dabeyl-kulul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeyl-kulul
m.dh (-lo ..., m.l) (juqraafi) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeylkulul

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabeyl kulul
Fohn wind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylkulul
-ta: (magac, dhedig, keli) dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yagaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayl kulul
Thermal
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fohn wind
Dabeyl kulul
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAY-KULUL
(Dai-kulul) S Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayl tuul
Loess
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylnuug
m.l.kh D. ah: neef lo' ah oo aan sanka ka neefsan karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylnuug
-ga: (magac, lab, keli) neef lo'da ka mid ah oo carrabdheer soo bixiya markuu harraado. Dhiinyar waa dabaylnuug.
dabaylnuug -ga: (magac, lab, keli) qof ama neef had iyo goor afka kala haya oo laydha cabba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqo-kulul
m.dh Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barqo-kulul
m.dh Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duhur-kulul
m.l Xilliga u dhexeeya 1-da duhurnimo ilaa 2-da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durdur-kulul
m.l (-rro ..., m.dh) (jooloji) Il dabiici ah oo biyaheedu kululyihiin, taas oo biyo kulul iyo qiiq kor u soo tuurta, amminta u dhexaysa kor u soo tuuridda way isla ekaan kartaa ama way kala duwanaan kartaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabeyl-ka-jeed
Leeward