dadab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadab
1. (Dadab-ka) Gudub; babac.
2. (Dadab-ta) Wareeg; waageer; meegaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadab
dadab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. la-mid: dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin. 4. la-mid: dadbid.
dadab²: m.dh (-bo, m.l) 1. Ardaa quruxsan oo ay cid u dhisto nin gabar ka doonaya. 2. Rarada la saaro aqalka miyiga.
dadab³: f.g1 (-dbay, -dabtay; -dbi) Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dadab
dadab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. la-mid: dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin.
dadab²: f.g1 (-dbay, -dabtay; -dbi) Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid. m.f.dh, dadbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadab
m. n. horizontal thing; newborn baby
dadab [feminine] n. area cordoned off, place designated for certain functions
dadab v. place as an obstacle; put something down across something else; hold a newsborn baby keeping its legs together
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dadab
-ah: (adj) horizontal (hori-zantel); sideways (saaydh-weeys) ~ dadban, dhinac —dadab -ay / tay: (v) put or place sideways or horizontal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadab
(fal) si dhinac ah u dhig. Dadab miiskan ku gudban afaafka. Dh: gudub, babbac.
dadab-ka: (magac, lab, keli) si leexsan oo aan toos ahayn. Kursigu si dadab ah ayuu u yaallaa. Dh: gudub.
dadab-ka: (magac, lab, keli) buur weyn.
dadab -ta: (magac, dhedig, keli) docda dhiska aqal-Soomaaliga. Goormaan dadab galaynaa. Dh: ilaxidh, daho, meegaar, dadabwareeg, waageer, aqal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaab
-ka: (magac, lab, keli) qori weyn oo dogob ah oo loogu daadego godadka ceelasha iyo wixii la mid ah. Dh: makaab, xakab, karkaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdab
(fal) u aroor meel aad u dheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhadab
m. n. movie ~ cinema screen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adab
(Adab-ta)
Kolay yar oo wax lagu gurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adab
adab¹: m.l Suugaan.
adab²: m.dh (-byo, m.l) 1. Qalab u gaar ah aqal Soomaaliga oo wax lagu rito sida qufadda, xashinta iyo wixi lamida. 2. Kolay yar oo ka samaysan harag ama mayrax oo ay haweenku wax ku gurtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adab
m. n., [collective] discipline (in education)
adab [feminine] n. small container, bag, purse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adab
-ka: (n) 1. discipline (disipiliin)-, 2. a branch of knowledge or teaching; art (aart)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adab
-ka: (magac, lab, keli) magac guud oo lagu tilmaansado suugaanta, waana erey ka soo jeeda af Carbeed.
adab -ta: (magac, dhedig, keli) anshaxa iyo. dhaqanka wanaagsan.
adab-ta: (magac, dhedig, keli) kolay yar oo ka samaysan maydhax iyo wax la mid ah oo ay haweenka Soomaaliyeed wax ku ridan jireen.
adab -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah agabka aqal Soomaaliga oo wax lagu gurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daab
1. (Daab-ka) Alaabta ama qalabka qaarkiis, docdiisa loogu talaggalay in la qabto ama lagu qaado, kd.
2. (Daab-ta) Xanuun kubadhagaxow daran wata oo ku dhaca ubadka yaryar iyo weylaha iyo maqasha oo caanaha cusub iyo danbarku keenaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daab
daab¹: m.l (-bab, m.l) Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iyo wixi lamida loo adeegsado.
daab²: m.dh 1. Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan. 2. la-mid: doog².
daab³: f.g1 (-bay, -btay) Qalab goynta, jebinta, qodidda iyo wixi lamida loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daab
daab¹: m.l (-bab, m.l) Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iyo wixi lamida loo adeegsado.
daab²: m.dh Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan; doog².
