dabtoosiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabtoosiye
-ha: (magac, lab, keli) qalab dabtalantaalliga ka dhiga dabtoosan; aalad dabka togan ka dhigta mid toosan. Waxaan soo gatay dabtoosiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabboojiye
m.l (-jayaal, m.l/dh) 1. Bisha lixaad ee sannad qorraxeedka. 2. D.-jayaal: laba xiddigood oo waaweyn oo cirka dhiniciisa koonfur ku yaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabboojiye
-ha: (magac, lab, keli) bisha lixaad ee sannadqorraxeedka.
dabboojiye -ha: (magac, lab, keli) labo xiddigood oo waaweyn oo cirka dhiniciisa koonfur ku yaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabtoosan
(tilmaame) nooc danabka ka mid ah oo qulqul'kiisu toosan yahay, sida bateriga. Dh: dabtogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalooliye
m.l Bir af dhuuban oo girgirro leh oo alwaaxda, birta iyo wixi lamida lagu dalooliyo. la-mid: duleeliye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalooliye
m. n. drill, borer, hole punch, something that makes holes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalooliye
-ha: (n) drill (diriil); driller (diriilar) ~ duleeliye
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DALOOLIYE
Bucatrice
Punch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalooliye
-ha: (magac, lab, keli) qalab ama makinad, gacanqabsi iyo kuwo waaweynba leh oo wax lagu dalooliyo. Dalooliyiihii labuu u kala jabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalooliye
a: duleeliye
de: drill, borer, hole punch, s.t. that makes holes
lx: dalooliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dalooliye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboojiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Makiinad leh qol magudbiye hawo oo lagu keediyo alaabooyinka, cunnada iyo cabbitaanka si aanay u xumaan ama qabow u ahaadaan; tallaajad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaboojiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Makiinad leh qol magudbiye hawo oo lagu keediyo alaabooyinka, cunnada iyo cabbitaanka si aanay u xumaan ama qabow u ahaadaan; tallaajad.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaboojiye
Refrigerator
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaboojiye
m. n. refrigerator, cooler
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaboojiye
-qaboojiyaha: (n) 1. cooler (kuuler); fridge (firiij); refrigerator (ri-fiji-reey-tor) ~ furuntijeer, tallaajad. 2. freezer (firiizar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboojiye
-ha: (magac, lab, keli) qalab aqallada lagu qaboojiyo. aqalka waa kulyle, qaboojiye ku xidh. Dh: galamaseer, kilimaaseer. Li: kulayliye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaboojiye
de: refrigerator, cooler
lx: qaboojiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaboojiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeltoosiye
(Geeltoosiya-ha)
Gorgorka waaweyn jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeltoosiye
m.l Nooc gorgorka waaweyn ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeltoosiye
m. n., [collective] vulture species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeltoosiye
-ha: (magac, lab, keli) jaad haadda waaweyn ka mid ah ee hilibka ku nool. Dh: gorgor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeltoosiye
de: vulture sp.
