dacawosheeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacawosheeg
-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir sheegta inay dacawo meelahan ka dhowdahay. Shimbirtaa ciyaysaa waa dacawosheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhasheeg
(Dhasheeg-ga)
Dhulka meeliisa hooseeya oo biyaha webiyaashu ku soo daadaan oo hadba inta buuxsama harooyin u ekaada; biyabbaxo; godob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhasheeg
dhasheeg¹: m.l (-gyo, m.dh) Biyakuhar; balli; laas.
dhasheeg²: m.l (-gyo, m.dh) (juqraafi) Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhasheeg
Swamp
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhasheeg
m. n. pool, hollow where water collects
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhasheeg
-ga: (magac, lab, keli) dhul gotaan ah oo biyafadhiisin noqda oo webiyada u dhaw. Dhasheegga har baa la moodaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhasheeg
de: pool, hollow where water collects
lx: dhasheeg
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: dhasheeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balasheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof balaayo iyo baas mar walba ka warrama oo calaalcal badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansheeg
m.dh (-gyo, m.l) (dhaq.) Qoraal cid lagu weyddiinayo badeeco ay hore u qaadatay qiimahooda in ay bixiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaansheeg
m.dh (-gyo, m.l) (dhaq.) Qoraal cid lagu weyddiinayo badeeco ay hore u qaadatay qiimahooda in ay bixiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaansheeg
f. n. commercial invoice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaansheeg
-ga: (n) invoice (in-vooys); bill (bid); invoice of goods shipped or services provided ~ qaansheegto, Ex: shirkaddayadu waxay u dirtay qaansheeg (qaansheegto) bil ka hor; Our company sent him an invoice a month ago
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
QAANSHEEG
Fattura
Central bank
Waa warqad qof, Shirkad, ama Hay'adi, alaab la gatay, ama hawl la qabtay, lacagtood ku weydiisanayso qofkii, Shirkaddii ama Hay'addii alaabta qaadatay, ama hawsha loo qabtay.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qaansheeg
Fattura
Invoice; bill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansheeg
-ta: (magac, dhedig. keli) warqad deymaha lagu qoro oo muddada bixinteedu ay ku caddahay maalin bil sannad iyo wixii la mid ah. Qaansheegta aad amaahaha ku qortay ii keen. Dh: deynsheeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaansheeg
de: commercial invoice
lx: qaansheeg
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: qaansheeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baas'sheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof waxa xun oo keliya sheega oo belo ka warrama.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DACAR-DHEER
(Da-ar-der) N Aloe gracilicaulis Reynolds & Bally. Liliaceae.
N Aloe medshiana Reynolds & Bally. Liliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaandhereg
-ga: (magac, lab, keli) barwaage aan meel dheer loo soofin oo xooluhu duleedka ku dhergaan. Macaan dhereg ayuu reerku ku jiraa Dh: barqadhereg, oodolulul.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawsleey
-da: (n) grassland (garaas-laandh) ~ dhul caws leh, cawsley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daawasho
(Daawasha-da)
Wax falsan ama qurux badan, oo jecdaaladooda, macaan iyo jeel laga hela hayo, in door ah indhaha ku cunid; fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawasho
m.dh eeg daawo². la-mid: daawad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawasho
vl. n. watching, act of gazing, viewing; something worth watching
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daawasho
-daawashada: (n) watching (woojing); viewing (vi-yuuwing) ~ fiirsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawasho
-da: (magac, dhedig, keli) dheehashada wax kuu muuqda. Daawasho iyo dalxiis baan u imid degmada. Dh: fiirsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daawasho
de: watching, act of gazing, viewing; s.t. worth watching
lx: daawasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
xe: watching television
xv: Telefisiyoon daawasho
key: daawasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daawasho
مُشَاهَدَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacwadee
(fal) dacwad ku oog si aad uga gar hesho. Dh: dacwee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacwoode
-ha: (magac, lab, keli) qof ciddii wax yeello u gaysatay ku soo oogtay dacwad. dacwootamid -da: (magac, dhedig, keli) dacwad soo jeedsasho oo garramid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanshee
(fal) eeg maanshay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marashee
f.g2 (-sheeyay, -sheysay) la-mid: marashiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarashee
f.g2 (-sheeyay, -sheysay) Bakoorad, jeedal iyo wixi lamida qarash ku samayn. la-mid: qarashyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaseeg
-ga: (magac, lab, keli) talogaranwaa ama talo kaa gedmatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waanshee
f.mg2 (-sheeyay, -sheysay) Dan la'aan meel u tegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waanshee
(fal) socod aan meel ku jeedin iska daanshadaanshoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheeg
(Warsheeg-ga)
Qof waxa uu ogaado aan qarin karin ama hawshiisuba tahay inuu soo sheego; qof warsheeko yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheeg
warsheeg¹: m.l la-mid: warsheegid.
warsheeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) War qarsoon sheegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warsheeg
m. n., [compound] gossip, tattle-tale, mischief-maker
warsheeg v. gossip, talk, tell, divulge (a secret)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof wuxuu maglo sir iyo sir la'aanba sheega oo aan waxba qarin. Warsheeg warkaaga ka hayso. Dh: wardhiqle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxsheeg
m.l la-mid: waxsheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxsheeg
-ga: (magac, lab, keli) waano iyo talo gudbin. Waxsheegga waa la isku leeyahay. Dh: waxsheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalashee
f.g2 (-sheeyey, -sheysey) la-mid: baalash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalashee
(fal) mari kabaha baalash ama dhaashi midabaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarobeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab lagu cabbiro cadaadiska atmosfeerka. Dh: cadaadisbeeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaddahee
(fal) ilma yar oo socod barad ah habka loo tallaabsado bar; carruur bar socodka.
daaddahee: (fal) shir ama hawl kale hoggaami qaabka loo wado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaddehee
(fal) shir ama hawl kale oo koox lagu gudanayo. Dh: hoggaami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandheer
f. n., [compound] strong camel of the herd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandheer
-ta: (magacwadareed) magta dhagarta lagu baxsho, geela inta aan lammaanayn oo aan rimmanayn ee galoofta ah. Waxa middii ba loo xisaabiyaa sagaal ama lix laxaad. Li: uurrey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandheer
de: strong camel of the herd
lx: daandheer
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: daandheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabadheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Muddo dheer wax socday ahaansho (xaajo, roob, abaar,dagaal iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabadheer
der. [adjective] having a long tail; prolonged; lasting a long time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabadheer
(adj) 1. prolonged (poroloongidh); dragged out ~ daba dheeraaday. Ex: abaartii dabadheer, the prolonged drought. 2. (n) long tail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dabadheer
-ta: (magac, dhedig, keli) xiddigta loo yaqaan Mariikh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabadheer
de: having a long tail; prolonged; lasting a long time
lx: dabadheer
pd: (dabadheeraa)
ps: adj-der
key: dabadheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayasho
m.f.dh eeg dacayo. la-mid: dacayeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansheego
f.mg3 (-gtay, -gatay) U d.: qof muraad uu leeyahay qof u sheegasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dansheego
f.mg3 (-gtay, -gatay) U d.: qof muraad uu leeyahay qof u sheegasho. m.f.dh, dansheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dansheego
v. proclaim one's interest in something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dansheego
-dansheegtay / dansheegatay: (v) express your needs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansheego
(fal) cid kale, danta aad leedahay iyo xogtaada u sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dansheego
de: proclaim one's interest in s.t.
lx: dansheego
pd: (dansheegtay)
ps: v3b=
key: dansheego
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaanshe
m. n. sweetener
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaanshe
de: sweetener
lx: macaanshe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: macaanshe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaashle
m.l Qof badeeco yar rogrogta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumosheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof mar walba wax xun uun sheega. Xumasheeg ha la sheekaysan. Dh: inxunsheeg, warxumatashiil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawabbeel
-ka: (magac, lab, keli) dhakhtar ama rug caafimaad, daawadii ka idlaansho.
daawabbeel -ka: (magac, lab, keli) qof ama wax kale oo sidii laga rabay noqon waayey lagana daalay oo laga quustay. Dh: dawabbeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacaayadee
f.g2 (-deeyay,-deysay) la-mid: dicaayadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacaayadee
v. propagandize, spread propaganda about someone~ something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacaayadee
-yey / dacaayadeysay: (v) propagandize (propagaandas); spread propaganda ~ dicaayadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaayadee
(fal) cid kale, si taban wax uga sheegs- heeg. Dh: cay, dicaayadee. Li: ammaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacaayadee
de: propagandize, spread propaganda about s.o.~ s.t.
lx: dacaayadee
pd: (dacaayadeeyey)
ps: v2b=tr
see: dicaayadee
key: dacaayadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacardhiig
(Dacardhiig-ga)
Caloolxanuun, qabatin iyo bixitin dhiig wehesho leh; dabadhiig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacardhiig
m.l Dabadhiig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacardhiig
m.l Dabadhiig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacardhiig
m. n., [compound] blood in the excreta
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacardhiig
-ga: (n) blood in the stool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacardhiig
-ta: (magac, dhedig, keli) calool xanuun dhiig waheliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacardhiig
de: blood in the excreta
lx: dacardhiig
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: dacardhiig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacwashiir
dacwashiir¹: m.l la-mid: daacaqurun¹.
dacwashiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: daacaqurun².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacwashiir
m.l la-mid: daacaqurun¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacwashiir
v. belch, emit a bad-smelling gas as from an upset stomach
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacwashiir
(n) bad smelling eructation or belching (beel-jing) ~ daacoqurun, daacaqurun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacwashiir
cf: daaco, shiir
de: belch, emit a bad-smelling gas as from an upset stomach
lx: dacwashiir
pd: (dacwashiiray)
ps: v1=intr
key: dacwashiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaydheeg
-ga: (magac, lab, keli) qofka gabayga dadka kale dheegta oo mid u eg sameeya.
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
Hakad-heeg
;
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiddosheeg
m.l (-gyo, m.dh) (baay.) Samayska hiddo-side ee noole, taa waxa loola jeedaa isku darka aliilada uu leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warxunsheeg
m.l.kh Qofka warka xun buunbuuniya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warxunsheeg
m.l.kh Qofka warka xun buunbuuniya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warxunsheeg
-ga: (magac, lab, koli) eeg warxumatashiil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumaansheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof balaayo iyo xumaan uun mar walba sheegta. Dh: balasheeg. xumosheeg.