dabandeeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabandeeb
(Dabandeeb-ka)
Noqnoqod badan; socsocod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabandeeb
dabandeeb¹: m.l Socod dan la'aan ah oo la iska daba noqnodo. la-mid: dabandeebid.
dabandeeb²: f.mg1 (-bay, -btay) Si dan la'aan ah isaga daba noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabandeeb
m.l Socod dan la'aan ah oo la iska daba noqnodo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabandeeb
v. walk back and forth; come and go; go to and fro; keep saying the same things
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabandeeb
-ka: (magac, lab, keli) noqnoqod badan; socsocod noqnoqod badan. Dabandeeb baa ku dili haddaad dabadhoontahaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabandeeb
de: walk back and forth; come and go; go to and fro; [fig.] keep saying the same things
lx: dabandeeb
pd: (dabandeebay)
ps: v1=
key: dabandeeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabandeebid
m.f.dh eeg dabandeeb². la-mid: dabandeeb¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabandeebid
-da: (magac, dhedig, keli) noqnoqod badan samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabadeed
Kaddib; dib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabadeed
fk. la-mid: dabo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabadeed
fk. Kaddib; la-mid: dabo¹: (5).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabadeed
conj; n. phr., time/loc: then; after; behind (her)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabadeed
(conjunction) 1. after that; then ~ ka dibna Ex: dabadeed maxuu yiri? what did he say after that? 2. —dabadeed -da: (n) her buttocks, her tail
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dabadeed
Conseguentemente
Consequently
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadeed
(falkaabe) wakhtiga la joogo ka dib. Markaad ogayd dabadeed maantegin magaalada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabadeed
de: then; after; behind (her) Also with a feminine noun to show location
lx: dabadeed
ps: conj; np-time/loc
xe: dabo
xv: dabadiis
key: dabadeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabeeb
(Dabeeb-ta)
Hadal la tooxdo; dabuub; dood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeeb
m.dh Hadal dood ah. la-mid: dabuub (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeeb
m.dh Hadal dood ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabeeb
f. n. argument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeeb
-ta: (magac, dhedig, keli) marka aad wax caddaysid ama aad soo bandhigtid. Dabeeb hadalka oo ka gudub ararta dheer. Dh: dabuub, dood, baan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabeeb
de: argument
lx: dabeeb
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: dabeeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daangee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) Badar daango ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabanee
-ga: (magac, lab, keli) godka lagu xaaro. Dh: musqul, godxaar, suuli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Meel nabad ka dhalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Meel nabad ka dhalin. m.f.dh, nabadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabadee
v. give peace to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadee
(fal) eeg nabaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabadee
de: give peace to
lx: nabadee
pd: (nabadeeyey)
ps: v2b=
key: nabadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raandee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Alwaax raando ku simid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raandee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Alwaax raando ku simid. m.f.dh, raandayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabadee
(fal) sibidh ku shub; sibidh ku samee Godka afkiisa sabadee. Dh: sibidhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanyeer
m.l (-rro, m.dh) la-mid: daayeer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daanyeer
m.l (-rro, m.dh) la-mid: daayeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daanyeer
m. n. monkey species, baboon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daanyeer
-ka: (n) monkey (man-ki)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanyeer
-ka: (magac, lab, keli) jaad xayawaanka naasleyda ka mid ah oo xagga abuurta iyo baaxaalliga dadka u dhow. Wax kaste oo uu dadku cuno ba wuu cunaa geedahana wuu fuulaa oo kooxkoox ayuu u nool yahay. Daanyeer dabacase, dariiqa bannee. Dh: afargacmoodle, daayeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daanyeer
a: daayeer
de: monkey sp., baboon
lx: daanyeer
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: daanyeer
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daanyeer
فَرْد
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabadheh
f.g1 (-ayiri, -atiri/-dhahay, - dhahday; -dhihi) Ka d.: wax qof yiri ku celin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadheh
(fal) inyar oo biira ah ku dar wax aad miisaantay ama miistay. Waad ii miistaye biirayar bal dabadheh. Dh: raxee, biiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Ka d.: wax, wax kale oo ka tegay gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaggee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Ka d.: wax, wax kale oo ka tegay gaarsiin. m.f.dh, dabaggayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggee
(fal) wax hore wax dambe ka daba samee ama ka daba kexee. Intan intii hore ka dabaggee. Dh: gaadhsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabakeen
(Dabakeen-ka)
Qofka markuu dhalana hayo aan maduxu soo hormarin ee qaarka danbe soo horbaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabakeen
dabakeen¹: m.l (-nno, m.dh) Wiil dadku sharaysto oo marka uu dhalanayo qaarka dambe soo hormariya.
dabakeen²: m.dh (-nno, m.dh) Gabadh dadku sharaysto oo markay dhalanayso qaarka dambe soo hormariya.
dabakeen³: f.mg1 (-nay, -ntay) Ilmo dhalanayo, qaarka dambe soo hormarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabakeen
m.l (-nno, m.dh) Wiil dadku sharaysto oo marka uu dhalanayo qaarka dambe soo hormariya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabakeen
m. n., [compound] breech baby (person born with rump ~ feet first)
dabakeen v., [compound] be born with rump ~ feet first (breech delivery)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabakeen
-ka: (n) breech delivery (biriij diliveri)-, breech birth ~ ilmo dabakeen ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabakeen
-ka: (magac, lab, keli) qof markuu dhalanaayo aan madaxa soo horaysiinin oo qaarka danbe soo baxo hortaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax qoyan si uu u qallalo dabayl u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaylee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax qoyan si uu u qallalo dabayl u dhigid. m.f.dh, dabaylayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylee
(fal) xagga dabaysha u kexee. Maroodiga dabaylee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darangee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Xoolo, meel daran leh daajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darangee
v. take animals to where they can graze on a specific plant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darangee
(fal) meel uu daaq ka baxo gey ama ku soofi. Riyaha darangee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darangee
cf: daran
de: take animals to where they can graze on a specific plant
lx: darangee
pd: (darangeeyey)
ps: v2b=tr
key: darangee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyee
(fal) xoolo iyo wax la mid ah baylihi oo ha dhaqaalayn. Dh: baylihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbadee
f.g/mg2 (-deeyay, -daysay) Laadid (kubbadda cagta).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darbadee
f.g/mg2 (-deeyay, -daysay) Laadid (kubbadda cagta). m.f.dh, darbadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darbadee
v. kick (a football)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbadee
(fal) cid kale, ciyaar ka badi.
