dable
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dable
* (Dabla-ha)
1. Xubin xoogga dabka sida kamid ah oo aan alifyo iyo xiddigo weli qaadan; askari.
2. Buntukh ama dab kale haysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dable
m.l (-layaal, m.l/dh) Askari aan derajo lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dable
m. n. private, soldier who carries firearms; constable
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dable
nickname; name-m private soldier who carries firearms; constable
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dable
-ha: (n) 1. a soldier who holds the lowest rank in the army; private (pareey-vit). 2. an armed man
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dable
Soldato
Soldier
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dable
magaca wiil lagu naanaysay askari dable ah oo aan ahayn sarkaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dable
-ha: (magac, lab, keli) askari aan wax derejo ah lahayn. Ducaysane wiilkayow, anoo da'yar baan ku dhalay, dablaan ku soo korshoo, dedaal baa igu badnaa. Dh: dhibboo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dable
cf: waranle (soldier armed with a spear), alifle (junior officer)
de: private, soldier who carries firearms; constable
lx: dable
pd: (/ha)
ps: n7-m, n5b-m
key: dable
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adable
m.l Dhul carro cad iyo carro madow isugu jira, geedo dhaadheer ka baxaan oo beerashada ku wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adable
m.l Dhul carro cad iyo carro madow isugu jira, geedo dhaadheer ka baxaan oo beerashada ku wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adable
-ha: (magac, lab, keli) dhul carro madow iyo carro cad isugu jirran oo ay geedo dhaadheer ka baxaan, beerashada na ku wanaagsan.
adable -ha: (magac, lab, keli) dhul beeraha iyo qodaalka ku wanaagsan oo leh carro madaw iyo tu cad oo isku jira.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dabble
/daabal/ (v) ka qayb-qaadasho ama dhex-galid aan qoto-dheerayn, sida hiwaayad ahaan oo kale.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dabble
v.i., (in water) galgalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dablee
(fal) askari noqo oo ka soo billow dhibboo. Dablee adigu aniga dan baa fadhi i tidhiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabley
m.dh Dad hub haysta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabley
m.dh Dad hub haysta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabley
-da: (magacwadareed) ciidanka intiisa sidata hubka ee aan waranlaha ahayn. Rag dabley ah ayaa lagu arkay duleedka reerka.
dabley -da: (magacwadareed) askar ciidan ah oo derejadoodu tahay dable illaa laba'alifle. Siyaad waa sarkaal hurin dabley ah hoggaamiya.
dabley -da: (magac, dhedig, keli) jirrida geedka dacartu marka uu qalalo oo dabka si dhaqso ah u qabsan karo. Dabley innoo soo gura iyadaa dabka qabsan oge.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
diable
diable, n. m. - Qofka sheydaanka ah; waxyeela badan; Xun; Waxyeelo ah; kharriban.
diable! - jin!
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
able
/eybal/ (adj) awoodi kara. e.g. I will be able to visit you this weekend.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
able
/eybal/ (adj) tabar, yibaad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
able
a., kara; (skilful) farsamo badan, wax qaban og.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dale
/dheyl/ (n) waadi-yar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dale
n., (a valley) far, -ti.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bable
/baabal/ (v) daldalymow (hathal lyng kasaany).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cable
Waayir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cable
/keybal/ (n) 1. filo koronto; xarig (n) 2. silig teelegaraam (v) 3. teelegaraam ku dirid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Cable
Xarig (taar)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cable
/keybal/ (n) 1. hathyg wiing (fiily). 2. hirmy koronty amy fiily eh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cable
cable, n.m, - Xadhig weyn oo gar ah (Kuwa Maraakiibta iyo korontada).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cable
n., xadhig weyn, -i, -a.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabee
(fal) dab ku rid ama shid. Dabee girgiraha.
