ereyga

daacuuncalooleed

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daacuuncalooleed

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) xanuun dilaa ah oo shuban badan iyo madag leh oo nadaafadxumada iyo gaajada ka dhasha. Xeryaha qaxootiga ayuu daacuuncalooleed ka dillaacay. Dh: shuban, kalloore, daacuun.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daacuun-calooleed

DHAFAN

m.l la-mid: daacuun¹.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daacuuncaloolo

DHAFAN

m.l la-mid: daacuun¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daacuuncaloolo

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) eeg daacuuncalooleed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

daacuun

DHAABAN
1

daacuun¹: m.l Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. la-mid: daacuuncalooleed, daacuuncaloolo.

2

daacuun²: m.l (daaw.) Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada 'vibrio cholerae'. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daacuun

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) cudur keena shuban. xoog leh oo degdeg qofku u nafbaxo, ka dib fuuqbax ku dhaca ruux. Daacuun baa ka dillaacay tuullada. Dh: daacuuncalooleed, koleera, dabbaxaw.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabaxaw

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) cudur, shuban-biyood xoog ah. Dh: daacuun, daacuuncalooleed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dheecaancalooleed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dheecaanka ay soo daayaan qanjirrada caloosha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dheecaan-calooleed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dheecaanka ay soo daayaan qanjirrada caloosha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuundaloolid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhuundhalool.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuundaloolid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xiisayn oo aad ugu jajabnaan ama ku xeeldheeraan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

boogcalooleed

DHAFANDHAAF
1

boogcalooleed¹: m.dh (-dyo, m.dh) Nabar caloosha ka soo baxa. la-mid: boogcaloolo.

2

boog-calooleed²: m.dh (-dyo, m.l) (daawo) Boog ku sameysmata caloosha waxaana keena aasidhka oo gubeysa caloosha. Aasidhka caloosha ma bato. Astaamaha: matag iyo xanuun caloosha cunnada kaddib, waxaa iman kara dhiigbax iyo waxa kaloo dhici kara kala xirin caloosha iyo xidmaha markii nabarku buskoodo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

boogcalooleed

DHAFANDHAAF
1

boogcalooleed¹: m.dh (-dyo, m.dh) Nabar caloosha ka soo baxa. la-mid: boogcaloolo.

2

boogcalooleed²: m.dh (-dyo, m.l) (daaw.) Boog ku sameysmata caloosha waxaana keena aasidhka oo gubeysa caloosha. Aasidhka caloosha ma bato. Astaamaha: matag iyo xanuun caloosha cunnada kaddib, waxaa iman kara dhiigbax iyo waxa kaloo dhici kara kala xirin caloosha iyo xidmaha markii nabarku buskoodo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

boogcalooleed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) boog ama nabar caloolsha ka soo baxa. Dh: boogcaloolo, gaastari, nudub.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ilmacalooleed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka korrinkiisu gaadho heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu dhalanayo waxaa la idhaahdaa ilmo calooleed. ilmooley m.dh Haweeney carruur badan oo yaryar leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Boog-calooleed

DHAFANDHAAF
1

(Boog-calooleed-da)

2

Nabar caloosha ka soo baxa; (ama boog-caloolo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

boog-calooleed

DHAFANDHAAF

f. n. stomach ulcer

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ilmo-calooleed

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka korrinkiisu gaadho heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu dhalanayo waxaa la idhaahdaa ilmo calooleed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kalluungoomeed

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) kalluunka ku nool shacaabiga badda. Kalluungoomeed bad laga waayey waa koran kurus laga waayey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kufri-calooleed

DHAFANDHAAF
1

(Kufri-calooleed-ka)

2

Munaafaqnimo (ama kufri-caloolo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

kufri-calooleed

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] one who is secretly an infidel; hypocrite

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

SAABUUN-DHULEED

DHAFANDHAAF

(Sabun-duled) May Momordica spinosa (Gilg) Chiov. Cucurbitaceae.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maxsuul'aayooneed

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) taranta ribnaannada: kw = [H+][OH-] ee biyaha oo ka dhalatay ayoonoobidda xaddi yar oo biyo ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maxsuul-aayooneed

DHAFANDHAAF

m.l (-yo, m.dh) (kiimika) Taranta ribnaannada: kw = [ H+ ] [ OH- ] ee biyaha oo ka dhalatay ayoonoobidda xaddi yar oo biyo ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

maxsuul-aayooneed

DHAFANDHAAF

m.l (-yo, m.dh) (kiim.) Taranta ribnaannada: kw = [ H+ ] [ OH- ] ee biyaha oo ka dhalatay ayoonoobidda xaddi yar oo biyo ah.

waa la naqliyay ✓