daddaabbeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daddaabbeyn
(Daddaabbeyn-ta)
(fardo) daddaabbe ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabeyn
m.f.dh eeg daddaabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daddaabbeysan
Daddaabbe ku xiran yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daddaabbeysan
der. [adjective] tethered, tied
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daddaabbeysan
de: tethered, tied
lx: daddaabbeysan
ps: adj-der
key: daddaabbeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabeyn
m.f.dh eeg dadaabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daddaabbe
(Daddaabba-ha)
Xarig fardaha, kd., lagaga xiro lug iyo jeeni si ayan u cararin ama u fogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabbe
m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Xarig si isweydar ah lug iyo jeeni loogu xiro geela; weydaar. 2. Xarig la iskula xiro qoorta iyo xabadka faraska si uusan aad ugu ordin. 3. Hangool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daddaabbe
m. n. rope for tying horses, etc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daddaabbe
de: rope for tying horses, etc.
lx: daddaabbe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: daddaabbe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qoofalidda gammaanka lugta iyo jeeniga la isku xidho. Dh: shakaalid, shakalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabbee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Xoolo, daddaabe ku xirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daddaabbee
v. tie up (a horse), tether
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabbee
(fal) shakaal oo lug dambe iyo tu hore isku xidh. Faraska daddaabbee. Dh: shakaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daddaabbee
de: tie up (a horse), tether
lx: daddaabbee
pd: (daddaabeeyey)
ps: v2b=
key: daddaabbee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabeys
-ka: (magac, lab, keli) daddaabeyn faras ku samayn. Daddaabeyska fardaha haka illoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la daddaabeeyay ahaansho (xoolo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabeysan
(tilmaame) faras xadhig ku xiran yahay. Faras daddaabeysan maad aragteen? Dh: shakaalan, shakalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabe
-ha: (mmagac, lab, keli) xadhigga lugta iyo jeeniga gammaanka lagaga xidho si aanay u cararin. Daddaabaha faraska ku xira. Dh: shakaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabay
(fal) neef gammaan ah, daddaabe ku xidh. Dh: shakaal, shakal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabee

daddaabaysan
(tilmaame) wax dabran oo xadhig ku xiranyahay. Dh: shakaalan, shakalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabeysnaan
m.f.dh eeg daddaabeysan. la-mid: daddabeysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Neef geel ah jilbaha korkooda ka xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahabeyn
m.f.dh eeg dahabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti, dahab ka dhigid. Xoolihii oo dhan dahabeyn ayaan ku wadaa.
dahabeyn -ta: (magac, dhedig, keli) walax, midab dahab u rogid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ddaaweyn
de: treatment, giving medical attention
lx: ddaaweyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ddaaweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaamin
m.dh la-mid: dandaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaddaabe
-ha: (magac, lab, keli) xadhig gammaanka lagu dhakaalo. Dh: dabar, dhaddaabaxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafeyn
m.f.dh eeg gadaafee la-mid: gadaafays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haddaayey
Goor dhoweyd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haddaayey
fk. Goor dhoweyd.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haddaayey
fk. Goor dhoweyd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddaayey
adv., time: recently, just now, a moment ago
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haddaayey
(adv) not long ago; a short time ago: recently (rii santli) ~ goordhaweyto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaayey
(falkaabe) tilmaama goor dhoweyd. Dh: haddaanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddaayey
de: recently, just now, a moment ago
lx: haddaayey
ps: adv-time
key: haddaayey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardabeyn
m.f.dh eeg qardabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tagaabeyn
m.f.dh eeg tagaabee. la-mid: tagaabo (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagaabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, caawin; kaalmayn; taageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaad iska yeelid; wadaadnimo ku shaqayn. Wadaadeyn wadaad laguma noqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabeysi
m.l la-mid: dadaabeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabeyso
f.g3 (-stay, -satay) Awr jilbaha korkooda ka xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdawleyn
m.f.dh eeg dawdawlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdawleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gardarro kibir iyo aflagaado leh cid ku maagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaabyeyn
m.f.dh eeg kabaabyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marxabbeyn
m.f.dh eeg marxabbee. la-mid: marxabbeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marxabbeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) haye hayeda hayn; wixii laguu diraba aqbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaaddeyn
(Wadaaddeyn-ta)
Wadaad iska dhigid, isu ekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaaddeyn
m.f.dh eeg wadaaddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabaxir
(fal) shakaal oo lugta hore iyo tu dambe isku xidh. Dameerka daddaabaxidh.
daddaabaxir -ka: (magac, lab, keli) shakaalid oo neef gammaan ah lugta hore iyo ta dambe isku xidhid. Farduhu daddaabaxidhka way ku socon yagaanniin. Dh: shakaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaalyayn
m.f.dh eeg daldaalyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaaddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faddaraynta iyo wasakhaynta wax nadiif ahaa. Dh: faddaaddays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibindaabyeyn
(Dibindaabyeyn-ta)
Waxyeello nac ku jiro cid gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibindaabyeyn
m.f.dh eeg dibindaabyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabaxidh
(fal) fardo shakaal ku xidh. Dh: shakaal, daddaabaxir.
