daalalolibcas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalalolibcas
-ta: (magac, dhedig, keli) afarta daalallo labada hore oo ku beegan toban iyo siddeed iyo toban iyo sagaal ee dayaxa oo leh saadaal togan, roob iyo barwaaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalalomadhan
-ta: (magac, dhedig, keli) labada dambee daalallo oo ku beegan godadka 21-22 lehna saadaal taban. Daalallo madhan gabadha dhalataayi way guur beeshaa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
diabolical
/dhayabolikal/ (adj) shayddaan ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldaloolis
m.dh la-mid: daldaloolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldaloolis
-ka: (magac, lab, keli) walax, daloollo badan u yeelid.
daldaloolis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg dalda- loolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naylakobcis
m.l Geed yar oo meelaha sallaxyada ah ka baxa oo leh laamo yaryar oo jiljilicsan oo si gaar ah isugu dhafma ilaa uu yeesho qaab dhulmaneed oo iduhu aad u jecelyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalaadhacis
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl kaa taagroon la ciirciirid. Daalaadhacis bay ku dhammeeyeen goyntii beerta. Dh: daalaadhicis. daalaadhacitaan -ka: (magac, lab, keli) daalaadhacis hawleed, la ciirciiritaan.