daab³: f.g1 (-bay, -btay) Qalab goynta, jebinta, qodidda iyo wixi lamida loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid. m.f.dh, daabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daab
m. n. handle
daab v. make a handle, put a handle on
daab [feminine] n., [collective] diarrhea, disease in calves
daab [feminine] n. injury, wound
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daab
-ka: (n) handle (handhal); shaft (shaaft); ax handle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daab
(fal) mindi, gudin, kabatole iyo wixii la mid ah, daab gali. Kababtole aan daab lahayn kabo laguma tolo.
daab-ka: (magac, lab, keli) gudin, waran, mindi iyo wixii la mid ah, inta aan birta ahayn ee laga qoro laamaha geedka. Daab iyo dhillisi isu baahanaa, Allow yaa isku beega.
daab -ta: (magac, dhedig, keli) shuban maqashu ay ka qaaddo danbarka marka ay si tandhaaf ah u jaqaan. Nirigtan daab baa dili haddaan danbarka loo mitamin.
daab -ta: (magac, dhedig, keli) nafaqodarro iyo gaajo xanuun isu roga oo ku dhacda maqasha marka ay soo dhalato ee aan la anqarin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Daab
Gacanqabsiga dubbaha, soofaha, dismiska, mudaca ee ka samaysnaan kara loox, caag (blaastiig) iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadan
dadan¹: m.dh la-mid: dedan¹.
dadan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: dedan².
dadan³: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: dedan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadar
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah noocyada jaadka oo ka baxa meel magacaa leh. Dadar baan soo iibsaday duhurkii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dahab
(Dahab-ka)
Macdan sinni badan oo la jecel yahay: midabkiisu waa cillaan ifa haya, sidii la doonona waa loo tumi karaa oo loo rogrogi karaa; ma uu miriro, badanaana waxaa laga sameeyaa lacagta iyo billadaha iyo alaabta dumarku ku xarragoodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahab
m.l Macdan qaali ah, midab cawlan leh, dhalaasha, aan daxalaysan oo waxyaabaha la isku qurxiyo laga samaysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dahab
m.l Macdan qaali ah, midab cawlan leh, dhalaasha, aan daxalaysan oo waxyaabaha la isku qurxiyo laga samaysto.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dahab
Gold
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dahab
m. n., (mass n.): gold
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dahab
name-m gold; golden boy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dahab
-ka: (n) gold (goldh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dahab
ama Dahabo, magac loo baxsho gabadh dahab lagu metaalay qurux iyo wanaag aawadood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahab
(tilmaame) wax qaali ah.
dahab-ka: (magac, lab, keli) macdan aad u qaali ah oo ay dumarku isku qurxiyaan. Waa macdan midabkeedu casaan dhalaalaya yahay oo aan mirdhin. Dahab nin aan haysan baa caasiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dahab
bw: Arabic
cf: qalin (silver)
de: gold
lx: dahab
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: dahab
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dahab
نَضِير، نُصَارٍ، عَسْجَدَ، صَفْرٍ، ذَهَبٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalab
1. (Dalab-ka) Doonis; weyddiisad.
2. (Dalab-ta) Qaabxumo yar oo lugaha gasha; sinsinnaanta iyo toostoosnaanta baa ka ba'a.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalab
dalab¹: m.l (-byo, m.dh) Codsi ballanqaad leh oo cid wax lagu weyddiisto.
dalab²: m.dh (-lbo, m.l) Qallooc yar oo lugaha gala oo labada law isu soo dhawaadaan.
dalab³: f.g1 (-lbay, -labtay; -lbi) Codsi ballanqaad leh oo wax lagu weyddiisanayo sameyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalab
dalab¹: m.l (-byo, m.dh) Codsi ballanqaad leh oo cid wax lagu weyddiisto.
dalab²: m.dh (-lbo, m.l) Qallooc yar oo lugaha gala oo labada law isu soo dhawaadaan. m.l.w, dalbo¹.