lx: geeltoosiye
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: geeltoosiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboodi
-ga: (magac, lab, keli) wax dhammaanaya, inta u danbaysa. Daboodiga colaadda ka hadhay halla badbaadiyo. Dh: dabaadi, dabayaaqo, gabaabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboole
m.l Cudur candhada geela ku dhaca oo ibaha xira. la-mid: daboolo, ibadaboole, ibadaboolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboole
-ha: (magac, lab, dhedig) neefka xoolaha ay dabadu ka go'an tahay. Awrkii daboole ayaa geelii ku qooqay
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooriye
Transformer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooriye
-ha: (magac, lab, keli) shey waxii beddela wixii lagu daray. Dooriye ku dar biyaha.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaboose
nickname; name-m dark, black
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabooye
(Gabooya-ha)
Galka fallaaraha lagu guro; qulux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabooye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Galka fallaaraha lagu rito; qule. la-mid: gabooyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabooye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Galka fallaaraha lagu rito; qule. la-mid: gabooyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabooye
m. n. quiver (of arrows)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gabooye
-ha: (magac, lab, keli) beel ugaadhsato ahaan jirtay oo gabooye qaadan jirtay. Waa dad la haybsooco oo farsamayaqaanno u badan. Li: Aji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabooye
-ha: (magac, lab, keli) kiish ugaadhsaduhu ku gurto fallaadhaha. Dh: boosh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabooye
a: gabooyo (/ha) [n6-m]
de: quiver (of arrows)
lx: gabooye
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: fallaar
key: gabooye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabtiye
m.l Qayb ciidamadii fashiistaha ka mid ahayd oo Soomaaliya ka jirtey.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sabtiye
name-m Saturday. Lit: one born on a Saturday
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toobiye
(Toobiya-ha)
Waddooyin meel wada taga, tan ugu gaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Jid toosan oo aan leexleexad lahayn; waddooyin meel wada taga tan ugu gaaban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toobiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Jid toosan oo aan leexleexad lahayn; waddooyin meel wada taga tan ugu gaaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toobiye
m. n. short cut, shortest and most direct route; beaten path
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toobiye
-ha: (magac, lab, keli) jid halka aad rabto meel gaaban kaaga doc tuura, kaaga dara oo kuul dhaw.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Toobiye
Garangarta la xiriirta dhuunta kaydka ee alxamaha bensiinka iyo tan holaca daysa ee ku shaqo lch dheeraynta iyo gaabinta holaca baxaya ama soo baxsanaanta middida raando-bireedda. Arag toobiyaha raando-bireedda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toobiye
de: short cut, shortest and most direct route; beaten path (track normally created by animals using the same route)
initial: t
lx: toobiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: toobiye
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Tooxiye
Qalabka lagu qaydo cabbirka jajab tobnaalaha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbooje
(Dabbooja-ha)
1. (dabboojeyaal) labo xiddigood oo waaweyn oo cirka dhiniciisa koofure ku yaal.
2. Bisha lixaad oo sanada qorraxda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dabbooje
m. n. sixth month of the Somali year
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbooje
-ha: (magac, lab, keli) eeg dabboojayaal.
dabbooje -ha: (magac, lab, keli) bisha lixaad ee sannadka qorraxda. Wiilku wuxuu dhashay bisha dabbooje.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Dabbooje
de: sixth month of the Somali year
lx: Dabbooje
pd: (/ha)
ps: n7-m-time
key: Dabbooje
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daboolid
(Daboolid-da)
Dabool korka ka saarid; wax ku rogid; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboolid
m.f.dh eeg dabool².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daboolid
vl. n. disguising, camouflaging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku jira dusha wax ka saarid oo wixii ku dhici lahaa ka ilaalin. Dh: daboolis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daboolid
de: disguising, camouflaging
lx: daboolid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: daboolid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolis
-ta: (magac, dhedig, keli) qarinta weelka gudahiisa isaga oo afka wax laga saarayo si aanu saxarku ugu dhicin ama cayayaanku u gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaboose
-ha: (magac, lab, keli) odheyka gaboobey.
