dacarindhood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacarindhood
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah jaadadka dacarta oo dheecaankeeda indhaha lagu shubo oo lagu daaweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daanshood
(Daanshood-ka)
Xarragood; mardaaddiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanshood
m.f.l eeg daanshoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daanshood
m.l eeg daanshoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daanshood
v. dress well
daanshood vl. n. dressing well, elegance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanshood
-ka: (magac, lab, keli) eeg daanshadaanshood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maardhood
maardhood¹: m.l Ged-gaddoonka uu sameyo qof aad u xanuunsanaya.
maardhood²: f.mg1 (-day, -dday) Qof xanuun weyni hayo gedgaddoon samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maardhood
-ka: (magac, lab, keli) gedgaddoonka uu sameyo qof aad u xanuunsanaya.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DACAR-BIYOOD
(Da-ar-biod) N Aloe somaliensis W. Watson. Liliaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DACAR-MAROODI
(Da-ar-marodi) S,C Aloe citriana Braud & Carter. Liliaceae.
N Aloe rigens Reynolds & Bally. Liliaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
childhood
/jayldh-huudh/ (n) carruurnimo (xilliga carruurnimada).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
childhood
n., caruurnimo, -adi, da’ yar, yaraan, -ti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadhoon
-ka: (magac, lab, keli) gaban yar oo geela wax ka jira oo inta badan loo dirto soo rogroggidda iyo soo lisidda geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandool
dalandool¹: m.l 1. Socod noqnoqosho leh oo laba meel oo kala fog la isaga goosho. 2. la-mid: dalandoolid.
dalandool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Socod noqnoqosho leh laba meel oo kala fog isaga gooshid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalandool
dalandool¹: m.l 1. Socod noqnoqosho leh oo laba meel oo kala fog la isaga goosho.
dalandool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Socod noqnoqosho leh laba meel oo kala fog isaga gooshid. m.f.dh, dalandoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandool
(fal) goor aan habboonayn oo ay cadceeddu kulushahay soco. U dalandooli xoolaha meel halkan dhaanta. Dh: dhalandhool.
dalandool-ka: (magac, lab, keli) xilli aan habboo- nayn oo kulul socod. Dh: dhalandhool, baqoole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daranyood
m.f.l eeg daranyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daranyood
m.l eeg daranyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyood
-ka: (magac, lab, keli) daranyo iyo baylah qabid. Daranyood ayuu ninku meesha ugu dhintay. Dh: baylahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabindhuud
m.l Neef ugaar ah oo aan gelin dabinka loo dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabindhuud
-ka: (magac, lab, keli) ugaadh aan gelin dabinka loo dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacardhiig
(Dacardhiig-ga)
Caloolxanuun, qabatin iyo bixitin dhiig wehesho leh; dabadhiig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacardhiig
m.l Dabadhiig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacardhiig
m.l Dabadhiig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacardhiig
m. n., [compound] blood in the excreta
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacardhiig
-ga: (n) blood in the stool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacardhiig
-ta: (magac, dhedig, keli) calool xanuun dhiig waheliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacardhiig
de: blood in the excreta
lx: dacardhiig
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: dacardhiig
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
parenthood
/peerant huudh/ (n) waalidnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sunindhood
m. n., [compound] tear-gas
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sunindhood
de: tear-gas
initial: s
lx: sunindhood
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
syn: qiiqa ilmada keena, qiiqa indhaha
key: sunindhood
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DACAR-DHEER
(Da-ar-der) N Aloe gracilicaulis Reynolds & Bally. Liliaceae.
N Aloe medshiana Reynolds & Bally. Liliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalandhool
(Dhalandhool-ka)
Qorrax kulul ku socod; boqool; wirwir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandhool
dhalandhool¹: m.l Socodka la socdo waqtiga qorraxdu kulushahay; baqool. la-mid: dhalandhoolid.
dhalandhool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Qorrax kulul ku socosho; baqoolid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalandhool
m.l Socodka la socdo waqtiga qorraxdu kulushahay; baqool.
dhalandhool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Qorrax kulul ku socosho; baqoolid. m.f.dh, dhalandhoolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalandhool
v. travel ~ journey under a hot sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalandhool
-ka: (magac, lab, keli) socoto meel loo socdo xilli ay qorraxdu kulushahay; hayaan meel fog loo hayaamo. Dhalandhool dhul kaa dheer isagaa dhaqso u tega. Dh: hayaan.
dhalandhool -ka: (magac, lab, keli) socodka la socdo xilliga cadceed kulaylaha ah ee hadhka lagu jiro. Waxan ka soo dhalandhoolay aqalkaygii markaan hadhimeeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalandhool
cf: qorrax
de: travel ~ journey under a hot sun
lx: dhalandhool
pd: (dhalandhoolay)
ps: v1=
key: dhalandhool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagabidhyood
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaajinta addimada iyo ciyaarta cunugga yar ee aan weli fadhiga baranin uu sameeyo kolka uu jirjirka u jiifo. Dh: cagabiryood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacarmaroodi
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah dacarta oo dhibco iyo barabaro leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAAR-MADHOODH
(Bar-madod) S Aloe ruspoliana Bak. Liliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalandhoolid
(Dhalandhoolid-da)
Qorrax kulul ku socosho; boqoolid; wirwirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandhoolid
m.f.dh eeg dhalandhool². la-mid: dhalandhool¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalandhoolid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulkoo kulul meel dheer u hayaamid; meel fog u socdaalid. Adigaa dhibtiyo, dhalandhoolidda i baday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraginnixood
-ka: (magac, lab, keli) kolka wax aad gacanta ku tuuraysay kaa siibto ee meel kale kaaga leexdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaraabidhood
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan yar oo marka uu roobku da'o habeenkii soo baxa oo mar dhalaala marna dama, cayayaan iftiima habeenkii, nooc duula iyo nooc aan duulin ba leh. Dh: garabildhaan, gaadhaabidhaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabansabdhood
(fal) si ay cadho ku jirto u soco.
sabansabdhood-ka: (magac, lab, keli) sabansabdho.