daboolid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daboolid
(Daboolid-da)
Dabool korka ka saarid; wax ku rogid; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboolid
m.f.dh eeg dabool².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daboolid
vl. n. disguising, camouflaging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku jira dusha wax ka saarid oo wixii ku dhici lahaa ka ilaalin. Dh: daboolis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daboolid
de: disguising, camouflaging
lx: daboolid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: daboolid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboolmid
m.f.dh eeg daboolan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolad
-ka: (magac, lab, keli) weel afka dabool ka saarad. Dh: aabbudhad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolis
-ta: (magac, dhedig, keli) qarinta weelka gudahiisa isaga oo afka wax laga saarayo si aanu saxarku ugu dhicin ama cayayaanku u gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daloolid
(Daloolid-da)
Dalool ku oollaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daloolid
m.f.dh eeg dalool³. la-mid: duleelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daloolid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka daloola oo fur leh ahaan. Koobka daloolidda waan ku ogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saboolid
m.f.dh eeg sabool². la-mid: sabooloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saboolid
-da: (magac, dhedig, keli) sabool noqosho sabooloobid; faqriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdaboolid
-da: (magac, dhedig, keli) is kaafiyid; isku filnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabburid
(Aabburid-da)
Weel dabool saarid; daboolid; furayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awdid
(Awdid-da)
Meel daloosha xirid, wax ku rogid, ku qarin; daboolid; gufeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huwasho
(Huwasha-da)
Maro ama buste ama wax la mid ah, korka ka qaadasho, isku daboolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huwin
(Huwin-ta)
Dhar ama maryo ku daboolid, ku dedid, korka ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhasaabid
(Indhasaabid-da)
Indhaha sacabbo ama wax kale ku daboolid; indhasaab ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malaasid
(Malaasid-da)
1. Malaas iyo dhoobo ku wada daboolid.
2. (gaadiidka dagaalka, qol, dhalo, ...) wax adag oo aan xabbadda iyo waxyaalaha qarxadaa karin, ku daboolid, ku qafilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogid
(Rogid-da)
1. Wax afka ama dhinaca korreeya u hoosmarin; genbiyid; geddiyid.
2. (ka rogid) Ka qaadid; ka wareejin.
3. (ku rogid) Ku daboolid; korka ka saarid; ku xirid; dib ugu laabid; ugu celin.
4. Af af kale ku geddiyid, ku fasirid, ku tarjumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awd
awd¹: m.l la-mid: awdid.
awd²: f.g1 (-day, -dday) Meel bannaan ama daloosha buuxin; daboolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafayn
m.f.dh (jooloji) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaq
dabaq¹: m.l (-qyo, m.dh) 1. Dabool xardhan oo caw, qabo iyo wixi lamida ka smaysan, oo xeeryaha lagu daboolo. 2. Dhismo leh guryo is dul saaran, fooq.
dabaq²: f.g1 (-bqay, -baqday; -bqi) Wax, dabool xardhan oo caw, qabo iyo wixi lamida ka samaysan, daboolid. la-mid: dabbaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ded
ded¹: m.l 1. la-mid: dąd 1. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan. 2. la-mid: dedid.
ded²: f.g1 (-day, -dday) Wax feydan, shey dusha ka saarid ama ku daboolid. la-mid: dąd².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganuuni
f.g2 (-iyay, -isay) Haan, dhiil iyo wixi lamida haruub ku daboolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habbi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ku h.: Wax culus oo ballaaran ku daboolid. 2. Wax culus ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwi
f.lg2 (-iyay, -isay) Cid wax ku daboolid. la-mid: huwisii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwo
f.g3 (-waday, -watay) Wax dusha isaga daboolid (maro, buste iyo wixi lamida.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ood
ood¹: m.dh 1. Dhir la gooyey oo xero iyo wixi lamida lagu sameeyo. 2. Geed qodax leh.
ood²: f.g1 (-day, -dday) 1 . Geed la gooyey xero ka samayn. 2. Xero, guri iyo wixi lamida afka ka daboolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rog
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax afka ama dhinaca korreeya u hoos marin; genbiyid; geddiyid. 2. Ka r.: ka qaadid; ka faydid. 3. Ka r.: alaab meel saaran ka dejin; ka wareejin. 4. Ku r.: ku daboolid; korka ka saarid; ku xirid. 5. Dib ugu laabid. 6. U r.: af af kale ku fasirid, ku tarjiumid. 7. Xoolo jaho foolkoodu aaddanaa jaho kale u jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saynsaab
saynsaab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. Wax, wax daboola kuna heeran. 2. Isugeynta aqoonta, siyaasadda, xiriirka bulshada, dhaqanka iyo wixi lamida oo u horseedaya dhaqaaluhu in uu kobco.
