daaqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: daaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsii
v.caus: pasture, put (livestock) out to graze; lure, beguile
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daaqsii
-yey / say: (v) put out to grass or pasture; feed animal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsii
a: daaji
de: pasture, put (livestock) out to graze; [fig] lure, beguile
lx: daaqsii
pd: (daaqsiiyey)
ps: v2a=caus
key: daaqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsiin
m.dh la-mid: daajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo meel daaq wacan leh ku eegid. Dadku daaqsiinta xoolaha way kala yaqaanniin. Dh: daajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsiis
m.l la-mid: daajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsiis
-ka: (magac, lab, keli) foofinta xoolo lagu soofiyo meel baad leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsi
-ga: (magac, lab, keli) soofsiga xoolaha iyo cosobsigooda. Daaqsi buu ku fogaaday geelii maanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqsin
(Daaqsin-ta)
Meel xooluhu daaq ku gaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsin
m.dh (-nno, m.l/dh) 1. Daaq. 2. Fogaanta u dhexeysa guriga iyo meesha ay xooluhu daaqa ugu tagaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daaqsin
Pasture
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsin
f. n. grazing place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daaqsin
-ah: (n) grazing land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhulka tigaadda iyo dhirta leh ee ay xooluhu daagaan. Dooxada daaqsin fiican baa ku taalla.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsin
de: grazing place
lx: daaqsin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: daaqsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaji
f.g/lg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) U muujin kalsooni iyo debecsanaan qof dhagar lala maagganyahay. Tusaale: “Dambiililhii mudda dheer waa la daajiyay dabadeese waa la qabtay”. 2. (f.lg) Xoolo meel daaq leh soofin. la-mid: daaqsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daajin
m.f.dh eeg daaji. la-mid: daajis, daaqsiin, daaqsiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaji
f.g/lg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) U muujin kalsooni iyo debecsanaan qof dhagar lala maagganyahay. Tusaale: Dambiililhii mudda dheer waa la daajiyay dabadeese waa la qabtay. 2. (f.lg) Xoolo meel daaq leh soofin. m.f.dh, daajin. la-mid: daaqsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaroor
-ta: (magac, dhedig, keli) geed laama buurbuuran oo dhuux yar oo jilicsan leh. Waa geed jabi og oo ka baxa dhulka dibirka ah iyo meelaha ciidda dhanaan ee geelu ku daramoodo. Bacaroor dibir ku taalliyo waxaan geela qoborosh daaqsiiyey Dh: baroor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaji
(fal) dhul baad leh gee, dhul daaq leh soo daaqsii. Soo daaji adhiga banka marta webiba'ay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacarsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolaha dhacar daaqsiin. Dhacrsiga la dayn maayo iyo dhiilkii lays baraye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yiblo
(fal) 'xoolo' idinkoo biyo cabbey caws waa; wabax noqo. Lo' yahay yiblo Eebbaan raxmad ka sugaynaaye.
yiblo -da: (magac, dhedig, keli) xoolo biyo cabbay oo aan cows helin ama la daaqsiin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pacage
pacage, n.m. - naqa xooluhu daaqaan; doogga xooluhu cunaan; daaqsiinta xoolaha; meesha xooluhu daaqaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
paître
paître, v. - daaqsiin (xoolo); qof markad erido ama banaanka aad iska mariso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaji
de: pasture, make (livestock) graze at ~ on
lx: daaji
pd: (daajiyey)
ps: v2a=ditr
see: daaqsii
key: daaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqniin
-ka: (mgac, lab, keli) cunniinka xoolaha ee cawska iyo dhirta. Daaqniin ka horba waanu waraabinnay geela.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsimo
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka xooluhu daaqaan. Daaqsimo ayaa dhulkan loogu tala galay. Dh: daaqsin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalacsii
-yey / say: (v) promote (pora-mowt); raise (reeyz); elevate (ela-veeyt) ~ dallacsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalamsii
(fal) (ka ~) wax la cuno afka dhakhso u dhex geli. Afka ku dalamsii muuska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ka gudbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaafsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ka gudbin. m.f.dh, dhaafsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaafsii
v.caus: make something pass over ~ through, cause to cross
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafsii
-yey: (v) make someone cross; Ex: carruurta jidka dhaafsii; cross the children to the street
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaafsii
de: make s.t. pass over ~ through, cause to cross
lx: dhaafsii
pd: (dhaafsiiyey)
ps: v2a=caus
key: dhaafsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqi
m.l Nooc shabaagta ka mid ah oo lagu dabo libaaxbadeedka yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqsi
m.l la-mid: duqsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqsi
m. n. fly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daqsi
-ga: (n) fly (falaay) ~ diqsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqsi
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan madmadaw oo duula oo xilliyda badhkood aad u bata oo qoqoyaanka iyo guddafadaha ku tarma. Dh: diqsi, duqsi, dikhsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqsi
a: diqsi ~ duqsi {S}
de: fly
lx: daqsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: daqsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: aaddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqsi
(Baaqsi-ga)
(xoolo) Aan waqtigii uu rimi lahaa, rimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqsi
m.l la-mid: baaqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqsi
m. n., [collective] livestock that does not conceive at the expected time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqsi
-ga: (magac, lab, keli) ka baaqsi - wax la qaban lahaa ama meel iyo madal ka maqnaansho.
