dabayl kulul
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayl kulul
Thermal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylkulul
-ta: (magac, dhedig, keli) dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yagaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabeyl kulul
Fohn wind
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayl tuul
Loess
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeylkulul
m.dh (-lo ..., m.l) (juqraafi) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeyl-kulul

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanfi
(Hanfi-ga)
Dabayl kulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Holon
(Holon-ka)
Dabayl kulul; hongorre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hongorre
(Hongorra-ha)
Dabayl kulul; holon; (ama hongor).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabo
(Saba-da)
1. Dhul kooban oo ceel ama guri ku wareegsan; heelad; agagaar; sabad.
2. Dabayl kulul oo xagaaga dhacda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafeef
m.dh 1. Dabayl kulul. 2. Kulaylka gubashada jirka laga dareemo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfi
hanfi¹: m.l Dabayl kulul.
hanfi²: m.l (juqraafi) Dabayl kulul oo qallalan oo ka soo dhacda meelaha dulaha ah una soo dhacda xeebaha, gaar ahaan dalka koonfurta Afrika; waxaana ay dalkaas ka dhacdaa xilliga jiilaalka. Hanfigu wuxuu dhulka Soomaalida ka dhacaa xilliga xagaaga, waxaanu ka dhacaa Xeebta Badda Cas, sida Berbera iyo Jabuuti.

holon
m.l 1. Dabayl kulul; hongorre. 2. Gaajo iyo wixi lamida. 3. Carro, dambas iyo wixi lamidaoo kulul. la-mid: holan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hongorre
m.l Dabayl kulul; hanfi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorri
m.l (-iyo, m.dh) 1. Aqal Soomaali. 2. Qof aad u madow. 3. Dabayl kulul.

sabo
sabo¹: m.dh 1. Dabayl kulul oo xagaaga dhacda. 2. (-ooyin, m.l) Dhul kooban oo ceel ama guri ku wareegsan heelad.
sabo²: m.dh (juqraafi) Degaan gaar ah oo uu noole ku noolaado, tusaale ahaan: balliyada, webiyada, ayda iyo wixi lamida.
sabo³: f.g/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Cid wax dani ugu jirto, cid kale si ay u fuliso hadal ku qancin. 2. (f.mg) Degan, ceel, iyo wixi lamida agagaarkooda tuurid (xoolo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samuun
m.l (juqraafi) Gudaha Iran, waa dabayl kulul, oo qallalan, oo ah nooca Fohn, taas oo ka soo dhacda buuraha kurdistaan. Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.

simuum
m.l (juqraafi) Carabi. Dabayl kulul, qallalan ama meerkac dabayleed oo ka dhacda xilliyada Gu'ga iyo xagaaga saxaaraha iyo lama degaanta Carabta, waxa inta badan la socda qaddar cufan oo bataax ah oo yareeya ragtida xoogaa mitirro ah ama inta badan eber, marmarka qaarkoodna beddela qaabka meelaha ay marayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanfi
hanfi¹: m.l Dabayl kulul.
hanfi²: m.l (juqraafi) Dabayl kulul oo qallalan oo ka soo dhacda meelaha dulaha ah una soo dhacda xeebaha, gaar ahaan dalka koonfurta Afrika; waxaana ay dalkaas ka dhacdaa xilliga jiilaalka. Hanfigu wuxuu dhulka Soomaalida ka dhacaa xilliga xagaaga, waxaanu ka dhacaa Xeebta Badda Cas, sida Berbera iyo Jabuuti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoorri
m.l (-iyo, m.dh) 1. Aqal Soomaali. 2. Qof aad u madow. 3. Dabayl kulul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
samuun
m.l (juqraafi) Gudaha Iran, waa dabayl kulul, oo qallalan, oo ah nooca Fohn, taas oo ka soo dhacda buuraha kurdistaan. Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
simuum
m.l (juqraafi) Carabi. Dabayl kulul, qallalan ama meerkac dabayleed oo ka dhacda xilliyada Gu'ga iyo xagaaga saxaaraha iyo lama degaanta Carabta, waxa inta badan la socda qaddar cufan oo bataax ah oo yareeya ragtida xoogaa mitirro ah ama inta badan eber, marmarka qaarkoodna beddela qaabka meelaha ay marayso.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Thermal
Dabayl kulul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaw
-ga: (magac, lab, keli) dabayl kulul oo aad u xoog badan. Cadhadii kolkaan soo hingaday, hadawgu ma i leefay. Dh: hanfi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfi
-ga: (magac, lab, keli) dabayl kulul oo jidhka leefta; dabayl kulul oo qallalan. Dh: halaso. Li: dhaxan, hamaday, gabadano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holan
-ka: (magac, lab, keli) dabayl kulul; hanfi iyo hongorre.
holan -ka: (magac, lab, keli) dhalan aanu qofku abidkiis dhergin ama kol kasta ay baahidu ka muuqato. Dh: holon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylnuug
m.l.kh D. ah: neef lo' ah oo aan sanka ka neefsan karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylnuug
-ga: (magac, lab, keli) neef lo'da ka mid ah oo carrabdheer soo bixiya markuu harraado. Dhiinyar waa dabaylnuug.
dabaylnuug -ga: (magac, lab, keli) qof ama neef had iyo goor afka kala haya oo laydha cabba.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAY-KULUL
(Dai-kulul) S Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayl ku jeed
Windward
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaculus
m.l Hal marka ay rinto si dhaqso ah aan u goojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabakafuul
(Dabakafuul-ka)
Wiil baabuurka xoojiya oo meel walba u raaca, aan wadinse; wiil shufeerka hawsha baabuurka ka xiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabakafuul
m.l (-llo, m.dh) Wiil caawiya darawalka oo qaabilsan ilaalinta, nadiifinta iyo wixi lamida ee baabuurka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabakafuul
m.l (-llo, m.dh) Wiil caawiya darawalka oo qaabilsan ilaalinta, nadiifinta iyo wixi lamida ee baabuurka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabakafuul
v. climb on the back (of camel, truck, etc.)
dabakafuul m. n., [compound] boy helper on a truck ~ bus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabakafuul
-ka: (n) a boy who assists or helps the driver of a truck or a bus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabakafuul
-ka: (magac, lab, keli) wiil baabuurta ka xoogsada oo meel walba u raaca aanse wadin. Dh: kirishbey.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayl jinni
Dust devil
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayl xagaa
Etesian wind
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Durdur kulul
Thermal spring, Geyser
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaalo kulaal
Satelite town
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaal joogle
-ha: (n) breaststroke (bareesti-istarook)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayl bataax
Sandstorm
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayl joogta
Planetary wind
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayl qaadis
Deflation
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabaylo buuxsan
Stored winds
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabaylo galbeed
Wester lies
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danabka qulqula
(n) alternating current; AC (eey sii) ~ danabka qulqula ee korontada
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gadaal kulaylin
Backheating