dabee: (fal) tamar ka buuxi adiga oo adeegsanaya koronto. Ii dabee taleefoonka. Dh: danabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabre
-ha: (magac, lab, keli) dagaalka oo la isku soo rogaalceliyo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dafle
nickname-m snatcher; taker of things forcibly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dafle
magac loo baxsho wiil degdeg badan ama xoog wax ku qaata.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fable
/feybal/ (n) 1. sheeko xayawaaneed (qiso ku-saabsan xayawaan) (n) 2. quraafaad, khuraafaad. e.g. I could not decide if it was fact or fable.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fable
fable, n.f. - sheeko baraley; ku tidhi kuteen; sheeko khiyaal ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gable
/geybal/ (n) derbiga qaabka saddex-xagalka u dhisan oo fiintiisa saqafka ama tarniiga laga kala-rido.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hable
Regular
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kable
m.l Caleen dhul-beereedka ka baxda oo inta la kariyo soorta lagu iidaamo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kable
m.l Caleen dhul-beereedka ka baxda oo inta la kariyo soorta lagu iidaamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kable
m. n. uncultivated wild greenery
kable m. n. hop, jump
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KABLE
(Coble) C Launaea intybacea (Jacq) Beauv. Compositae.
N Pluchea dioscoridis DC. Compositae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kable
-ha: (magac, lab, keli) qof labo kabood aan xidhnayne, kab keliya gashan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rable
(Rabla-ha)
Labada lugood oo isku duuban oo kol ama ka badan la boodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rable
m.l 1. la-mid: rablayn. Bood-boodidda nafleydu samayso iyada oo hadba meel kale tageysa. 2. Tidic waaweyn oo timaha haweenka lagu sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rable
m. n. jumping with one's feet together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rable
-ha: (magac, lab, keli) hab timaha hablaha loo dabo oo labo qaybood timaha inta loo sooro inba dhan loo xidho. Rable ayay u dabatay iyadu.
rable -ha: (magac, lab, keli) qaab loo boodo oo labada lugood oo isku duuban kolba dhinac loo boodo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rable
de: jumping with one's feet together
lx: rable
pd: (-ha)
ps: n-m
key: rable
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sable
sable, n.m. - ciid; camuud; bacaad
sables mouvants - dhiidhi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sablé
sablé, adj. - bacaad ku rogan yahay
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Table
Tuse
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
table
/teybal/ (n) 1. miis (n) 2. jadwal (v) 3. jadwalayn (jadwal ku qorid) (v) 4. soo bandhigid (arin iwm, miiska soo saarid).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
table
table, n.f. - miis
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
table
n., miis, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Askari
(Askari-ga)
1. Qof ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aan xiddigo iyo alifyo midna la siin; dable.
2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaha ha lahaado).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askari
m.l (askar, m.dh; askaro, m.l) 1. Qof ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aan xiddigo iyo alifyo midna la siin; dable. 2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaba ha lahaado). la-mid: askar, caskari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subbeehi
m.l (-iyo, m.dh) Askari aan derejo lahayn; dable.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
askari
m.l (askar, m.dh; askaro, m.l) 1. Qof ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aan xiddigo iyo alifyo midna la siin; dable. 2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaba ha lahaado).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABA-LEEF
(Dablef) C Blepharispermum fruticosum Klatt. Compositae.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Macronyx aurantiigula
(I) Macronice gola aranciata;
(E) Pangani Long-claw;
(S) Cagarow (S. c. m.; ‘Agarow); Dau'dablei (Jowhar: Dau'- daulei); SHIMBir cunta badan (S. c. m.: Simbir'unta badàn); HUR DURE (Jowbar: Hur duré)
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Constable
Dable
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
soldato
s.m. - askari, dable.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askari
-ga: (magac, lab, keli) nin ka mid ah ciidanka qalabka sida oo dalka iyo sharciga ilaaliya.
