daawoobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawoobid
m.f.dh eeg daawow. la-mid: dawoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dawo ku bogsasho oo ku caafimaadid. Kolkii nafaqada la siiyay ayaa daawoobid ugu horraysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawoobid
m.dh la-mid: daawoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ka bogsashada cudurka. Dawoobid dhakhso ah ayaan kuu rajaynaynaa. Dh: bogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaboobid
m.f.dh eeg danabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) danab yeelasho. Isliska walaxaha danaboobid ayaa ka dhalata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daxaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho ama wax midhidhay ahaan. Dh: daxlid, midhidhid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daawow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Wax cudur ka bogsaday noqosho. 2. Wax illaaway noqosho. m.f.dh, daawoobid. la-mid: dawow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafoobid
m.f.dh eeg aafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ibtilo qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'oobid
m.f.dh eeg da'ow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'oobid
-da: (magac, dhedig, keli) gaboobid oo wax da' weyn jooga ahaan. Dh: gaboobid, duqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadoobid
(Dadoobid-da)
Dhalanka iyo baxaalliga dadkoo kale yeelasho; dad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadoobid
m.f.dh eeg dadow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada dhaqanka fiican ee dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayoobid
(Dayoobid-da)
Dayow ku dhicid; ismadaxmarid; asqoobid; dhami'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayoobid
m.f.dh eeg dayow². la-mid: dayow¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo jahawareer ku jirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caano noqosho; caddaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaroobid
(Caaroobid-da)
Cadanyood; xajiimood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaroobid
m.f.dh eeg caarow. la-mid: caarood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) cadanyoobid; xajiimoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatoobid
(Caatoobid-da)
1. Caato noqosho.
2. Daalid, noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatoobid
m.f.dh eeg caatow². la-mid: caatow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid weyd ah noqosho.
caatoobid -da: (magac, dhedig, keli) daalid; noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddoobid
m.dh la-mid: deddoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangoobid
m.f.dh eeg dangow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaboobid
(Dhaboobid-da)
Wax suuraggalay noqosho; dhab noqosho; run noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaboobid
m.f.dh eeg dhabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhab ah noqosho. Dh: rumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaloobid
m.f.dh eeg dhalow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaroobid
m.f.dh eeg faarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) faar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaloobid
(Gaaloobid-da)
Diinta Muslinka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaloobid
m.f.dh eeg gaalow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) diinta Islaamka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaroobid
(Maaroobid-da)
Maar noqosho; midabka maarta yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaroobid
m.f.dh eeg maarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho. Dh: daxaloobid, midhidhid, ruujimoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naafoobid
(Naafoobid-da)
Naafo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafoobid
m.f.dh eeg naafow². la-mid: naafasho, naafow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) naafo aan wax qabsan karin noqosho. Dh: naafaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaloobid
m.dh la-mid: qaaliyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qiimo sare leh noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaamoobid
(Qaamoobid-da)
Qaan gelid, lagu yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaamoobid
m.f.dh eeg qaamow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux qaamaysan ahaan; qof deyn lagu leeyahay noqosho; qaan gelid. Dh: gashiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaasoobid
(Xaasoobid-da)
Xaas noqosho ama xaas badan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasoobid
m.f.dh eeg xaasow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) xaas badan yeelasho.
xaasoobid -da: (magac, dhedig, keli) itaal yaraan darteed xaaska ku biirid. Dh: maahaysoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaruqoobid
m.f.dh eeg daaruqow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambasoobid
m.f.dh eeg dambasow. la-mid: bambasoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) shey, wada gubasho oo dambas isku beddelid. Dambasoobidda xuladka ayaan sugayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqayoobid
(Dhaqayoobid-da)
Dhaqayo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqayoobid
m.f.dh eeg dhaqayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, jani caana yaraysay noqosho. Hashu dhaqayoobid ayay ku dhawdahay. Dh: janiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaboobid
m.f.dh eeg dharabow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharasoobid
m.f.dh eeg dharasow². la-mid: dharasow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugaagoobid
m.f.dh eeg dugaagow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaagoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dugaag noqosho; sida dugaagga u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaroobid
(Abaaroobid-da)
Abaar noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaroobid
m.f.dh eeg abaarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul xaalufay oo abaar ah noqosho. Haddii sidan geedaha loo guro, abaaroobid baan uga cabsoonaynnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akaakoobid
-da: (magac, dhedig, keli) si sillan u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaloobid
m.f.dh eeg bahalow. la-mid: bahalow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan iyo caado bahal yeelad; ad'adayg iyo naxariisdarro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqoobid
m.f.dh eeg balaqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhego balbalaqsan leh noqosho. Dhegta rida xanuun ayaa balaqoobidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barafoobid
(Barafoobid-da)
Baraf noqosho; aad u qaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafoobid
m.f.dh eeg barafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u qaboobid oo baraf fadhiya noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakoobid
(Barakoobid-da)
Barako yeelasho; badasho; bulaalid; tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakoobid
m.f.dh eeg barakow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakoobid
-da: (magac, dhedig, keli) barako iyo doobir yeelasho oo si Ilaahay u beexaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadoobid
m.dh la-mid: cadcadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaloobid
(Calaloobid-da)
Calal noqosho; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaloobid
m.f.dh eeg calalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) calal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraboobid
m.f.dh eeg carabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caraboobid
-da: (magac, dhedig, keli) Carab noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaroobid
m.f.dh eeg cawarow. la-mid: cawiroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax il cawaran noqosho; cawaro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabajoogid
m.f.dh eeg dabajoog². la-mid: dabajoog¹ (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dabajoogid
Seguimento
To follow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabajoogid
-da: (magac, dhedig, keli) ka hadhitaan la'aan oo ku raadjoogid. Dabajoogid ayaa xoolaha lagu ilaaliyaa. Dh: dabasocod, dabaggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhayloobid
(Dhayloobid-da)
(hilib) sida kan dhaylada u jilcid; karshimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayloobid
m.f.dh eeg dhaylow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubayoobid
m.f.dh eeg dubayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dubayo lagu sameeyey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaroobid
m.f.dh eeg habarow². la-mid: habarow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) habar weyn ahaansho; islaan duqawday noqosho. Dh: duqoobid, gaboobid, cajuusadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandoobid
m.f.dh eeg maandow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqoobid
m.f.dh eeg maraqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mararoobid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maararroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacasoobid
(Nacasoobid-da)
Nacas noqosho; doqonoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacasoobid
m.f.dh eeg nacasow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) maangaab caqligiisu yar yahay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarasoobid
m.f.dh eeg qarasow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadgoobid
m.f.dh eeg raadgoob². la-mid: raadgoob¹