daalibid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalibid
m.f.dh eeg daalib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalicid
(Daalicid-da)
Kor u soo bixid; soo fuulid; soo daalacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalicid
m.f.dh eeg daalac². la-mid: daalac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalicid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka soo daahirid. Daalicidda awliyadu waa sheeko aan sal diineed lahayn. Dh: daahirid, muuqad, daalicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaligid
-da: (magac, dhedig, keli) cunid iyo raamsi calalin leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalibid
(Gaalibid-da)
Orod gaalib ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalibid
m.f.dh eeg gaalib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalibid
-da: (magac, dhedig, keli) orodka gaalibka ordid. Li: hardafidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirid
m.f.dh eeg daaltir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabid
(Daabid-da)
Daab la qabto u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabid
m.f.dh eeg daab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax daabi ku dhacday oo buka noqosho. Nirgaha daabidda ka ilaaliya. Dh: daabis.
daabid-da: (magac, dhedig, keli) gudun, billaawe. taki, dongore iyo wixii la mid ah, daab u samay. Dh: daabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalib
daalib¹: m.l 1. Qof wax doonaya. 2. Qof wax baranaya.
daalib²: f.g1 (-bay, -btay) Wax doonid ama raadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daalib
m. n. petitioner, suitor; student
daalib v. request ~ ask for something
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalid
(Daalid-da)
Daal iska garasho; daal hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalid
m.f.dh eeg dąal². la-mid: daalis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
daalid
tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl darteed oo aad dareento tabartii oo kaa dhammaatay. Dh: noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalbid
(Dalbid-da)
Doonid; weyddiisasho, rabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalbid
m.f.dh eeg dalab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalbid
-da: (magac, dhedig, keli) doonitaanka wax aad rabtid. Dh: rabid, codsad, weyddiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalici
f.g2 (-iyay, -isay) Wax muujin; wax kor u soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąalidid
m.f.dh eeg bąalid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalidid
-da: (magac, dhedig, keli) curinta gabayga oo laga raago ama laga maago.
baalidid -da: (magac, dhedig, keli) weel aan bilo waxba lagu shuban ama lagu ridan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daa'imid
(Daa'imid-da)
Ku waarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daa'imid
m.f.dh eeg daa'in. la-mid: daayimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'imid
-da: (magac, dhedig, keli) abidba jirid. Dahabka waxa lagu doorbidaa daa'imidda. Dh: waarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabicid
(Daabicid-da)
1. Si daabac ah u qorid.
2. (dhar, kd.) daabac u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabicid
m.f.dh eeg daabac². la-mid: daabac¹ (4), daabacaad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Daabicid
Stampatura
To print
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabicid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qorayo makiinad ku qorid oo wax waraaqo ku daabacan ka dhigid. Daabicidda wargeysyadu shaqo badan ayay u baahan tahay. Dh: daabicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabixid
m.dh la-mid: daabaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaficid
(Daaficid-da)
Wax iska celin ama cid kale ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaficid
m.f.dh eeg daafac². la-mid: daafac¹, difaac¹, difaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaficid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax dhibaya ka horjoogsasho oo hoo iyo hiilba la garab joog- sasho. Daaficidda dacwadaha waxa u xilsaaran afookaaga. Dh: daaficis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahirid
(Daahirid-da)
Soo bixid; muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahirid
m.f.dh eeg daahir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahirid
-da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) soo muuqasho oo soo bixid. Soo daahiridda waxyaa- baha cusubi waxay innooga baahan yihiin talo iyo tusaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daakirid
m.f.dh eeg daakir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daakirid
-da: (magac, dhedig, keli) dikri iyo duco eedaanka subaxa horteed akhrin oo dadka salaada xasuusin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalacid
-da: (magac, dhedig, keli) soo muuqasho, soo bixid. Soo daalacidda arrintan muddaa la sugayay. Dh: daalicid, daahirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daalib_1
bw: Arabic
de: petitioner, suitor; [ext.] student
hm: 1
lx: daalib
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: daalib_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daalib_2
a: daalab
bw: Arabic
de: request ~ ask for s.t.
hm: 2
lx: daalib
pd: (daalibay)
ps: v1=tr
key: daalib_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalicin
m.f.dh eeg daalici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayicid
m.dh la-mid: dayicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayicid
-da: (magac, dhedig, keli) baylihin oo wax dayacan ka dhigid. Ammaanada daayicidda ka daa oo xafid. Dh: halladaadin, baylihin, dayicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayimid
m.dh la-mid: daa'imid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayimid
-da: (magac, dhedig, keli) wax weligiiba jira ahaan. Dh: daa'imid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabiibid
(Dabiibid-da)
1. Qof buka geedo siin ama dacarfaalid.
2. Takhtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabiibid
m.f.dh eeg dabiib². la-mid: dabiib¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabiibid
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka, geedo, Qur'aan ama wax kale, ku daawayn. Wadaadku dabiibidda ijaaso ayuu u haystaa. Dh: baanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dallicid
(Dallicid-da)
1. (cunno) dallac ka dhigid.