dalab³: f.g1 (-lbay, -labtay; -lbi) Codsi ballanqaad leh oo wax lagu weyddiisanayo sameyn. m.f.dh, dalbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalab
v. request, apply, order (e.g., at a restaurant)
dalab vl. n. request, order (for goods), statement, application, petition
dalab [feminine] n. knock-knee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dalab
nickname-m knock-knee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalab
-ay / tay: (v) order (oodhar); demand (dimandh); request (rik-weest) ~ codso
dalab -ka: (n) order (oodhar); request (rik-weest) ~ codsi
dalab -ta: (n) [pl. dalbo] bow-leg (bow-leeg)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalab
(fal) wax codso aad rabtid inaad heshid. Waxa aan dalbaday casho ceela' ah. Dh: weydiiso.
dalab -ka: (magac, lab, keli) codsi af iyo qoraalba noqon kara oo ruux jago sare ah wax go'an lagaga codsado. Dalab soo qoro haddaad shaqo doontahay Dh: codsi, arji.
dalab -ka: (magac, lab, keli) meel maqaayad ah ama wax kale, cunto ama cabbitaan ka codsasho.
dalab-ta: (magac, dhedig, keli) qaabxumo lugaha gasha oo ay u qalloocsamaan dhanka gudaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danab
(Danab-ka)
1. Gantaal xoog ah oo jacaysan oo ololaysa oo ka soo dillaacda kolka daruuraha da'a hayaa inta isjiiraan qarxadaan oo onkod iyo hillaac isku daraan; wiriq, biriq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danab
danab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. Biriq. 2. Birdanab. 3. Qof ama wax dadka soo jiita.
danab²: m.l (-byo, m.dh) (fiisikis) Barashada ifafaalaha saldanab ha ahaado danabneg ama mid qulqulaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danab
danab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. Biriq. 2. Birdanab. 3. Qof ama wax dadka soo jiita.
danab²: m.l (-byo, m.dh) (fiisikis) Barashada ifafaalaha saldanab ha ahaado danabneg ama mid qulqulaya.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Danab
Electricity
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danab
m. n. thunderbolt, thunder; electricity; calamity
danab sare n. phr. high voltage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danab
-ka: (n) 1. thunder (thandhar) ~ onkad, hugac. 2. electricity (i-lek-i tirisiti) ~ koronto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danab
-ka: (magac, lab, keli) gantaal xoog leh oo danabaysan oo ka dhasha hirarka istaabta ee roobka da'aya oo onkod ama hanqadh iyo hillaac isku dara. Dh: biriq, wiri, jac, bidhiq.
danab -ka: (magac, lab, keli) nooc tamarta ka mid ah oo korontada, bayteriga iyo wixii la mid ah ay leeyihiin. Fiilanadani waa danab togane ah.
danab -ka: (magac, lab, keli) xiis danabaysan oo dhaliye ka soo baxa. Danab ma leh fiiladani.
danab -ka: (magac, lab, keli) tamarduleed ka dhalata jiritaanka iyo socodmaaxa elektoroonno taasoo isku muujisa habab badan: isjiidasho, kaladid, birlabeed ifid iyo raadkuleed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danab
cf: gugac ~ guguc; jac, koronto
de: thunderbolt, thunder; [ext.] electricity; [fig.] calamity
lx: danab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: danab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darab
1. (Darab-ka) a) Wax la fali doono, intaan la bilaabin, oo wax laysugu sii duwo oo waxa loo baahan doono loo soo dhoweeyo; diyaar. b) Istijo. c) Cabbir dhulka iyo beeraha lagu cabbiro, d) (weel, kd.) qurxin.
