ereyga

dabtalantaalli

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabtalantaalli

DHAN

-ga: (magac, lab, keli) nooc danabka ka mid ah oo qulqulkiisu talantaalli yahay, sida korontada. Korontada guryaha ku jirtaa waa dabtalantaalli. Li: dabtoosan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabtoosiye

DHAABAN

-ha: (magac, lab, keli) qalab dabtalantaalliga ka dhiga dabtoosan; aalad dabka togan ka dhigta mid toosan. Waxaan soo gatay dabtoosiye.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Talantaalli

DHAFANDHAAF
1

(Talantaalli-da, Talantaalli-ga)

2

Isweydaar; isdhaaf.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

talantaalli

DHAFANDHAAF

m.l 1. Wax si kala googo'an oo waqti u dhexeeyo u dhaca. 2. Laba xaglood oo isla eg oo iska soo horjeeda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

talantaalli

DHAFANDHAAF

m.l 1. Wax si kala googo'an oo waqti u dhexeeyo u dhaca. 2. Laba xaglood oo isla eg oo iska soo horjeeda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

talantaalli

DHAFANDHAAF

f. n./m: exchange, alternation, reciprocation

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

talantaalli

DHAFANDHAAF
1

(fal) si isweydaar ah u qabo. Dh: isdhaaf.

2

talantaalli -ga: (magac, lab, keli) si iswaydaar ah wax u samee. Dh: isdhaaf, toot.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

talantaalli

DHAFANDHAAF
1

de: exchange, alternation, reciprocation

2

initial: t

3

lx: talantaalli

4

pd: (-da ~ -ga)

5

ps: n2a-f/m

6

key: talantaalli

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Taran talantaalli

DHAFANDHAAF

Product, cross

waa la naqliyay ✓

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]

Talantaalis

DHAFANDHAAF

Nooc kamid ah baanadaha ee leh madax sugan oo furan iyo mid faraati-xaglood ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Balanbaallis

DHAFANDHAAF
1

(Balanbaallis-ta)

2

Cayayaan afar baal oo waaweyn oo xardhan oo qurux badan leh; baalley-baro; babbisjinni.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

balanbaallis

DHAFANDHAAF

فَرَاشَةَ، فَرَاشِ، بَشَّارَة

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xaglo-talantaali

DHAFANDHAAF

m.l (-llo ..., m.dh) (xisaab) Lammaane xaglo isle'eg oo ay sammeeyaan laba xarriiqood oo barbarro ah iyo xarriq kale oo goysa labadooda oo lagu magacaabo gudbane.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xaglo-talantaali

DHAFANDHAAF

m.l (-llo ..., m.dh) (xisaab) Lammaane xaglo isle'eg oo ay sammeeyaan laba xarriiqood oo barbarro ah iyo xarriq kale oo goysa labadooda oo lagu magacaabo gudbane.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

balambaalla

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) geed gaaban oo caleemo cadcad leh, kaymahana ka baxaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

balanbaalis

DHAFANDHAAF

butterfly

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

balanbaalis

DHAFANDHAAF

-ta: (n) butterfly (bater falaay) ~ babbisjinni

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

balanbaalis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg balambaalis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daba'aallid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) ka dambayn oo xagga dambe jirid. Daba'aallid anaa diiday. Dh: daba'oollid, dambayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daba-aallid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg daba-aal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dabaggaalle

DHAFANDHAAF
1

(Dabaggaalla-ha)

2

Bahal yar oo jaadad badan ah oo dhirxagatada kamid ah; wuxuu lee yahay dhogor iyo dabo hunbulan; hadba labada danbuu isku taagaa; wuxuu cunaa oo jecel yahay quullaha;

3

soongur; tukulush.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dabaggaalle

DHAFANDHAAF

m.l.u Nafley yar, dhir, xagatada ka mid ah oo leh midab guduud xigeen ah; seyn dheer oo dhogor badan leh oo sida badan labada lugood ee dambe isku taaga; tukulush; uunrays.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dabaggaalle

DHAFANDHAAF

m.l.u Nafley yar, dhir, xagatada ka mid ah oo leh midab guduud xigeen ah; seyn dheer oo dhogor badan leh oo sida badan labada lugood ee dambe isku taaga; tukulush; uunrays.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dabaggaalle