darbadee: (fal) dabbaal darbad ku dhufo. Dh: shaambadee.
darbadee: (fal) kubbad si fiican u laag oo si xoog badan ugu dhufo cagta oo goolka ku gan. Dh: darbee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darbadee
de: kick (a football)
lx: darbadee
pd: (darbadeeyey)
ps: v2b=tr
key: darbadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibadeed
Dibadda; oo dibadda; oo dibadda jooga.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dibadeed
External
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibadeed
n. phr., genetive; [adv.]: outside, out of doors; externally
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibadeed
de: outside, out of doors; [adv.] externally
lx: dibadeed
ps: np-gen
key: dibadeed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandeeq
m. n. beautiful person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maandeeq
name-m/f handsome, beautiful; gratifying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maandeeq
(adj) beautiful, attractive, appealing; interesting, heartwarming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maandeeq
magac loo bixiyo gabadh qurux badan oo uu qalbigu daawideeda ku xasilo.
Maandeeq: magac sarbeeb ahaa oo xilligii gobannimada caan ku ahaa 'dalka iyo madaxbannaanidiisa'. Aan maallo hasheenna Maandeeq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandeeq
de: beautiful person
lx: maandeeq
pd: (-a ~ -da)
ps: n2a-m/f
key: maandeeq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadeed
Nabadi joogto; nabad lug ku leh; (ama nabdeed).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabadeed
n. phr., genetive: peaceful, having to do with peace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nabadeed
(adj) peaceful (piizfuul). Ex: meel nabadeed; a peaceful place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadeed
(tilmaame) qof ama wax nabadda u adeega ama xidhiidh la leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabadeed
de: peaceful, having to do with peace
lx: nabadeed
ps: np-gen
key: nabadeed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nabadeey
(interjection); goodbye (guudhbaay); bye-bye (baay-baay) ~ nabadgalyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadeey
'duco' eray salaan ah oo la isku sagootiyo. Dh: nabadgelyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaandheb
v., [compound] claim a debt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaandheb
(fal) shey ama lacag kugu hallawday iska bixi. Qaandheb daynta lagugu leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaandheb
a: qaandhaw
de: claim a debt
lx: qaandheb
pd: (qaandhebay)
ps: v1=cmp
key: qaandheb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanreeb
m.l (-byo, m.dh) 1. Cudur geela ku dhaca oo tabar-yaraan ku reeba. 2. S. ah: neef geel ah oo caato ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanreeb
-ka: (magac, lab, keli) cudur geela ku dhaca oo tabaryaraan ku reeba.
saanreeb -ka: (magac, lab, keli) neef geel ah oo caato ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandheer
f. n., [compound] strong camel of the herd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandheer
-ta: (magacwadareed) magta dhagarta lagu baxsho, geela inta aan lammaanayn oo aan rimmanayn ee galoofta ah. Waxa middii ba loo xisaabiyaa sagaal ama lix laxaad. Li: uurrey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandheer
de: strong camel of the herd
lx: daandheer
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: daandheer
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABA-LEEF
(Dablef) C Blepharispermum fruticosum Klatt. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabadheer
f.mg4 (-raa, -rayd) Muddo dheer wax socday ahaansho (xaajo, roob, abaar,dagaal iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabadheer
der. [adjective] having a long tail; prolonged; lasting a long time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabadheer
(adj) 1. prolonged (poroloongidh); dragged out ~ daba dheeraaday. Ex: abaartii dabadheer, the prolonged drought. 2. (n) long tail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dabadheer
-ta: (magac, dhedig, keli) xiddigta loo yaqaan Mariikh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabadheer
de: having a long tail; prolonged; lasting a long time
lx: dabadheer
pd: (dabadheeraa)
ps: adj-der
key: dabadheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabayleed
m.l (juqraafi) Wax dabayli keentay amase ku xidhan. Tuulimaad d. waa waxyaabaha ay dabayli qaadday ama ay dhigtay meel dhulka dushiisa ah waxaana ka mid ah dabayl tuul, bacaadka iyo tuulimaadyada lamaddegaannada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabayleed
m.l (juqraafi) Wax dabayli keentay amase ku xidhan. Tuulimaad d. waa waxyaabaha ay dabayli qaadday ama ay dhigtay meel dhulka dushiisa ah waxaana ka mid ah dabayl tuul, bacaadka iyo tuulimaadyada lamaddegaannada.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayleed
Aeollan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darangeel
m.dh Nooc daranta ka mid ah oo dhaadheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darangeel
-sha: (magac, dhedig, keli) jaad daranta ka mid ah oo geelu jecel yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raxanreeb
(Raxanreeb-ta)
Geed-quwaaxa mid kamid ah oo qodxo leh oo diir cad oo xanjo wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raxanreeb
m.dh Geed quwaax gaaban leh qodxo dhaadheer oo xooggan, diir cad iyo xanjo.