2. (Darab-ta) Daribta hilibka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darab
darab¹: m.l 1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iyo wixi lamida oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.
darab²: m.dh 1. Toorrey, billaawe iyo wixi lamida daabkooda meesha ugu sarreysa ee quruxda loogu talagalay. 2. la-mid: darib.
darab³: f.g1 (-rbay, -rabtay; -rbi) 1. Wax diyaarin. 2. Weel aleelayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darab
darab¹: m.l 1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iyo wixi lamida oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.
darab²: f.g1 (-rbay, -rabtay; -rbi) 1. Wax diyaarin. 2. Weel aleelayn. m.f.dh, darbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darab
vl. n. ablution, washing one's anus ~ private parts after defecating ~ urinating; water used for this function
darab m. n. (adj.): preparation; ready, prepared
darab v. prepare, make something ready; embellish, decorate
darab m. n. measure of land (about 1/4 hectare)
darab [feminine] n., [collective] fat of the meat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darab
-ka: (n) 1. washing or cleansing of the private parts after one's excretion [urination or moving one's bowels] before the prayer; ablution (abluushari) ~ istijo. 2. a piece of farmland, quarter of a hectare ~ jibaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darab
-ka: (magac, lab, keli) cabbir dhulka beeraha lagu cabiro oo u dhigma 25 mitir.
darab -ka: (magac, lab, keli) neef xoola ah nafaqo uu ku dararo siin.
darab -ta: (magac, dhedig, keli) hilibka geela marka laga reebo afarta addin iyo luqunta inta kale ee cad magoolka ah. Dh: darib.
darab -ta: (magac, dhedig, keli) biyaha lagu istijoodo marka saxaro ama kaadi kaa timaad.
darab -ta: (magac, dhedig, keli) toorrey, billaawe ama wax kale oo la mid ah, daabkooda meesha ugu sarreysa ee quruxda loogu talagalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadab
-ka: (magac, lab, keli) dhul dawladi dadka ka mamnuucday inuu ku intifaacsado ama meel qof si gaar ah u ootay oo caws ama tigaadi ka baxdo. Dh: seero, seere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadab
(Kadab-ka)
Calaf; dheef; quud; risiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadab
m.l Calaf Eebbe kuu qoray; risiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadab
m. n., [collective] share, lot; daily bread; divine providence, destiny
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kadab
name-m share, lot; divine providence, destiny
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadab
-ka: (magac, lab, keli) arsaaqadda u qoran noole kaste. Wax se kadabkii go'ay waa markuu kaday raggiisiiye. Dh: risiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadab
cf: calaf, dheef, risqi, quud
de: share, lot; daily bread; divine providence, destiny
lx: kadab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: kadab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alool
(Alool-ka)
Jaad dadabta aqalka ka mid ah oo laga sameeyo geed duur la yiraahdo ulihiisa, oo inta la sayo, jil lagu marriimo, oo badanaa qolalka lagu kala ilaxiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ardaaggal
(Ardaaggal-ka)
Ardaa qurux badan oo loo dhiso nin ama qolo gabdhaddoon iyo xididtooyo u timaadda; dadabgal; riddingal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadabgal
(Dadabgal-ka)
Dadab loo sameeyo, dadka guurdoonka (gabdhaddoon) u yimaada; riddingal; ardaggal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riddingal
(Riddingal-ka)
Dadabgal; ardaaggal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alool
m.l (-llo, m.dh) Nooc dadabta aqalka ka mid ah oo laga sameeyo ulaha geed-duurka oo lagu seexdo ama guryaha lagu ilxiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babac
babac¹: m.l/dh (-cyo, m.l) 1. Daaddagga buurta ama taagga; hoobad. 2. Si aan toos ahayn ee wax loo dhigo. 3. la-mid: babcid.
babac²: f.g/mg1 (-bcay, -bacday; -bci) 1. (f.g) Wax si dadab ah u dhigid. 2. (f.mg) Ka b.: wax jaho uu ku toosnaa ka weecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabdhig
dadabdhig¹: m.l la-mid: dadabgal¹.
dadabdhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: dadabgal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabdhigid
m.dh la-mid: dadabgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabgal
dadabgal¹: m.l (-llo, m.l) 1. la-mid: dadabdhig 1. Doonidda gabar reerkooda laga doono iyadoo si xushmad leh loo weyddiisanayo. 2. la-mid: dadabgelid.