2. Darajo kore gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallicid
m.f.dh eeg dallac². la-mid: dallac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallicid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto suugayn oo idaam u samayn.
dallicid-da: (magac, dhedig, keli) derejo sare gaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalligid
-da: (magac, dhedig, keli) si basarxumi ah wax farabbadan u cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darribid
m.f.dh eeg darrib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darribid
-da: (magac, dhedig, keli) tadriib u samayn. Dh: tababarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaligid
m.f.dh eeg faalig. la-mid: faalugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaligid
-da: (magac, dhedig, keli) raq iyo wixii la mid ah, kolba in weyn ka gooso oo madhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaligid
-da: (magac, dhedig, keli) si aad iyo boob ah wax u cunid. Haldhaa iyo maroodaan bartiyo yey wax haaliga'e. Dh: hiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaayibid
(Qaayibid-da)
1. Wax cusub ama aan la arki jirin si fiican ugu dhex noolaansho, ugu dhaqmid, u barasho, jabsasho.
2. Wax u bogid, jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaayibid
m.f.dh eeg qaayib. la-mid: qaayib¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaayibid
-da: (magac, dhedig, keli) wax cusub ama aan la arki jirin si fiican ula qabsasho; ugu dhaqmid; u barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallibid
m.f.dh eeg qallib². la-mid: qallib¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taa'ibid
(Taa'ibid-da)
Ilaah u soo noqosho; toobadkeenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taa'ibid
m.f.dh eeg taa'ib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taa'ibid
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaah u soo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajibid
m.f.dh eeg waajib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalifid
-da: (magac, dhedig, keli) qabatimid; caadaysasho. Kii yaraa waalifid baa ku dhacday oo qaad iyo sigaar ayuu daba ordaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daxaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho ama wax midhidhay ahaan. Dh: daxlid, midhidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaadixid
m.f.dh eeg adaadax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaalixid
m.f.dh eeg alaalax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalgabid
(Caalgabid-da)
Maaro iyo itaal waayid: quusasho; axgabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalgabid
m.f.dh eeg caalgab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalgabid
-da: (magac, dhedig, keli) maaro iyo itaal loo waayo talo iyo arrin la hayay. Dh: quusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caallirid
m.f.dh eeg caallir². la-mid: caallir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caallirid
-da: (magac, dhedig, keli) bararid oo fasasid. caallirsan: (tilmaame) bararsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalqabid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka caalka qabid. Dh: caalow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahiilid
m.dh la-mid: diihaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaltirad
(Daaltirad-ka)
Daaltirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirad
m.l la-mid: daaltirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaltirad
-ka: (magac, lab, keli) eeg daalgoosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawoobid
m.f.dh eeg daawow. la-mid: dawoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dawo ku bogsasho oo ku caafimaadid. Kolkii nafaqada la siiyay ayaa daawoobid ugu horraysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaxirid
m.f.dh eeg dabaxir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacatiyid
m.dh la-mid: tacaddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacatiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale ku tacaddiyid ama ku xadgudbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaabid
-da: (magac, dhedig, keli) dal shisheeye oo la tago. Dh: dhuyaalid, dalaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaawicid
(Dhaawicid-da)
Dhaawac gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawicid
m.f.dh eeg dhaawac².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaawicid
-da: (n) the act of injuring or inflicting a wound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawicid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhaawac gaadhsiin oo cawirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaliilid
(Dhaliilid-da)
Sidii laga filana hayay si weydaarsan oo ama ka hoosaysa ama ka liidata, ku arkid; ceeb u yeelid; saluugid; ka qawadid; liidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaliilid
m.f.dh eeg dhaliil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaliilid
Insoddisfazione
Dissatisfaction
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaloobid
m.f.dh eeg dhalow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaloobid
(Gaaloobid-da)
Diinta Muslinka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaloobid
m.f.dh eeg gaalow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) diinta Islaamka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halalicid
m.f.dh egg halalac³. la-mid: halalac¹.