
lx: daddaabbee
pd: (daddaabeeyey)
ps: v2b=
key: daddaabbee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdawleyn
m.f.dh eeg dawdawlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdawleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gardarro kibir iyo aflagaado leh cid ku maagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aflee
(fal) labo hadal oo isburinaya oo iska soo hor jeeda ku hadal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadablee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Laba guri ka wada cuntayn (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aallee
v., sg., opt. form: I may be (in a place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aallee
de: I may be (in a place)
lx: aallee
ps: v4c-1sg-pot
key: aallee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adable
m.l Dhul carro cad iyo carro madow isugu jira, geedo dhaadheer ka baxaan oo beerashada ku wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adable
m.l Dhul carro cad iyo carro madow isugu jira, geedo dhaadheer ka baxaan oo beerashada ku wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adable
-ha: (magac, lab, keli) dhul carro madow iyo carro cad isugu jirran oo ay geedo dhaadheer ka baxaan, beerashada na ku wanaagsan.
adable -ha: (magac, lab, keli) dhul beeraha iyo qodaalka ku wanaagsan oo leh carro madaw iyo tu cad oo isku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Tiro afar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Tiro afar ka dhigid. m.f.dh, afarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afarle
m. n. four (playing card)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afarle
a: afarre (/ha) [n7-m]
de: four (playing card)
lx: afarle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: afarle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Cid anafo u geysasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
azalée
azalée, n.f. - Noocyo ubaxa kamid ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
baffle
/baafal/baffles, baffling, baffled; (v) ku wareerid, wax aan la fahmi karin ama aan la sharxi karin. e.g. Police are baffled by the girls' disappearance.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
baffle
/bafal/ (v) wereeriyow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) 1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. la-mid: daaweysii, dawee, daweysii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) 1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. m.f.dh, daawayn. la-mid: daaweysii, dawee, daweysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawee
v. medicate, treat, give medicine to someone, cure, fix (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daawee
-yey/daaweysay: (v) doctor (dhaak-tor)-, cure (kiyuur); medicate (medi-keeyt); give medical treatment to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawee
(fal) qof ama xoolo xanuun hayo wax uu ku bogsado sii.
daawee: (fal) bir iyo wixii la mid ah, ballaadhi, dubbe ku tun oo kala bixi, li daawee alqabankan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daawee
de: medicate, treat, give medicine to s.o., cure, fix (up)
lx: daawee
pd: (daaweeyey)
ps: v2b=
key: daawee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dablee
(fal) askari noqo oo ka soo billow dhibboo. Dablee adigu aniga dan baa fadhi i tidhiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadaal
(Dadaal-ka)
1. Degdeg, dhaqso, durba, haddiiba.
2. Kal iyo laab wax u qabad; hagarbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaal
dadaal¹: m.l 1. Wax qabad isxilqaamid iyo isku taxallujin leh. 2. Si dhaqso ah oo hawl loo qabto. la-mid: dedaal¹.
dadaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) 1. Si isxilqaamid iyo isku taxallujin leh hawl u qabasho. 2. Si dhaqso leh hawl u qabasho. la-mid: dedaal².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dadaal
dadaal¹: m.l 1. Wax qabad isxilqaamid iyo isku taxallujin leh. 2. Si dhaqso ah oo hawl loo qabto. la-mid: dedaal.
dadaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) 1. Si isxilqaamid iyo isku taxallujin leh hawl u qabasho. 2. Si dhaqso leh hawl u qabasho. m.f.dh, dadaalid. la-mid: dedaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadaal
v. strive, try hard
dadaal vl. n. act of striving ~ trying very hard; speed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dadaal
-ka: (n) effort (efort); struggle (istara-gel); exertion (ig-zeer-shin); endeavor (en-dhever) ~ isku-taxalujin
dadaal -ay I dadaashay: (v) strive (istaraayv); make an attempt; try hard; do one's best; endeavor (en-dhever)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DADAAL
Sforzo
Effort
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dadaal
Zelo
Zeal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaal
(fal) hawl iyo waxqabad dheeraad la imow. Dadaal gaadhi doontee. Dh: dedaal.
dadaal -ka: (magac, lab, keli) hawl iyo waxqabad dheeraad ah oo la sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldaf
(fal) wax dhulka ku daadsan gurgur. Daldal midhaha daadsan dhulka. Dh: diqdiqay.