daaqcune
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqcune
m.l (cilmiga naflayda) Xayawaanka cuna daaqa gaar ahaan naasley kasta oo dhirta cunta, sida qoobleyda lo'da, dameeraha iyo wixi lamida. Daaqcunayaasha waxa astaan u ah ilka qabatimay ridqidda caleemaha. la-mid: daaqe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqcune
-ha: (magac, lab, keli) xayawaanka cuna daaqa gaar ahaan naasley kasta oo dhirta cunta. Daaqcunayaasha waxa astaan u ah ilka qabatimay ridqidda caleemaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoobley
m.dh.u Naasley qoobab leh oo had iyo jeer qabitimay orodka dhulka bannaanada ah. Waa daaqcune u nool kooxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqe
m.l la-mid: daaqcune.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaqe
m.l la-mid: daaqcune.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqe
-ha: (magac, lab, keli) eeg daaqcune.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacin
m.f.dh eeg daaci².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacin
-ta: (magac, dhedig, keli) wixii uu cunay in ka mid ah ka hunqaacin. Kolka la daacaqudmo ayay daacintu fiican tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacuf
m.dh Timo ama dhogor dheer, si xun u baxay ama aan la habeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daacuf
m.dh Timo ama dhogor dheer, si xun u baxay ama aan la habeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacuf
f. n., (mass n.): hair, fur (of an animal); unkempt beard ~ hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacuf
-ta: (magac, dhedig, keli) nin timihiisu aanay isku habaysnayn, gaar ahaan gadhka.
daacuf -ta: (magac, dhedig, keli) shaash iyo timo badan oo madaxa ku soo rogmada. Aar daacuf leh ayaa duudda ku jira. Dh: halab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacuf
de: hair, fur (of an animal); [fig.] unkempt beard ~ hair
lx: daacuf
pd: (-ta)
ps: n2a-f-mass
key: daacuf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqan
(tilmaame) meel la daaqay oo aan cosob ahayn. Dhul daaqan baa reerkii la dejiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadcun
m.l.kh (-nno, m.dh) 1. D. ah: awr dadka qaniina. 2. D. ah: nafleyda inteeda hilibka dadka quudan karta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dadcun
m.l.kh (-nno, m.dh) 1. D. ah: awr dadka qaniina. 2. D. ah: nafleyda inteeda hilibka dadka quudan karta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadcun
m. n., [compound] (adj.): cannibal; ogre; man-eating, bloodthirsty, ferocious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dadcun
-ka: (n) cannibal (kaanibal) ~ dadqal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadcun
-ka: (magac, lab, keli) awrka dadka cuna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadcun
cf: dadqaad, dadqal
de: cannibal; ogre; [atr.] man-eating, bloodthirsty, ferocious
lx: dadcun
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dadcun
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lacune
lacune, n.f. - lakab maqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daacuun
(Daacuun-ka)
Cudur la is qaadsiiyo oo isku kol dad badan ku dhaca ama dhul ballaaran ku baaha; (daacuun-caloolo, dabaxaw; koleera, tiifo, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacuun
daacuun¹: m.l Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. la-mid: daacuun-calooleed, daacuuncaloolo.
daacuun²: m.l (daawo) Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daacuun
daacuun¹: m.l Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. la-mid: daacuuncalooleed, daacuuncaloolo.
