daayimis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayimis
m.dh la-mid: daa'imin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayimis
-ta: (magac, dhedig, keli) caado ka dhigasho oo wax ad had iyo goor samayso ka dhigid. Daa'imista runtu waa sharaf. Dh: daa'imid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: daa'imi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daayimi
v. make something eternal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayimi
(fal) wax joogta ah oo weligii jira ka dhig. Dh: daa'imi, waari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daayimi
de: make s.t. eternal
lx: daayimi
pd: (daayimiyey)
ps: v2a=tr
see: daa'imi
key: daayimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daa'imis
(Daa'imis-ka)
Weligiis ah; daa'in ah; lagu waaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daa'imis
m.l la-mid: daa'imin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daa'imis
-ta: (n) habituation (habi-ju-weey-shiny, conditioned reflex
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'imis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad samayntiisa caadaysatid. Daa'imis ma leh doog hadduu roobku heliwaayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daa'imis
de: permanence
lx: daa'imis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: daa'imis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayimid
m.dh la-mid: daa'imid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayimid
-da: (magac, dhedig, keli) wax weligiiba jira ahaan. Dh: daa'imid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayimin
m.dh la-mid: daa'imin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayimin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax weligiiba jira ka dhigid. Dh: daa'imin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
eternity
n., daayiman or daayimis, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daa'imi
f.g2 (-iyay, -isay) Fal samayntiisa joogtayn. la-mid: daayimi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daa'imi
f.g2 (-iyay, -isay) Fal samayntiisa joogtayn. m.f.dh, daa'imin. la-mid: daayimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'imi
(fal) jirsii muddo dheer oo wax weligii jira ka dhig. Gacankudhiiglaha xabsiga ku daa'imi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daa'imi
a: daayimi
de: make s.t. eternal, cause to last forever
lx: daa'imi
pd: (daa'imiyey)
ps: v2a=tr
key: daa'imi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayiris
-ta: (magac, dhedig, keli) cayilitaan iyo naaxis. Dh: baayirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daa'imid
(Daa'imid-da)
Ku waarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daa'imid
m.f.dh eeg daa'in. la-mid: daayimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'imid
-da: (magac, dhedig, keli) abidba jirid. Dahabka waxa lagu doorbidaa daa'imidda. Dh: waarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daa'imin
m.f.dh eeg daa'imi. la-mid: daa'imis, daayimin, daayimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'imin
-ta: (magac, dhedig, keli) abid jirsiin oo wax weligiiba jira ka dhigid. Daa'iminta tababarka ciidanku tayadiisa ayay kor u qaaddaa. Dh: joogtayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daabicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayicid
m.dh la-mid: dayicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayicid
-da: (magac, dhedig, keli) baylihin oo wax dayacan ka dhigid. Ammaanada daayicidda ka daa oo xafid. Dh: halladaadin, baylihin, dayicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqaqamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daqaqamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaaslimis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yaasiimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayis
m.dh la-mid: aayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayis
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaag hore, dib ugu manaafacaadis. Dh: aayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damis
m.dh la-mid: damin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg damin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daymi
v. lend; give credit to someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daymi
(fal) qof kale, sii amaah uu hadhow iska soo celiyo. Dh: amaahi. Li: sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daymi
de: lend; give credit to s.o.
lx: daymi
pd: (daymiyey)
ps: v2a=tr
see: deymi
key: daymi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayidis
-ta: (magac, dhedig, keli) taageeris iyo gargaar dhan walba noqon kara. Dh: ayidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayimid
m.f.dh eeg ayin². la-mid: ayin¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caymis
(Caymis-ka)
Heshiis dhexmara ku wax cayminaya oo lacag u socota la siiyo iyo ku la cayminayo oo shil ama dhibaato, aan la hubin dhicise karta (caymiska nafta, dabka, tuugada, ...) looga nabaaddiinaxirayo ama ka gaashaamanaya, oo haddii waxa laga baqayey dhacaan, caymiyuhu, isaguna kolkiisa, wax lagu heshiiyey bixinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caymis
m.l 1. Shirkad lacag ka qaadda ciddii ay heshiis la gasha oo u magdhawda markuu shil ku yimaado. 2. la-mid: caymin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caymis
m.l 1. Shirkad lacag ka qaadda ciddii ay heshiis la gasha oo u magdhawda markuu shil ku yimaado. 2. la-mid: caymin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caymis
vl. n. insurance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caymis
-ka: (n) insurance (in-shuur-ans)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Caymis
Assicurazione
Insurance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymis
-ka: (magac, lab, keli) eeg caymin.
caymis -ka: (magac, lab, keli) heshiis dhex mara qof iyo hay'ad ama shirkad si gaar ah u shaqaysa oo dadka iyo qalabka laga diiwaangeliyo lacag joogto ahna la siiyo si haddii uu shil ama dhib aan la hubin, balse dhici karta, soo gaadho qofkaas ay shirkaddu u bixiso wixii khasaare ahaa.
