dabjeexid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabjeexid
-da: (magac, dhedig, keli) seexadka dabka geerkiisa. Dabjeexid ayaanu samaynaa xilliyada dheelka badani soo dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabjeex
-a: (magac, lab, keli) jiibsashada dabka agtiisa. Dabjeexsiga dharku yaanu kaaga gubanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabjeexsi
-ga: (magac, lab, keli) jiibsiga dabka geerkiisa. Dabjeexsiga kuma gam'o.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabjeexso
(fal) dab shido oo geerkiisa ama agtiisa seexo. Dhaxantii xalay awgeed baan dabjeexsaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarjeexid
-da: (magac, dhedig, keli) timo dhaadheer badhtanka ka kala seexin; kala rogidda timaha oo badhtanka lagu kala jeexo. Baarjeexid baa laygu yaqaan taniyo yaridiiye, maatana waa la tirin karaa timaha guudkayga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabakeenid
(Dabakeenid-da)
Qaarka danbe soo hormarsasho, kolka la dhalana hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabakeenid
m.f.dh eeg dabakeen³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabakeenid
-da: (magac, dhedig, keli) qof soo dhalanaya qarka danbe soo horraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexid
m.f.dh eeg dhalleex². la-mid: dhalleecid, dhalleeco, dhalleexo, jalleecid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleexid
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanta mid janjeedhsan. Dh: dhalleecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegjeexid
m.f.dh eeg dhegjeex².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalajeexid
m.dh Jeexid ama qalid noole, si loo muujiyo anatamiga xubnihiisa had iyo jeerna waxa loo adeegsadaa xirfad ahaan iyo aqoon korodhsi ama baadhis cilmi ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalajeexid
-da: (magac, dhedig, keli) jeexid ama qalid noole, si loo muujiyo anatamiga xubnihiisa had iyo jeerna waxa loo adeegsadaa xirfad ahaan iyo aqoonkorodhsi ama baadhis cilmi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabxid
m.dh la-mid: daabaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexid
(Jeexid-da)
Dillaacin; kalaggoyn; dhanbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexid
m.f.dh eeg jeex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexid
-da: (magac, dhedig, kali) in ka jeexis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeerid
-da: (magac, dhedig, keli) abeer aad u naaxay oo an curan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabeebid
(Cabeebid-da)
Cabeeb ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabeebid
m.f.dh eeg cabeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabeebid
-da: (magac, dhedig, keli) cabeeb ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaxid
m.dh la-mid: daabaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) gawricid; qoorta ka jarid. Dh: qalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabeebad
(Dabeebad-ka)
Dabeebasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeebad
m.l la-mid: dabeebasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabeebad
vl. n. arguing, argument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeebad
-ka: (magac, lab, keli) dabeebasho samayn; dabuub jeedsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabeebad
a: dabeebasho (/da) [vn-f]
de: arguing, argument
lx: dabeebad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: dabeebad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabeecad
(Dabeecad-da)
Dabeec; dhalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeecad
m.dh 1. la-mid: dabci (1). 2. Noolaha iyo ma noolaha Eebbe ku abuuray dunida guudkeeda oo dhan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeecad
m.dh 1. la-mid: dabci. 2. Noolaha iyo ma noolaha Eebbe ku abuuray dunida guudkeeda oo dhan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabeecad
-da: (n) behaviour also behavior (bi-heey-viyar); character (kaaraktar)-, conduct (kon-dhakt)-, personality (peer-so-naalati)-, disposition (dis-pozi-shin) ~ dabci, akhlaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeecad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabeec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareemid
(Dareemid-da)
Maanka ku garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareemid
m.f.dh eeg dareen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareemid
-da: (magac, dhedig, keli) iyada oo aan la arkayn in wax jiraan maanka ka garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareerid
(Dareerid-da)
(xoolo, wax shubma) meel ka tegid oo meel kale aadid; dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerid
m.f.dh eeg dareer². la-mid: dareer¹, dureer¹, dureerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerid
-da: (magac, dhedig, keli) durdurid oo yaacid. Ishu dareeridda lilmada ma joojinayso.