daacuun²: m.l (daaw.) Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada 'vibrio cholerae'. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacuun
m. n. cholera
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daacuun
-ka: (n) cholera (kalora) ~ daacuun-caloolo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacuun
-ka: (magac, lab, keli) cudur keena shuban. xoog leh oo degdeg qofku u nafbaxo, ka dib fuuqbax ku dhaca ruux. Daacuun baa ka dillaacay tuullada. Dh: daacuuncalooleed, koleera, dabbaxaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacuun
a: daacuuncaloolo (/ha ~ /da) [n-m/f]
bw: Arabic
de: cholera
lx: daacuun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: daacuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaduun
-ka: (magac, lab, keli) qax meel dheer loo daaduumo oo loo hayaamo. Dh: dalandool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqgee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Xoolo daajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqgee
v. take animal out to graze
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqgee
de: take animal out to graze
lx: daaqgee
pd: (daaqgeeyey)
ps: v2b=tr
key: daaqgee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqsin
(Daaqsin-ta)
Meel xooluhu daaq ku gaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsin
m.dh (-nno, m.l/dh) 1. Daaq. 2. Fogaanta u dhexeysa guriga iyo meesha ay xooluhu daaqa ugu tagaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaqsin
m.dh (-nno, m.l/dh) 1. Daaq. 2. Fogaanta u dhexeysa guriga iyo meesha ay xooluhu daaqa ugu tagaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daaqsin
Pasture
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsin
f. n. grazing place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daaqsin
-ah: (n) grazing land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhulka tigaadda iyo dhirta leh ee ay xooluhu daagaan. Dooxada daaqsin fiican baa ku taalla.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsin
de: grazing place
lx: daaqsin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: daaqsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaruqe
m.l Dixri yaryar oo boogaha ku dhasha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaruqe
m.l Dixri yaryar oo boogaha ku dhasha.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhaqane
nickname; name-m cleansed; pure, sinless or well-preserved
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhaqane
magac loo baxsho wiil qurux daraaddeed la moodo mid maydhan. Waxa kale oo loo baxshaa wiil loo rajaynayo in uu noqdo mid dhaqaale ahaan dhaqa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaquun
m.dh (-nno, m.dh) 1. Qof haween ah oo aan waxtar iyo caqli midna lahayn. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaquun
(tilmaame) neef aan cayilin oo aan dhalmo na lagu ogayn. Hashaadu waa saaquun aan dhalayn.
saaquun-ta: (magac, dhedig, keli) qof haween ah oo aan waxtar iyo caqli midna lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaarcun
(tilmaame) wax xaarka cuna ah.
xaarcun -ka: (magac, lab, keli) nooc kalluunka ka mid ah oo ku nool xaaxiga badda. Dh: fareey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabbule
m.l la-mid: daabbulad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabbule
-ha: (magac, lab, keli) inka raashinka jallaha ah uudka ka qaada ee meel lagu kaydiyo geeya. Dh: daadgureeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacufle
m.l Qof ama neef daacuf ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daacufle
m. n. person with untidy hair; animal with messy fur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacufle
-ha: (magac, lab, keli) magac ka mid ah kuwa loo yaqaan libaaxa. Daacuflaha ka soo baxso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daacufle
de: person with untidy hair; animal with messy fur
lx: daacufle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: daacufle
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
raricune
raricune, n.f. - uur ku sid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabdulle
m.l Bir dhuuban oo koorta ilaheeda lagu dalooliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadguree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax badan meel si degdeg ah uga qaadid. 2. Wax iyadoo meel kale la geynayo halis ka badbaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daadguree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax badan meel si degdeg ah uga qaadid. 2. Wax iyadoo meel kale la geynayo halis ka badbaadin. m.f.dh, daadgurayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daadguree
v. transfer, evacuate (a large quantity of something); resettle, relocate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daadguree
- yey / daadgureysay: (v) evacuate (ivaaku-weeyt); clear out; pull out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadguree
(fal) eeg daadguray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daadguree
de: transfer, evacuate (a large quantity of s.t.); resettle, relocate
lx: daadguree
pd: (daadgureeyey)
ps: v2b=
key: daadguree
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daanweyne
nickname-m the one with a protruded jaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabtuse
-ha: (magac, lab, keli) qalab loo adeegsado in lagu muujiyo in ay walaxi danabaysan tahay iyo in kale.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhaashane
name-m creamed, greased, lubricated; well-groomed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhaashane
magac loo baxsho wiil quruxdiisa la moodo in uu dhaashi marsan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaquurre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Ubad geel oo dhashay isagoon bila dhammeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaquurre
-ha: (magac, lab, keli) ubad geel oo dhashay isagoon bila dhammeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunee
(fal) saabuun ku maydh. Dh: saamuunee, saabuunay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamuunee
(fal) saabuun ku dar ama marmari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadduunshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) Budh weyn oo lagu dagaalamo. la-mid: daanduunshe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduunshe
-ha: (magac, lab, keli) wax dadka dhibaato iyo qax u horseeda. Dh: masaafuriye, qaxiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduunshe
m.l la-mid: daadduunshe.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABA-CUNCUN
(Daba-unun) NFD Commiphora africana (A. Rich.) Engl. Burseraceae.
S, May Commiphora palmatifoliolata Chiov. Burseraceae.