baaqsi -ga: (magac, lab, keli) neef xilligii uu rimi lahaa tebiyay oo aan rimin. Dh: tebis. Li: rimay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaqsi
de: livestock that does not conceive at the expected time
lx: baaqsi
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: baaqsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsii
(fal) (ka ~) cabsi geli, baqdin ku rid. Ka baqsii oo libaax baa bawdka soo galay ku dheh. Dh: cabsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahsi
m.l la-mid: daahsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqid
(Daaqid-da)
Daaq cunidda xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqid
m.f.dh eeg daaq². la-mid: daaq¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqid
vl. n. grazing; browsing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daaqid
-da: (n) the act of grazing or pasturing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqid
de: grazing; [ext., fig.] browsing
lx: daaqid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: daaqid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) daaqidda tigaadda iyo dhirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqso
f.lg3 (-saday, -satay) Meel daaq u leh xoolo u daaq gaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaqso
f.lg3 (-saday, -satay) Meel daaq u leh xoolo u daaq gaysasho. m.f.dh, daaqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqso
v. take one's livestock out for grazing; feed (livestock)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqso
(fal) xoolo daajiso oo meelba meesha ay ka naq badan tahay geyso. Dh: daajiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqso
de: take one's livestock out for grazing; feed (livestock)
lx: daaqso
pd: (daaqsaday)
ps: v3a=
key: daaqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Ilmo xoolaad, yar, aan hooyo lahayn, neef kale nuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabsii
(fal) waxar kolba ri' la jaqsii mid kale. Doog waynihii baad ri' xuna iga dabsiiseene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqsi
m.dh la-mid: dhaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqsi
-ga: (magac, lab, keli) degdeg iyo hore wax u qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax nuujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax nuujin. m.f.dh, jaqsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaqsii
v.caus: nurse, make someone suck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaqsii
-yey / say: (v) suckle (sakel); nurse (neersi); cause to suck, especially breast or udder ~ nuuji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqsii
(fal) ilmo yar, naas nuuji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaqsii
de: nurse, make s.o. suck (e.g., a baby or the young of animals)
lx: jaqsii
pd: (jaqsiiyey)
ps: v2a=caus
key: jaqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: liqsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqsii
v.caus: cause to sink, make someone drown
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqsii
(fal) waxuu laqo si dhunjisii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqsii
de: cause to sink, make s.o. drown See also: liqsii
lx: laqsii
pd: (laqsiiyey)
ps: v2a=caus
key: laqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waasii
f.lg2 (-iiay, -iisay) Cid wax ay heli lahayd gefsiin. la-mid: weysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waasii
(fal) qof kali wax uu rabay seeji. Dh: waysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansii
(fal) labo ama in ka badan oo ay dacwo dhex taal, u garqaad oo baanahooga ka dhegeyso Dh: garransii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Badda si xoog leh wax uga soo jiidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caarsii
v.caus: beach (a boat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarsii
(fal) doon iyo wixii la mid ah, meel xeeb ah gee. Dh: xeebi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caarsii
de: beach (a boat)
lx: caarsii
pd: (caarsiiyey)
ps: v2a=caus
key: caarsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqsad
(Daaqsad-ka)
Xoolo caws ama geedo ay cunaan siisad ama kob ay ka cunaan geysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsad
m.l la-mid: daaqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsad
vl. n. grazing, feeding livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo foofin oo geyn meel ay wax ka cunaan. Dh: daaqsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsad
de: grazing, feeding livestock
lx: daaqsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: daaqsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax ku fillaysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deeqsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax ku fillaysiin. m.f.dh, deeqsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqsii
v.caus: give freely ~ generously; satisfy everyone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deeqsii
-yey / say: (v) make sufficient or adequate; suffice (sa-faays); satisfy (satis-faay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqsii
(fal) wax ku fillaysii. Dadka meesha jooga oo dhan deeqsii raashinka. Dh: gaadhsii, le'ekaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqsii
de: give freely ~ generously; satisfy everyone
lx: deeqsii
pd: (deeqsiiyey)
ps: v2a=caus
key: deeqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax fahamsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhacsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax fahamsiin. m.f.dh, dhacsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacsii
v. explain, elucidate; make someone understand
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhacsii
-yey / say: (v) make someone understand; explain (ikis-paleeyn); elucidate (i-uu-sidheeyt); clarify (ka-laara-faay) ~ ka dhaadhacsii, u bayaani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsii
(fal) cid xoolo laga dhacay u rid. Dh: dhici.
dhacsii: (fal) hadal ka raarid oo fahamsii. Dh: dhaadhici, dhaadhacsii, garansii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacsii
de: explain, elucidate; make s.o. understand
lx: dhacsii
pd: (dhacsiiyey)
ps: v2a=tr
key: dhacsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof ama wax dilid.