saynsaab²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax daboolid. 2. Wax dabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shir
shir¹: m.l (-rar, m.l) 1. Isu imaadka dad badan isugu imaadaan meel si ay arrimo waaweyn oo u dan ah uga wada hadlaan. 2. Baabuur intiisa hore, meesha uu waduhu fariisto. 3. Waqti, goor. 4. Cayaar sacab, jaan iyo jiiba leh oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo hab dhoolatusad ah loo soo bandhigo.
shir²: m.dh Ciyaar sacab, jaan iyo miro leh kana mid ah hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, hab dhoola tusad ahna leh.
shir³: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Meel daloosha daboolid. 2. (f.g) Gabar la guday tolid. 3. (f.mg) Dad badan si ay uga wada hadlaan arrimo u dan ah meel ku kulmid. 4. (f.mg) Dhallinyaro cayaarta shirka dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaboobid
(Dhaboobid-da)
Wax suuraggalay noqosho; dhab noqosho; run noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaboobid
m.f.dh eeg dhabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhab ah noqosho. Dh: rumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhakoolid
(Dhakoolid-da)
Meel cidla' ah, iska taagnaan ama ka dhisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakoolid
m.f.dh eeg dhakool². la-mid: dhakool¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakoolid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhakool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabloolid
(Gabloolid-da)
Gablool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabloolid
m.f.dh eeg gablool². la-mid: gabtoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabloolid
-da: (magac, dhedig, keli) naas aan caano ku soo dhicin noqosho. Dh: gabtoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabtoolid
m.dh la-mid: gabloolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabtoolid
-da: (magac, dhedig, keli) 'naas' aan caano kusoo dhicin; gabloolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabool
(Dabool-ka)
Wixii wax qarsha: weel yar oo weel weyn afka laga saaro; huwis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabool
dabool¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Qalab afka laga saaro weelasha si aysan wax ugu dhicin. 2. la-mid: daboolid.
dabool²: m.dh Gudin weyn.
dabool³: f.g1 (-oolay, -ooshay) 1. Weel iyo wixi lamida si ayan wax ugu dhicin afka wax ka saarid. 2. Wax muuqaalkooda qarin. Tusaale: “Daruur baa cirka dabooshay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabool
dabool¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Qalab afka laga saaro weelasha si aysan wax ugu dhicin. 2. la-mid: daboolid.
dabool²: f.g1 (-oolay, -ooshay) 1. Weel iyo wixi lamida si ayan wax ugu dhicin afka wax ka saarid. 2. Wax muuqaalkooda qarin. Tusaale: Daruur baa cirka dabooshay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabool
m. n. lid, cover
dabool v. cover, close; disguise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabool
-ka: (n) cover (havar); lid (lidh); cap (kaap); cozy (kowsi) ~ fur hado, dahaar aabbur
dabool -ay / dabooshay: (v) put a cover or covering on
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dabool
Copertura
Cover
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabool
(fal) wax muuqda qari ama weel afkiisu furan yahay wax saar. Caanaha dabool daqsigu yaanu geline. Dh: aabbudh.
dabool -ka: (magac, lab, keli) weel yar oo weel weyn afka laga saaro si waxa ku jira aanu cayayaanku u gelin ama saxar ugu dhicin ama aanu u qaboobin. Daboolka saar xeedhada. Dh: afsaar, aabbu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aboobid
m.f.dh eeg abow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aboobid
-da: (magac, dhedig, keli) abka ama isirka ka mid noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqoolid
(Aqoolid-da)
Wax la wadaago qaybin, kala agaasimid; soorid; qorshayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoolid
m.f.dh eeg aqool³. la-mid: aqool² (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoolid
-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan wax u agaasimid.
aqoolid -da: (magac, dhedig, keli) wax la wadaago qaybin; kala agaasimid. Dh: qorshayn, qaybqaybin, soorid.
