dadbi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadbi
v. carry something diagonally; place something across
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadbi
de: carry s.t. diagonally; place s.t. across
lx: dadbi
pd: (dadbiyey)
ps: v2a=tr
key: dadbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadbid
(Dadbid-da)
Gudub u dhigid; babcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadbid
m.f.dh eeg dadab³. la-mid: dadab¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadbid
-da: (magac, dhedig, keli) aqalka taagid; aqal dhis. Dadbidda aqalka waxa ka hoorreeya halkii laga dhisi lahaa oo la helo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadbin
m. n. center tent-pole; axle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadbin
-ta: (magac, dhedig, keli) hararrada aqalka lagu weegaaro. Dh: weedhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadbin
de: center tent-pole; [ext.] axle
lx: dadbin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dadbin
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DAABI
[RABI] Commicarpus sp 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbi
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin murugsan daawo u helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabbi
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin murugsan daawo u helid. m.f.dh, dabbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambi
m.l la-mid: dembi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambi
m. n. blame; crime
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dambi
-ga: (n) crime (karaaym); offense also offence (o-feensi); sin (sin); misdeed (mis-dhiidh); wrongdoing (roong-dhu-wing) ~ dambi, danbi, falxun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambi
-ga: (magac, lab, keli) gaf uu qof ku khaldamo; wax rabbi kaa reebay samayntii. Dh: denbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambi
bw: Arabic
de: blame; crime
lx: dambi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: dembi
key: dambi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Danbi
Reato; crimine
Offence; crime
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbi
-ga: (magac, lab, keli) gef la galo oo wax aan sharcigu oggolayn la sameeyo. Danbi nin laa la iska saaraa. Dh: dembi, dambi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbi
darbi¹: m.l la-mid: derbi.
darbi²: f.g2 (-iyay, -isay) Cunto la iidaamay gacanta ku cunid. la-mid: sarbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darbi
v. eat with one's hands
darbi v. prepare
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darbi
-ga: (n) wall (woo/); partition (paarti-shiri) ~ derbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbi
(fal) garaac oo xanuuni.
darbi da: (magac, dhedig, keli) xisaabta ku dhufashada ee la isku badiyo. Dh: ku dhafasho.
darbi-ga: (magac, lab, keli) gidaar dheer oo dherer iyo dhumuc leh. Dh: gidaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadab
dadab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. la-mid: dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin. 4. la-mid: dadbid.
dadab²: m.dh (-bo, m.l) 1. Ardaa quruxsan oo ay cid u dhisto nin gabar ka doonaya. 2. Rarada la saaro aqalka miyiga.
dadab³: f.g1 (-dbay, -dabtay; -dbi) Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dadab
dadab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. la-mid: dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin.
dadab²: f.g1 (-dbay, -dabtay; -dbi) Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid. m.f.dh, dadbid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
turn away
/tern awey/ (adv) (v) 1. ka-jeensaho (wajiga ka dadbid) (adv) (v) 2. dib u celin (cayrin).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Axle, front/back
Dadbin hore iyo dabin dambe
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Chasis
Dadbin qacaadad
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Chassi
Qacaadad, Dadbin
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Chassis
Dadbinyo, qacaadad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalleecasho
-da: (magac, dhedig, kali) dadbidda wejigaaga adigoo wax fiirinaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadabsi
(Dadabsi-ga)
1. Leexsasho; duufsasho.
2. Xumaan ugu soo bixid; isku taagid; daandaansi; doolaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabsi
m.l la-mid: dadabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadabsi
vl. n. act of swaying, influencing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabsi
-ga: (magac, lab, keli) leexsadka ruux la leexsado. Dadabsi iyo sasabasho ayuu ku kaxaystay ninku gabadha. Dh: duufsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadabsi
de: act of swaying, influencing
lx: dadabsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: dadabsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadbari
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar ay wadajir u dheelaan ragga iyo haweenku ba oo caan ku ah gobolka Togdheer iyo meelo kale oo ka mid ah ciyaaraha aan durbaanka lahayn ee jiibta, jaanta iyo sacabka keliya lagu ciyaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Caano, biyo iyo wixi lamida si dhaqso leh u cabbid. 2. Hal si dhaqso leh u lisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdabi
(fal) meel dheer u aroori. Dh: aroori.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabid
(Daabid-da)
Daab la qabto u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabid
m.f.dh eeg daab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax daabi ku dhacday oo buka noqosho. Nirgaha daabidda ka ilaaliya. Dh: daabis.
daabid-da: (magac, dhedig, keli) gudun, billaawe. taki, dongore iyo wixii la mid ah, daab u samay. Dh: daabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbin
m.f.dh eeg dabbi. la-mid: dabbis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabbir
-ay / tay: (v) manage (maanij)', handle (handhel)-, deal with, conduct ~ xalli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbis
m.l la-mid: dabbin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dadaji
-yey / say: (v) rush (rash); hasten (heey-sen); speed up; accelerate (ak-sala-reeyt); expedite (ekis-pi-dhaayt) ~ dedeji, deddeji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaji
(fal) wax samayntii, ku dhaqso oo degdeg u samee. Dh: dedeji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadban
Gudub u dhigan; la babcay; gudban; babcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dadbay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dadban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dadbay ahaansho. m.f.dh, dadbanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadban
der. [adjective] across; transverse, diagonal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dadban
(adj) diagonal (dhaaya-ganal); oblique (ob-liik); across (aka-roos)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dadban
Indiretto
Indirect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadban
(tilmaame) wax aan toos kugu ahayn; wax kaa leexsan. Dukaanka cabdi wuu naga yara dadban yahay. Dh: gudban.