dhaboose -ha: (magac, lab, keli) qarbid in badan lagu dhaamiyay oo gaboobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoofiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof badeeco dal kale u iibgeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoofiye
m. n. exporter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoofiye
-dhoofiyaha: (n) exporter (ikis-poorter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoofiye
-ha: (magac, lab, keli) qof wax ama shey dal ka qaada oo dal kale geeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoofiye
de: exporter
lx: dhoofiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhoofiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabtoole
-ha: (magac, lab, keli) qofka jabtida qaba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fantasiye
-ha: (magac, lab, keli) isu soo bax ballaadhan oo ujeeddo leh; farxad ay damaashaad iyo ciyaaro weheliyaan. Dh: damaashaad, dabbaaldeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabtoolid
m.dh la-mid: gabloolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabtoolid
-da: (magac, dhedig, keli) 'naas' aan caano kusoo dhicin; gabloolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maytoosis
m.l (baayoloji) Qaybsanka unugga si uu u sameeyo laba unug oo mataanaysan oo mid kastaa leeyahay bu' ay ku jiraan tiro isku mid ah oo isku nooca oo koromosoomya ah, sida unugga ay ka yimaadeen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maytoosis
m.l (baay.) Qaybsanka unugga si uu u sameeyo laba unug oo mataanaysan oo mid kastaa leeyahay bu' ay ku jiraan tiro isku mid ah oo isku nooca oo koromosoomya ah, sida unugga ay ka yimaadeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maytoosis
-ka: (magac, lab, keli) qaybsanka unugga si uu u sameeyo laba unug oo mataanaysan oo mid kastaa leeyahay bu' ay ku jiraan tiro isku mid ah oo isku nooca oo koromosoomya ah, sida unugga ay ka yimaadeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoboojiye
-ha: (magac, lab, keli) qalab aqallada lagu qaboojiyo. Qoboojiye ku xidh aqalku waa kulayle. Dh: qaboojiye, galamaseer, kilimaaseer. Li: kulayliye.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dab damiye
-ha: (n) fire fighter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dab-damiye
(n) extinguisher (ikistinguwisher); firefighter (faayer-faayter) ~ qalab dabka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabdhaliye
-ha: (magac, lab, keli) qalab batrool ku shaqeeya oo korontada dhaliya. Dabdhaliye fiican ayaan soo iibsaday. Dh: mishiin, guruub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saytoosiin
m.l (baayoloji) Waxa laga soo dhiran dhiriyey bayrimidiin. Waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee salka u ah niyukiyootaydh iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saytoosiin
m.l (baay.) Waxa laga soo dhiran dhiriyey bayrimidiin. Waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee salka u ah niyukiyootaydh iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saytoosiin
-ka: (magac, lab, keli) waxa laga soo dhiran dhiriyey bayrimidiin. Waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee salka u ah niyukiyootaydhiyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waddoohiye
(Waddoohiya-ha)
(dhul, waddo, ...) aad u ballaaran; aan ciriiri ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddoohiye
m.l.kh W. ah: jid aad u ballaaran ama aad loo maro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waddoohiye
m. n. wide, spacious, large
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddoohiye
-ha: (magac, lab, keli) waddo aad u ballaaran oo aan cidhiidhi ahayn. Waddoohiye ayaan soo maray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waddoohiye
de: wide, spacious, large
initial: w
lx: waddoohiye
pd: (/ha)
ps: n-m-atr
key: waddoohiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandooriye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iyo wixi lamida; mukhaddaraad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maandooriye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iyo wixi lamida; mukhaddaraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandooriye
m. n., [compound] intoxicating substance; drug, intoxicant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maandooriye
-maandooriyaha: (n) narcotic (naar kootik)-, drug (daraag); hallucinogen (haluusanajin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandooriye
-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo isticmaalkiisu uu maanka qofka doorsho sida xashiishad, khamri, jaad iyo wixii la mid ah. Diintu way xaaraantinnimaysay maandooriyaha. Dh: mukhaadiraad, daroogo maandoorshe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandooriye
de: intoxicating substance; drug, intoxicant
lx: maandooriye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: maandooriye
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
maandooriye
مُخَدِّرٍ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darrooshimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) di'idda aqalladu ay da'aan kolka uu roob jiro; sii daynta dhibcaha roobka ee aqalladu ay sii daayaan. Aqalku wuu cusub yahay oo darrooshimayn ayaan ka cabsanayaa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labaratooriyo
-labaratooriyada: (n) laboratory (laabrotori) ~ shaybaar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laborotooriyo
-da: (n) laboratory (laab rotori) ~ shaybaar