dafdaflayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafdaflayn
(Dafdaflayn-ta)
Dafdaf la imaansho; sida dafdaflaha yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafdaflayn
m.f.dh eeg dafdaflee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafdaflayn
-ta: (magac, dhedig, keli)) fudayd iyo xog la'aan la or'ordid. Dh: miyiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafdaflays
-ka: (magac, lab, keli) dafdaflayn la imasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaalyayn
m.f.dh eeg daldaalyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafdafle
(Dafdafla-ha)
Qof dafdaf badan; meelo galgal badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafdafle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dafdaf badan; meelo galgal badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafdafle
m. n. interloper, impostor, bluffer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dafdafle
-ha: (n) hyperactive person; one who behaves improperly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafdafle
-ha: (magac, lab, keli) nin mahubsade ah; qof fudayd dartiis hadba meel aan loo dirsan ama aan lala doonayn, faraha la gala.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafdafle
de: interloper, impostor, bluffer
lx: dafdafle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dafdafle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalan
daldalan¹: m.l Hadal badan oo aan nuxur lahayn.
daldalan²: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) D./iska d.: hadal badan oo aan macno lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dąldalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la deldelay ahaansho. la-mid: deldelan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daldalan
dąldalan f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la deldelay ahaansho. m.f.dh, daldalnaan. la-mid: deldelan.
daldalan: daldalan¹: m.l Hadal badan oo aan nuxur lahayn. daldalan²: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) D./iska d.: hadal badan oo aan macno lahayn ku hadlid. m.f.dh, daldalmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daldalan
der. [adjective] moved one after an other
daldalan m. n. talkativeness, talking a lot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalan
(fal) hadal is daba joog ah oo joojin lahayn u weydid. Dh: duryan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo, kala soorid oo gadaf u yeelid. Dh: mulukayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) afbeelidda bir wax lagu jaran jiray; waxgoyn la'aanta bir af ay wax ku goyso lahaan jirtay. Afdarrayn bay gudumadu wax la goyn la'dahaye, waa in la liso. Dh: afdarrays, afbeelid, saawiroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barafle noqosho; baraf gadid. Baraflaynta dad badan baa ka faa'iiday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylayn
m.f.dh eeg dabaylee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga dabaysha u kaxayn. Xoolaha dabaylaynta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafdaflee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Dafdaf samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafdaflee
v. bluff; impose upon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafdaflee
(fal) buuq iyo jiidhjiidh samee; is qaadqaad iyo islaweynnimo samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafdaflee
de: bluff; impose upon
lx: dafdaflee
pd: (dafdafleeyey)
ps: v2b=
key: dafdaflee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadallayn
m.f.dh eeg fadallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog u ordid oo fadallo kicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid la kaftamid oo dacaayadayn. Ninkaasi xafaalaynta wuu ka cadhoodaa. Dh: xifaalayn, xafaalays. xafaalays -ta: (magac, dhedig, keli) faan iyo dacaayad isku jira samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacdarrayn
(Dacdarrayn-ta)
Rafaad ka yimid hagar iyo isku ladid ku jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacdarrayn
m.f.dh eeg dacdarree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacdarrayn
-ta: (n) lack of caring; neglect (nig-lekf); mistreatment (mistiriitment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad gacanta ku hayso daryeella'aan kula kicid. Dh: rafaadin, dhibaatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qoofalidda gammaanka lugta iyo jeeniga la isku xidho. Dh: shakaalid, shakalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandarrayn
m.f.dh eeg dandarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti uu lahaa baabi'id; qof bartiisu yaraatay ahaan. Dh: danyaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdawleyn
m.f.dh eeg dawdawlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdawleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gardarro kibir iyo aflagaado leh cid ku maagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararaflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sanqadha sidii wax baadad leh oo kolba dhinac u duulaya samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg haldhabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadallo is dhaaf ah oo kala duwan, ku hadlid; marba si u hadlid; labo siyood oo is burinaya ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadablayn
m.f.dh eeg labadablee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolka xanuun la dareemo, ereyga 'aax' ku celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan af lahayn ahaansho (qalab wax gooya).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdaran
(tilmaame) bir goynteedu daran tahay; bir saawir ah.
afdaran: (tilmaame) qof afxun kolka uu hadlayo; qof si aan asluubaysnayn u hadla.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awdalan
(tilmaame) wax meel ku xanniban ama ku go' doonsan oo aan dariiq u furnayn. Kama ay ajoodaan xisaab moora awdalane. Dh: xidhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafsan
(tilmaame) qof bakooro hayso. Carruurta daafsan carruurta kale ka durkiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daallan
1. (-) Daal hayo; daaley.