dadban: (tilmaame) shay si gudban dhulka u yaalla. Udubku wuu dadban yahay ee toos u qotomi. Dh: leexsan, qalloocsan.
dadban: (tilmaame) shay wax kaaga gudban oo kaa qarinaya. Bishii ma arkee, ma daruur baa ku dadban?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadban
de: across; transverse, diagonal
lx: dadban
pd: (dadbanaa)
ps: adj-der
syn: babcan
key: dadban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daddil
(Daddil-ka)
Neef xoolo ah oo dadka dila.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddil
m.l (-llo, m.dh) Xawayaanka inta dadka kula dagaalanta herdida, durdurada, xaraatida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daddil
m. n., [compound] dangerous domestic animal; killer, murderer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddil
-ka: (magac, lab, keli) neef xoolo ah oo dadka dila.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daddil
de: dangerous domestic animal; killer, murderer Contrast: dadqaad
lx: daddil
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: daddil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadliq
m.l.kh D. ah: meel biyo badan oo dadka aan dabbaasha aqoon ku haftaan. la-mid: dadlaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dadliq
m.l.kh D. ah: meel biyo badan oo dadka aan dabbaasha aqoon ku haftaan. la-mid: dadlaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadliq
-a: (magac, lab, keli) eeg dadlaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadmid
m.dh la-mid: dedmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahabi
m.l.kh D. ah: wax midab dahab leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dahabi
m.l.kh D. ah: wax midab dahab leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dahabi
m. n., [abstract] (adj.): gold (color); golden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dahabi
-ah: (adj) golden (goldhan) ~ dahab u-eg. Ex: timo dahabi ah, golden hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahabi
-ga: (magac, lab, keli) midabka dahabka oo kale leh. Ul dahabi ah ayuu caruusku sitaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dahabi
bw: Arabic
de: gold (color); [atr.] golden
lx: dahabi
pd: (-ga)
ps: n-m-abs
key: dahabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalbid
(Dalbid-da)
Doonid; weyddiisasho, rabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalbid
m.f.dh eeg dalab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalbid
-da: (magac, dhedig, keli) doonitaanka wax aad rabtid. Dh: rabid, codsad, weyddiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbid
(Darbid-da)
1. Diyaar ka dhigid; diyaarin.
2. Qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbid
m.f.dh eeg darab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbid
-da: (magac, dhedig, keli) waran iyo wixii la mid ah si toos ah u ganid. Dh: ganid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darbin
(Darbin-ta)
Badarka bisil oo iidaaman oo aan aayar la qaadqaadan ee hadba shan farood iyo caacal buuxa la qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbin
m.f.dh eeg darbi². la-mid: sarbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbi
f.g2 (-iyay, -isay) 1 . Biyo yar wax ku qoyn. 2. Qof ulayn. 3. la-mid: dharki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharbi
v. soak, dampen (the ground)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbi
(fal) laxood ama wax kale, biyo, shaah, maraq iyo wixii la mid ah, ku qoo oo ka dhergi. Dh: goo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharbi
de: soak, dampen (the ground) rw: dharab
lx: dharbi
pd: (dharbiyey)
ps: v2a=
key: dharbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudubi
(fal) si degdeg ah wax ucun. Dudubi qadada ragbaa ku sugayee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadoobid
(Dadoobid-da)
Dhalanka iyo baxaalliga dadkoo kale yeelasho; dad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadoobid
m.f.dh eeg dadow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada dhaqanka fiican ee dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdabin
m.f.dh eeg dawdabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, meel dheer u aroorin. Dh: aroorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abi
-da: (magac, dhedig, keli) madheerta haweenayda dhashay iyo wixii kale ee weheliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adi
(Adi-ga)
(adiga, aad; ku, kuu...) qofka lala hadla hayo ama wax loo qora hayo magacuyaalkiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adi
mu.eb la-mid: adiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adi
pron., sg. you, thou
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adi
(pronoun) you ~ adiga. Ex: adi buu kula hadlayaa; he is talking to you
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adi
-ga: (magac'uyaal) magacuyaalka qofka lala hadlayo ama wax loo qorayo. Adiga ayaa jooga aqalka, markii uu tuuggu soo dhacay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adi
cf: adiga
de: you, thou
lx: adi
pd: (ad)
ps: pro-red-2sg
xe: You and Khadar come!
xv: Adiyo Khadar kaaleya!
key: adi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dab
(Dab-ka)
Kulaylka iyo iftiinka ka yimaada, wixii la gubo ama la shido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dab
dab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. la-mid: deb.
dab²: m.dh Ceel maax ah oo aan dowlis lagu cabbin.
dab³: f.g1 (-bay, -btay) 1. Ugaar, shimbir iyo wixi lamida dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dab
dab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. la-mid: deb.
dab²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Ugaar, shimbir iyo wixi lamida dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn. m.f.dh, dabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dab
m. n. fire
dab v. trap, entrap, snare; braid; tow (a vehicle)
dab vl. n. trapping