daaweysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweysad
(Daaweysad-ka)
Daawadhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweysad
m.l la-mid: daaweysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweysad
vl. n. medical treatment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale ama meel ku jirran daawo siisasho. Dh: daweysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaweysad
a: daaweysasho (/da) [vn-f]
de: medical treatment
lx: daaweysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: daaweysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweysad
m.l la-mid: daaweysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kaa jirran daawo siisasho. Dh: daaweysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaweysad
m.l la-mid: dhoweysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaaweysad
-ka: (magac, lab, keli) cadow ka dhigasho; cadaaweysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daangeysad
m.l la-mid: daangeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweysi
(Daaweysi-ga)
Si, ama wax ka dhexeeya ku heshiin; daawadhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweysi
m.l la-mid: daaweysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweysi
vl. n. treating someone medically
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweysi
-ga: (magac, lab, keli) cid wax qabta oo adi kaa bugta is u dawaysasho. Dh: dawaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaweysi
de: treating s.o. medically
lx: daaweysi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: daaweysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax jirran daawo siisasho. 2. (f.mg) Wax si isla eg u qaybsasho. la-mid: daweyso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaweyso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax jirran daawo siisasho. 2. (f.mg) Wax si isla eg u qaybsasho. m.f.dh, daaweysasho. la-mid: daweyso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyso
v.auto: treat oneself with medicine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyso
(fal) cid kaa jirran dhakhtarka intaad geyso ka soo daawee ama adiguba dawayso. Cidi kuuma maqnee, daaweyso bukaankaaga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaweyso
a: daawayso
de: treat oneself with medicine
lx: daaweyso
pd: (daaweystay)
ps: v3b=auto
key: daaweyso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweysan
(tilmaame) cid la daweeyey; ruux la dabiibay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haweysad
(Haweysad-ka)
Haweysasho; haweysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haweysad
m.l la-mid: haweysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haweysad
-ka: (magac, lab, keli) niyeysashada wax kaa fog iyo tiigsigiisa. Dh: haweysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: daawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweysii
(fal) cid kale, dawo sii oo xanuunkiisal la tacaal. Kolkaad xanuunkiisa garato bukaanka daaweysii. Dh: daawee, dawee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoweysad
m.l la-mid: dhoweysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoweysad
-ka: (magac, lab, keli) meel dhaw keensasho. Dh: dhawaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafeysad
m.l la-mid: gaafeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeysad
m.l la-mid: jaabeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeysad
m.l la-mid: maadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeysad
-ka: (magac, lab, keli) cid ka tooxsasho oo ku qosqoslid. Wilku maadaysadka wuu nacaaye ka aamusa. Dh: maadaysasho, ruwaayadays, maadaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaajeysad
(Xaajeysad-ka)
Xaajeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajeysad
m.l la-mid: xaajeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajeysad
-ka: (magac, lab, keli) xaajo wada galid oo wada tashi samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweysasho
(Daaweysasha-da)
Daawo dhigasho; daawo yeelasho; daaweysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweysasho
m.f.dh eeg daaweyso. la-mid: daaweysad, daaweysi, daweysad, daweysasho, daweysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweysasho
(magac, dhedig, keli) daaweysadka bukaankaaga ama dhawaacaaga. Daaweysashada dhaawacayga waan ku filanahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabeysad
m.l la-mid: dadaabeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaareysad
m.l la-mid: abaaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carareysad
m.l la-mid: cararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweysiin
m.dh la-mid: daaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daaweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacayeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: dacayan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacweysane
-ha: (magac, lab, keli) cidda lagu soo eedeeyey faldanbiyeed oo caddaalada la horkeeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daxalaysad
m.l la-mid: daxalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daxalaysad
-ka: (magac, lab, keli) daxal iyo midhidhi yeelasho. Dh: miririd, ruujimaysad, daxlaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaleysad
m.l la-mid: ilaaleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacageysad
m.l la-mid: lacageysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daasad
(Daasad-da)
Weel yar oo cunnada la keydina hayo la gesho oo lagu xiro; birow; qasac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daasad
m.dh (-do, m.l) Weel bir ka samaysan oo cunnada, cabitaanka iyo wixi lamida ee la keydinayo lagu alxamo; qasac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daasad
m.dh (-do, m.l) Weel bir ka samaysan oo cunnada, cabitaanka iyo wixi lamida ee la keydinayo lagu alxamo; qasac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daasad
f. n. can, tin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daasad
-da: (n) can (kaan); canister (kaanis-ter); tin-coated can ~ koombo. koonbo, qasac
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Daasad
Scatola
Tin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daasad
-da: (magac, dhedig, keli) weel yar oo bir ah oo cunnada la kaydinaayo lagu qasaacadeeyo. Daasad saliid ah ayaan soo libiyey. Dh: qasacad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daasad
bw: birow
de: can, tin
lx: daasad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: qasac
key: daasad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daawad
(Daawad-ka)