dadabgal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) U d.: Reer gabadh si xushmad leh u weydiisasho. la-mid: dadabdhig².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabgelid
m.f.dh eeg dadabgal². la-mid: dadabdhigid, dadabgal¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabhambaar
m.l la-mid: dadabxambaar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabsad
m.l la-mid: dadabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabsasho
m.f.dh eeg dadabso. la-mid: dadabsad, dadabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabxambaar
dadabxambaar¹: m.l Si gudub ah oo ilmo aan la gardaadin loo xambaaro. la-mid: dadabhambaar.
dadabxambaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Ilmo aan la gardaadin si gudub ah u xambaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabxambaarasho
m.dh la-mid: dadabxambaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabxambaarid
m.f.dh eeg dadabxambaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabxambaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: dadabxambaarso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaabe
-ha: (magac, lab, keli) xadhig fardaha lugta iyo jeeniga lagaga xidho si aanay u cararin. Dh: shakaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadab_1
de: horizontal thing; [fig.] newborn baby
hm: 1
lx: dadab
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dadab_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadab_2
de: area cordoned off, place designated for certain functions usually circular
hm: 2
lx: dadab
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: dadab_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadab_3
de: place as an obstacle; put s.t. down across s.t. else; hold a newsborn baby keeping its legs together
hm: 3
lx: dadab
pd: (dadbay)
ps: v1=
key: dadab_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadabsi
(Dadabsi-ga)
1. Leexsasho; duufsasho.
2. Xumaan ugu soo bixid; isku taagid; daandaansi; doolaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabsi
m.l la-mid: dadabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadabsi
vl. n. act of swaying, influencing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabsi
-ga: (magac, lab, keli) leexsadka ruux la leexsado. Dadabsi iyo sasabasho ayuu ku kaxaystay ninku gabadha. Dh: duufsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadabsi
de: act of swaying, influencing
lx: dadabsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: dadabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabso
f. g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f. g) Wax dhib leh si gardarro ah faraha ula gelid. 2. (f.g) Cid gardarro ku sameyn. 3. (f.mg) Ilmo, si dadab ah u xambaarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dadabso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax dhib leh si gardarro ah faraha ula gelid. 2. (f.g) Cid gardarro ku sameyn. 3. (f.mg) Ilmo, si dadab ah u xambaarasho. m.f.dh, dadabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabso
(fal) qof aad ka leexsato ama aad ka weecsato habkii u socday ama uu u dhaqmayey. Dh: leexso, duufso.
dadabso: (fal) qof aan kuu jeedin hadaltiro iyo xumaan la doono. Dadabsiqa iyo afdheerida ah ma jecli. Dh: daandaanso, gardarrayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daddaab
(Daddaab-ka)
1. Qalab gaar ah (ul farrarro leh) oo malabka lagu soo bixiyo.
2. Gacanqabad weelka qaarki loo yeelo siiba kuwa gadowga leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaab
m.l (-bbo, m.dh) 1. Qalab farraaro leh oo malabka lagu soo bixiyo. 2. Sidde loo sameeyo weelasha gadawga leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daddaab
m. n. forked instrument; heavy club; handle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaab
-ka: (magac, lab, keli) qalab laba farraaq leh oo malabka lagula soo baxo. Daddaabka balabka ku soo qaado.
daddaab-ka: (magac, lab, keli) gacanqabad weelka qaarkii loo yeelo siiba kuwa gadawga leh. Daddaab malaha dhiishu. Dh: daf.
daddaab -ka: (magac, lab, keli) gacanqabad weelka qaar leeyahay. Daddaab ma laha joogu. Dh: sidde, siddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daddaab
de: forked instrument; heavy club; handle
lx: daddaab
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: daddaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Caano, biyo iyo wixi lamida si dhaqso leh u cabbid. 2. Hal si dhaqso leh u lisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdabi
(fal) meel dheer u aroori. Dh: aroori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdabo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal ama fal boob isdaba jooga. Nin kastaa ha dawdabo, sida roobka haw da'o.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhab
(Dhadhab-ka)
Muuqaallo la arko kolka la hurdo; riyo.