daaljire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaljire
-ha: (magacwadareed) ciidanka u qaabilsan ilaalada dalka. Daaljire dalka iyo dadkuu cadawga ka jiraa. Dh: daljire.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daljire
-ha: (magac, lab, keli) eeg daljir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daljir
* (Daljir-ka)
Askari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daljir
m.l (-rro, m.dh) Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo qaabilsan difaaca dalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daljir
m. n., [compound] soldier
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daljir
-ka: (n) soldier (soljar) ~ askari. Ex: daljirka daahsoon; the unknown soldier
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daljir
-ka: (magac, lab, keli) qof ilaaliya danaha waddankiisa sida askariga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daljir
de: soldier
lx: daljir
pd: (-ka)
ps: n7-m-cmp
xe: the statue of the unknown soldier
xv: taallada daljirka daahsoon
key: daljir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax daal hayo nasin (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaltir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax daal hayo nasin (nafley). m.f.dh, daaltirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaltir
v. make someone rest
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaltir
de: make s.o. rest
lx: daaltir
pd: (daaltiray)
ps: v1=tr
key: daaltir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danjire
* (Danjira-ha)
Safiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danjire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Nin wakiil ka ah dawlad kale; safiir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danjire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Nin wakiil ka ah dawlad kale; safiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danjire
m. n., [compound] ambassador; charge d'affaires
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danjire
-ha: (n) ambassador (antbaasidar) ~ ambaashatoor. Ex: danjiraha Soomaalida ee Maraykanka; the Somali Ambassador to USA
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Danjire
Ambasciatore
Ambassador
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danjire
-ha: (magac, lab, keli) qofka dalka kale u fadhiya danaha dalkiisa. Danjirihii waddankeenna dheegdheeg u fadhiyey waa la soo eryey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danjire
de: ambassador; chargŽ d'affaires
lx: danjire
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: danjire
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Cid daal hayay si uu uga ba'o; nasasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaltiro
v., [compound] rest
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaltiro
de: rest
lx: daaltiro
pd: (daaltirtay)
ps: v3b=cmp
key: daaltiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaltirad
(Daaltirad-ka)
Daaltirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirad
m.l la-mid: daaltirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaltirad
-ka: (magac, lab, keli) eeg daalgoosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirid
m.f.dh eeg daaltir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabtire
-ha: (magac, lab, keli) wax kaste oo wax danab leh ka lumiya danabka oo ka yeela dhexdhexaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalshire
m.l Xabsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaalshire
m.l Xabsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaalshire
m. n. prison, jail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaalshire
-ha: (n) prison (prizeri), penitentiary (pena-ten-shari); jail (jeel)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaalshire
de: prison, jail
lx: gaalshire
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: xabsi {C & S}
key: gaalshire
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaji
f.g/lg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) U muujin kalsooni iyo debecsanaan qof dhagar lala maagganyahay. Tusaale: “Dambiililhii mudda dheer waa la daajiyay dabadeese waa la qabtay”. 2. (f.lg) Xoolo meel daaq leh soofin. la-mid: daaqsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaji
f.g/lg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) U muujin kalsooni iyo debecsanaan qof dhagar lala maagganyahay. Tusaale: Dambiililhii mudda dheer waa la daajiyay dabadeese waa la qabtay. 2. (f.lg) Xoolo meel daaq leh soofin. m.f.dh, daajin. la-mid: daaqsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaji
ditransitive v. pasture, make (livestock) graze at ~ on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daaji
-yey / say: (v) graze (gareeyz); pasture (paas-jer)', put animals out to grass or pasture; browse (baraaws')
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaji
(fal) dhul baad leh gee, dhul daaq leh soo daaqsii. Soo daaji adhiga banka marta webiba'ay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaji
de: pasture, make (livestock) graze at ~ on
lx: daaji
pd: (daajiyey)
ps: v2a=ditr
see: daaqsii
key: daaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ama nafley noog ku ridid. 2. Qof wax uu u baahanyahay u raadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ama nafley noog ku ridid. 2. Qof wax uu u baahanyahay u raadin. m.f.dh, daalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daali
v. tire, make tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daali
(fal) wax tabar daran ka dhig. Dh: nooji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daali
de: tire, make tired
lx: daali
pd: (daaliyey)
ps: v2a=tr
key: daali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahir
1. Aan uskag lahayn; nadiif ah; hufan.
2. (Daahir-ka) Muuqaalka kore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahir
daahir¹: m.l 1. (dii.) Aan najaso lahayn; nadiif. 2. Sida muuqata ama muqaalka guud.
daahir²: f.mg1 (-ray, -rtay) (dii.) Soo ifbixid; soo bixid. Tusaale: “Nebi Maxamed (s.c.s) wuxuu soo daahiray muddo laga joogo 14 qarni iyo hodhodho”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daahir
daahir¹: m.l 1. (dii.) Aan najaso lahayn; nadiif. 2. Sida muuqata ama muqaalka guud.
daahir²: f.mg1 (-ray, -rtay) (dii.) Soo ifbixid; soo bixid. Tusaale: Nebi Maxamed (s.c.s) wuxuu soo daahiray muddo laga joogo 14 qarni iyo hodhodho. m.f.dh, daahirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Daahir
name: Dahir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahir
v. appear, be manifested [in religion.]