1. Waxa la daawado; in la daawado mudan.
2. Daawasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawad
m.l la-mid: daawasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawad
vl. n. act of gazing; something worth watching
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daawad
name-f worth watching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daawad
magac loo baxsho geela kiisa dheddiga ah ama lo'da oo loola jeedo inuu yahay neef quruxdiisa la daawado. Hashaydii daawad ayaan raadinayaa ee waxba ma aragtay?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawad
-ka: (magac, lab, keli) dheehadka wax, in badan isha la sii raacid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daawad
a: daawasho
de: act of gazing; [ext.] s.t. worth watching
lx: daawad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: daawad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweys
-ka: (magac, lab, keli) marka qof xanuunsanaya dawayntiisa dhakhtarku gacanta ku hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahsad
m.l la-mid: daahsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqsad
(Daaqsad-ka)
Xoolo caws ama geedo ay cunaan siisad ama kob ay ka cunaan geysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsad
m.l la-mid: daaqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsad
vl. n. grazing, feeding livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo foofin oo geyn meel ay wax ka cunaan. Dh: daaqsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsad
de: grazing, feeding livestock
lx: daaqsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: daaqsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweyn
(Daaweyn-ta)
Daawo siin; daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyn
m.f.dh eeg daawee. la-mid: daaweysiin, daweyn, daweysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyn
vl. n. treatment, giving medical attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buka dawo u fidin oo xanuun ka daaweyn. Dh: dawayn, daaways.
daaweyn -ta: (magac, dhedig, keli) bir iyo wixii la mid ah, dubbayn oo daawe ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daaweyn
طب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweysi
m.l la-mid: daaweysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweysi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, dawo siisasho. Dh: daawaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweyso
f.g/mg3 (-saday, -satay) la-mid: daaweyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweyso
(fal) cid kaa bugta, daawo siiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aafo haleeshay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aafeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aafo haleeshay ahaansho. m.f.dh., aafeysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysad
m.l la-mid: aanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysad
-ka: (magac, lab, keli) aargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dilalkii dhacay waxay ahaayeen aanaysad. Dh: godobaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cageysad
m.l la-mid: cageysasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daabiyad
Hamlet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabiyad
-da: (magac, dhedig, keli) magaalo yar oo aan weyneyn. Daabiyadda ayaan shaah kasoo cabbay. Dh: tuulo. Li: caasimad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahiyad
m.dh 1. Dhibaato waxyeello weyn leh; masiibo; belo. 2. Qof aad u caqli badan oo iloodi ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahiyad
f. n. calamity, disaster; misfortune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahiyad
-da: (magac, dhedig, keli) shaqsiyad qiimo iyo qaayo badni la quudhi waayo oo gacalo iyo naafac isku dara. Daahiyad walaaliyo ka roon doorka naagaha ah. Dh: dahab. Li: jebeljaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahiyad
bw: Arabic
de: calamity, disaster; misfortune
lx: daahiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: daahiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysad
* (Danaysad-ka)
Danaysasho; danaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysad
m.l la-mid: danaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danaysad
vl. n. following after one's own interests; self-seeking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysad
-ka: (magac, lab, keli) dan la imasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danaysad
a: danaysasho (/da) [vn6-f], danaysi (-ga) [vn2-m]
de: following after one's own interests; self-seeking
lx: danaysad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: danaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarsad
m.l la-mid: dawarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarsad
-ka: (magac, lab, keli) baryidda in cid kale wax ku siiso. Dadka qaar baa dawarsadka xirfad ka dhigtay. Dh: tuugsad, qarafaysad, baryootan, dawersad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: daawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweysii
(fal) cid kale, daawee; dawo sii. Dh: daway.