caymis -ka: (magac, lab, keli) hay'adda ama shirkadda wax caymisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caymis
de: insurance
lx: caymis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: caymis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caymis
ضَمَانٍ، تَأْمِينِ
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daa'im
-ay / daa'intay: (v) get used to; habituate (ha-bi-juweeyt); accustom oneself
daa'im -ah: (adj) permanent (permananty, immortal (imoor-tal) eternal (iteer-nal) ~ joogto ah, waaraya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daa'im
-ka: (magac, lab, keli) magacyada Eebbe mid ka mid ah oo 'weligii jire' la macno ah. Daa'imow adaa, deeq badan lehe, roob noo da'sii. Dh: Waare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'im
(fal) weligaaba ku sugnaw oo sidaa u wad inta aad ka dhimanayso. Cibaadada iyo waxbarashada daa'im.
daa'im-ka: (magac, lab, keli) wax aan dhammaan ama dhammaad lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacis
(magac, dhedig, keli) diisitaanka meeli hoos u diisanto ama godoto. Dhigta daacis baa ku dhacday. Dh: liicis. Li: dhiibis.
daacis: (magac, dhedig, keli) ka soo bixitaanka naqasku ka soo baxo caloosha marka qofku dhergo ama uu dareere naqas leh cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadis
m.l la-mid: daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafis
-ta: (magic, dhedig, keli) qoridaaf ku dhicis; bakooro ku dhicis. Daafis iyo indhaxanuun baan kala imid shirkii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahis
-ta: (magac, dhedig, keli) dabaylaraaca iyo guryanoqodka geel. Daahidista geela ka dhawra rimayda ah.
daahis-ta: (magac, dhedig, keli) hawl ama ballan, ka soo dibdhicid. Daahis looma oggola ardayda imtixaanka maraysa.
daahis-ta: (magac, dhedig, lab) dibudhac ku imaansho. Dh: raagis.
daahis-ta: (magac, dhedig, keli) wax astura ama qariya ku gudbis; daah ku xiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daajis
m.l la-mid: daajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daajis
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolaha oo dhul baad leh loo soofiyo. Daajista xooluhu way ku naxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalis
(Daalis-ta)
Socodka ama hawsha kaddib daal iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalis
m.dh la-mid: daalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daalis
vl. n. fatigue, being tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalis
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, daal ku keenid. I jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis. Dh: dakaamis.
daalis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg daalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daalis
de: fatigue, being tired
lx: daalis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: daalis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daamir
(Daamir-ka)
Wax cumur ah oo layiig ah oo madow oo wax ku dhegdhega oo qoryaha iyo dhuxusha. kd., lagala soo baxo; laami; (ama daamur).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daamir
m.l Walax layiig dhegdheg ah, madow, oo jidadka lagu sameeyo; laami. la-mid: daammur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daamir
m.l Walax layiig dhegdheg ah, madow, oo jidadka lagu sameeyo; laami. la-mid: daammur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daamir
m. n. tarmac, blacktop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daamir
-ka: (magac, lab, keli) walax midab madow oo ah hadhaaga shidaalka caydhiin ah, badiyaana loo isticmaalo samaynta waddooyinka. Dh: gaamur, daamur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daamir
a: daamur
de: tarmac, blacktop
lx: daamir
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: laami
key: daamir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) daaqidda tigaadda iyo dhirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaris
(Daaris-ta)
1. Daarid, birin.
2. Taabad, daandaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaris
m.dh la-mid: daarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayin
daayin¹: m.l la-mid: daa'in¹.
daayin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) la-mid: daa'in².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayin
-ka: (magac, lab, keli) eeg daa'im.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmis
-ka: (magac, lab, keli) darminta la darmiyo geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayris
m.l la-mid: dayrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dayrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deymis
m.l la-mid: deymin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg deymin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamis
m.dh la-mid: dhamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamis
-ta: (magac, dhedig, keli)eeg dhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimis
m.dh la-mid: dhimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimis
vl. n. reducing, reduction, cutting back, cutback
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhimis
-ta: (n) the act of decreasing (dikriising)', reduction (ri-dhak-shin)', reducing (ri-dhuusing) ~ dhimitaan, yarayn. Ex: dhimista hubka halista ah; strategic arms reduction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimis
-ta: (magac, dhedig, keli) weel, intii ku jirtay wax ka nusqaamin. Dh: dhimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhimis
de: reducing, reduction, cutting back, cutback
lx: dhimis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: dhimis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimis
m.dh la-mid: diimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimis
-ka: (magac, lab, keli) uskagga iyo biyaha isku gadhoodha oo ay ciiddu yeelato midab silloon iyo ur qudhmuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamis
-ka: (magac, lab, keli) feker iyo talo laabta ku hayn. Dh: haamin.
haamis: -ta: (magac, dhedig, keli) caleen ama caws majo ama haame ku jarjarid. Dh: haamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayimi
f.g2 Wax layliyid; dabcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayimi
v. train, school, tame
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayimi
cf: hebed
de: train, school, tame
lx: hayimi
pd: (hayimiyey)
ps: v2a=
key: hayimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamis
m.l la-mid: maamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rayiis
m.l (-syo, m.dh) Meel u furan in timaha lagu jaro ama lagu habeeyo; baarbiyeeri. la-mid: rayiisle (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rayiis
m.l (-syo, m.dh) Meel u furan in timaha lagu jaro ama lagu habeeyo; baarbiyeeri. la-mid: rayiisle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayiis
-ka: (magac, lab, keli) meesha timaha lagu jaro. Dh: rayiisle, barbayeeri, timajare.