aqoolid -da: (magac, dhedig, keli) meel ka tegniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asoolid
m.dh la-mid: oslid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboodi
-ga: (magac, lab, keli) wax dhammaanaya, inta u danbaysa. Daboodiga colaadda ka hadhay halla badbaadiyo. Dh: dabaadi, dabayaaqo, gabaabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboole
m.l Cudur candhada geela ku dhaca oo ibaha xira. la-mid: daboolo, ibadaboole, ibadaboolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboole
-ha: (magac, lab, dhedig) neefka xoolaha ay dabadu ka go'an tahay. Awrkii daboole ayaa geelii ku qooqay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daboolo
(Daboola-da)
Cudur geela candhada kaga dhaca oo uu la candhabeelo; ibadaboolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboolo
m.dh la-mid: daboole.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daboolo
f. n. camel disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolo
(fal) weel, afka wax ka saaro. Daboolo collobta fijaanka ku jirta. Dh: aabbudho.
daboolo-da: (magac, dhedig, keli) cudur geela candhada kaga dhaca oo uu la candhabbeelo. Daboolo ayaa ibaha hasha ka gashay. Dh: ibatir, ibojidiinyow, ibaddaboolo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daboolo
de: camel disease
lx: daboolo
pd: (/da)
ps: n-f
key: daboolo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalooli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dalool u yeelid. la-mid: duleeli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalooli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dalool u yeelid. m.f.dh, daloolin. la-mid: duleeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalooli
v. pierce, put a hole in(to)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalooli
-yey / say: (v) make a hole or opening in; pierce (piris); perforate (peer-fareeyi); drill (diriil) ~ duleeli, qod
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalooli
(fal) walax meel daloosha u yeel. Dalooli gidaarka oo daah ku xidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalooli
a: duleeli
de: pierce, put a hole in(to)
lx: dalooli
pd: (dalooliyey)
ps: v2a=tr
key: dalooli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolid
m.f.dh eeg baqool². la-mid: baqool¹, baqoole, boqool¹, boqoole, boqoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqoolid
-da: (magac, dhedig, keli) hayaamid meel dheer loo guuro. Reeruhu jiilaalkii baqoolid bay u hayaamaan. Dh: guurid, hayaamid, dalandoolid.
baqoolid -da: (magac, dhedig, keli) qorraxda oo kulul socdaalid. Baqoolidda maalinkasta hadhimada dabadeed ha iska daayo. Dh: dhalandhoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'oobid
m.f.dh eeg da'ow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'oobid
-da: (magac, dhedig, keli) gaboobid oo wax da' weyn jooga ahaan. Dh: gaboobid, duqoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabool_1
de: lid, cover
hm: 1
lx: dabool
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dabool_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabool_2
de: cover, close; disguise
hm: 2
lx: dabool
pd: (daboolay)
ps: v1=
key: dabool_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daboolan
Dabool korka laga saaray; la qariyey; aan muuqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboolan
daboolan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay) 1. Weel iyo wixi lamida wax la daboolay noqosho. 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey noqosho.
daboolan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax la daboolay ahaansho (weel iyo wixi lamida.) 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daboolan
daboolan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay) 1. Weel iyo wixi lamida wax la daboolay noqosho. 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey noqosho. m.f.dh, daboolmid.
daboolan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax la daboolay ahaansho (weel iyo wixi lamida.) 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey ahaansho. m.f.dh, daboolnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daboolan
der. [adjective] covered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daboolan
-daboolnaa / daboolnayd: (adj) capped (kapidh); covered (kavaridh); something covered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolan
(tilmaame) wax qarsoon ama dabool afka laga saaray. Af daboolan waa dahab. Dh: aabbudhan, aabburan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daboolan
de: covered
lx: daboolan
pd: (daboolnaa)
ps: adj-der
key: daboolan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadoobid
(Dadoobid-da)
Dhalanka iyo baxaalliga dadkoo kale yeelasho; dad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadoobid
m.f.dh eeg dadow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada dhaqanka fiican ee dadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daloofid
-da: (magac, dhedig, keli) dalool yeelasho, duleel lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daloolin
(Daloolin-ta)
Dalool u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daloolin
m.f.dh eeg dalooli. la-mid: duleelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daloolin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel furu yeelid. Dh: daloolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daroofid
m.f.dh eeg daroof².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawoobid
m.dh la-mid: daawoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ka bogsashada cudurka. Dawoobid dhakhso ah ayaan kuu rajaynaynaa. Dh: bogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayoobid
(Dayoobid-da)
Dayow ku dhicid; ismadaxmarid; asqoobid; dhami'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayoobid
m.f.dh eeg dayow². la-mid: dayow¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo jahawareer ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaboobid
(Gaboobid-da)
In badan jirid; filka meesha ugu danbaysa gaarid; duqoobid; odayoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaboobid
m.f.dh eeg gabow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) cimri dheeraansho iyo da'weyni. Dh: duugoobid, duqoobid.