askari-ga: (magac, lab, keli) qof ciidanka qalabka sida ka mid ah weli na aan dallicin. Dh: subbeyhi, dable.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subbeehi
-ga: (magac, lab, keli) askari; dable.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subechi
-ga: (magac, lab, keli) nin askari ah; dable ah. Subeehi ayaan ka ahay darajo. Dh: dable.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
policier
policier, adj. - la xidhiidha booliska; ka mid ah booliska
policier, n.m. - qof ka tirsan ciidaanka booliska; askari booliska ka tirsan; dable booliska
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alifle
cf: dable
de: junior noncommissioned officer, lance-corporal
lx: alifle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: alifle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarkaal_kuxigeen
de: private, non-commissioned officer
initial: s
lx: sarkaal kuxigeen
ps: np-m
syn: askari, dable
key: sarkaal_kuxigeen
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waranle
de: spearman, lancer, warrior ~ soldier armed with a spear Contrast: dable (soldier who carries firearms)
initial: w
lx: waranle
pd: (/ha Pl: waranley (da))
ps: n5b-m, n7-m
key: waranle
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bateful
a., hori dableh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dab leh
adj., [expression] ignited, on fire
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dab_leh
de: ignited, on fire
lx: dab leh
ps: adj-expr
key: dab_leh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboole
m.l Cudur candhada geela ku dhaca oo ibaha xira. la-mid: daboolo, ibadaboole, ibadaboolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboole
-ha: (magac, lab, dhedig) neefka xoolaha ay dabadu ka go'an tahay. Awrkii daboole ayaa geelii ku qooqay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dahable
m. n. goldsmith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dahable
-ha: (n) goldsmith (gooldh-ismiith)-, jeweler also jeweller
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahable
-ha: (magac, lab, keli) qofka dahabka iibiya oo ka ganacsada ama farsameeya.
dahable-ha: (magac, lab, keli) dukaanka dahabka lagu iibiyo. Dahablaha agtayda ah mid asliyaa lagu gadaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dahable
de: goldsmith
lx: dahable
pd: (/ha)
ps: n7-m
xe: Lets go to the goldsmith.
xv: Aynu dahablaha u tagno.
key: dahable
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalable
m.l.u (-layaal, m.l/dh) Qof hal lug dalab ku leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalable
m.l.u (-layaal, m.l/dh) Qof hal lug dalab ku leh.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
disable
(v) (m) to weaken or destroy the normal physical or mental abilities of; incapacitate.
naafo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
disable
/dhiseybal/ (v) awood-beelid, curyaamid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
durable
/dhyurabal/ (adj) cimri-dheer, waaraya. e.g. durable peace.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arable
/aarabal/ (adj) dhul ku haboon bacriminta, beerista. e.g. arable land.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
arable
/aarabal/ (adj) athably eh amy abuur ky feyly.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
arable
arable, adj. - Ku habboon aboorid (Dhul) badanaaba la bagbaago
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
babble
/baabbal/babbles, babbling, babbled; (v) 1. cantar (hantaaticid); hadal ulajeedo cad aan lahayn oo isku dhex yaacsan farxad ama isku buuqsanaan darteed samayn. e.g. He babbled on about this wicked world. (n) 2. hadaaq (sida hadaaga caruurta). e.g. I like baby's babble. (adj) 3. codka biya-dhaca ama daadku sameeyo oo guuxa yar leh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
babble
babbling, n., dawdar, -ki.
babble, v.i., dawdar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cabale
cabale, n.f. - Koox sir siyaasadeed haysa.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Cables
Waayar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabeeb
(Dabeeb-ta)
Hadal la tooxdo; dabuub; dood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeeb
m.dh Hadal dood ah. la-mid: dabuub (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeeb
m.dh Hadal dood ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabeeb
f. n. argument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeeb
-ta: (magac, dhedig, keli) marka aad wax caddaysid ama aad soo bandhigtid. Dabeeb hadalka oo ka gudub ararta dheer. Dh: dabuub, dood, baan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabeeb
de: argument
lx: dabeeb
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: dabeeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabeec
(Dabeec-a)
Abuur; dhalan; baxaalli; sansaan; falfal; (ama dabeeco, dabeecad, dabci)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeec
m.l 1. la-mid: dabci¹. 2. Xiriir ka dhexeeya laba qof ama ka badan oo saaxiib ah.