dareerid-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, sooftegid. Dh: soofid, foofid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labeebid
-da: (magac, dhedig, keli) labeeb noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qajeelid
m.f.dh eeg qajeel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxeexid
-da: (magac, dhedig, keli) saxeex u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebid
m.f.dh eeg xabeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebid
-da: (magac, dhedig, keli) xabeeb yeelasho. Dh: xabeebis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseegid
m.f.dh eeg danseeg². la-mid: danseeg¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan dani ku jirin, ku mashquulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daryeelid
(Daryeelid-da)
Waxtarid; kaalmayn; taageerid; gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daryeelid
m.f.dh eeg daryeel². la-mid: daryeel¹ (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Daryeelid
Interessamento
To take care of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daryeelid
-da: (magac, dhedig, keli) xannaanada wax la ilaaliyo. Dh: xannaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeelid
m.f.dh eeg hanjeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Janjeerid
(Janjeerid-da)
Doc ama dhinac u qalloocid, u dheelliyid, u liicid, u leexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeerid
m.f.dh eeg janjeer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeerid
-da: (magac, dhedig, kali) marka shey meel yaalaa dhinac u ciirayo. Dh: leexiyo. Li: toosiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warjeefid
(Warjeefid-da)
Tiro badan oo badanaa xoolo ah, isku kol dilid, layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warjeefid
m.f.dh eeg warjeef². la-mid: warjeef¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warjeefid
vl. n. large-scale slaughter (of animals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warjeefid
-da: (magac, dhedig, keli) tiro badan oo badanaa xoolo ah isku kol dilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warjeefid
de: large-scale slaughter (of animals)
initial: w
lx: warjeefid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: warjeefid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabandeebid
m.f.dh eeg dabandeeb². la-mid: dabandeeb¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabandeebid
-da: (magac, dhedig, keli) noqnoqod badan samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kala-jeexid
m.dh Jeexid ama qalid noole, si loo muujiyo anatamiga xubnihiisa had iyo jeerna waxa loo adeegsadaa xirfad ahaan iyo aqoon korodhsi ama baadhis cilmi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardajeexid
(Qardajeexid-da)
Meel aan dhabbe lahayn oo socod xun, marid, ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardajeexid
m.f.dh eeg qardajeex². la-mid: qardajeex¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardajeexid
-da: (magac, dhedig, keli) toobiyayn oo meel aan dhabbe lahayn marid. Waddo la'aanta ayaa qardajeexidda nagu kalliftay. Dh: qardajeexis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayeelid
(Aabayeelid-da)
U dan gelid; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabayeelid
m.f.dh eeg aabayeel². la-mid: aabayeel¹ (2), aabeyeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aabayeelid
vl. n., [compound] attention, consideration, being concerned about
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aabayeelid
de: attention, consideration, being concerned about
lx: aabayeelid
pd: (-da)
ps: vn1-f-cmp
key: aabayeelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabeyeelid
m.f.dh la-mid: aabayeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dababbixid
m.f.dh eeg dababbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dababbixid
-da: (magac, dhedig, keli) shuban dartii, qofka oo calooshu jilicdo ama socoto. Dh: shubmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadbaxid
-da: (magac, dhedig, keli) xagga danbe oo saxaro badan laga keeno. Dh: shuban.
dabadbaxid-da: (magac, dhedig, keli) dadka oo guryaha iyo xafiisyada ka soo baxa si ay u muujiyaan rabitaan ama diidmada wax ay ka midaysan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaggelid
(Dabaggelid-da)
Ka harid la'aan; dabasocosho; dabajoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggelid
m.f.dh eeg dabaggal². la-mid: dabaggal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba meesha la maro ka dabategid. Dembiyada waxa lagu helaa dabaggelid. Dh: dabagalid, baadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabajoogid
m.f.dh eeg dabajoog². la-mid: dabajoog¹ (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dabajoogid
Seguimento
To follow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabajoogid
-da: (magac, dhedig, keli) ka hadhitaan la'aan oo ku raadjoogid. Dabajoogid ayaa xoolaha lagu ilaaliyaa. Dh: dabasocod, dabaggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleecid
m.dh la-mid: dhalleexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleecid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u qalloocid. Kuruska geela dhalleeciddu waxba uma dhinto. Dh: qalloocid, janjeedhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexin
m.f.dh eeg dhalleexi. la-mid: dhalleecin, jalleecin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleexin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhalleecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbeelid
m.f.dh eeg dharbeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibu'eegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horay loo sameeyey dib u qiimayn ama ka bogasho darteed ugu noqosho. Dh: naqtiimid, muraajacayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibabbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) ibabbeel ku dhaca ibtii caanuhu ka soo dhiiqayeen. Dh: candhabbeelid, naasabbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeedhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhinac u ciirsan oo aan miisaanneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexjeexid
(Jeexjeexid-da)
Jeexjeex badan u yeelid; dildillaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexjeexid
-da: (magac, dhedig, keli) dildillacin maro ama wax kale oo la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'eefid
-da: (magac, dhedig, keli) labo saami qadasho; labo jeer qaadasho. Dh: sedbursasho, sedbursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaleexad
m.l la-mid: laballeexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabeenxidh
-ka: (magac, lab, keli) raalligelinta qof gef lagu sameeyo la raali geliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabarjeedin
m.f.dh eeg dhabarjeedi. la-mid: dhabarjeedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarjeedin
-ta: (magac, dhedig, keli) sii jeedsasho oo orod isa sii dayn; dagaal ka baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabarjeedis
m.l la-mid: dhabarjeedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarjeedis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhabarjeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegabbeelid
(Dhegabbeelid-da)
Wax maqli waayidda dhegaha; xubinta maqalka oo bugto ama wax ku dhacay darteed waxmaqalkii gabta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhabbeelid
(Indhabbeelid-da)
Wax arki waayidda indhaha; indho ka dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhabbeelid
m.f.dh eeg indhabbeel². la-mid: aragbeel¹, aragbeelid, indhabbeel¹, indhabbeelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhabbeelid
-da: (magac, dheddig, keli) aragga waayid.