dabaggelisayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggelisayn
m.f.dh eeg dabaggelisee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggelisayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xadhigga, meel dabada dameerka ama awrla la geliyo u samayn. Maddan dabaggelisayn la'aan wax laguma heeryeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggelin
m.f.dh eeg dabaggeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaggelis
(Dabaggelis-ka)
Xarig ama suun xoolaha la rara hayo ama la heensayna hayo dabada loo gesho si aan rarka ama kooruhu horay ugu dhicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggelis
m.l (-syo, m.dh) Suun ama xarig xoolaha la rarto dabada loo suro si uusan rarku hore ugu dhicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggelis
-ka: (magac, lab, keli) xadhig xoolaha la raro dabada loo soo galiyo si aanu rarku uga dhicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggelisee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Neef xoolo ah oo la rarayo dabaggelis u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggelisee
(fal) xadhigga maddanka dabada waxa la rarayo soo sudh. Awrka dabaggelisee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaggelid
(Dabaggelid-da)
Ka harid la'aan; dabasocosho; dabajoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggelid
m.f.dh eeg dabaggal². la-mid: dabaggal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba meesha la maro ka dabategid. Dembiyada waxa lagu helaa dabaggelid. Dh: dabagalid, baadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaggibin
(Dabaggibin-ta)
Lafdhabarta (xiriirka) dadka meesha ugu danbaysa oo ay ku dhammaato: waa laf yar oo ka samaysantay afar ricirood oo midoobey oo af fiiqan yeeshay; lafdhumuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggibin
m.dh Lafdhbarta dadka meesha u dambeysa ee ay ku dhammaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaggibin
f. n., [compound] bottom part of the spinal column
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaggibin
-ta: (n) the lowest part of the spinal column ~ laf-dhumuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggibin
-ta: (magac, dhedig, keli) lafdhabarta dadka meesha ugu dambaysa oo ay ku dhammaato. Waa laf yar oo ka samaysan afar ricirood oo isu tegay oo af fiigan leh. Dabaggibinta ayuu odaygii ka jabay. Dh: lafdhumuq, xaarquud, dabadhilif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaggibin
de: bottom part of the spinal column
lx: dabaggibin
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: dabaggibin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraggelin
(Faraggelin-ta)
Arrin, hagaajinteed ama xumaynteed, u dhexgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggelin
m.f.dh eeg faraggeli. la-mid: faraggelis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraggelin
vl. n. interference
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraggelin
de: interference
lx: faraggelin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: faraggelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggelis
m.l la-mid: faraggelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadgelin
(Nabadgelin-ta)
Wax xun ama dhibaato ah, ka dhawrid, ka ilaalin, ka celin; samatabbixin; badbaadin: bariin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadgelin
m.f.dh eeg nabadgeli. la-mid: nabadgeliyo.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Nabadgelin
Salvaguardia
Safeguard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) ammaan siin oo dhib iyo waxyeello ka ilaalin. Dh: badbaadin, ilaalin, dhawrid, samatabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaggelin
m.f.dh eeg talaggeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaggelin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, talo wax ka siin oo wadaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaggelin
(Xagaggelin-ta)
Labo qof oo isku dhinac ah, keli ula legdamid; midba xag u deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaggelin
m.f.dh eeg xagaggeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaggelin
-ta: (magac, dhedig, keli) legden uu qof qudhihi laba nin uu la wada qabto oo ay midba dhinac ka galaan. Dh: xagayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afargeesayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaxan, afar gees u yeelid; afarta dhinac ba isle'egaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggorayo
m.dh Meel ku aaddan maraqsaarka awr dhaan ah, heeryadu ka furantahay wax la geshado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdabaggelin
m.f.dh eeg isdabaggeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadgelyeyn
m.f.dh eeg nabadgelyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadgelyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sagootiyid oo nabad iyo badbaado ugu ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggorayeyn
m.f.dh eeg dabaggorayee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbayeelitaan
-ka: (magac, lab, keli) tixgelinta iyo tudhaadda lafteeda. Aabbayeelitaanku waa anshax in la ilaaliyaa habboon tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababa'layn
-ta: (magac, dhedig, keli) si qardajeex ah oo hubsiimo lahayn u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsigelin
m.f.dh eeg cabsigeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsigelin
vl. n. intimidation, fright
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsigelin
-ta: (n) intimidation. (intimadey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsigelin
-ta: (magac, dhedig, keli) baqdin gelin; halis ku soo socota dareensiin. Dh: bajin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabsigelin
de: intimidation, fright
lx: cabsigelin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: cabsigelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daadgurayn
(Daadgurayn-ta)
Wax badan meel ka gurgurid ama ka wadid oo meel kale geyn; diqdiqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadgurayn
m.f.dh eeg daadguree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daadgurayn