daddaabaxidh-ka: (magac, lab, keli) fardo shakaal ku xidhid. Dh: shakaal, daddaabaxir.
daddaabaxidh -ka: (magac, lab, keli) daddaabe ku xidhid. Dh: shakaalid, daddaabaxirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dardaarwerin
(Dardaarwerin-ta)
Qof u sheegid dareen iyo dhibatooyin xunxun oo ku soo socda oo ku dhici doona; gooddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardaarwerin
m.f.dh eeg dardaarweri. la-mid: dardaarweris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardaarwerin
-ta: (magac, dhedig, keli) wixii talo iyo tusale dadkii hori yidhaaheen sheegid.
dardaarwerin-ta: (magac, dhedig, keli) xumaanta iyo xisaabta aakhiro ee sugaysa qof kale, u sheegid.
dardaarwerin -ta: (magac, dhedig, keli) sheekooyinka dadka waaweyn ay weriyaan oo dhacdooyin, waaya'argnimo iyo mawaaqif xigmadaysan ay ku sheegaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabajaabeyn
m.dh 1. Dad isku dhex jira oo aan isgaranayn. 2. Dad keli keli ah. 3. la-mid: jaabeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaabajaabeyn
-ta: (magac, dheddig, keli) dad isku dhex jira oo aan isgaranayn.
jaabajaabeyn -ta: (magac, dheddig, keli) dad keli keli ah. Dh: jaabeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaqableyn
m.f.dh eeg kabbaqablee. la-mid: kabbaqubleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaddableyn
m.f.dh eeg labadablee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddaahaneyn
m.dh la-mid: muddaahineyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaahaneyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sarbeeb iyo muddaahano ku wadid. Dh: maldahid, suluulixin, hoosdhigid, muddaahinays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muddaahineyn
(Muddaahineyn-ta)
Muddaahino ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddaahineyn
m.f.dh eeg muddaahinee. la-mid: muddaahaneyn, muddaahano, muddaahino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarbaqarbeyn
m.f.dh eeg qarbaqarbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarbaqarbeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qarboqarbo gelin oo dedejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adyadeyn
m.f.dh eeg adyadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adyadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, afka ku dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaabayn
m.f.dh eeg alaabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xafiis iyo wax la mid ah, qalab shaqo soo dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaaban
(tilmaame) mid cadaab ku jira; mid saxariirsan oo kadeed qaba. Dh: kadeedan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaawey
(fal) cadow ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadeyn
m.dh la-mid: cadcadeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xisaabin; cadad sheegid. Dh: tirin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caddaawe
nickname-m whitish; light-skinned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caddaawe
ama Caddow, magac loo baxsho wiil midab caddaan ah u dhashay.
magac loo baxsho wiilka dhashay isaga oo leh midab aad u cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daangeyn
m.f.dh eeg daangee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqgeyn
m.f.dh eeg daaqgee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dandaami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daddaami
v. lift a heavy weight, carry something heavy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daddaami
a: dandaami
de: lift a heavy weight, carry s.t. heavy (of two ~ more people)
lx: daddaami
pd: (daddaamiyey)
ps: v2a=tr
key: daddaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danabayn
m.f.dh eeg danabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax danab ridaya, ka yeelid. Birlabta ayaa kaalin weyn ku leh danabaynta.
danabayn -ta: (magac, dhedig, keli) walxaha aan lahayn danab, danab u yeelid. Walxuhu way u kala nugul yihiin danabaynta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbaabe
-ha: (magac, lab, keli) qof dembi gala. Beni'aadanku waa dambaabe. Dh: dambaabe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darajeyn
(Darajeyn-ta)
Magac iyo darajo u yeelid; weyneyn; muunayn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darajeyn
m.f.dh eeg darajee. la-mid: derejeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darajeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) maamuusid oo qiimo iyo qaayo u yeelid. Darajeynta culumadu waa u adeegga cilmiga. Dh: derejeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdabin
m.f.dh eeg dawdabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, meel dheer u aroorin. Dh: aroorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbayn
(Dhabbayn-ta)
1. Dhabbe marid; qoodayn; socod.
2. Dhabbe ka dhigid.
3. Habka xaskusha loo tumo qaarkiisa danbe: waa tumidda labaad oo ku xigta god ka soo bixinta, oo laga dhigo wax xallefsan, oo kolka qorraxda lagu waro durba engega.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbayn
m.f.dh eeg dhabbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan jid ahayn daw la maro ka bannayn. Dh: waddayn, jidayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabbayn
m.f.dh eeg gaabbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabbayn
-ta: (magac, dheddig, keli) si aayar ah u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaaye
(falkaabe) eeg haddeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaabin
(Ladaabin-ta)
Ladaab u shubid; durduurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabin
m.f.dh eeg ladaabi. la-mid: ladaabis.