2. (Daallan-ka) Cunno macmacaan oo jaadad badan ah oo cunnada weyn dabadeeda la cuno; (ama daalan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daallan
m.l Cunno macmacaan oo jaadad badan ah oo cunnada weyn dabadeed la cuno. la-mid: daalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dąallan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax noog hayo ahaansho. la-mid: dąalan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daallan
dąallan: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax noog hayo ahaansho. la-mid: dąalan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daallan
der. [adjective] tired
daallan n. sweet, dessert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daallan
(tilmaame) qof tacabsan oo hawl badan qabtay. Nin daallani dar ma shubo duunyana ma daajiyo. Dh: noogsan, dakaansan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daawayn
-ta: (n) the act of treating with medicine; medication (medi-keey-shin); remedy (ramidi) medical treatment ~ daaweyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax ku daddan ahaan. Dh: mammanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafraan
m.l.kh la-mid: dafshaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallayn
m.f.dh eeg dallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nolol wanaagsan iyo khayr filasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dandaan
* (Dandaan-ka)
Dhagax weyn oo culus; case; dhadhaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dąndaan
m.l (-nno, m.dh) Dhagax weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dandaan
m. n. boulder, heavy stone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dandaan
-ka: (n) large rock; boulder (bowldhar) ~ dhagax-wayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandaan
-ka: (magac, lab, keli) dhagax weyn oo culus. Dh: dhadhaab, dhardhaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dandaan
de: boulder, heavy stone
lx: dandaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dandaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardaan
-ka: (magac, lab, keli) wax aanay waxba ka jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faclayn
(Faclayn-ta)
(xoolaha yaryar) orod facle ah, ordid; durdurin; boodboodid; cayaarid, rabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faclayn
m.f.dh eeg faclee. la-mid: facle (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod facle ah oo ay xoolaha yaryari ordaan, samayn. Dh: durdurin, boodboodid, ordid, ciyaarid, rabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faglayn
m.dh la-mid: fadallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si fahle ah u socosho. Dh: fahlays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalayn
(Gaafayn-ta)
Diinta Muslinka ka saarid; gaal ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalayn
m.f.dh eeg gaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaal ka dhigid; diinta Islaamka ka saarid; qof muslim ah gaal ku sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaflayn
(Jaflayn-ta)
(xoolo) lugaha danbe wax ku haraatiyid, siiba lo'da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaflayn
m.f.dh eeg jaflee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, xagga danbe wax u harraatiyid. Dh: harraati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalan
m.l Jirriqaa; warriiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kadalan
m.l Jirriqaa; warriiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadlayn
(Kadlayn-ta)
(fardo) kadle orod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadlayn
m.f.dh eeg kadlee. la-mid: kadlays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orad aan xawaare ahayn oo afarta addin la is weydaariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naafayn
(Naafayn-ta)
Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafayn
m.f.dh eeg naafee. la-mid: naafid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naafayn
-ta: (n) the act of disabling (dis eey baling); crippling or laming; mutilation (miyuu taley-shin); maiming (meeyming) curyaamin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) curyaamin iyo heerid. Naafayntu waa dil laga badbaaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaali ka dhigid. Dh: qaaliyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xayawaan saalo dhigid.
saalayn -ta: (magac, dhedig, keli) saalo dhigid; saalood.
saalayn-ta: (magac, dhedig, keli) 'xayawaan' saalo dhigid. Saalayn lo'aad oon baa keena. Dh: saalood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalayn
(Xaalayn-ta)
Dan u gelid; wax ka qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalayn
m.f.dh eeg xaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xil iska saarid: ihtimaam gaar ah siin; il gaar ah ku eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdabayl
m.l (-lo, m.l) Buntuq aan booba ahayn, dheer, oo kow iyo toban xabbadood qaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdabayl
-ka: (magac, lab, keli) weel yar oo koob ama kubbaayad dhegle ah le'eg oo shaaha lagu cabbi jiray waayadii hore. Dh: bilaale, afkulibidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdarray
(fal) afbeel oo waxba ha goyn, saawir noqo. Dh: afbeel, afdarree, saawirow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba'alayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ku celcelinta ereyga 'ba'a' laftirkiisa. Ba'alaynta balaayaa ka danbaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baallayn
m.f.dh eeg baallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac jirid; doc xigid. Baallaynta iga daayoo dhexda soo joogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baddalan
baddalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) la-mid: beddelan¹.
baddalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) la-mid: beddelan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baddalan
der. [adjective] changed, different, substituted, transformed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baddalan
-baddalnaa / baddalnayd: (adj) changed (jan-jidh); transformed (taraanis-foormidh); different (dif-rent)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baddalan
(tilmaame) sidii lagu ogaa si ka duwan ah, doorsan oon astaamihii hore lahayn. Ninkii oo baddalan ayaa noo soo noqday. Dh: doorsan.