-ta: (n) evacuation (ivaaku-weey-shin); emergency evacuation ~ qixin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadgurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan meel ka gurgurid oo meel kale gayn. Daadguraynta xujayda diyaarado badan baa ka shaqaynaya. Dh: daabbulid, diqdiqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daangeysad
m.l la-mid: daangeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaalsiin
m.dh la-mid: dabaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel biyo leh dul sabaysiin oo wax dabbalanaya ka dhigid. Dh: dabbaalsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggurid
m.f.dh eeg dabaggur². la-mid: dabaggur¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabargo'an
f.mg4 (-'naa, -'nayd) Wax dabargo'ay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabargo'an
der. [adjective] eradicated, eliminated, destroyed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabargo'an
(tilmaame) wax halaagsamay oo aan waxba ka jirin. Kol hadduu ninkii dhintay reerkaasi wuu dabargo'an yahay. Dh: cidhibtiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabargo'an
de: eradicated, eliminated, destroyed
lx: dabargo'an
pd: (dabargo'naa)
ps: adj-der
key: dabargo'an
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabargooyn
-ta: (n) eradication (iraadi-keey-shin) ~ ciribtir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaximaan
-ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) cid kale, waxay samayso la samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: dacayan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabgelid
m.f.dh eeg dadabgal². la-mid: dadabdhigid, dadabgal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabgelid
-da: (magac, dhedig, keli) aqalgalid oo aroos ku wareegid. Jimacaha ayaa dadabgaliddii arooska laga dhigay. Dh: aqalgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaggooyn
m.f.dh eeg dagaggoo. la-mid: dagaggoys (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabaalayn
(Dhabaalayn-ta)
1. Dhabbaalo ku dhufasho.
2. Guubaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaalayn
m.f.dh eeg dhabaalee. la-mid: dhabaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) awr, mid kale qallaxato ku dhufasho. Dh: qallacatayn.
dhabaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) guubaabin oo gooddin iyo boorrin iskugu darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaggaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Xoolo gaaggaxay ahaansho. la-mid: gaagaxsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaggaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Xoolo gaaggaxay ahaansho. m.f.dh, gaaggaxsanaan. la-mid: gaagaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalliseyn
m.f.dh eeg gaallisee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalliseyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cayaarta gaallisada ka dhigid ama ciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl la hayay dhammayn. Dh: dhammaystirid, dabayaaqayn, gunaanadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacangelin
m.f.dh eeg gacangeli. la-mid: gacangelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aad haysay cadowgiisi u dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacangelis
m.l la-mid: gacangelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacangelis
-ka: (magac, lab, keli) eeg gacangelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabaqcelis
-ka: (magac, lab, keli) habka derbiyada iyo meelaha dhismaha ahi, codka u soo celiyaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labalabayn
-ta: (n) hesitation (hezeteeyshin); doubt (dhaawf); wavering (weey-varing); skepticism- shaki-ga, laballaboow -ga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maageersan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: maageeran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maageersan
der. [adjective] surrounded; in a circle around something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageersan
(tilmaame) xayndaab lagu wareejiyay ah. Meel wada maageersan cidina ma gasho. Dh: meegaarsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maageersan
de: surrounded; in a circle around s.t.
lx: maageersan
pd: (maageersanaa)
ps: adj-der
see: maageeran
key: maageersan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magangelin
(Magangelin-ta)
Qof tabar yar, magangelis siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magangelin
m.f.dh eeg magangeli. la-mid: magangelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ammaan u baahan magangelyo siin. Dh: ammaan, badbaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magangelis
(Magangelis-ka)
Qof ama cid la magan geliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magangelis
m.l la-mid: magangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadgelid
(Nabadgelid-da)
Wax xun oo cid waxyeela, ka samatabbixid; badbaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadgelid
m.f.dh eeg nabadgal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadgelid
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo dhib ka badbaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadgelyo
(Nabadgelya-da)
Nabad ku sugnaan; badbaado; nabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadgelyo
m.dh Xaalad nabad iyo degganaan leh oo lagu sugnaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabadgelyo
m.dh Xaalad nabad iyo degganaan leh oo lagu sugnaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabadgelyo
f. n., [compound] security, peace, peacefulness
nabadgelyo: inter. Goodbye!, Farewell!
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Nabadgelyo
au revoir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nabadgelyo
(interjection) goodbye (guudh-baay); bye-bye (baay-baay) ~ nabadgalyo, nabadey
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
nabadgelyo
إلى اللقاء، أَمْن
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taageersan
-aa -ayd: (adj) allied; supported
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabargelid
(Tabargelid-da)
Tabaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabargelid
m.f.dh eeg tabargal². la-mid: tabargal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabargelid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tabargal.