DHAFANDHAAF

m. n., [collective] squirrel

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dabaggaalle

DHAFANDHAAF

(n) squirrel (iskwooral) ~ tukulush, uunrays

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabaggaalle

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) xawayaan yar oo duurgale ah oo midhaha geedaha ku nool oo soongurka u eg. Dabagaalle timir gaadhi waayey qadhaadhaa buu yidhaahdaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dabaggaalle

DHAFANDHAAF
1

de: squirrel

2

lx: dabaggaalle

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m-col

5

syn: uunrays

6

key: dabaggaalle

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

dabaggaalle

DHAFANDHAAF

سنجاب

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dabakannaax

DHAFANDHAAF
1

(Dabakannaax-a)

2

Qof busaarad iyo saboolnimo ku koray oo ku weynaadey oo waa danbe hodmay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dabakannaax

DHAFANDHAAF

m.l (-xyo, m.dh) Qof busaarad iyo saboolnimo ku koray, oo waa dambe hodmay. la-mid: dibkannaax.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dabakannaax

DHAFANDHAAF
1

m. n., idiom: nouveau riche, self-made man

2

dabakannaax v., [compound] become a self-made man, act nouveau riche

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daballaalan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) orodka idaha marka ay aad u ordaan ee ay badhidoodu kor ut faydanto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dalanbaabbi

DHAFANDHAAF
1

(Dalanbaabbi-ga)

2

Socosho aan xoog ku jirin, sida qof diifaysan socodki; liicliic; daandaan; sirinsirqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dalanbaabbi

DHAFANDHAAF

vl. n. staggering, tottering

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dalanbaabbi

DHAFANDHAAF
1

de: staggering, tottering

2

lx: dalanbaabbi

3

pd: (-ga)

4

ps: vn-m

5

key: dalanbaabbi

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dalandoolli

DHAFANDHAAF

m.dh Cayayaan caanallusha la eg isku bahna yihiin oo hargaha iyo lafahaba xagata. la-mid: dalandoolyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fallawaalli

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) shaqo si fudud oo aan daacadnimo ku jirin u qabasho. Dh: fudaydsi.

2

fallawaalli-da: (magac, dhedig, keli) sixir ama fal lala waasho. Dh: waalli. Li: fayoobi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

balambaallis

DHAFANDHAAF

m.dh Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; baalleybaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

balambaallis

DHAFANDHAAF

f. n., [collective] butterfly

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

balambaallis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) cayayaan baadad leh oo aad u qurux badan oo midabyo leh. Waxa ay jeceshahay ubaxa iyo doogga dushiisa oo ay ku fadhiisataa. Sida meel barwaaqaa, oo buuro dhaadheer, ballambaallis qalimo leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

balambaallis

DHAFANDHAAF
1

bw: balanbaallis

2

de: butterfly

3

lx: balambaallis

4

pd: (-ta)

5

ps: n6-f-col

6

syn: baalalley, baalleybaro, babbisjinni

7

key: balambaallis

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dabakannaax_1

DHAFANDHAAF
1

de: nouveau riche, self-made man lit: get fat at the butt

2

hm: 1

3

lx: dabakannaax

4

pd: (-a)

5

ps: n2a-m-idiom

6

key: dabakannaax_1

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dabakannaax_2

DHAFANDHAAF
1

de: become a self-made man, act nouveau riche

2

hm: 2

3

lx: dabakannaax

4

pd: (dabakannaaxay)

5

ps: v1=cmp

6

key: dabakannaax_2

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dabakannaaxid

DHAFANDHAAF
1

(Dabakannaaxid-da)

2

Dabakannaax noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dabakannaaxid

DHAFANDHAAF

m.dh Hanti helidda qof saboolnimo ku koray. la-mid: dibkannaaxid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabakannaaxid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) caydh dabadeed xoolo yeelasho. Dh: dhawaanxooloobid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

talantaalliyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) si isweydaarin ah u qabad. Talantaalliyid ayey ku wadaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhandabaggaalle

DHAFANDHAAF

m.l Dhalaal hirar ah, biyo la moodo oo samaysma markakulka badan ee qorraxdu dhulka ku dhaco; wirwir; dhalanteed.

waa la naqliyay ✓