daacuun-calooleed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacuun-calooleed
m.l la-mid: daacuun¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacuuncalooleed
-ka: (magac, lab, keli) xanuun dilaa ah oo shuban badan iyo madag leh oo nadaafadxumada iyo gaajada ka dhasha. Xeryaha qaxootiga ayuu daacuuncalooleed ka dillaacay. Dh: shuban, kalloore, daacuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacuun
daacuun¹: m.l Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. la-mid: daacuun-calooleed, daacuuncaloolo.
daacuun²: m.l (daawo) Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cholera
/kolara/ (n) daacuun-calooleed.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
colèra
s.m. - daacuun calooleed.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cholera
cholera, n.m. - Daacuun calooleedka (Cudur dalalka kulul ku badan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacuuncaloolo
m.l la-mid: daacuun¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacuuncaloolo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daacuuncalooleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheecaan-calooleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dheecaanka ay soo daayaan qanjirrada caloosha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheecaancalooleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dheecaanka ay soo daayaan qanjirrada caloosha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boog-calooleed
(Boog-calooleed-da)
Nabar caloosha ka soo baxa; (ama boog-caloolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boog-calooleed
f. n. stomach ulcer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmo-calooleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Uurjiifka naasleyda, gaar ahaan dadka, marka korrinkiisu gaadho heer loo aqoonsan karo muuqaallada qof weyn. Dadka uurjifkiisu laga billaabo siddeed toddobaad ilaa inta uu dhalanayo waxaa la idhaahdaa ilmo calooleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufri-calooleed
(Kufri-calooleed-ka)
Munaafaqnimo (ama kufri-caloolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufri-calooleed
m. n., [compound] one who is secretly an infidel; hypocrite
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAABUUN-DHULEED
(Sabun-duled) May Momordica spinosa (Gilg) Chiov. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxsuul-aayooneed
m.l (-yo, m.dh) (kiimika) Taranta ribnaannada: kw = [ H+ ] [ OH- ] ee biyaha oo ka dhalatay ayoonoobidda xaddi yar oo biyo ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maxsuul-aayooneed
m.l (-yo, m.dh) (kiim.) Taranta ribnaannada: kw = [ H+ ] [ OH- ] ee biyaha oo ka dhalatay ayoonoobidda xaddi yar oo biyo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daafad-xagleed
m.l (fiisikis) Summad L. Taranta keynaanka xagleed ee walaxda (w) iyo wahsiga maroojiskeeda. Tusaale: “L = Iw”.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluungoomeed
-ka: (magac, lab, keli) kalluunka ku nool shacaabiga badda. Kalluungoomeed bad laga waayey waa koran kurus laga waayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacaan-ganaceed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxsuul'aayooneed
-ka: (magac, lab, keli) taranta ribnaannada: kw = [H+][OH-] ee biyaha oo ka dhalatay ayoonoobidda xaddi yar oo biyo ah.