daahir m. n. (adj.): ritual purity; religious manisfestation ~ appearance; cleansed, ritually purified
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daahir
name-m ritual purity; religious manifestation; appearance; cleansed, ritually purified
name-m clean
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daahir
-ah: (adj) 1. pure (piyuur)-, religiously pure 2. daahir -ka: (n) something that can be seen —is
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daahir
magac loo baxsho wiil loo baryayo in uu noqdo mid xumaha ka maydhan oo diinta ku wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahir
(fal) soo muuqo oo soo bax. Dayaxii baa soo daahiray.
daahir: (tilmaame) wax aan wasakh lahayn; wax aan wax uskag ah lahayn. Maradu waa daahire ku tuko. Dh: nadiif.
daahir -ka: (magac, lab, keli) muuqaalka kore ee ishu qabanayso. Li: dahsoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daajin
(Daajin-ta)
(xoolo, kd.) daaq siin ama meel ay ka daaqaan geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daajin
m.f.dh eeg daaji. la-mid: daajis, daaqsiin, daaqsiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daajin
vl. n. grazing, pasturing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daajin
-ta: (magac, dhedig, keli) u foofgaynta xoolaha meel daaq leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daajin
de: grazing, pasturing
lx: daajin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: daajin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daajis
m.l la-mid: daajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daajis
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolaha oo dhul baad leh loo soofiyo. Daajista xooluhu way ku naxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daakir
f.mg1 (-ray, -rtay) Arooryo hore addimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daakir
inch. v. read ~ study the Koran in the early morning
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daakir
name-m one who remembers God frequently
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daakir
(fal) aadaanka lagu hiraabtu ku dhawaaq. Mu'addinku xilli hore ayuu daakiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daakir
bw: Arabic
de: read ~ study the Koran in the early morning
lx: daakir
pd: (daakiray)
ps: v1=inch
key: daakir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalib
daalib¹: m.l 1. Qof wax doonaya. 2. Qof wax baranaya.
daalib²: f.g1 (-bay, -btay) Wax doonid ama raadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daalib
m. n. petitioner, suitor; student
daalib v. request ~ ask for something
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalid
(Daalid-da)
Daal iska garasho; daal hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalid
m.f.dh eeg dąal². la-mid: daalis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
daalid
tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl darteed oo aad dareento tabartii oo kaa dhammaatay. Dh: noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalin
(Daalin-ta)
Si daal u qabto gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalin
m.f.dh eeg daali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daalin
m. n. oppressor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalin
-ta: (magac, dhedig, keli) tacab iyo tabardarri ku beerid. Dh: noojin, daalis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daalin
a: daalim
bw: Arabic
de: oppressor
lx: daalin
pd: (-ka Pl: daalimiin (ta))
ps: n8-m
key: daalin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalis
(Daalis-ta)
Socodka ama hawsha kaddib daal iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalis
m.dh la-mid: daalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daalis
vl. n. fatigue, being tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalis
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, daal ku keenid. I jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis. Dh: dakaamis.
daalis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg daalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daalis
de: fatigue, being tired
lx: daalis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: daalis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalli
m.dh Oori; haweeney.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daamir
(Daamir-ka)
Wax cumur ah oo layiig ah oo madow oo wax ku dhegdhega oo qoryaha iyo dhuxusha. kd., lagala soo baxo; laami; (ama daamur).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daamir
m.l Walax layiig dhegdheg ah, madow, oo jidadka lagu sameeyo; laami. la-mid: daammur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daamir
m.l Walax layiig dhegdheg ah, madow, oo jidadka lagu sameeyo; laami. la-mid: daammur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daamir
m. n. tarmac, blacktop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daamir
-ka: (magac, lab, keli) walax midab madow oo ah hadhaaga shidaalka caydhiin ah, badiyaana loo isticmaalo samaynta waddooyinka. Dh: gaamur, daamur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daamir
a: daamur
de: tarmac, blacktop
lx: daamir
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: laami
key: daamir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danjir
m.l la-mid: danjire.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danjir
-ka: (magac, lab, keli) qof hawl ku mashquulsan oo aan baashaalin. Dh: danyaqaan, dangarad. Li: danmoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faajir
(Faajir-ka)
Macsilow; saani; dhillay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faajir
m.l (-riin/-rro, m.dh) Nin wax diintu xaaraantimaysay sameeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faajir
m.l (-riin/-rro, m.dh) Nin wax diintu xaaraantimaysay sameeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faajir
m. n. womanizer, adulterer; {religion} non-believer, infidel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faajir
-ka: (n) heretic (heratik); unbeliever of Islamic faith [religion] ~ gaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faajir
-ka: (magac, lab, keli) qof denbi iyo dulmi badan sameeya; qof macsilow ah. Faajir looma hiiliyo. Dh: daalin, macsilow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faajir
bw: Arabic
de: womanizer, adulterer; {religion} non-believer, infidel
lx: faajir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: faajir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haajir
haajir¹: m.l 1. Qof dal durugsan aadaya. 2. la-mid: haajirid. la-mid: haayir¹ (3).
haajir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Qof meeshii uu ku noolaa ka qaxid. la-mid: haayir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haajir
f.mg1 (-ray, -rtay) Qof meeshii uu ku noolaa ka qaxid. m.f.dh, haajirid. la-mid: haayir.