daanduumid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduumid
m.dh la-mid: daadduumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduumi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: daadduumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadduumid
m.f.dh eeg daadduun². la-mid: daanduumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduumid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato abaareed ama coleedeed awgeed meel dheer u hayaamid oo dhulka ka qayaadid. Dh: daaduumis, hayaamid, qaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduumin
m.dh la-mid: daadduumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daganduugid
m.f.dh eeg daganduug². la-mid: daganduug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daganduugid
-da: (magac, dhedig, keli) wax deggan dabada ka marid oo dhicid ama wada dilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaduumi
(fal) qaxi oo meel dheer u hayaami. Wixii aan waddani ahayn naga daaduumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadduumi
f.g2 (-iyay, -isay) Feer, laad iyo wixi lamida cid dhulka la dhigid. la-mid: daadduunsii, daanduumi, daanduunsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduumi
(fal) rafaad iyo dullinimo ku reeb, Dadkii deegaankan way daadduumeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadduumin
m.f.dh eeg daadduumi. la-mid: daadduunsiin, daanduumin, daanduunsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduumin
-ta: (magac, dhedig, keli) rafaad iyo dullinimo ku reebid. Daadduuminta dadkan ku dhacday waa mid murugo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduumis
-ta: (magac, dhedig, keli) rafaad iyo dullinimo aan waxba la ahaysan, faramadhnaan lagu jiro. Daadduumista dadkan ku dhacday waa mahadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaamid
(Daandaamid-da)
Daandaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaamid
m.f.dh eeg daandaan². la-mid: daandaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu dhacay dartiis, la wareerid. Dh: daandaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakanaduugid
m.f.dh eeg dakanaduug². la-mid: dakanaaduug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakanaduugid
-da: (magac, dhedig, keli) heshiist gaadhid oo xumaan iyo dakane wixii jiray masaxid. Dh: uurxaadhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduunsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: daadduumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadufid
m.f.dh eeg daaduf². la-mid: daaddufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduun
daanduun¹: m.l la-mid: daadduun¹.
daanduun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay) la-mid: daadduun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dundumid
m.dh la-mid: diddimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dundumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhisnaa oo taagnaa, burburid oo kolba in ka dumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaadumid
m.f.dh eeg adaadun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaadumid
-da: (magac, dhedig, keli) guri, xoolo ama wax kale, unkid oo alkumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaddufid
m.dh la-mid: daadufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaddufid
-da: (magac, dhedig, keli) baahi iyo wax la'aan, la warwareegid. Danley daadufid lagama waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaami
f.g2 (-iyay, -isay) Feer, laad iyo wixi lamida cid ku wareerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaami
v. make someone dizzy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaami
(fal) intaad wax ku dhufato wareeri oo tabarbeel ku rid. Feedh ayuu ninku odayga ku daandaamiyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandaami
de: make s.o. dizzy
lx: daandaami
pd: (daandaamiyey)
ps: v2a=tr
key: daandaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadduucid
m.f.dh eeg dadduuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadduucid
-da: (magac, dhedig, keli) neef ido ah labada lugood qabasho oo sare u qaadid, labada jeeni oo hore ku socodsiin oo hore u riixid. Dadduucid baan laxda adhiga ugu keenay.
dadduucid-a: (magac, lab, keli) qof inuu meel tago diiddan si dhib leh ku kaxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguumid
m.f.dh eeg ganguun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadlumid
-da: (magac, dhedig, keli) qarsoomidda raad lagu joogay oo la daba socday.
