daddaabbeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daddaabbeysan
Daddaabbe ku xiran yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daddaabbeysan
der. [adjective] tethered, tied
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daddaabbeysan
de: tethered, tied
lx: daddaabbeysan
ps: adj-der
key: daddaabbeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la daddaabeeyay ahaansho (xoolo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabeysan
(tilmaame) faras xadhig ku xiran yahay. Faras daddaabeysan maad aragteen? Dh: shakaalan, shakalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabbeysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shakaalan ahaan. Daddaabbeysnaan ayuu farasku ku daagaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daddaabbeyn
(Daddaabbeyn-ta)
(fardo) daddaabbe ku xirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabaysan
(tilmaame) wax dabran oo xadhig ku xiranyahay. Dh: shakaalan, shakalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabeysnaan
m.f.dh eeg daddaabeysan. la-mid: daddabeysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabeyn
m.f.dh eeg daddaabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabeys
-ka: (magac, lab, keli) daddaabeyn faras ku samayn. Daddaabeyska fardaha haka illoobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaabaysan
(tilmaame) ceel leh karkaarro ama qori.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabeysad
m.l la-mid: dadaabeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabeysi

dadaabeyso
f.g3 (-stay, -satay) Awr jilbaha korkooda ka xirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qoofalidda gammaanka lugta iyo jeeniga la isku xidho. Dh: shakaalid, shakalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabbee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Xoolo, daddaabe ku xirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daddaabbee
v. tie up (a horse), tether
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabbee
(fal) shakaal oo lug dambe iyo tu hore isku xidh. Faraska daddaabbee. Dh: shakaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daddaabbee
de: tie up (a horse), tether
lx: daddaabbee
pd: (daddaabeeyey)
ps: v2b=
key: daddaabbee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daltabyeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nafley dalkeedii u hilowday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daltabyeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nafley dalkeedii u hilowday ahaansho. m.f.dh, daltabyeysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaabyeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax kabaabyo hayso ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddaysan
(tilmaame) wax faddaraysan ahaan; wax wasakhaysan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabboxidhan
(tilmaame) jeeniga iyo lugta danbe isku xidhan. Dartaabuu xamar tooyad, u daddaabboxidhnaa! Dh: shakaalan, daddaaboxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: dacayan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaansad
m.l la-mid: dandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danabaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la danabeeyey ahaansho (bir).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danabaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la danabeeyey ahaansho (bir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardhaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aad u dhaxamaysan ahaansho (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaaweysad
-ka: (magac, lab, keli) cadow ka dhigasho; cadaaweysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawladeysan
(tilmaame) waddan dawlad leh oo nidaamkii iyo maamulkii wada gaaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degaameysan
(tilmaame) dhul ay nololi ka suuro galeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddaraysan
Faddaro gaartey; wasakhi ku ba'day.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la faddareeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddaraysan
der. [adjective] dirty, filthy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faddaraysan
-aa ayd: (adj) contaminated (kon taam eneey-tidh); unclean; dirty; polluted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaraysan
(tilmaame) qof ama dad dhaqan xun oo akhlaaq daran. Dh: fasaqmay, xumaaday.
faddaraysan: (tilmaame) ahaanta wax wasakhoobay. wax ay najaaso ama faddaro gaadhey.