raadlumid -da: (magac, dhedig, keli) tafiirgu'id; dabargu'id. Ilaahoow raadlumid naga hay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaamin
(Daandaamin-ta)
Daandaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaamin
m.f.dh eeg daandaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamin
-ta: (magic, dhedig, keli) tamarbeel ku ridid. Dh: wareerin, daandaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) tabarbeelis ku ridis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhamid
m.dh la-mid: dhadhamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhamid
-da: (magac, dhedig, keli) sida cunto ama cabbitaan carrabku u dareemo oo uu dhandhankoogu yahay. Dh: dhadhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhemid
m.dh la-mid: dhadhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhashuumid
(Dhashuumid-da)
Dhashuun yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhashuumid
m.f.dh eeg dhashuun². la-mid: dhashuun¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhashuumid
-da: (magac, dhedig, keli) dhashuun samayn; heemid oo meel kasoo bixid. Nabarku hadduu dhashuun sameeyo dhakhtar teg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) si foolxun, dareere u fuuqsasho. Dh: haanfuurid, fuuqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuurid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere, si foolxun u haanfuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguurid
m.f.dh eeg jaanguur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduunsiin
m.dh la-mid: daadduumin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanduunsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaxin oo meel dheer u daaduumin. Daanduunsiinta maatida maxaad ka helaysaa. Dh: daaduunsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaandhaamid
m.f.dh eeg dhaandhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaandhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) jahawareerid wax kala garanwaasho. Shaqala'aantu waa dhaandhaamid. Dh: jahawareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqanguurid
(Dhaqanguurid-da)
Dhaqanguur ku dhacay; dhaqanwareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqanguurid
m.f.dh eeg dhaqanguur². la-mid: dhaqanguur¹ (2), dhaqanguuris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqanguurid
-da: (magac, dhedig, keli) is beddelid oo caadooyinkii iyo dhaqankii dadka aad ku abtirsato ka tegid; dhaqan kale qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhuumid
m.f.dh eeg dhuundhuun². la-mid: dhuundhuun¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuumid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u bislaasho oo u muudhmuudhid. Hilibku dhuundhuumidda ayuu ku macaan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamandhuurid
m.f.dh eeg kamandhuur². la-mid: kamandhuur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamandhuurid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi foolxun fariisasho; kuududid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuugid
-da: (magac, dhedig, keli) naas jiqid, naas dhaadhyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daacaqurmid
(Daacaqurmid-da)
Daacaqurun ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacaqurmid
m.f.dh eeg daacaqurun². la-mid: dacwashiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacaqurmid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daacqudhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadduunsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: daadduumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduunsii
(fal) xaqi oo meel dheer u hayaami. Maatida daaduunsii yaanay abaaraha ku le'ane. Dh: qaxi, hayaami, dalndooli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduunshe
m.l la-mid: daadduunshe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabandeebid
m.f.dh eeg dabandeeb². la-mid: dabandeeb¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabandeebid
-da: (magac, dhedig, keli) noqnoqod badan samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandoolid
m.f.dh eeg dalandool². la-mid: dalandool¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandoolid
-da: (magac, dhedig, keli) socoshada xilli aan munaasib ahayn oo kulul. Dh: dhalandhoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubduubmid
m.dh la-mid: duudduubmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudduubmid
m.f.dh eeg duudduuban¹. la-mid: duubduubmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiindhuumid
m.f.dh eeg jidiindhuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magankuutimid
(tilmaame) qof magan ah oo marti kuugu hoyday kaana tegeya.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daa'uud
name-m beloved; David; Prophet in the holy Qur'an
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaduri
-ga: (magac, lab, keli) god shinidu malabka ku samayso. Dh: gaaguri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaduun
-ka: (magac, lab, keli) qax meel dheer loo daaduumo oo loo hayaamo. Dh: dalandool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daarmid
m.f.dh eeg daaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarmid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, nal ama wax kale, shidmid oo if bildhaamaya bixin. Tiriiggu daarmiddii wuu iska diiday: Dh: daarmis, shidmid, ifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danduul
m.dh (-llo, m.dh) Weel bir ka samaysan oo marka ceelasha la qodayo dhoobada lagu qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danduul
-sha: (magac, dhedig, keli) weel bir ka samaysan oo marka ceelasha la qodayo dhoobada lagu qaado.
danduul-sha: (magac, dhedig, keli) halka malabka shinnidu ku samayso ee geedka ka soo laadlaadda. Dh: handuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadaamid
m.f.dh eeg aadaan². la-mid: aadaan¹, aaddamid, aaddaan¹, eedaamid, eedaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadaamid
-da: (magac, dhedig, keli) salaadka oo ah cibaado si gaar ah loo guto, ku baaqid. Dh: addimid, addimaad, eedaamid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddamid
m.dh la-mid: aadaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afduubid
(Afduubid-da)
Xoog ku kaxaysasho; qafaalid; boojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afduubid
m.f.dh eeg afduub². la-mid: afduub¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduubid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo xoog ku kaxaysad; qafaalashada dad ama duunyo. Dh: afduubis.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
afduubid
خَطَّفَ اخْتِطَافِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanduul
-ka: (magac, lab, keli) biyaha doonta soo gala, meesha godan ee ay isugu tagaan ama ay fadhiistaan. Dh: banduul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baduugid
(Baduugid-da)
Burburin, jejebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduugid
m.f.dh eeg baduug. la-mid: baduugis, baduujin, baduujis, baduuqid, baduuqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore u jiray baabi'intii ama burburintii. Dh: jejebin, burburin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduuqid
m.dh la-mid: baduugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuumid
-da: (magac, dhedig, keli) martiqaadid iyo sooryayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayuumid
m.f.dh eeg cayuun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daa'imid
(Daa'imid-da)
Ku waarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daa'imid
m.f.dh eeg daa'in. la-mid: daayimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'imid
-da: (magac, dhedig, keli) abidba jirid. Dahabka waxa lagu doorbidaa daa'imidda. Dh: waarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabulid
m.f.dh eeg daabul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabulid
-da: (magac, dhedig, keli) daldalid oo raashin uud ka qaadid oo meel lagu kaydiyo u qaadid. Dh: daldalid, daadgurayn.