faddaraysan: (tilmaame) wax wasakhaysan ama nijaasaysan. Maro faddaraysan laguma tukado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddaraysan
de: filthy
lx: faddaraysan
pd: (faddaraysnaa)
ps: adj-der
key: faddaraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkabeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cid wax degdeg ku jiro ahaansho
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karkabeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cid wax degdeg ku jiro ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaaweysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax kawaawe lagu simay ahaansho (beer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madoobeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax midab madow loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madoobeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax midab madow loo yeelay ahaansho. m.f.dh, madoobeysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobeysan
der. [adjective] tinged with black, blackened, darkened; clouded, obscured; saddened, sad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobeysan
(tilmaame) la madoobeeyey ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madoobeysan
de: tinged with black, blackened, darkened; clouded, obscured; [fig.] saddened, sad
lx: madoobeysan
pd: (madoobeysnaa)
ps: adj-der
key: madoobeysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdaleysan
(tilmaame) mid cadho Ilaahay qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacdarraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dacdarro hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacdarraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dacdarro hayso ahaansho. m.f.dh, dacdarraysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacdarraysan
der. [adjective] neglected, mistreated, oppressed; distressed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacdarraysan
(adj); neglected (nig-lektidh); mistreated (mistiriitidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarraysan
(tilmaame) wax silic iyo saxariir haysato. Dh: jirraban, dhibaataysan, rafaadsan, baylahsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacdarraysan
de: neglected, mistreated, oppressed; distressed
lx: dacdarraysan
pd: (dacdarraysnaa)
ps: adj-der
key: dacdarraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandarraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dandarro hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dandarraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dandarro hayso ahaansho. m.f.dh, dandarraysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dandarraysan
der. [adjective] poor; indigent, in a state of misery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dandarraysan
(adj) needy (niidhi); destitute (dhes-ti-tuut); poor (puur) ~ dacdarraysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandarraysan
(tilmaame) mid caydhoobay oo hayndarro haysato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dandarraysan
de: poor; indigent, in a state of misery
lx: dandarraysan
pd: (dandarraysnaa)
ps: adj-der
key: dandarraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhaabad loo yeelay ahaansho (arrin).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gamaanyeysan
-aa: (n) sleepy (isliipi)', or sluggish [inactive] from sleep
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaadeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax jallaadyo loo qeybshey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdalleysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nacaladeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhaysan
(tilmaame) liibaan qaba oo aad u ladan; mid farxad iyo raynrayn ku jooga. Dh: barwaaqaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabeysasho
m.f.dh eeg dadaabeyso. la-mid: dadaabaysad, dadaabeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liidaanyeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof wax liidaanyo hayso ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madbacadeysan
(tilmaame) eeg madbacadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddiiddeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax maddiiddo lagu akhriyey ahaansho (haweeney).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maddiiddeysan
Comp. adj., (ie. n., adj.): subjected to magic (of a woman)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maddiiddeysan
de: subjected to magic (of a woman)
lx: maddiiddeysan
pd: (maddiiddeysnaa)
ps: adj-cmp
see: maddiiddo
key: maddiiddeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daltabyeysnaan
m.f.dh eeg daltabyeysan. la-mid: daltabyeysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fandhaallaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax fandhaal la socdaan ahaansho (xeero).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fandhaallaysan
(tilmaame) mid ay fandhaalladeedu u dhan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabajaabeysad
m.l la-mid: jaabeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaabyeysnaan
m.f.dh eeg kabaabyeysan. la-mid: kabaabyeysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaddibleysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax labadible loo xiray ama loo qabtay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la qalabeeyay ahaansho. 2. Wax la qurxiyay ahaansho. 3. Wax la hubeeyay ahaansho (ciidan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladeysan
(tilmaame) mid qalab millateri iyo awood leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aarad loo yeelay ahaansho (maro, daah iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradeysan
(tilmaame) maro liid midabaysan cidhifkeeda lagu qurxiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho (dhul).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax abaari haleeshay ahaansho. Tusaale: Meeshaasi waa dhul abaaraysan. m.f.dh, abaaraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysan
(tilmaame) deegaan roob waayay oo oomane noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaareysad
m.l la-mid: abaaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabaysad
-ka: (magac, lab, keli) qalab shaqo loogu baahan yahay urursigii. Dh: alaabaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabba'san
Tirtirmay; aan muuqan; la baabba'shay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabba'san
f.mg4 (-naa, -nayd) Baabba' ku dhacay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabba'san
f.mg4 (-naa, -nayd) Baabba' ku dhacay ahaansho. m.f.dh, baabba'sanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabba'san
der. [adjective] finished, wiped out, erased, annihilated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baabba'san
-aa / ayd: (adj) 1. eliminated (i-limineeytidh), eradicated (iraadikeeytidh). 2. wiped out (waaypidh aawt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabba'san
(tilmaame) wax tirtiran oo aan waxba ka jirin. Dh: burbursan, tirtiran. Li: jira, dhisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabba'san
de: finished, wiped out, erased, annihilated
lx: baabba'san
pd: (baabba'sanaa)
ps: adj-der
key: baabba'san
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadsan
(tilmaame) mid samatabaxay; mid nabadgalay. Dh: samatabaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaaweysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cadaaweysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaaweyso
(fal) collayso oo cadow ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: cadcadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daangeysad
m.l la-mid: daangeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof dacar haysa ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacaraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof dacar haysa ahaansho. m.f.dh, dacaraysnaan.